SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NUGAAL
 
Daabaco Boggan | Print

 
Warbixin Ku Saabsan Jaamacadda Nugaal (Nugal University)
Asad Cadaani Ibraahim

assadlaska@yahoo.com

Laascaanood, Soomaaliya

Laascaanood(Radiolascaanod.com)Sat.27/11/04:-Waxay si Rasmiya Ardaydu ugu dareereen Jaamacadda Nugaal(Nugal University ) 24/11/04 iyada oo ay ku timi talaabooyin muddo dheer laga soo shaqaynayey oo ay iska kaashadeen aqoon yahan badan oo u dhashay Goboollada Puntland Gaar ahaan Guu dahaana Soomaaliya.

Jaamacadda Oo haatan lagu Bilaabay 39 Arday Ilaa iyo Haatana ay bilow tahay ayna socdaan Diiwaan galintii ayaa waxa lagu talo jiraa in korloo qaado tayada Jaamacada. 

Mar aan Booqasho ku tagay Jaamacadda ayaa waxa si habsami ah u soconaysay hawlihii jaacamadda iyada oo ay durtaba ardaydu si toos ah u qaadanayaan xiisadahii loo gu talo galay, waxaana Xarunta Kumeel gaadhka ee Jaamacadda aan kula kulmay  Hawlwadeenka Jaamacadda Eng C/kariim Cali Jaamac Muxuuna Xogwaran kooban iga siiyey sida ay Jaamacaddu Haatan u hawl-gasho isaga oo sheegay in hada lagu Bilaabay 39 Arday , diiwaan galintiii iyo Imtixaanaadkii lagu qiimaynayey ardaydana uu wali socdo .

 

 

 

 

 

 

  

Waxa kale oo uu iiga xogwaramay Eng C/kariim Cali Jaamac in ay haatan ku bilaabeen Jaamacdaa Madooyin Ardayda Ladoonayo In ay Duruusta Rasmiga ah Kula qabsadaan Kuwaas, looguna sii diyaariyo Kuliyadaha, oo socondoona Muddo Lix bilood ah Maadooyinka ay hada baranayaan oo kala ah English, math , Chemistry ,Biology iyo Arabic, iyada oo ay ka hawl galayaan haatan jaamacda Todoba Macalin, mustaq balkana ay ku soo biiri doonaan macalimiin kale. 

Xilliga ay Ardaydu dhigato Jaamacadda mar uu ka waramayey Eng C/kariim waxa uu sheegaya in markii la fiiriyey duruufaha Ardayda badankeeda oo shaqaale u badan ayaa la go’aamiyey in Jaamacadda la Bilaabo duruusteeda 4:00 Galab-nnimo Ilaa iyo 9:00 Fiidnimo , iyada oo Dib u habanyn lagu samayndoono.  

Ardayda aan kula kulmay Jaamacada Nugaal ayaa Shucuur Farxadeed Ka muuqatay iyaga oo qaar kamid ahi ii sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in maanta  Laascaanood Waxbarasho heer Jaamacadeeda laga baranayo, Waxayna sheegeen in ay ku rajo weyn yihiin in ay natiijo wanaagsan ka gaadhidoonaan. 

 

 

 

 

 

 

Jaamacadda Nugaal ayaa  waxa 14/09/04 Si rasmi ah u furay madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Maxmed Cabdi Xaashi. 

Asad Caddaani Ibraahim
Radiolascaanod.com
Laascaanood Puntland J.F.Soomaaliya

assadlaska@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2004


Sam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa
Waqtigaas oo uu na xukumay wasiir... Maxamed Diridhaba

Dhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadigaa ah Shuqul kuma laha
waxaase dhabarka u ridanaya xukuumadda SL C/Waaxid Khalif

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD