Guddoomiyaha
Maamulka Degmada Baardheere "Sida Cadaado Iyo Guriceel Ay Isku Yihiin Ayay Isku
Yihiin Kismaayo Iyo BaardheereDadka Reer
Baar Dheere ,Godo Iyo Garbahaarey Sida Ay Uga Careysan Yihiin Qabsashada
Kismaayo Wareysi Muujinayo Dhinacyo Badan Taabanayo Ayaa Waxaa Kaga Hadlaayo
Gudoomiyahay Maamulka Dagmada Baardheere Wareysigiina Wuxuu U Dhacay Sidaan
Guddoomiyaha Maamulka Degmada Baardheere
Maxamuud Sheekh Xasan Ayaa Ka Warbixiyay Xaaladaha Gobolka Gedo Iyo Sida Ay U
Arkaan In Barre Hiiiraale Uu Magaaladaasi Yimaado, Wuxuuna Yiri
" Baardheere Hadda Nabad Gelyo Weeye Laakiin
Waa Kacsan Tahay, Kaddib Markii La Soo Weeraray Degmada Kismaayo Guud Ahaan
Gobolka Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe Iyo Gobolka Gedo Seddaxdaasi Gobolba Waa
Kacsan Yihiin, Kacsanaanta Seddaxdaasi Gobola Shacbiga Ku Nool Uu Qabo Ayay
Degmada Baardheerena La Wadaagtaa,
Su'aal: Kacsanaanta Aad Sheegeysaa Guddoomiye
Maxay Tahay?
Jawaab: Degmada Kismaayo Ayaa Magaalada Xamar
Looga Soo Duulay, Kismaayo Oo Ka Tirsan Gobollada Dadkan U Nasab Sheegtaan Ee
Ay Degaan, Waxaana Ku Soo Duulay Dadka Ku Nool Gobolka Banaadir (Xamar), Waxaana
Nagu Suulay Xasan Daahir Aweys Iyo Nin La Yiraahdo Aadan Ceyrow, Xasan Daahir
Aweysna Waaba La Yaqaanaa Inuu Cidda Tan Dagaallo La Galo Oo Hadda Ka Hor
Gobolka Gedo Ayuu Fidno Ka Huriyay Oo Dadkan Gobolka Ku Nool Oo Weligood
Dhexdooda Isaga Daadin Ayuu Isku Diray, Taasoo Dhibaato Badan Noo Geysatay,
Xasan Daahir Aweys Wuxuu Ahaa Ninkii Magaalada Beledxaawo Difaaca Ku Wareejiyay,
Wuxuu Ahaa Ninkii Yiri: Dadka Halkan Deggan Ayaan U Dhashay, Hadda Tii Iyada
Aheyd Ayuu Ka Turjumayaa, Ayaa Isaga Beesha Uu Ka Dhashay Iyo Beeshannadu Xiriir
Fiican Baa Ka Dhexeeyay Oo Walaanimo Iyo Wada Shaqeyn Iyo Wax Wada Qabsi, Si Uu
Xiriirkaasi U Xumeeyo Ayuu Degmada Kismaayo Weerarka Ugu Soo Qaaday.
Su'aal: Marka Maxaa Iska Kiin Quseeya Kismaayo
Iyo Baardheere Illeyn Waa Labo Gobol Oo Aan Shaqo Isku Laheyn?
Jawaab: Magaalada Galgaduud, Magaalada
Dhuusamareeb Iyo Xasan Daahir Aweys Wax Baa Iska Quseeya, Sida Magaalada
Kismaayo Iyo Gobolka Gedo Iyo Gobolka Baardheereba Ay Wax Isaga Quseeyaan,
Kismaayo Dadkanagii Baa Ku Nool, Guryahagii Baa Ku Yaalla,Caruurtayadii Baa Ku
Nool, Ganacsigayagii Baa Ka Furan, Waa Magaalo Aan U Nasab Sheegano Oo Aan
Degno, Magaalo Aan Qabsannay Ma Ahan.
Su'aal: Waxaad Ka Warrantaa Bare Hiiraale Oo
Kismaayo Ka Soo Baxsaday Baa Baardheere Ku Sugan, Ilaa Iyo Iminka Dadka Ma La
Hadlay, Idinkuse Kulamo Ma La Qaadateen?
Jawaab: Col. Barre Kismaayo Kama Soo Baxsanin
Si Nabad Gelyo Ayuu Uga Soo Baxay, Isagoo Dadkeedii Deggan Yahay, Oo Ayan Xabbad
Ka Dhicin, Gobolka Jubbada Hoose Ayuu Ku Soo Maray Socdaal Dhulka Ah, Isagoo
Nabad Ayuu Noo Yimid, 60 Baabuurta Dagaalka Ah Iyo 1000 Maleeshiyo Ayuuna Wataa,
Magaalada Baardheere Ayuuna Ku Sugan Yahay, Wuxuuna La Tashi La Sameynayaa
Madaxda, Saraakiisha Iyo Salaadiinta Degmada Baardheere, Guud Ahaanna Gobolka
Deg-Deg Ah Ayuu Uga Kulmayaa Xaaladda Ka Soo Cusboonaatay Kismaayo.
Su'aal: Waxaad Ka Warrantaa Guddoomiye Arrintan
La Xiriirta Barre Hiiraale Imaanshihisa Magaalada Baardheere Ma Waxay Tahay Mid
Ku Salleysan Sidii Abaabul Dagaal Dadka Deegaanka Ula Gali Lahaayeen Si Kismayo
Ay Mar Kale Gacantiisa Ugu Soo Laabato?
Jawaab: Gobolka Dadka Ku Nool Iyo Dadka
Kismaayo Noo Harayba Waxaa Ka Go'an Xasan Daahir Aweys Inaanan Kismaayo U Daynin,
Sidii Aan Gedo Uga Saarnay Hadda Ka Hor Ayaan Haddana Kismaayo Uga Saareynaa Ma
Garatay?
Su'aal: Sheekh Xasan Daahir Aweys Baad Soo
Hadal Qaadday Inuu Qabsaday Magaalada Kismaayo, Wuxuuna Ku Sugan Yahay Magaalada
Muqdisho Wax Duulaan Ah Oo Uu Ku Qaaday Ma Jirto Magaalada Kismaayo, Waxaana La
Wareegay Kismaayo Ciidamada Maxaakiimta Oo Ay Hoggaaminayeen Dadka Caanka Ah Iyo
Culimaa'udiinkii Deegaankaas, Maxay Tahay Sababaha Aad Ugu Soo Celcelineyso In
Sheekh Xasan Uu Yahay Ninka Qabsaday Magaalada Kismaayo?
Jawaab: Nimanka La Yiraahdo Ceyr Xulufo Ayaanu
Aheyn, Iskaashi Baa Naga Dhexeeyay, Xasan Daahir Aweys Baa Rag Soo Diray Nin
Ceyr La Yiraahdo Uu Hoggaaminayo Ciidan Uu Diray Baa Xamar Ka Baxay, Imbareeso
Ayuu Ku Hakaday, Indhacadde Ayaa Ciidamo Ku Daray Ceyrku Leeyahay, Dagaalkaasi
Waa Dagaal Ceyr Hoggaaminayo, Heshiiskannagii Iyo Xulufeysigiina Waa Bur-Buray,
Sideedaba Annagoo Sade Mareexaan Ah Mar Kasta Waxaan Isku Dhacnaa Wixii Aan
Heshiis La Galno Oo Ka Bacdi Inta Nagu Takabura Heshiiskannagii Ka Baxa,
Aakhirkana Guusheeda Annaga Ayaa Yeelanna, Nimankan Hadda La Yiraahdo Sidii
Qaasim Loo Soo Doortay Xulufo Ayaanu Aheyn, Iskaashi Baanu La Heyn, C/Qaasim
Waad Ogsoon Tahay Balanbale, Caabudwaaq Iyo Galgaduud Oo Dhan Ayaan Soo Wada
Marinay, Kuwii Kismaayo Nala Joogay Baa Xiriir Wanaagsan Nagala Dhexeeyay, Kuwa
Xamar Jooga Ayaan Iskaashi Laheyn, Marka Arrimahaas Hadda Waa Ka Takabureen,
Qolooyinka Hadda Reer Sade Mareexaan Ee Xamar Ku Nool Waxaan Ugu Baaqayaa
Deg-Deg Inay Magaalada Xamar Isaga Baxaan, Magaalada Kismaayana Insha Allaahu
Haddii Ay Iyagu Maxaakiim La Baxeen Annagana Xaakimiin Baan Nahay, Kutubkooda
Magan Uma Nihine Kitaabka Ilaahay Baan Magan U Nahay, Isaga Ayaanu Ku Xukumeynaa,
Mansabkanaga Iyo Dhulkanaga, Ilmanahaga Iyo Xaasaskanaga Inaan Difaacno Xil Na
Saaran Weeye, Arrintaasi Iyada Ah Uma Dul Qaadan Doono, Shacabkuna Waa Ka Kacay,
Barrena Dadka Ayuu Ka Dhashay, Waxa Dadku Yahay Ayuuna Wax Ka Yahay, Sarkaal
Geesi Ah Oo Hoggaamiye Fiican Ah Weeye, Meeshii Dadku U Dirsado Ayuuna Aadi
Doonaa.
Su'aal: Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka
Jubbada Hoose Waxa Tagay Waa Golihii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed Oo Nabad
Buuxda Ka Aslaaxiyay Magaalooyinka Muqdisho Iyo Meelo Kale Oo Ay Tageen Oo Awal
Loo Caal Waayay In La Nabadeeyo, Maxaad Ku Diidan Tihiin Haddii Nidaamka
Kacdoonka Ee Muqdisho Ka Billowday Ay Magaalada Kismaayana Dooneyso Inay Ka Qeyb
Gasho, Dadkii Deegaankuna Ay Dalbadeen In Maxkamaduhu Halkaasi Tagaan?
Jawaab: Dowladanadii Dhexe Waa Bur-Burtay,
Qabiil Qabiil Baa Loo Kala Baxay, Dadka Muqdisho Deggan Ananga Nama Xukumaan,
Nidaamka Iyagu Ay Wataan Iyaga Ayuu Gaar U Yahay, Annaga Nagu Qasbi Mahayaan,
Cid La Xukumi Karaana Haddii Ay Jirto Kal Hore Ayay Soomaali Is Qabi Laheyd,
Sidaas Darteed, Iyagu Maxkamadahooda Ha Ahaadaan, Annaguna Xaakimiin Baan La
Bixi Doonaa Haddii Ilaahay Yiraahdo, Ha Nooga Baxeen Gobolkanaga Iyo Dadkanaga
Dhexdiisa Ha Nooga Baxeen, Nabad Nooma Keenin Hadda Ee Dagaal Bay Noo Keeneen,
Barakac Bay Noo Keeneen, Cunaqabateyn Dhaqaale Oo Ganacsi Bay Noo Keeneen,
Dekedihii Oo Xirmay Ayay Keeneen, Airporadii Oo Xirmay Ayay Keeneen, Dadkii Oo
Geedi Iyo Kala Carar Galay Bay Keeneen, Arrimahaasoo Dhanna Uma Baahnin, Waxaan
U Soo Jeedineynaa Inay Naga Baxaan, Haddii Ay Naga Bixi Waayaan Hadde Wixii Aan
Kala Helno Ayay Yeelan Doonaan.
Su'aal: Waxaad Tihiin Maamulkii Baardheere,
Barre Hiiraalena Baardheere Ayuu Haatan Ku Sugan Yahay, Baardheerena Waxay Ka
Mid Tahay Goobaha Itoobiyaanku Ay Ka Dhigteen Fariisimo Oo Mar Walba Ay Soo
Maraan, Isla Markaana Kama Hadashaan, Maxaa Haatan Eedeyn Uga Hor Keeneysaan
Maxaakiimta Oo Kismaayo Tagay?
Jawaab: Weligeed Baardheere Itoobiyaan Ma
Imaanin, Bardheere Waa Magaalo Soomaaliyeed, Waa Magaalo Diimeed, Waa Magaalo
Nabadeed, Waa Magaalo Horusocod Weeye, Ciidamo Shisheeye Weligeed Ma Imaan,
Waxaan Ugu Dambeysay Gaalii Ilyan La Yiraahdo Ciidamo Uu Watay Ayaa Yimid,
Isagana Waa Lagu Dilay, Taariikhda Saas Ayay U Leedahay, Dadka Baardheere Ma
Ahan Dadka Calanka Jamhuuriyadda Gubo Ma Ahan, Sida Ay Qolyaha Maxkamadaha
Sheeganaya Ay U Gubeen Calankii, Itoobiya Xuduud Baanu Leenahay, Dowladda
Kenyana Xuduud Baanu Leenahay, Haddii Xasan Daahir Aweys Iyo Calooshood U
Shaqeystayaashu Ay Naga Bixi Waayaan Waxaanu Kaashan Doonaa Oon U Sheegayaa
Dadka Kufri Iyo Muslim Wixii Aan Isaga Dhicin Karno Iyo Wixii La Mid Ah Si Aan
Dalkanaga Iyo Degmooyinkanaga Uga Saarno.
Su'aal: Luuq Iyo Garbahaarey Iyo Deegaanada
Kale Oo Beledxaawo Ay Ka Mid Tahay Gobolka Gedo Ayay Ka Tirsan, Ma Waxaad
Inkireysaa In Itoobiyaanku Mar Walba Soo Galaan?
Jawaab: Waa Jirtay Xilli Ay Soo Galeen
Sanaddii 1997dii, Isla Markiiba Dadkii Deegaanka Degganaa Baa Ka Saaray, Wax
Ciidamo Shisheeye Ah Oo Deggan Laga Soo Bilaabo 1997dii Ma Jiraan.
Su'aal: Qorshaha Barre Hiiraale Ee Baardheere
Muxuu Yahay?
Jawaab: Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda KMG
Soomaaliya Barre Aadan Shire Barre Hiiraale Waa Nin Ka Dhashay Dadka Meeshan
Deggan, Kii Maxkamadaha Isu Dhiibahayay Oo Ceyr Baan Ahay Anigu Lahaa Sida
Yuusuf Mire Seeraar Waa Qasab Haddii Nidaamkii Bur-Buray Qabiiladiisa Iyo
Beeshiisa Inuu Wax La Qabsado, Hogaamiyo, Wixii Dhib Ah Oo Soo Wajahana Uu Kala
Qeyb Qaato, Si Nidaamkeeda, Magaceeda Iyo Diinteeda Loo Difaaco.
Su'aal: Rag Ka Awood Badnaa Kana Magac Dheeraa
Oo Muqdisho Ku Sugnaa Ayaa Hubkoodii Maalin Cad Maxkamaduhu La Wareegeen, Barre
Muxuu Ku Diidan Yahay Umuurtaas, Muxuu Ilaa Iyo Hadda Ugu Hoggaansami La' Yahay
In Hubkiisa Uu Maxkamadaha Ku Wareejiyo?
Su'aal: Waan Jeclaa Inaad Su'aashaasi I
Weydiiso, Kuwa Aad Leedahay Waa Ka Qiimo Badnaayeen Waa Ka Magac Dheeraayeen,
Haddii Ay Ka Magac Dheeraayeen Mooryaanimo Uun Bay Dheeraayeen (Jirrinimo) Kuwii
Airporka Haystay Bay Ahaayeen, Kuwii Dekedaha Haystay Bay Ahaayeen, Kuwii
Dadkooda Xasuuqahayay Bay Ahaayeen, Barre Hiiraale Airporkiisa Waa Furnaa,
Dekediisa Waa Furneyd, Dadkiisu Ma Xasuuqeyn, Kuwaas Dadkooda Ayaa Nacay, Barre
Iyo Ragga La Midka Ah Ee Saraakiisha Ah Ummaddooda Ayaa Rabta.
Su'aal: Haddii Ay Dhab Ka Tahay Inuu
Qaranimadii Uu U Dhaartay Oo Wasiirka Gaashaandhigga Uu Yahay, Muxuu Ilaa Iyo
Iminka Baydhabo U Tagi La' Yahay Oo Kismayo Uu U Joogay?
Jawaab: Waxaad La Socotaa Barre Hiiraale
Baydhabo Inuu Tagay, Is Jiid-Jiidkii Ka Dhexeeyay Dowladd Xubnaheeda Kala
Geddisan Inuu Isa Soo Jiiday, Waxaad La Socotaa Balcad Iyo Muqdisho Inuu Tagay,
Waxaad La Socotaa Dadka Balcad Iyo Muqdisho Inuu Isku Soo Jiiday, Waxaad La
Socotaa Gogol Dhiggii Qarameed Inuu Ka Fidiyay Kismaayo, Waxaad La Socotaa
Aakhirkii Inuu Kormeer Ku Soo Maray Gobolkakan Gedo, Waxaad La Socotaa Xurguftii
Ka Jirtay Meesha La Yiraahdo Ceelwaaq Ee U Dhexeeyay Garre Iyo Mareexaan Inuu
Dhameeyay, Waxaad La Socotaa In Ay Qeylo Ka Timid Kismaay Oo Loo Baahdo Oo
Dadka Kismaayo Jooga Ay U Yeerteen, Waxaad La Socotaa Inuu Waday Nidaam Nabad
Gelyo Ah, Beelaha Jooga Inay Arrimahooda Iyo Aayahooda Ka Wada Tashaan, Ilaa
Looga Soo Duulay Meesha La Yiraahdo Muqdisho, Nidaamkaas Ayuu Waday Korneylku,
Haddana Waxaan U Malaynayaa Howlihiisa Inuu Sii Laba Jibaari Ma Ogiye Waxyaabaha
Hadda Kaga Yimid Dadka Xamar Iyo Duulaanka Moraalkiisa Inaysan Waxba U Dhimi
Doonin.
Su'aal: Hadda Dagaal Buu Abaabulayaa Sow
Maahan?
Jawaab: Wixii Kugu Soo Duula, Dagaal Ma
Abaabulayo Oo Is Difaac Buu Abaabulayaa, Annaga Oo Dhan Ayaana La Qabna Inaan Is
Difaacno.
Su'aal: Guddoomiye Ku Xigeenkiisii Iyo
Taliyihiisii Ciidanka Intuba Kismaayo Ayay Ku Sugan Yihiin, Ma Aanay Diidin
Maxkamaduhu Inay Deegaanadaas Tagaan, Hubkoodiina Way Ku Wareejiyeen, Muxuu
Isagu Si Gaar Ah Uga Tabanayaa Maxkamadaha Oo Uu Uga Cararay?
Jawaab: Kuwaasi Niman Fiican Bay Ahaayeen Intii
Ay Nala Shaqeynayeen, Laakiin Caadifad Qabiil Ayaa Qaadday, Oo Ceyrow Iyo Xasan
Daahir Aweys Bay Isku Dhiibeen, Waadna Maqleysay In Yuusuf Mire Seeraar Uu
Xildhibaanimadii Isaga Baxay, Caadifaddii Qabiilka Iyo Guushaas Dhalanteeda Ah
Ee Kismaayo Lagu Galay Ayaa Beer Qaadday, Waxaana Filayaa Inay Arrintaasi Noqon
Doonto Oday Waalan Wan Ka Qala Daruur La Yiraahdo Ayaa Jirta Oo Xagaaga Timaadda,
Midda Iyada Ah Inay Noqon Doonto Ayaan Filayaa, Arrimo Sal Leh Aysan Noqon
Doonin Oo Dadkii Dalka U Dhashay Iyo Dadkii Ayaa Kacay, Waxaan Filayaa Kuwa Soo
Duulay Muddo Saas Aan U Dheereyn Waa Laga Saari Doonaa.
Kaasina Wuxuu Ahaa Guddoomiyaha Maamulka
Degmada Baardheere Maxamuud Sheekh Xasan Wareysi Siiyey Radiyi Siinba Ee
Magaalada Muqdisho
Muuse Maxamuud Jiisow
Musejisow@Hotmail.Com
Muqdisho Somaliya
002521576666
002521653623