Saaka ayaan u
fariistey inaan akhriyo maqaallo dhowr ah oo laga qorey
Samsam Axmad Ducaale. Markaan gunaanadey
baa waxaan dhegeystey wareysi uu BBC-da siiyey sarkaal la yiraahdo
Maxamad
Cige Cilmi. Waxaan is weydiiyey sidee buu nin ay da’diisu awoowe
gaadhey, biliis sharci-yaqaan ah, taliye ciidan ka ah gobol lagu
amaaney nabad iyo xasillooni, ay uga suurowdaa in uu taageero buuxda
siiyo dulmiga intaa le’eg. Ogaalladii xasuusta ayaan dib ugu laabtey,
markaasaa waxaa ii soo baxay laba sheeko oo Soomaaliya ka dhacay laba
wakhti oo kala duwan, kuwaas oo aad isu diidaya. Midda hore waxay tahay
degmada Fiiq ayaa waxay leedahay xabaalo lagu aaso dadka dhinta. Waxaa
lagu magacaabaa Xabaalihii Ina Cismaan Libaax.
Waxaa loogu magac daray ninkii ugu horeeyey ee halkaas lagu aasey.
Ninkaasi waxaa diley laba nin oo walaalihiis ah (ilma
Cismaan Libaax). Sababta ay u dileen waxay ahayd, walaakood oo
fara xumeeyey gabar inan ah. Dhacdadaas oo degaanka ugub ku ahayd ayuu
eedsaday ninka halkaa lagu aasey.
Sheeko kale ayaa
tilmaameysa hoobashada xoogga weyn iyo xaalufka ba’an ee Soomaalida kaga
dhacay xagga dhaqanka. Bilowgii sanadihii 90-aadkii, gabar gashaanti ah
ayaa aqalkeedii niman budh-cad ah kala baxeen. Meeshu waxay ahayd Xamar,
xaafadda Xamar-weyne. Budh-caddu waxay ahaayeen lix nin. Gabadhii waxay
geysteen meel aqal ah. Halkaas ayay in muddo ah ugu rahmaneyd oo mid
waliba uu goortuu doono u galmoonayay. Kadib markii ay laba ilmood u
dhashay ayaa qaddartii Eebe waxay ahaatay in raggii budh-cadda ahaa ay
ku dhamaadaan sharci-darradii iyo dhicii Xamar yiil. Gabadhaas iyo
labadeedii ilmood ayaa maanta waxay ku nool yihiin degmo u dhow magaalo
ay Somalidu ku badan yihiin. Markey qof Soomaali ah aragto waa ay ka
cararadhaa oo cuqdad ayay ka qaadey cunsurka Soomaaliga ah. Gabadhaasi
waxay kamid tahay kumanyaalka gabar, hooyo iyo xataa ayeeyo oo makastadu
ay la gaareen farahooda najaasada ah.
Markaad wax ka
indha-indheyso sheekooyinka tilmaamaya dhaqanka doorsoomey, waxaad
qiyaaseysaa in dulmiga dunida ku wararaceynaya 90 % uu yaal Soomaaliya.
Tobanka soo harey, markii ay maalintii soo meereystaan qaaradaha shanta
ah, habeenkii waxay u soo hoydaan Soomaaliya. Taariikhdu waa garaangar
socota. Dhacdo walba waxaa ka dhex muuqda dad clan-sidayaal ah.
Samsam waxay noqotay gabadh lagu
calaamadiyo dulmigaa xooggan oo ku habsadey dadkayagii.
Afafka dunida
lagaga hadlo, intooda badan ayaa Qorraxda dheddigeeya (dheddig),
Dayaxana labeeya (lab). Dayuxu kuma uusan helin
labeyntii ammaan iyo itaal dheeri ah. Qorraxduna kama qaadin sharaf-dhac
iyo taag-darri dheddigeyntii. Waxaa la hubaa in Qorraxdu kana kulushahay
kana iftiin weyn tahay Dayaxa, inkasta oo Qorraxdu la yiraahdo (iyada),
Dayaxuna (isaga). Waxaan sidaas ku tilmaami karaa
Samsam oo ah (iyada) iyo jananka
Ina Cige ah, oo (isaga) ah.
....Geel
aarankiisu didey, ubadkiisa maxaad mooddaa.... maahmaah
soomaaliyeed |
Samsam waxay
huwaneyd saddex hagoog oo mudna in ay ku ammaan hesho. Waxay
ahayd lama-taabtaan da’ yar ah. Waxay ahayd gabar bir-mageydo ah oo
mudan in la xushmeeyo. Waxay ahayd socoto marti ah oo
ahayd in la maamuuso. Intaas waxaa weheliya, waxay dhex mushaaxeysay
dhul Soomaaliyeed oo awoowayaashii gumeysiga ka kiciyay eeyan marnaba ku
fekerin in saqiir Soomaali ah lagu silic dilyeeyo. Xataa hadduu khalad
jiro, ina Cige wuxuu ahaa ninkii asturi
lahaa oo cirrada madaxiisa ka muuqata darteed, wax badan xeerin lahaa.
Soomaalidu waxay tiraahdaa Geel aarankiisu didey, ubadkiisa maxaad
mooddaa. Waxaa Eebe mahaddiis ah in xilligii la af-miishaareyn jirey uu
dhamaadey. Qof walibana falka uu ku kacayo iyo waxa uu oranayo waxay
yihiin keyd, hadduu Eebe idmo, la hor keenayo dhowaan.
Haddii uu idlaadey dareen aadaminimo, haddii aanan u danqan weydey
Soomaalinimo, haddii aad ka hakan weydey xuduudda Eebaha boqorka ah,
haddii aad ka dhowrsan weydey maalinta joogsiga iyo garsoorka,
Ina Cigow ma garan weydey maamulka aad u
deydeyeyso aqoonsiga dowladnimo, in eeyan waddadan ahayn tii lagugu soo
dhoweyn lahaa. Haddii madaxda Soomaaliland ay ka madax adeygeen in ay
wax ka qabtaan arinta gabadhan, waa haboon tahay in markaas Samsam la
yiraahdo iska samir, uguma horeysid gabar Soomaaliyeed oo ay dhurwaayo
meel cidla ah ku helaan. Sayid Maxamad Cabdulle
Xasan ayaa waxaa lagala harey tix uu lahaa :
Dood waxaan u leeyahay dumarkiyo
caruuraha
Dadkii idin ka weynaa haddey idin dulleeyeen
Denbi kamaaney yaabine cunney idin ka doorteen
Duuyaa la dhaafsadey Degtii aad geleyseen
Dab intey shideen bey dalaq idin ku
siiyeen
Deex intey qodeen bey ciid idin ku duugeen
Dameerkuba ma yeeleen waxay talo ku
deysteen.
Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com