w w w . S o
m a l i T a l k . c o m
|
SOMALITALK
- SAMSAM
|
Axmed Siciid Cige oo La Degay Sumcaddii
BBC-daCabdi Xasan Somalitalk/
Muqdisho
abdi172@hotmail.com
Idaacadda BBC-da oo in kabadan nus
qarni dhegaha Soomaalida si darandooriya ugu socotay, dad badanina ay u
haystaan in warkeedu waxooga ka macquulsanyahay kuwa badan, islamarkaana
tababaro badan u fidisa wariyaal badan oo ku soo biiray saaxadda
saxaafadda muddoyinkan aynu ku jirnay dagaalka ahliga ah ee lagu hoobtay
ayaad marar badan waxaad arkaysaa in si aan sinnayn wariyaal qarkood
warka udhigaan. Yoonis Cali Nuur mar aan waydiiyay su'aal ahayd intaas
tababaro ayaad wadaan hanti badanna way ku baxdaa, haddana iska daa
kuwaad wax barayseene idinkii ayaa la leeyahay waxay u baahan yihiin
tababar oo wariyaashiinna muddoyinkan waa laga cawdaa? Yoonis oo runtii
u muuqday qof degan oo garawsanaya xaqiiqda jirta ayaa yiri: ogow Cabdow
dhulka iyo dadkuba waa Somalidaan ka dhalanay oo wax walboo la sheego,
haddana bahashii cudurka ahayd ee qabiil ayaanu dadkii ka dhayi la,nahay,
saasoo tahayna waxaanu isku daynaa intii karaankayo ah inaanu isu
dheelitirno wararkayaga oo aanu qaadan mid dhan u xaglinaya.

Axmed Siciid Cige |
Axmed
Siciid Cige oo runtii milgihii saxaafada meel uga dhacay isla markaana
la degay inaba haddiiba ay jirtay xushmad loo hayay idaacaadda BBC-da
laanta afsoomaliga marar badanna si aan gabbad lahayn warka ugu xagliya
rajiimka Hargaysa oo aad moodo inuu yahay af hayeenkii "dawladaas".
Haddaan wax ka xusno dhacadadii u dambaysay ee ka dhacday hoolkii lagu
xalaalaysanayay dhibkii loo gaystay dhibane Samsam Axmed Ducaale, waxuu
Axmed Siciid Cige si aan gabasho lahayn ula saftay oo intii karaankiisa
wax walba u qurxiyay hadaladii kooxda xoogga ku haysata Samsam; waxuuna
busta huwiyay waxii inaba dhanka dhibanadaas yar ku saabsanaa sida waxii
ay madasha ka yiraahdeen garyaqaanadii iyo hay'adihii xuquuqul insaanaha,
kuwaasoo ku tilmaamay inaan meesha waxgarsoore ka jirin balse meesha
laga yeeriyay go,aan dad sare soo gaareen. Maxkamad ummaddi aan tusin
aalaadii gabadhaas yar wax ku dili lahayd, markhaati cad na aan la
horkeenin, maxkamad qof dambi intaas le,eg lagu soo oogay kuwii kufsiga
u gaystay oo haddana ku mudacaya in la yiraahdo maxkamad ay go,aan ka
gaartay waxaana lagu helay basaasnimo waa wax ka baxsan milgaha iyo
karaamada inta qalinka u qaadata saxaafaada madaxbanaan.

Qaybka kamid ah shaqaalaha BBcda Afka Soomaaliga
kuhadasha: Kabilow midig: Cabdinuur Shiikh, Cabdisalaam
Hareri, Yuusuf Garaad, Aaden Nuux iyo Faaduma
Sawirka: BBC world Service |
Waxaase mudan in la xuso wariyahii markaas
fadhiyay istuudiyaha xarunta ee london, oo malaha maankiisa geli wayday sida Axmed Siciid Cige
warka u dhigayo iyo miisaanka kiiska meesha yaal. Wariyahaase mahadi haka
gaadhee waxuu isticmaalay intii uu awood ku lahaa oo malaha uga banaanayd
inuu hordhaca Axmed siciid Cige ka hormariyo labo kelmo oo Xambaarsan xikmad
wayn oo ah in meeshaas gaban yar lagu dhibayo-waana hadalka ahaa Somaliland
oo gabar yar xukuntay.
Axmed Siciid Cige oo intaan saxaafadda
madaxa banaan shaaca ka qaadin dhibka loo gaystay Samsam, wax war ah ka
dirin ayaa markii ay arini meel xun gaartay u istaagay inuu si gabasho
la,aana u hadalka ugu xagliyo adeerrkiis Axmed Yaasiin oo ay jufo hoose isla
yihiin. Taasoo meesha ka saaraysa sheegashadii BBC-da ee ahayd waxaan isku
daynaa intii karaankayo ah inaan war dhexdhexaadnimo ah dadka ugudbino.
Waxaa su'aashu tahay Samsam halsano waxay
ku mutaysatay wax lagu sheegay been sheegid, maxaa sidoo kale been sheegid
loogu oogi waayay taliyihii dhammaa ee booliska oo maalin cad BBC-da ka yiri
Samsam waa naag wayn oo 20jir-ah lana qabo. Qaran newsna maalintii xigtay
soo qortay in Samsam Soddoh tahay oo wixii la sheegayay oo dhan been
ahaayeen.
Suxufiyad Soomaaliyeed ayaa lagaa hayaa
Qalinku rabaayad ma
galo. Qoraa kale ayaa isna laga hayaa Samsam waxaa laga galay dembi
dhaqan, mid diineed iyo mid dadnimoba laga galay. Kuna maxbuusan edeg yar oo
ka mid ah kuwii lagu xidhi jirey dulmanayaashii reer Hargeysa waagii uu
waddanka ka talin jirey xukunkii Kacaanku. “ninkii nool adduunkow maxaa
aragti kuu laaban”
Ficilada Axmed Siciid Cige, iyo wariyaasha
nooga yimaada London oo tababarada wata kuna dhiirigiliya suxufiyyinta
cusub inay ka waantoobaan qoraalada dhanka u janjeera, waxaad moodaa
inayan isqaban oo arrinku wuxuu yahay Geela aarankiisu diday ubadkiis
amaxaa moodaa.
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 18, 2004
Sawirada: Google Images & Yahoo Images Search
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com

|
©
www.SomaliTalk.com |
SEARCH |
|
Allah Is Great |
|
|
Waxaa
la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay
dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan
xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas
darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004
Maxamed
Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu
Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah,
16-jir ma'ahan shaqona kuma laha... Dhakhtarka waa la geeyay waxna
waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka
wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci
ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf
Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam
Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi,
Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri Axmed
Maxamud Ducaale "Duuje"..
Nov 5, 2004
Gabar-ta yari
waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed
Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004
Waxaan
kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe
magacayguna waa Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii
Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay
Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004
Raaqiyo
Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay
in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004
Amnesty
International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey
Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004 |
Qoraalada laga qoray arimaha
 |
|