"Jihaad uu ugu
Jirey Qoyskiisa ayuu Ku Dhintay marxuum (Hassan
Mohammed Yussuf)" Sidaas waxaa yiri Imaamka Masjidka Edmonton
- Edmonton Journal | April 16, 2005 | Tarjumadii
SomaliTalk

Sahid oo 9-jir ah, oo hor taagan naxashkii uu ku
jirey aabihiis Allah ha u naxariistee Marrxuum Xassan Yusuf
Sawirka:
edmontonjournal |
Edmonton: Maalinimadii Jimcada (April 15) ayaa meydkii marxuum
Hassan
Mohammed Yussuf (Allah ha u naxariistee) lageeyey Masjidka
Al-Rashid ee magaalada Edmonton si halkaas salaatul Jinaazada loogu tukado
looguna duceeyo Marxuumka.
Jariidada Edmonton Journal oo halkaas ka warbixineysey waxa ay tiri:
masjidka ugu weyn Edmonton guduhiisa ayaa naxash cagaaran oo meydka
marxuumku ku jirey waxaa ag fadhiyey toddoba carruur ah ee marxuumku dhalay.
Masjidka ayaa dadkii qaadi waayey, intii uu masjidku ka buuxsameyna waxay
istaageen bannaanka masjidka, dhammaantoodna marxuumka ayey u ducaynayeen.
Dadku markii ay u ducaynayeen marxuumka, afar gabdhood oo marxuumku
dhalay waxay la fadhiyeen hooyadood, Farha.
Iimaamka Masjidka, Tamer Ali, oo khudbad akhriyey waxa uu dadkii masjidka
yimid u sheegay in marxuumku ku dhintay Jihaad uu ugu jirey qoyskiisa.
Waxana uu Imimaamku Allah ka baryeey in uu marxuumka u naxariisto.
Marxuum Xassan waxa uu Soomaaliya ka kayimid sannadkii 1992. Da'diisuna
waxay ahayd 41-jir.
Markii Salaatul Jinaazadii lagu tukaday, kaddib qiyaastii 2:40 p.m ayaa
naxashkii marxuumka laga soo saaray masjidka, waxaana loo qaaaday xabaalaha,
waxaana meydka sii raacay xayn gawaarida taxiyada ah.
Wargeyska Edmonton Journal waxaa lagala xiriiri karaa: vjones@thejournal.canwest.com
- Kanada:
Saynis-yahan Soomaaliyeed oo Meydkiisii laga helay Taxi uu Wadey
- Ismaaciil Maxamed Cali oo Qirtay
Dilkii Yaasmiin Cali Geelle
USA:
Laba Qoys oo Soomaaliyeed oo iskaga Hor yimid Gabar ay isku Dagaaleen
Labo Wiil
Minnesota: Soomaali Dembi Loogu Soo oogey Arrimo La Xiriira Cashuur Celinta
Dawlada maraykanka
Kanada:
Saynis-yahan Soomaaliyeed oo Meydkiisii laga helay Taxi uu Wadey
The Ottawa Citizen |
April 14, 2005
| Updated: April 15 | tajumadii SomaliTalk.com

Hassan Mohammed Yussuf
Sawirka: The
Ottawa Citizen
|
Sida ay werisey jariidada The
Ottawa Citizen, waxaa magaalada EDMONTON ee gobolka Alberta oo ku
yaal galbeedka dalka Kanada meydkiisii laga helay nin Soomaaliyeed oo Ottawa
ka ahaan jirey taxi wade, ninkaas oo xaaskiisii iyo toddoba carruur ah oo ay
weli ku noolyihiin Ottawa, waxaa meydkiisa laga helay asagoo ku dhex jira
dhanka dambe ee gaari taxi ah oo uu asagu wadey.
Hassan Yussuf [Hassan
Mohammed Yussuf]oo laajinimo kaga yimid Soomaaliya, kaas oo haystey laba
shahaado oo uu ku qaatay cilmiga sayniska, kaas oo awood u lahaa in uu ku
hadlo shan luqadood, waxa uu dhowaan tegey magaalada Edmonton asagoo ka soo
kicitimay Ottawa si uu halkaas uga kasbada nolol ka fiican. "Ma garanayo
waxa aan dareemay xalay markii aan maqlay warkaas" ayey tiri xaaskii
Mr.Yussuf oo magaceeda la yiraahdo Farha Yussuf, sidaas oo ay xalay u
sheegtay jariidada The Ottawa
Citizen.
Xaaska oo 40-jir ah waxaa loo qaaday magaalada Edmonton
ayada iyo afar kamid ah toddobadooda carruurta ah. "wuxuu ahaa nin aad u
xanaano badan" ayey tiri.
Mr. Yussuf wuxuu Ottawa uga tegey sidii uu uga
faa'iidaysan lahaa dhaqaalaha kobcaya ee magaalada Edmonton, asagoo
rajaynayey in nolol ka wanaagsan uu qoyskiisa u samayn lahaa, kuwaas oo
qorshohoodu ahaa in ay ka daba yimaadaan bisha June. Waxa uu Kanada yimid
sannadkii 1992 asagoo markaas kasoo qaxay dalkiisii hooyo ee dagaalku
halakeeyey. Xaaskiisuna waxay halkan kaga daba timid sannad ka dib. Waxa uu
rajaynayey in uu dalkan Kanada ka helay shaqo wershedaha badan ee beeraha
maadaama uu cilmiga beeraha "agricultural sciences" uu kusoo bartay
Muqdisho iyo dalka Ruushka.
Jariidada The Ottawa Citizen
oo hadalkeedii sii wadata waxay tiri, in kasta
oo uu Mr. Yusuf haystey laba shahaado, hadana waxa keliya oo uu helay shaqo
ah "part-time" oo ah Taxi-Wade. Waxa uu aadey Edmonton, waxana
qoyskiisu qorshaynayey in ay ka daba tagaan bisha June.
Xilli dambe oo ah habeenimadii Talaadada ayaa dembi
baarayaasha Edmonton waxay heleen meydka Mr. Yusuf, kaddib markii loo soo
sheegay in gaari Taxi ah oo laga tegey uu yaal meel ka dambaysa maqaasiin ah
"liquor store". Halkaas oo ay boolisku ka heleen nin lagu qiyaasay
afartaneeyo oo meydkiisii lagu qariyey qaybta gadaal ee gaari Taxi ah oo
midabkiisu yahay huruud. Garigaas taxi-ga oo laga yaabo in uu halkaas yaaley
ilaa horaantii maaliimadii Jimcada (April 8) ee la soo dhaafay, sida uu
sheegay Chris McLeod oo ah afhayeenka booliska Edmonton.

Qoyska Marxuum Hassan
Mohammed Yussuf
Sawirka:
The Edmonton Journal
|
Boolisku waxay sheegeen in aysan meydka si waadax
aqoonsigiisa u sheegi karin ilaa dhakhaatiirtu cadeeyaan maanta.
"Waxay ila tahay in qof kasta ay tahay in uu welwelo,"
ayuu yiri Mr. McLeod oo intaas ku daray "xaqiiqadii waa fal dembiyeed
argagax leh, waana arin aan lagu aqoon magaaladan".
Mr. McLeod waxa uu yiri waxaa hal-mar afar boolis ah isku
mar loo soo sheegay (tip) arintan habeenimadii Talaada. "Taas oo la yiri in
gaari taxi ah uu yaalo dhanka woqooyi ee magaalada, taas oo meyd nin uu ku
jiro" ayuu yiri, waxana uu ku daray baaritaanku hadda ayuu bilowday, sidaas
daraadeed weli lama garanayo xaqiiqo ahaan waxa arintan sababay".
Arrintaas ilaa hadda cidna looma xirin ayey tiri jariidadu.
Dilkan oo ahaa kii sideedaad ee sannadkan ka dhaca magaalada Edmonton. [War
arintaas kusoo kor dhay oo ah in qof la xiray hoos ka akhri]
Taxi-wadayaasha Edmonton waxay shalay sheegeen in ay aad
uga xumaadeen in shirkada leh taxi-ga aysan wax warbixin ah ka bixin in
taxigu maqnaa ilaa fiidkii talaadada. Haddii qiyaasta boolisku ay sax tahay,
meydka Mr. Yusuf waxa uu gaarigaas taxi-ga ah dhankiisa dambe ku jirey shan
maalmood, kahor intii aan shirkadaasi cidna ku war gelin in wax ka maqan
yihiin.
Meydka Mr. Yusuf waxaa la helay qiyaastii 11 p.m. ee
maalintii Talaadada.
Agaasimaha shirkada leh taxiga "shirkada Yellow Cab"
oo magaciisa la yiraahdo Sid Slach waxa uu sheegay in shirkadu ay booliska
kala shaqaynayso baaritaanka, laakiin waxa uu diidey in uu faahfaahin
dheeraad ah bixiyo ayey kusoo gabagabaysay jariidada
The Ottawa Citizen oo aan
warkaan ka soo tarjumney.
Hal Qof oo Loo Xiray Dilkii Marxuumka, labo kalena waa
la raadinayaa::
- The Edmonton Journal
Qorayaashii jariidada
The Edmonton Journal waxaa laga xiriiri karaa emailada hoose:
vjones@thejournal.canwest.com
bmah@thejournal.canwest.com
Jariidada kale ee lagu magcaabo
The Edmonton Journal waxa ay
sheegtay in 24 saacadood ka dib markii lahelay meydka marxuum
Hassan Mohammed Yussuf
in dilkiisa loo xiray hal nin oo magaciisa la yiraahdo
Karl Blair Strongman kaas oo 25-jir ah, waxaana
ninkaas la xiray habeenimadii Arbacada. Waxaa kale oo dilkaas marxuumka loo
raadinayaa laba nin oo kale oo ah: Ronald Adrian Crane oo 27-jir ah, iyo
Deidre Renee Baptiste oo 23-jir ah.
Warar taas ka dambeeyey ayaa sheegay in Ronald Adrian Crane, 27-jir, iyo
Deidre Renee Baptiste, 23-jir, ay labaduba isu dhiiben booliska magaalada
Edmonton. Waxaya isu dhiibeen habeenidamii Khamiista ee Jimcadu soo geleysey
(qiyaastii 11:00pm).
Kulan ay Edmonton ku yeesheen 30-taxi wade ayey ku
sheegeen in ay aad ugu xanaaqsan yihiin shirkada taxi-ga leh sabatoo ah
waxaa la sheegay in shirkadaas uu wacay qof ay isku guri deganaayeen
marxuumka waxana uu wacay maalmihii Jicamadii la soo dhaafay iyo Sabtidii,
sida wargeyska hore xusayna shirkadaasi ma soo sheegin in wax ka maqan
yihiin.
Lama oga in marxuumku uu meyd ahaa markii Taxiga looga
tegey iyo in asagoo meyd ah halkaas lagu ridey. Warkaas waxaa ku soo
kordhay in boolisku ay u malaynayaan in marxuumku noolaa markii lagu ridey
dhanka dambe ee gaariga.
Warar kale oo ay werisey jariidada The
Ottawa Citizen in Hassan Yusuf oo ahaa 41-jir, markii
meydkiisa ay dhakhaatiirtu baareen la arkay in minti in badan lala dhacay,
taas oo mid kamid ah ay sambabka haleeshay.
Waxaa boolisku sheegay in Hassan Yusuf uu Taxiga ku qaaday laba nin iyo
laba naagood, uuna ka qaaday meel u dhow barta la yiraahdo "Mac's
convenience store". Waxayna yiraahdeen noo qaad dhankaas iyo meel u dhow
Alberta Hospital - waa aaga cirifka woqooyi ee magaalada. Markii uu taxigii
istaagey ayey la soo degeen Xassan oo kubilaabeen in ay mindi la dhacaan.
Xasan wuxuu isku deyey in uu dagaalamo laakiin mindi ayaa ka haleeshay
Sambabka. kaddib mid nimankii ka mid ah ayaa Taxi-ga cillad ka geliyey
qalabka lagu garto meesha uu marayo gaarigu ee loo yaqaan GPS (global
positioning system), kaddib waxay Xasan Yusuf dhex geliyeen dhanka dambe
ee gaariga, waxayna gaarigii kaga tageen meel u dhow maqasiin lagu gado
Khamriga (liquor store).
Waxaa
wararku intaas ku dareen in ay qaatiliintaasi marxuumka ka qaateen $2,000,
shan-jeer ama ka badana ay toorey la dhaceen, oo markaas gaariga dhankiisa
dambe ku rideen, halkaasna uga tageen.
Qiyaastii 100 taxi ayaa khamiistii ku wareegastey guriga magaalada
Edmonton looga arimiyo ee loo yaqaan City Hall, ayagoo ka bannaanbaxaya
dilka Marxuum Hassan
Mohammed Yussuf - Allah ha u naxariisto.
ISHA: English Version:
Ottawa Citizen and
edmontonjournal | Tarjumadii SomaliTalk.com
Ismaaciil Maxamed Cali
oo Qirtay Dilkii Yaasmiin Cali Geelle
::: waxaana lagu Xakumi doonaa 13 sano oo xarig ah...
Minneapolis, USA: Sida ay werisey shabakada
Telefishanka WCCO, Ismail Mohamed Ali oo 21-jir ah ayaa qirtay dilkii
marxuumad Yasmin Ali Geelle, waxana uu qirtay in uu baastoolada lagu diley
soo qaaday, oo uu asagu xabbada ku dhiftay Yasmiin oo markaas ahay 32-jir oo
November 9, 2004 lagu diley magaalada Minneapolis. Waxa uu qirtay dembiga
loo yaqaan derejada labaad ee dilka ama "second-degree murder"
waxaana 13 sano oo xabsi ah lagu xakumi doonaa bisha May 10-keeda ee 2005.
Qareenka dacwada oogayey waxa uu sheegay in
Yaasmiin madax laga toogtey, waxana uu intaas ku daray in qolka ay deganayd
loo istcimaaleyey in lagu iibiyo Qaadka. Waxaana la sheegay in dilkaasi ahaa
kii ugu horeeyey ee ka dhaca Minnesota ee lagu xiriiriyey Qaadka ama
caleenta cagaaran ee lagu ruugu Afrikada Bari.
Bishii November ee sannadkii hore (2004)
ayaa dilka marxuumada waxaa loo xiray shan Soomaali ah oo magacyadoodu kala
yihiin: Abdisalam Abdinassir Hussein oo 28-jir ahaa, Fuad
Mohamed Dhuuh oo 22-jir ahaa, Abdisalam
London Roble oo 19-jir ahaa, Abdisalan
Mohamed Abdi oo 22-jir ahaa, iyo Ismail
Mohamed Ali oo 20-jir ahaa (oa ah kan hadda dembiga qirtay).
USA: Laba Qoys oo Soomaaliyeed oo iskaga Hor yimid Gabar ay isku
Dagaaleen Labo Wiil
:: Labada Qoysba waxaa dhici karta in lagu soo oogo fal dembiyeed..
:: Suudaaniyiin oo u hiilisay qoys kamid ah labada qoys....
- The Arizona Republic | April 14, 2005 | tajumadii SomaliTalk.com
USA: Ciidanka Booliska ee magaalada GILBERT ee gobolka Arizona ayaa
abaaray wax ka qabadshada iska hor imaad dhex maray laba qoys oo ka yimid dalka Soomaaliya
kaddib markii qoys kamid ah uu kusoo waramay in qoyska kale uu soo
weeraray habeenimadii Talaadada.
Sida ay ku warantay jariidada "The Arizona Republic" cadadkeedii soo
baxay April 14, 2005: waxaa loo malaynayaa in iska hor imaadku uu bilowday
Isniintii kadib markii nin 21-jir oo deggan Gilbert,
Arizona
uu ladagaalamay nin kale oo deggan Phoenix,
Arizona
uuna kula dagaalamay arin la xiriirtay
haweeney, sida ay boolisku sheegeen.
Ninka uu qoyskiisu degan yahay Gilbert dagaalkaas waa laga adkaaday,
taas oo sida muuqata loo malaynayo in ay tahay sababta ay qoyskiisu uga
aargoosaanayeen ninka qoyskiisu deggan yahay Phoenix, sida uu sheegay Lt.
Joe Ruet oo afhayeenka booliska Gilbert. Qiyaastii 11 p.m. Talaadadii, laba walaalo ah oo Soomaali ah oo ka
tirsan qoyska deggan Phoenix iyo saddex reer Suudaan ah ayaa soo weeraray
guriga qoyska deggan Gilbert, markaas oo ay guriga ku jireen labo dumar ah
iyo labo carruur ah, sida uu boolisku sheegay.
Boolisku waxay u malaynayaan in shanta nin ay soo jebiyeen albaab muraaya ah
oo xiga dhanka dambe ee guriga (ku yaal aagga 1500 block ee East
Cheyenne Street), ayuu yiri boolisku.
Markii hore waxaa loo maleeyey in qof dumar ah oo da'deedu tahay 52
wadnuhu istaagey (arrintaas darteed), laakiin markii dambe cisbitaalka waa laga soo saaray.
Booliisku waxay sheegeen in afar nin ay ku carareen lug, halka mid
kamid ah labada walaalaha ah oo magaciisa lagu sheegay Muhsin Abdulkadir oo
da'diisu tahay 16-jir uu ku fakaday gaari ah nooca loo yaqaan BMW oo ay
wadey walaashiis oo lagu magcaabo Fatima Abdulkadir oo da'deedu tahay
19-jir. Booliisku waxay rumaysan yihiin in ayada lagu soo khasbay in ay
shanta nin ee weerarka ah gaariga ugu soo qaado Gilbert ayagoo ka imanaya
Phoenix, sida uu sheegay boolisku.
Boolisku waxa ay sheegeen in ay arrintaas ka war heleen markii dad
deriska ah ay soo sheegeen in qof dumar ah la jiidayey ayadoo timaha la
hayo iyo in niman ay ka soo boodayeen derbiga dhanka dambe ee dayrka oo
kusoo boodayeen. Markii nimankii sii cararayeen, waxaa guriga yimid ugu
yaraan afar nin oo qaraabo la ah qoyska deggan Gilbert, nimankii markii hore
weerarka ahaa ayey
cayrsadeen. Mid kamid ah kuwii wax cayrsaneyey oo lagu
magcaabo Abdullahi Ahmed oo da'diisu tahay 25, ayaa waxa uu BMW-ga ka daba
qaatay gaari noociisu yahay Chrysler in yar markii uu cayrsanayey oo ay gaareen meel u dhow isgoyska
Palo Verde Street & Val
Vista Drive ayuu gaarigii ku hor gooyey, taas oo sabatay in BMW uu shil
galo, ayuu yiri boolisku. Abdullahi Ahmed iyo kuwo kale waxa gaariga ka soo jiideen Muhsin iyo
Fatima Abdulkadir, dib ayeyna gurigii ugula noqdeen, waana garaaceen,
ayuu yiri boolisku.
Ali Shairf Maye oo 22-jir ah, Abdul Ahmed oo 26-jir ah, iyo nin
saddexaad ayaa qabtay Muhsin walaalkiis (waa Massalah Abdulkadir oo 18-jir
ah'e), waxayna ka soo qabteen meel u dhow bartii uu gaariga BMW-ga shilka ku
galay, wayna garaaceen, sida uu yiri boolisku.
Massalah waxa uu ka jabay feer, sambabkana dhaawac ayaa ka gaarey.
Boolisku waxa ay sheegeen in ay qabteen saddex nin oo Sudanese ah oo
magac yadoodu kala yihiin: Mohamed Nureini Mohamed 16-jir reer Peoria; Seasor Nichola
Aufo 22-jir reer Phoenix; iyo Attey Choi Dong 20-jir reer Phoenix.
Suudaaniiska iyo walaalaha ilma Abdulkadir, waxaa dhici karta in lagu
soo oogo dembiga ah dhicitaan, dad guryihiis oo ay si ammar la'aan ah u
galeen, iyo fal dembiyeed dhaawac geystey.
Ugu yaraan afar nin oo qaraabo la ah qoyska deggan Gilbert waxaa dhici
karta in lagu soo oogo fal dembiyeed la xiriira afduub, dhaawac gaarsiin,
qeysru mas'uulnimo. Kuwaas oo ay kamid yihiin: Abdullahi Ahmed, Bakar
Ahmed, Abdul Ahmed iyo Ali Shairf Maye
ISHA:
The Arizona Republic | April 14, 2005 | tajumadii SomaliTalk.com
Minnesota: Soomaali Dembi Loogu Soo oogey Arrimo La Xiriira Cashuur Celinta
Dawlada maraykanka
April 14, 2005 |
tajumadii SomaliTalk.com
Sida ay qortay jariidada StarTribune (cadadkeedii April 14, 2005) ee kasoo baxda Minneapolis, Dawladda
dhexe ee Maraykanka ayaa waxay Yahya Muhumed Shakal Arbacadii ku soo
oogtey 43 ah dembiyada loo yaqaan "felony" oo ah in uu caawinayey
diyaarinta iyo dirista cashuur celin macmal ah, arintaas oo markii
hore kasoo bilaabatay baaritaan lagu sameeyey cashuur celinta
jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka loo yaqaan mataanaha ee Minneapolis
iyo St.Paul.
Shakal oo 35-jir ah, deggana Minnetonka, waxaa hor yaala ugu yaraan saddex
sano oo xarig ah iyo ganaax dhan $250,000 oo ah mid kasta oo kamid ah
dembiyadaas lagu soo oogey.
Go'aankaas waxaa talaadadii gaarey "grand jury" laakiin waa la xafiday si
arbacadii loo xiro Shakal, ayey tiri Jariidadu. Waxaana kiiskan baaraya
IRS-ta (Internal Revenue Service).
Shakal waxa uu ka shaqayn jirey Salama Tax Service oo kutaal Minneapolis,
waxana uu
sannadkii 2004 diyaariyey 978 cashuur celinta dawlada dhexe (federal),
taas oo sida jariidadu sheegtay boqolkiiba 99% ay ku jireen cashuur celin
macmal ah oo la xiriirta shidaal taas oo isku darkeedu gaareysey $1.9
million oo ah la xiriirta 2003, sida ku qoran dacwada dawlada dhexe.
Cashuur celinta shidaalka waxaa loola jeedaa: cashuur celin la xiriirta
ganacsi la xiriira cashuur shidaal loo adeegsadey meel ka baxsan
wadadooyinka waaweyn (off-highway). Inta badan waa qalabka dhismaha ama
qalabka culus ee wershedaha, sida cagaf-cagaf-yada alaabta lagu qaado iyo
cagaf-cagaf-yada loo yaqaan bulldozers, ayey tiri Startribune.
Saraakiisha dawlada dhexe wax faahfaahin kama bixin baaritaanka. Jerry
McClure oo ah agaasimaha waaxda gobolka u qaabilsan dakhliga
cashuurta waxa uu yiri gobolku waxa uu baaritaankiisa diirada ku saaray 11
ah jaaliyada Soomaalida oo ah kuwa diyaariya cashuur celinta, oo uu ka mid
yahay Shakal, waxaana dib loo eegay 2,500 cashuur celin oo ay u diyaariyeen
2003.
Arinta cashuur celinta la xiriirta gaaska (shidaalka) waxaa dheer ayey tiri
jariidadu in gobolku uu xusay dhacdooyin ah mala-awaaley guryo la
degan yahay iyo in laga bad-badiyey dakhliga si loo kor dhiyo cashuur
celinta.
Jariidadu waxay tiri, markii ugu horeysey saraakiishu waxay arrinta
baaritaanka jariidada Star Tribune u bidhaamiyeen bishii May ee sannadkii
hore. Magaca Shakal wuxuu ahaa kii ugu horeeyey oo la ogaado sababtoo ah
wuxuu ku qornaa warqadii IRS ee baaritaanka.
December-tii la soo dhaafay ayaa waxaa la diiwaan geliyey dacwada gobolka
ee asaga (Shakal) iyo
Abdiraham Adam, Ismail Mohamed iyo Jamal Noor, saddexdaas oo dhammaantood
ah reer Minneapolis,
dacwadaas oo ah in ay xereeyeen cashuur celinta gobolka oo macmal ah.
Mid kasta oo kamid ahna waxaa loo sheegay in uu bixiyo ganaax dhan inta u
dhexaysa $7,125 iyo $9,100.
Saraakiishu waxa ay sheegeen in cashuur-celin-diyaariyayaashu ay inta
badan u adeegaan macaamiil Soomaali ah kuwaas oo aan aqoon u lahayn
qawaaniinta sharciga cashuur celinta, ayadoo in badan oo macaamiishaas ka mid ah aysan
arag cashuur celinta ilaa la xereeyo. Qayb kamid ah cashuur-celin-diyaariyayaashu waxay dadka u ballan
qaadayeen in cashuur celin ay u soo noqon doonto
taas oo ay dadka ka qaadayeen boqolaal doolar ama boqolkiiba xadi inta
lacag soo noqota, sida ay sheegeen saraakiishu ayey tiri Jariidadu.
Mr. Mohamed, oo maadax ka ah African Credit Education & Counseling
Agency, oo sida ay jariidadu sheegtay ah hay'ada ah "nonprofit" oo kajirta
Minneapolis,
waxa uu yiri in bishii Janaayo ay arintii ka dhalatay cashuur celintu ay
culay saartay jaaliyada Soomaaliyeed iyo hay'adiisa "nonprofit-ka ah",
taas oo dadkii aad uga bateen si loo saxo (nadiifiyo) arrintaas
cakirantay (qasantay), ayey tiri jariidadu.
Mr. Mohamed waxa uu yiri, lacagahaas loo soo celiyey cashuur celinta oo
badankooda la bixiyey, waxay inta badan ahaayeen $2,500 ilaa $5,000 ,
waxayna
badanaa u dhigmeen boqolkiiba 10% ilaa 25% qofkii cashuurta xeraysatay
dakhligiisa sannadkii.
John James, oo dhanka dacwada madaniga qareen ugu ah Shakal, jariidadu ma
aysan helin si ay arinta wax uga weydiiso. Maalintii Arbacada dhegeysigii
dacwada Shakal waxaa loo magcaabay qareen asaga difaaca, kana difaaca kiiska
dacwada kaga furan dawlada dhexe. Isla markaas kuxigaha U.S. Attorney, Paul
Murphy, waxa uu yiri Shakal waxa uu cashuur celintii sannadkii 2003 ka sameeyey
$100,000. Sidoo kale waxaa Shakal lagu amray in uu soo celiyo waraaqaha
aqoonsiga ee qaxootinimada [refugee card]. Shakal oo ku dhashay
Soomaaliya, kuna noolaan jirey kenya, waxa uu deganaa Maraykanka ilaa sannadkii
1996. Sida ay sheegtay IRS, waxa uu Shakal ka soo shaqeeyey "Hennepin County
welfare department" waxana uu fasax caafimaad qaatay xilligii cashuur
celinta ee 2003 & 2004. Waxana uu shaqadaas iskaga tegey sannadkii hore ayey
kusoo gabagabeysey jariidada Startribune.
ISHA:
Star Tribune |
April 14, 2005 | tajumadii
SomaliTalk.com
Khadra Faarax Cali oo Lagu Xiray
Maraykanka Kaddib Markii ay Been Abuur La Xiriira Argagixiso Ka Samaysay
Ninkeeda oo Deggan Dalka UK...
- ISHA: AP | Tarjumadii
SomaliTalk | Apr 12, 2005
COLUMBUS, Ohio - Qof dumar ah ayaa isniintii la xiray kaddib markii
lagu soo oogey dembi ah in ay FBI-da Maraykanka u sheegtay been abuur ah
in ninkeedu maleegayey shirqool uu rabey in uu qarxiyo safaaradaha
Maraykanka iyo Sucuudiga ee London, UK.
Kadrah Farah Ali, oo 42-jir ah, waxaa laga kaxeeyey guriga ay deggan
tahay oo ku yaal magaalada Columbus ee gobolka Ohio, waxaana loo
taxaabay Xabsiga.
Bishii hore ayaa la soo weriyey in ay Kadrah warbixin u gudbisey FBI-da,
warbixintaas oo ah in ninkeeda oo lagu magcaabo Osman Yusef Dirie, uu
ayada u sheegay in asaga iyo afar qof oo ah Moroccan ah ay qorshaynayeen
in ay qarxiyaan Safaaradaha.
FBI-du waxay arintaas ku wargelisey CIA iyo xukuumada Ingiriiska.
Waxayna dalka England waraysi kula yeesheen Osman Yusef Dirie, halkaas
oo uu degan yahay, laakiin ninkaas wax dembi ah laguma soo oogen ama
labma xirin.
Sida ay sheegtay FBI, markii dambe Kadrah waxay saraakiil u sheegtay
in ay sheekadaas samaysay si ay ugu wax yeelayso Dirie (ninkeeda), kaas
oo ay tiri waxa uu uu guursadey si uu u qaato dhalashada maraykanka.
Labaduba(Osman & Kadrah) waxay ka yimaadeen dalka Soomaaliya, laakiin
Kadrah waxay haysataa dhal;ashada maraykanka, sdia ay sheegtay FBI.
Haddii dembigaas lagu helo, waxaa dhici karta in Kadrah lagu xakuma
shan sano oo xabsi ah, ayey tiri hay'adda wararka ee AP oo warkaas laga
soo xigtey.
ISHA: AP | Tarjumadii SomaliTalk | Apr
12, 2005
Shil Gaari oo
ka Dhacay Kanada oo ay Ku Geeriyoodey Labo Soomaali ah. |
Dec 20, 2004
Faafin: SomaliTalk.com | Apr 14, 2005
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com

|