Xoolaha zakadu
kawaajibayso
islaamku wuxuu kuwaajib yeelay zako
1-Dahabka
2-Fiddada
3-Xabuubka (sida bariiska sareenka galeyda masangada iyo wixii
lamida)
4-Miraha (sida timirta cinabka iyo wixii lamida)
5-Hantida laganacsado
6-Xoolaha soofa (yacni soodaaqa cawska roobka kubaxay)
7-Macdanta dhulka lagaqodo 8-Maalka dhulka hoostiisa dad hore
kuduugteen ee laga helo waa sideedaas nooc waxa zakadu kuwareegto
aygaana siikala baxaya,
Zakada Dahabka iyo Fiddada
waajibkeedu wuxuu kusoo arooray zakada dahabka iyo fiddada
hadalka Alle- suuratu towba aayadaha 34-35 waana waajib zakadoodu
labada, waana iskumid lacag hadii laga sameeyo inta ladhalaaliyo,
hadiilatumo iyo haduu yahay mid ceeriinba, markuu gaaro qadarka
mulkigu oo midkastoo labadaas kamida nisaab ama zaka goys,kanasoo
wareego dushiisa sanad, mulkigaasuna yahay mid laga saaray deyntii
iyo wixii xaajada asaligaa (sida masaariifta reerka iyo wixii lamida
)
Nisaab ama zakagoyska dahabka iyo qaddarka kawaajibaya
waxba laguma laha dahabka ilaa uu gaaro 20 diinaar
haduuse gaaro 20 diinaar kanasoo wareego sanad waxaa laga bixinayaa
nusdiinaar tusaale 20 -:-10 =2 -:- 4=0.5
wixii kasiyaada labaatankana qaacidadaas ayaa lamarinayaa tusaale
kale hadaan bixino 200-:-10=20-:-4=5 / daliilna waxaa u ah xadiiskan
Cali wuxuu kaweriyey rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee inuu yiri: (waxba dushaada maaha ilaa ay kuu ahaato
labaatan diinaar.hadey kuu ahaato labaatan diinaar oo kasoo
wareegtey sanad waxaa lagu leeyahay diinaar barkiis,maalna zako
laguma laha ilaa uu kasoo wareega sanad) waxaa weriyey axmad ,abuudaauud,iyo
beyhaqi bukhaarina waasaxiix yeelay.
nisaabka ama zakagoyska fiddada iyo qadarka kawaajibaya fiddada
laguma laha waxba ilaa ay gaadho laba boqol oo dirham hadeyse gaadho
laba boqol oo dirham waxaa lagu leeyahay toban meelood meel kamida
rubuceed tusaale 200-:-10=20-:-4=5 wixii kasiyaadana saasaa loo
xisaabinayaa, daliilkuna waa xadiiskan ,Cali wuxuu kaweriyey
rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee inuu yiri:
(waan idiin cafiyey fardihii iyo addoomihii ee keena sadaqada
lacagta)ilaa aakhiral xadiis waxaa weriyey asxaabu sunan,
Dahab iyo fido malaysu geyn karaa?
qofkii hela waxkayar nisaab ama zakagoys oo dahaba ama fidda ah
uma geyn karo midkood midka kale si ay isugu noqdaan qaddarkii
zakada laga rabey maxaayeelay waa kala laba jinsi looma geyn karo
midkood midka labaad , waa sida Lo, iyo Ari. haday gacantiisa
kujidho 199 dirham iyo 19 diinaar dushiisa zako maaha
Zakada maalka deynta kumaqan
Zakad deyta waalaba midkoo,
1-inuu yahay midlagu kalsoon yahay inuu dhiibo maalkaas
2-- ama inuuyahay mid cayr ah anxoola haysan
1-haduu yahay mid lagu kalsoon yahay ee dhiibaya deynta culumadu
waxay kadheheen dhawr qawl
1*Qawlka hore waxay kadheheen ninka hantida iskaleh waxaa lagu
leeyahay zakada xoolaha deynta kumaqan saas waxaa qaba Cali, Sowriyi,
abiisowrin, Xanafiyada, iyo Xanaabilada“
2*Qawlka labaad waxay dheheen waaku qasban yahay inuu dhiibo
zakada ilaa waqtigaas ay waajibtey xataa hadii gacantiisa weli aney
soogelin deyntu maxaa yeelay wuxuu awoodaa inuu qaato iyo inuu
isticmaalo saasna waxaa qaba Cusmaan, Ibnu cumar, Jaabir,
Daauus,Nakhaci, Xasan, Suhriyi, Qataadah, iyo Shaafici“
3*Qawlka sadexaad waxay dheheen wax zakaa lagama rabo sababtu waa
xoola antarmayn ee ningacanttis kujira, saasna waxaa qaba cigramata“
4*Qawlka afraad waxay dheheen waxa uuka zakeynayaa markii uu
gacantiisa soogalo maalku wuxuuna kabixinayaa hal sano oo keliya
zakadeed saasna waxa qaba saciid ibnu musayib, iyo cadaa ibnu abii
rabaaxa, intaasi waa waxay kadheheen culumadu ninka lagu kalsoon
yahay ee dhiibaya deynta“
balkan cayrta ahna an eegno, haduu yahay mid cayra ama mid madax
adag ama mid laablaab badan waxay dheheen maalkaas kuma waajibeyso
zako saasna waxaa qaba qataadah, Isxaaq, iyo xanfiyada sababtuna
waxay dheheen waa xoola an lagu intifaacayn“
Qawlkalena waxay dheheen wuuka zakeynayaa markuu gacanta kudhigo
sanadihii soo dhaafay dhamaantood, saasna waxaa qaba Sowriyi, iyo
abii cubeyda“
Qawlkalena waxay dheheen wuuka zakeynayaa markuu gacanta kudhigo
halsano oo keliya, saasna waxa qaba Cumar ibnu cabdulcasiis,xasan,
Leysi, Owsaaci, Maaliki“
Intaasina waa dadkaan lagu kalsoonayn in lagahelo deynta ay
qabaan iyo wixii culumadu kadheheen“ Haweentu waxay isku qurxiso
oo dahabka iyo fiddada ah Culumadu waa isku khilaafeen zakadiisa,
abuu xaniifa iyo ibnu xasmi waxay qabaan waa waajib zakadiisu waxay
haweenku isku qurxinayaan oo dahab iyo fiddo ah haduu gaaro nisaab
ama zaka goys,waxayna udaliishadeen xadiiska cumar ibnu shucayb
kaweriyey aabihii, aabuhuna kasii weriyey awowgiis, wuxu yiri waxaa
nabiga uyimid nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee laba
haweena oo gacmohooda ugu jiraan jijimo dahaba, markaas ayuu yiri (majece
shihiin in Alle jijimo idiinka dhigo maalinta qiyaame jijimo naar ah
) waxay dheheen maya markaasuu yiri: (kadhiiba xaqa kan gacmihiina
kujira )
Asmaa bintu yasiid waxaa laga weriyey inay tiri waxaanu usoo
gallay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, aniga
iyo habaryartay anagoo qabna jijimo, markasuu yiri: (mabixisaan
zakadiisa ) waxaanu niri maya, markaas ayuu yiri: (miyaydaan
kabaqayn in Alle idiinkujijimeeyo jijimo naar ah, kadhiiba zakadiisa)
heytami wuxuu yiri axmad ayaa weriyey sanadkiisuna waa xasan ;
Caisha waxaa laga weriyey inay tiri waxaa iisoo galay rasuulka
nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, wuxuuna gacan tayda ku
arkay faraatiyaal fiddo ah markaasuu igu yiri (caishay waamaxay
waxani ) markaasaan iri waxaan ugu talagalay inaan kaa isugu qurxiyo
adiga rasuul Allow, markaas ayuu yiri (makadhiibtaa zakada)
markaasaan iri maya ama waxan iri wixii Alle doonay, markaasuu yiri:
(isagaa kuugu filan naar)waxa weriyey abuu daauud, daaru qudni, iyo
beyhaqi, Sadexda imaam oo kale waxay kutageen inaayan zako lahayn
waxa haweenku isku qurxiyaan ee dahab iyo fiddo ah intuu doonaba
hagaaree,
Beyhaqi wuxuu weriyey in laweydiiyey jaabir ibnu cabdullaahi
waxyaalaha haweenku isku qurxiyaan zako maleeyahay? wuxu yiri maya,
markaasaa waxaa layiri kawaran haduu gaaro kun diinaar, markaasuu
yiri haba kabad Naado haduudoono,
Beyhaqi wuxuu weriyey asmaa bintu abii bakar inay kuqurxin jirtey
gabdheheeda dahab gaaraya 50,000 kamana zakayn jirin, Kitaabka
layiraahdo muwadda waxaa kusugan caisha inay ahayd mid xanaa naysa
gabdho walaalkeed dhalay ee agoomaa waxayna lahaayeen dahab ay isku
qurxiyaan kamana zakayn jirin caisho,
Waxa kaloo muwadda kusugan Cabdullaahi ibnu Cumar wuxuu ahaa mid
kuqurxiya gabdhihiisa iyo jaariyadihiisa dahab kamana zakayn,
Khadaabi wuxuu yiri sida daahirka kucad kitaabka Alle suuratu towbah
aayadaha 34-35 waxay umarag noqonayaan cida tiri waa waajib in laga
zakeeyo haweenku waxay isku qurxinayaan, Aaraadan aynusoo marrayna
waa xoojinayaan,
Nuxurkii oo kooban sida dadaalka badani waa in laga bixiyo zakada
waxay haweenku xiranayaan oo dahab iyo fiddo ah.
Zakada meherka haweenka
Abuu xaniifa wuxuu qabaa inaan wax zakaa laga rabin meherka
haweenka ilaa ay gacanta kudhigto wax zaka ahi kuma waajibayso ilaa
lasiiyo markaasna ay kutasarufto, islamarkaasna waxaa shardi ah inuu
gaaro maalkaasi nisab Ama zaka goys, shardiga kalena waa inuu kasoo
wareego sanad, laakiin haday xoola kale oo gaaraya nisaab ay horay
uhaysatay markaas looma fiiri nayo sanad ee waxa laga zakey nayaa
markii xoolaha hore sanad udhamaado
Tusaale waxay haysatay kun dollar oo soogalay gacanteeda
Jan.2000, markasey waxay kaloo heshay meherkeedii Jun,2000, waxaa
sanadku ugu dhamaa nayaa Dec, 2000 saas ayaa loo xisaabinayaa hanti
kasta oo kusoo gasha adoo haystey hanti hore oo gaareysa nisaab,
Shaafici wuxuu qabaa haweenta waa kulaasim (qasab) zakada
meherkeedu xataa haday tahay midaan weli laguri geysan lanataaba
marhadii sanad kasoo wareego waa inay bixiso, saas wuxuu kawadaa
haweentu nus bay leedahay meherka hadaan weli lataaban oo nikaax
keliyi kudhacay saas ayadoo ah waxa laga rabaa labada qayboodba inay
ka zakayso waa qawlka shaafici,
Xanaabiladu waxay dheheen haweenta meherkeedu waa deyn iyada
kamaqan xukunkiisuna waa haduu yahay ninku mid maal qabeen ah waaku
Waajib zakadiisu maalka inay bixiso, markay gacanta kudhigtona waxay
kazakay naysaa sanadihii soo dhaafay,
Zakada ijaarka guryaha
Abuu xaniifa iyo maalik waxay qabaan ninka ijaartey guriga xaq
umalaha ijaarkiisa ilaa mudadii ijaaradu dhamaato, waxay dheheen
anagoo taas waxku dhisayna ninkii guri ijaarta kumawaajibin
ijaaradaas zakadeedu ilaa uu gacanta kudhigo markaasna sanad kasoo
wareego, isla markaana gaadho nisaab Ama zaka goys,
Xanaabiladu waxay qabaan ninkii guri ijaarta wuxuu mulkinayaa
ijaaradiisa waqtiga heshiisku dhacay, xataa haduusan waxba qaadan
waxa lagu tirinayaa maalkaas mulkigiisa, saas awgeed waxaa
kuwaajibaya ijaaradiisa zako, waa hadii ay gaadho nisaabkii ama
qadarkii zakadu kawaajibaysey, isla markaasna kasoo wareego mudodhan
sanad,
Zakada ganacsiga
Jamhuurta culumada, saxaabada, taabiciinta iyo fuqahadii
kadamaysay dhamaan toodu waxay kutageen inay waajib tahay zakada
hantida ganacsigu.
waxaana daliil u ah xadiiska ay werinayaan abuu daauud iyo
beyhaqi, waxa laga weriyey samurata ibnu jundub inuu yiri, Nabigu
nabad gelyo iyo naxa riis korkiisa hanoqotee wuxuu ahaa kiina amra
inaanu kabixino zakada maalka aanu udiyaarinay ganacsiga: Daliilka
labaad waa xadiiska ay werinayaan daaruqudni iyo beyhaqi :
Abii Darri ayaa kaweriyey Nabiga nabad gelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee Inuu yiri: (geelu wuxuu leeyahay zako ariguna
wuxuu leeyaya zako lo’duna waxay leedahay zako alaab tuna waxay
leedahay zako) Xadiis kale waxaa werinaya Shaafici, Axmad,
Abucubeydin, Daaruqudni, Beyhaqi, iyo Cabdurisaaq inuu kaweriyey
Camru ibnu xamaasin aabihiis oo xamaas ah wuxu yiri,waxaan ahaa mid
iibiya hargo ama maqaar hadaan ahay xamaas markaas ayaa waxaa isoo
maray Cumar ibnu khadaab Allaha karali noqdee markaasuu yiri: kabixi
maalkaaga zakada , markaasaan ku iri amiirkii mu’miniintow waxaani
waa hargo, markaasuu yiri: qiimay, macnaa maqaaradan lacagtooda
xisaabi oo markaas kabixi zakada,
Waxaa kusugan kitaabka Mannaar, culumada diinta jamhuurtoodu
waxay leeyihiin waa waajib zakada hantida ganacsigu, Intaasi waa
adiladii iyo Aaraadii kutusinaysey zakada hantida ganacsiga,
sababtoo ah xoolahaagu waxay kuwareegaan lacag iyo badeeco lacagtii
kujidho, saas awgeed waa inlaqiimeeyo markasta oo sanad kasoo
wareego Siloo ogaado zakada kabaxaysa, taasna horaan usoo
tusaalaynay,
Goormay noqotaa hantidu ganacsi ama tijaaro
Wuxuu yiri ninkii kitaabka Muqniga qoray ganacsi manoqonayso
hantidu ilaa laba shardi laga helo,
1-waa inuu ficil kusoo galaa maalku sida beyca, meherka, hibo
lasiiyey maal waalidku u dardaarmay iyo kasbasho banaan oo wax lagu
kasbado,
2-waa inuu niyoodo ganacsi markuu mulkinayo maalka, haduusan
uniyoon ganacsi manoqonayo tijaaro maalkaasu ee wuxuu noqonayaa
badeeco kayda, qofkii hantiya tijaaro gaaraysa nisaab kanasoo
wareegto sanad wuxuu qiimey nayaa sanadka dhamaadkiisa markaasuu
kabixi nayaa zakada, qaabka looga dhiibayaana waa sidan, hantidaada
markaad xisaabto waxa kuusoo baxa uqaybi 40 meelood waxaad kabixisaa
markaas meelkamida waxa kuu soo haray waa 39 meelood, tusaale hadaan
kabixino 1000$ uqaybi 40 =25 waxa kaabaxay waa shan iyo labaatankaas,
sidaas ayuu kusameynayaa taajirku maalkiisa sanad kasta ee soo
wareega haduu Alle kabaqayo,
Qore: Mohamud M. Isse (Ufayn)
ufayn@somalitalk.com
Nairobi, Kenya