Zakada Rikaaska
Macnaha rikaasku waa duug laga helay maal oo kamida duugihii
dadkii hore Aasteen, laguna helo hawl yari adigoon kuraadi wax maal
ah iyo tacab kaagabaxay, laakiin wixii tacab iyo dadaal ama kharash
kaagalo manoqonaayo rikaas,
Rikaaska waajibnimada zakada lagu xiray sifadiisa,
Waa waxkasta oo maal noqda sida Dahabka, Fiddada, Birta, Rasaasta,
Sufurka, Iyo wixii lamida, Saasna waxaa qaba mad habka xanafiyada,
xanaabilada, Isxaaq, Ibnu mundir, Riwaayad maalik kasugan, iyo
shaafici labadisa qowl mid kamida,
Rikaaska waxa kawaajibaya
Waxaan horay kusoo qaadanay rikaasku inuu yahay wixii duug dadkii
hore Aasteen laga helay, waxaana kawaajibaya shan meelood oo meel
kamida waxana loo yaqaan (Khumus)
Afarta meelood ee soo harayna waxaa iskaleh ninkii ugu horeeyey
ee dhulka iska lahaa hadii lagaranayo, haduu dhintayna kuwa
dhaxalkiisa iska leh ayaa lasiinayaa hadii lagarto, hadii kuwaasoo
Dhan lawaayo waxaa ladhigayaa Bangiga muslimiinta, sidaas waxaa qaba
Abuu xaniifa, Maalik, Shaafici, iyo Muxamad,
Axmad iyo Abuu yuusuf waxay qabaan cidii heshay ayaa lasiinayaa
markii khumuska lagasaaro haduusan sheegan ninkii dhulka
lahaa,hadiise nin sheegto hadalkiisaa laraacayaa khumus kuna waaka
waajibayaa haduu yaryahay iyo haduu badan yahayba loona fiirin maayo
nisaab inuu gaaro maalka rikaasku, waana siday qabaan Abuu xaniifa
iyo Axmad, waxaa kaloo jira riwaayadda ugu saxiixsan ee Maalik iyo
qowlka dambe ee Shaafici waxay dheheen rikaasku waa inuu gaaro
nisaab laakiin sanad inuu kasoo wareego loofiirin maayo,
Cida khumusku kuwaajibayo,
Jamhuurul culamaa waxay qabaan inuu khumusku kuwaajibayo qofkii
hela Oo muslim ah ama gaal balan lalagalay ee balantii kujira,qof
yar iyo qof waayeel ah, qof caqli qaba iyo qof waalan, waxaana kan
waalan iyo kan ciyaalka ah maamulaya inuu kabixiyo weligooda,
masuuliya dooda cidaleh, laakiin shaafici wuxuu kareebay gaalka
heshiiska lala galay in laga qaado khumuska waadiidey,
Xagee lagu bixinayaa ama yaalasiinayaa khumuska?
Shaafici wuxuu qabaa in lagubixinaayo booska zakada lagubixiyo
waana Siddeedii qolo ee qur aanku sheegay, wuxuuna daliishadey waxa
kusugan Axmad iyo Beyhaqi ee laga werinayo Bishri, kana werinayo nin
qoladiisaa, wuxuu yiri ninkaasi, waxaa igusoo dhacday dushayda
selled (qariirad) oo kasoo dhacday deyr baaliyoobey (duugoobey) ee
magaalada kuufa kamida waxaana kujirey afar kun oo Dirham,
markaasaan waxaan la aadey Cali ibnu abii daalib Allaha karaali
noqdee markaasuu yiri cali uqaybi shan meelood, markaasaan qaybiyey,
Calina wuxuu qaaday khumuskii lawaajibiyey wuxuuna isiiyey afartii
meelood ee kale, markaan dhaqaaqay ayuu iiyeeray wuxuna yiri jiiraan
kaaga makujiraan dad fuqaro masaakiin ah? Waxaan iri haa, markaasuu
yiri qaad khumuskan oo uqaybi dhexdooda,
laakiin Abuu xaniifa, Maalik,iyo Axmad waxay qabaan in lagu
bixinaayo meeshii lagu bixin jiray feyga, (waa xoolaha lagaqaado
gaalada lalajahaadayo ee laga qabsado ayadoon dagaal dhicin waxana
sharcigu uyaqaan Fey,)
Taasna waxay udaliishadeen waxa laga weriyey Shacbiyu oo ah inuu
nin helay kun Diinaar ee laduugey magaalada madiina markaasuu
ulayimid Cumar Ibnu Khadaab Allaha karaali noqdee, markaasuu
kaqaaday khumuskii 200 ee diinaar intii soo hartayna ninkii buu
siiyey markaasuu cumar bilaabay inuu uqaybinayo dadkii sooxaadiray
ee muslimiinta kamidahaa, markaas ayaa waxa kasoo haray in dheeraad
ah markaasuu yiri mee ninkii danaaniirtaan iska lahaa? markaasuu
isusoo taagey ninkii, markaasuu Cumar yiri, qaado diinaaradaan adaa
iskalehe, wuxuna kamid noqday dadkii waxloo qaybinayey asagoo afar
meelood horay loosiiyey.
Waxa baddakasoo baxa zakadiisa
Jamhuurta culumadu waxay qabaan inaan zako laga rabin dhamaan
wixii badda kasoobaxa oo ay kamid yihiin Luulka, Murjaanka,
Zabarjadka, Canbarka, Kaluunka, iyo wixii lamida,
laakiin Axmad labadiisa riwaayo midood ayaa waxa kusugan waxa
badda kasoo baxaa haduu gaaro nisaab waxa laga rabaa zako, waxa
kaloo laba kuwaas aynu soo sheegnay kamida kuwaafaqay Abuu Yuusuf,
waana Luulka iyo Canbarka,
Ibnu cabaas Allaha karaali noqdee wuxu yiri canbarku wax zakaa
malaha waana shey badu soo tuudhay,
Jaabirna wuxu yiri canbarku zako malaha ee waaqanimo ninkii qaata,
Maalka faa iidada ah zakadiisa,
Qofkii faa iida maal kamida noocyada loo eego sanad inuu kasoo
wareego, maalkale oo kasokeeyana an lahayn, maalkaasoo gaaraya
nisaab, ama wuxu horay ulahaa maal kale oo kayar nisaab laakiin
markii laysku daro labada qaybood waxay gaarayaan nisaab markaas
ayuu kabilaabayaa inuu sanad utiriyo maalkaas, markii sanadku
dhamaadona waxaa kuwaajibaya zako, qofkii haysta xoolo gaaraya
nisaab faa iidaduu helaa sadex midkood kama marna, ama waa sadex
midkood,
- -inuu yahay maalka faa iidadu midkasoo galay ganacsi ama xoola
nool oo isdhalay ee ubad yaryari kusoo kordheen, kuwaas lafaa
iidey waxaa lagu tirinayaa maalkii asalka ahaa ee hore waxana
lagawada zakeynayaa mudadii laga zakayn jirey maalka hore ee
asalka ah, laakiin ninkii haysta hanti ganacsi ama xoola nool,
kuwaasoo gaaraya nisaab, haduu markaas faa iida kahelo
ganacsigii, xoolihiina dhalaan ubad yaryar markaas zako inuu
kabixiyo ayaa kuwaajibaysa faa iidada iyo asalka oo wadajira,
wax khilaafina kamajiraan,
- -tanlabaad waa inay faa iidadu tahay mid lamida xoolaha uu
horay uhaystay ee gaarayey nisaabka, tusaale geel ayuu horay
ulahaa markaasuu geel kale faa iidey laakiin kamahelin xoolahaas
naftooda ee sikale ayuu kusoo helay sida hibo ama dhaxal,
markaas Abuu xaniifa wuxuu leeyahay waa laysku darayaa faa
iidada iyo xoolihii hore, waxayna kuraacayaan tirada iyo
muddadii lagazakayn jirey labadaba,
Shaafici iyo Axmad waxay dheheen xaga nisaabka waa laysku
darayaa xoolaha faa iidada ah iyo kuwa asalka ah, laakiin sanad
cusub ayaa loo tirinayaa, tusaale wuxuu haystey 1000$ markaasuu
faa iidey kun kale wuxuu kazakay nayaa kun kasta markuu taam
noqdo ama dhamaado sanadkiisu,
Imaamu maalik wuxuu kuraacay abuu xaniifa xaga xoolaha nool,
xaga lacagtana wuxuu kuraacay Shaafici iyo Axmad,
- -tansadexaad waa inuu yahay maalka lafaa iidey midka duwan
nooca uu haysto, tusaale geelbuu haystey markaasuu faa iidey
Lo,maalkaas laysuma geyn karo layskumana zakayn karo ee haduu
yahay midgaaraya nisaab waxa laga rabaa zako gaarkiisaa
noockasta oo kamida labada jinsi, midkastana gooni ayaa loogu
tirinayaa sanadkiisa , haduusan gaarin nisaab waxzakaa
lagamarabo waana qowlka jamhuurta culimada.
Zakadu inay kuwaajibeyso qofka naftiisa ee aney kuwaajibin
maalka
Mad habka Xanafiyada, Maalikiyada iyo riwaayad shaafici leeyahay
iyo riwaayad Axmad leeyahay waxay qabaan zakadu inay kuwaajitey
maalka laftiisa,
laakiin qowlka labaad ee Shaafici iyo quwlka labaad ee Axmad
waxay qabaan inay zakadu waajib kutahay qofka maalka leh naftiisa ee
aney waajib ku ahayn maalka laftiisa,
Ibnu xazmi wuxuu rajaxay ama taageeray inay zakadu waajib kutahay
qofka naftiisa wuxuna yiri, waxkhilaafa majiraan oo udhaxeya madaxda
diinta ee waqtiga yagan ilaa waqtigii Rasuulka nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee,
Maalka oo dhamaada markay zakadu waajibtey kadib intaan
labixin
Markay sugnaato zakada waajibnimadeedu maalka dhexdiisa ee sanad
kasoo wareego ama beertii soogo’do markii halkaas lamarayo hadii
maalkii dhumo ama dhamaado, zakadii dhamaanteed waxay waajib kutahay
qofkii maalka lahaa dushiisa, haduu isagu dayacay ama yuu dayicine
waa iskumid saasna waxaa qaba Ibnu Xazmi iyo mad habka Axmad intiisa
caankaa (mash huurkaa), taasina waxay kutusinaysaa sidaynu horay
kusoo marnay inay zakadu waajib kutahay qofka naftiisa ee maalka
aney saarray,
laakiin Abuu Xaniifa wuxuu arkaa hadii maalku dhumo ama dhamaado
dhamaantiis waxdayaca oo qofka xagiisa kayimidna aney jirin zakadii
waaka dhacaysaa dushiisa, laakiin hadii xagiisa dayacu iy gabood
falku kayimaado ee isagu sababta lahaa zakadii waalagu leeyahay,
Waxay kaloo qabaan Shaafici, Xasan ibnu saalax,Isxaaq,Abuusowr, iyo
Ibnumundir hadii maalkii dhumo intaaney usuuroobin zakada
bixinteedii waaka dhacaysaa zakadii dushiisa, hadiise qaarkamida
maalkii dhumo qaarkii kalena baaqiyahay waalaga rabaa zakadii, ibnu
qudaamana saasuu taageeray,
Zakadii oo dayacantay markii lasoocay
Haduu sooco zakadii si uu usiiyo cidii mutaysatay inlasiiyo oo
markaas ay dayacanto kuligeed ama qaarkeed waxaa dushiisaa qofkii
hantida lahaa inuu keeno markale sababtoo ah isagaa luquntiisa laga
rabaa ilaa uu gaarsiiyo cidii Alle amray inlagaarsiiyo,
Malabixin karaa qiimo udhigma hadii lawaayo noocii zakada,
Mabanaana in ladhiibo qaymihii nooca nasku tilmaamay ee
zakada in lawaayo maahee, sababtoo ah zakadu waacibaado, cibaadona
kuma ansaxdo qaabkii sharcigu amray waxan ahayn,
Showkaani wuxuu yiri, sida xaqaa zakada waxa waajiba in
lagabixiyo nooca laga zakeynayo laftiisa, loomana bedel qaadan karo
qaymeheeda inay taasi suuroobi weydo maahee.
Zakada maalka lawadaago
Haduu yahay maalku midlawadaago ee kadhexeeya labaqof iyo wixii
kabadan Kumawaajibayso zakadu midkoodna ilaa midkasta maalkiisu
gaaro nisaab kaamil ah waana qowlka culumada intooda badan, laakiin
waxaan kujirin maalka halkan looga hadlayo xoolaha nool dadka
wadaaga oo ayagu waa isku zakagelayaan hadii laysku darsado xoolo
ninkastaa leeyahay wax nisaab kayar, taasna horaan ugasoo hadalay,
Zakadoo laga cararo xukunkeeda
Maaliki, Axmad, Owzaaci, Isxaaq, Abuu cubeydin, waxay ragaasi
kutageen in qokii hela maal gaaraya nisaab oo kamida noocyada maalka
kuudoonaba hanoqdee haduu iibiyo intaanu sanaddkii dhamaan ama
hiheeyo ama dhumiyo qaar kamida maalkii isagoo ulajeeda zako
kacararid, zakadii waa lagarabaa waxana laga qaadayaa markii sanadku
dhamaado waana haduu sidaas sameeyey markii zakada waajib nimadeedu
soo dhowaatey ee sanadka aakhir kiisii kamida, laakiin haduu
arinkaas sameeyey sanadka awalkiisii markaas zakadu kuma waajibayso
sababtoo ah looma qaadan karo zako kacararid taas,
waxayna daliishadeen Suuratul qalam Aayadaha 17 ilaa 20aad
waxayna kahadlaysaa qoladii kudhaaratay inuusan beertooda soogelin
miskiin, saas awgeed Allaa kuciqaabay inay waayaan beertoodii meelay
kutiil, waxayna kumutaysteen kacararid sadaqo masaakiin lasiiyo,
laakiin Shaafici iyo Abuu Xaniifa waxay dheheen marhadii maalkii
nuqsaani kudhacday sanadkii oo an weli taam noqon (buuxsamin)
zakadii waaka dhacaysaa dushiisa, wuxuuse noqonayaa qofkii saas
sameeyey isagoo kacararayey zako qof denbaabey ee Alle kucaasiyey.
Qore: Mohamud M. Isse (Ufayn)
ufayn@somalitalk.com
Nairobi, Kenya