waxaase khilaafay Maalik iyo Leysi
keliya oo waxay dheheen mar hadii
xoolo nool waxani yihiin lama
kalaqaadayo hasoofeen ama kuwo
meeshooda lagu quudiyo hanoqdaane
farqi makala laha oo marhaday nisaab
gaaraan waa laga zakey nayaa,
laakiin axaadiistu waxay kucadahay in
xoolaha laga zakeynayaa yihiin kuwa
daaqa dooga banaanka kabaxay,
Zakada Geela
Wax zakaa lagama rabo geela ilaa uu
gaaro 5 neef oo geel ah, Waxaana looga
zakey nayaa sidatan hoos kucad,
- 5-----9 waxa lagabixinayaa neef
ariya oo weliba ido ah,
- 10---14 waxa lagabixinayaa laba
neef oo ido ah,
- 15---19 waxa lagabixinayaa sadex
neef oo ido ah,
- 20---24 waxa lagabixinayaa afar
neef oo ido ah,
- 25---35 waxa lagabixinayaa qaalin
geel ah oo hal sano jir ah ee
sanadkii labaad madaxa lagashay,
- 36---45 waxa lagabixinayaa qaalin
labajir ah oo sanadkii sadexaad maxa
lagashay,
- 46---60 waxa lagabixinayaa qaalin
sadexjir ah oo sanadkii afraad
madaxa lagashay,
- 61---75 waxa lagabixinayaa qaalin
afarjir ah oo sanadkii shanaad
madaxa lagashay,
- 76---90 waxa lagabixinayaa laba
qaalmood oo labasanojir ah sanadkii
sadexaadna madaxa lagalay,
- 91---120 waxa lagabixinayaa laba
qaalmood oo sadexjirro ah sanadkii
afraadna madaxa lagalay,
- markuu kasiyaado 120 waxaa
lagabixinayaa afartankii kastaba
qaalin labajir ah sanadkii
sadexaadna madaxa lagashay, ama waxa
lagabixinayaa kontonkii kastaba
qaalin sadexjir ah oo sanadkii
afraad madaxa lagashay,
qaaciidadaas ayaa loo kala ratibayaa oo
haduu geelu ku imaan karo inuu ukala
qaybsamo afartan afartan saas ayaa loo
kalafariisi nayaa, haduu yahay geelu mid
kuhaboon inloo kala qaybiyo konton
kontona saas ayaa loo kala xisaabinayaa,
hadii qofku waayo neefkii kawaajibey
geeliisa muxuu samay nayaa? tusaale
ninkii laga rabey qaalin 4 sanojir ah
ee kawaayey geeliisa laakiin wuxuu
heli karaa mid sadexjir ah, wuxuu
bixinayaa taas sadex jirkaa wuxuuna ku
kabayaa (kukordhinayaa) labaneef oo
ari ah hadey usahlanaato, hadii kalena
labaatan dirham ayuu ku kabayaa
qalinta, sababtoo ah waaka
qiimayartahay qaalintu tii laga rabey,
saas darteed ayaa loo kabayaa,
Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 3
sanojir ah ee kawaayey geeliisa
laakiin wuxuu heli karaa mid afarjir
ah, wuxuu bixinayaa taas afarjirkaa
markaas waa inuu kii zakada qaadayey u
celiyaa kan zakada bixinaya labaneef
oo ari ah ama labaatan dirham,
sababtoo ah qaalintu waaka qiimo
sarraysaa tii laga rabey saas awgeed
ayaa loogu celinayaa labada neef,ama
labaatanka dirham, waxaa lafiirinayaa
qiimo leeg ee lacagaha maanta laheli
karo kamida, kaas ayaana markaas
labixinayaa bedelkoodii,
Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 3
sanojir ah ee kawaayey geeliisa
laakiin wuxuu heli karaa mid laba
sanojir ah taas ayuu dhiibayaa wuxuuna
ku kabayaa sidaan horay kusoo marnay
laba neef oo ari ah hadey ufudu daato
hadii kalena wuxuu ku kabayaa labaatan
dirham, Sidoo kale ninkii laga rabey
qaalin laba sanojir ah ee kawaayey
geeliisa laakiin heli kara mid
sadexjir ah wuxuu bixinayaa taas
sadexjirkaa markaas ayuu kii zakada
qaadayey wuxuu uceli nayaa laba neef
oo ari ah ama labaatan dirham,
Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 2
sanojir ah ee kawaayey geeliisa
laakiin heli kara mid hal sanojir ah
wuxuu bixinayaa taas sannadjirkaa
wuxuuna ku kabayaa laba neef oo ari ah
hadey u sahlanaato hadii kalena wuxuu
ku kabayaa labaatan dirham, Sidoo kale
ninkii lagarabey qaalin hal sanojir ah
ee kawaayey geeliisa laakiin heli kara
mid laba sanojir ah wuxuu bixinayaa
taas labajirkaa markaas ayuu kii
zakada qaadayey u celinayaa kan
lagaqaadayo laba neef oo ari ah ama
labaatan dirham,
Taasina waa geela zakadiisii oo ah
tuuku camal falay Abuu bakarusidiiq
Allaha karaali noqdee,
waxaana uga dambeeyey ee saas kucamal
falay Cumar Ibnukhaddaab Allaha
karaali noqdo dhamaantood, waxayna
kullamaan sanayd dardaaran kiisii
markuu geeryoodey amiirulmu’miniinkii
Allaha karaali noqdee Cumar
Ibnukhaddaab.
Zakada Lo'da
Waxzakaa lagama rabo lo,da ilaa
aygaadho 30 daaqda dooga roobka
kubaxay, markay gaadho lo,dii sodon oo
sanad kasoo wareego waxaa looga
zakaynayaa sidan,
- 30----39 waxaa lagabixnayaa dibi
hal sanojir ah (tabiic)
- 40----59 waxaa lagabixinayaa
qaalin lo,ah ee laba sanojir ah,
- 60----69 waxaa lagabixinayaa laba
dibi ee hal sanojirro ah,
- 70----79 waxaa lagabixinayaa
qaalin labajir ah iyo dibi sanadjir
ah,
- 80----89 waxaa lagabixinayaa laba
qaalmood ee labajirro ah,
- 90----99 waxaa lagabixinayaa sadex
dibi oo hal sanojirro ah,
- 100---109 waxaa lagabixinayaa
qaalin labajir ah iyo labadibi oo
halsanojiro ah,
- 110----119 waxaa lagabixinayaa
labaqaalmood oo labajirro ah iyo
dibi halsanojir ah,
- 120----129 waxaa lagabixinayaa
sadex qaalmood ee labajirro ah ama
afar dibi oo halsano jirro ah,
wixii intaas kasiyaada waxaa lookala
ratibayaa sidan, sodon kasta waxaa
lagabixinayaa dibi halsanojir ah,
afartan kastana waxa lagabixnayaa qaalin
labasanojir ah, tusaale sadex meelood oo
min sodon ah waa 90+40=230 waana qaabka
lookala fariisinayo xoolaha markii laga
zakeynaayo labadaas tiro hadba siday
isku keeni karaan,
Zakada Ariga
Waxzakaa lagama rabo Ariga ilaa uu
gaaro 40 neef oo daaqa dooga roobka
kubaxay markaasna sanad kasoo wareego,
waxaana looga zakeynayaa sidan,
- 40-----120 waxaa lagabixinayaa hal
neef oo ari ha,
- 121---200 waxaa lagabixinayaa laba
neef oo ari ah,
- 201---300 waxaa lagabixinayaa
sadex neef oo ari ah,
markuu kasiyaado sadex boqol waxaa
lagabixinayaa boqol kasta halneef oo Ari
ah ee an waxceeba lahayn,
waa banaan tahay inlaga bixiyo kuwa
labka ah sida orgiga iyo wanka waana
laysku waafaq sanyahay waase hadii
xoolaha laga zakaynayaa wadayihiin
kuwa lab ah(macnaa lab waa wanka ama
orgiga ama ratiga), laakiin xanafiyadu
waxay dheheen hadii xooluhu dhamaan
tood wada yihiin dhadig sida rida iyo
laxda ama iskujir dhadig iyo labood
waa banaan tahay in lagabixiyo kuwa
labka ah,
waxaa kaloo baraarujin mudan
masaafooyinka udhexeeya labada fariido
ama labada meelood ee zakadu
kawaajibayso sida culumadu isku
itifaaqeen malaha wax zako ah, tusaale
25 ilaa 36 ee geela ah malaha intaas
dhexda ahi wax zakaa, tusaale kale 30
ilaa 40 ee Lo,da ah malaha intaas
labada boos udhaxaysaa wax zakaa,
Arigiina waa sidoo kale 40 ilaa 120
wax zakaa malaha, tusaalahan keliya
kamawado laakiin meelkasta ee
udhexaysa labatiro waa looga qiyaas
qaadanaya,
waxaa kaloo xusid mudan qofka zakada
aruurinaya uma banaana inuu kaqaado
neefka ugu qaalisan xoolaha ee ishu
qabato, laakiin haduu yahay qofka
dhiibayaa mid asagu naftiisu kuraali
tahay wuu bixin karaa, hadii kalese
waxaa laga qaadayaa neef dhexdhexaada
ee an ahayn kulagasoo xulay maalkaas,
waxaa kalo xusid mudan inuusan bixin
neef ceebleh ee ceebtiisu muuqato
markii laweydiiyo dadka khibrada uleh
xoolaha ay oran karaan kani waaneef
xun, laakiin hadii xoolii oo dhami
noqdaan kuwo wada ceebaysan markaas
waxaa labixinayaa sida ugu wacan wixii
lagaheli karo. Xoolaha oo
lakalasaaro,ama lakulmiyo,
Xoolaha oo lakulmiyo ama lakalasaaro
silooga fakado zakada bixinteeda waxaa
kusugan sidan, Suweyd Ibnu quflata
waxa lagaweriyey inuuyiri, waxa
nooyimid zakaqaadihii Rasuulka
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee, markaasaan waxan kamaqlay
isagooleh, anagu maqaadno neef irmaan
oo caano nuujinaya, mana kalasaarno
xoolo wadajira, mana isugeyno.
xoolo kalasoocan, markaasaa waxa
lookeenay hal geela oo kurus weyn,
markaasuu diidey inuu kaqaado,
sababtu waa xoolaha kuwii ugu qiimaha
badnaa ee layiri hakaqaadina. Daliilka
labaad, Anas wuxuu kawaramay inuu
Abuubakar uqoray Anas oo gudoomiya
gobol ah xagiisa waraaq,
Abuubakar wuxuu hadalkiisa kubilaabay
sidan, taniwaa sadaqadii waajibka
ahayd (zakada) taasoo rasuulku
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee kuwaajib yeelay muslimiinta
dushooda, waxana kamid ahaa qoraalkaas
,lamakulmiyo laba kalasoocan, lamana
kalasooco laba iskujirey ayadoo
lagacabsanayo sadaqada,wixii labo isku
darsadaan iyagaa isula noqonaya
dhexdooda si sinaan ah) waxaa weriyey
Bukhaari Macnaa waxaa loolajeedaa
hadii labanin xoolo wadaagaan tusaale
40, neef oo ari ah ayaa waxaa wadaaga
labanin midkastaana wuxuu leeyahay 20,
neef markaas waxaa kabaxaaya halneef,
wuxuuna kamid yahay labadooda midkood
maalkiisa, kankalena wuxuu celinayaa
neefkaas qiimaha kagasoo aadan xagiisa
oo wuxuu siinayaa saaxiibkiisa xooluhu
isugujiraan ee neefkaasi kabaxay
xoolihiisa.
Maalik wuxuu kusheegay kitaabkiisa
Muwadda’asagoo cadeynaya macnaa looga
jeedo issugeynta iyo kalgeynta xoolaha
wuxu yiri, sadex qof ayaa waxa
midkastaa leeyahay 40 neef oo ari ah,
midkastana waxaa laguleeyahay halneef,
markaas ayey iskudarayaan sadexdii
afartanaad oo waxay bixinayaan
halneef, halkaas waxay kuqariyeen
labaneef oo hadii midkastaa goonidiisa
deganaan lahaa waxaa lagarabi lahaa
halneef, laakiin waxay kadhigeen 120
neef oo halmeel wadadegan oo markaas
lagarabo halneef oo keliya, kaasina
waa tusaalaha isgeynta looga cararayo
zakada,
Tusaalaha kalageynta looga fakanayo
zakada waa ayadoo labaqof isugu jiraan
121 neef oo ari ah, markaas waxaa
lagarabaa inay bixiyaan sadex neef,
markaas ayey kalasoo canayaan ama
kalasaarayaan oo markaas wuxuu
midkastaa bixinayaa halneef oo keliya,
halkaasna waxay kuqariyeen halneef oo
hadey sidoodii hore isgudaasan
lahaayeen waxaa looga baahnaa inay
bixiyaan sadex neef, taasina waa zako
kacararid waxbadan kadhacda dadka
maalka jecel ee anku xisaabtamin waxay
aakhiro kamudan doonaan