Cidda Zakada
lasiinayo
Dadka zakad lasiinayaa waa sideed nooc, Allaah ayaan kucadeeyey
qowlkiisa. Suuratu towba aayada 60aad, waxayna kalayihiin sidan
soosocota labadan qolo ee uguhoreeya waa:
1-2 Fuqarada iyo masaakiinta,
waana kuwo baahan oo an heli karin waxkufilan baahidooda, waxaana
kasoo horjeeda aqniyada oo ah dadka hodonkaa ama maalqabeen,
kuwaasna horaan ugasoo hadallay qadarka qofku kunoqon karo qani ama
maal qabeen, waana inuu haysto qadarkii nisaabka hanti gaadha
islamarkaana kasaayida baahidiisa asalkaa isaga iyo caruurtiisa,
waana waxlacuno, waxlacabo, dharka laxiranayo, guriga degaanka,
gaadiidka laraaco, qalabka shaqada, iyo wixii lamida ee anlaga
maarmi karin, hadaba qofkasta oo waaya qaddarkaas ansoo sheegnay waa
faqiir ama sabool wuxuna mutaysanayaa inlasiiyo zakada,
Xadiiskii Mucaad ibnu jebel waxaa kamidahaa inuu rasuulku
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yiri (waxa laga qaadayaa
kuwooda hodonkaa, waxana lagu celinayaa kuwooda saboolkaa)
Hadaba kan laga qaadayaa waakan maalqabeenkaa ee haysta maal
gaaraya nisaab sidaan soo marnay, kanlagu celinayaana waakan isaga
kasoo horjeeda waana kan saboolkaa ee anheli karin waxa uu haysto
kan hodonka ahi, manajiro halkaan waxfarqiya oo udhexeeya faqiirka
iyo miskiinka markii loo fiirsho xaga baahida iyo xaga mutaysiga
zakada, masaakiintu waa qayb kamida fuqarada waxayna leeyihiin
tilmaan gaara waxana jira xadiis ayku sugantahay wax kutusinaya inay
masaakiintu yihiin fuqarada, kuwaasoo kadhawr sanaya tuugsiga
dadkuna aney garanayn inay baahan yihiin waxaana lagu sheegay
aayaddaan soo xusnay, sababtoo ah waxaa laga yaabaa inaan lagaran
siday udhawrsoon yihiin ama isu qurxinayaan,
Abii hureera waxaa laga weriyey inuu rasuulkii Alle nabad gelyo
iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yiri (miskiinku maaha midka dadka
kuwareegaya dushooda oo ay celinayso luqmad ama laba luqmadood, ama
timir ama laba timrood, laakiin miskiinku waakaan heli karin qani
nimo deeqda, lana garanayn (1) siwaxloogu
sadaqaysto dushiisa, isuna taagayn suu dadka wax uweydiisto) waxa
weryey bukhaari iyo muslim,
Ereybixin,
1-macnaa dadku magaranayaan inuu baahan yahay oo waxay arkaan
dhawrsoo naantiisa iyo xishoodkiida.
Qiyaasta lagasiinayo miskiinka zakada,
Waxaa lasiinayaa wax kufilan baahidiisa dhexdhexaadkaa ama qadar
kasaara sabool nimada oo gaarsiiya wax kufilan, Cumar Ibnu khaddaab
ayaa waxa laga weriyaa inuu yiri hadaad bixinaysaan hodonti nimo
gaarsiiya, macnaa qofkii waxdhii bayaa hagaarsiiyo qofkuu waxsiinayo
heer uu baahida kaboxo
Mulkiilaha aan heli karin wax kufilan baahidiisa,
Ninka haysta maal gaaraya nisaab noocyada maalka kuudoonoba
hanoqdee, haduusan toosin karin baahidiisa sababtuna ay tahay
caruurtiisoo farabadan, kaasi waa hodon hadii loofiiriyo dhanka
maalka oo nisaab gaaraya, waxana kuwaajibaysa maalkiisa zako,waana
faqiir hadii loofiiriyo waxa uu haysto ee ankufilayn baahidiisa,
waxana lasiinayaa zakada sida faqiirka,
Imaamu nawawi wuxuu yiri ninkii leh hanti maguurtaa (sida beeraha
iyo guryaha magaalo) oo waxa kasoo galaa kayaraado baahidiisa kaasi
waa sabool waxaana lagasiinayaa zakada wax udhamays tira baahidiisa.
3 -- Dadka zakada kashaqeeya (caamiliin)
qaybta sadexaad ee lasoo dhowaynayo waakuwa imaamka muslimiintu
ama wakiil kiisu udiray inay kashaqeeyaan zakada soo ururinteeda,
kanasoo qaadaan dadka maal qabeenkaa, waxaana kuwaas soogelaya kuwa
xafidaya iyo kuwa raacaya haday xoolanool yihiin, iyo kuwa
liisgaraynaya oo kuqoraya diiwaanada,
waxaana waajiba inay muslimiinta kamid yihiin waana inayan ahayn
kuwii sadaqadu kaxaaraam sanayd ee kamida xigtada ama qaraabada
rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, waana Ilma
haashim iyo Ilma cabdi mudalib,
waxa lagaweriyey Mudalib Ibnu Rabiicata iyo Fadli ibnu cabaas
inay aadeen Rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee,markaasaa waxaa lahadlay midkood oo yiri; rasuulkii Allow
waxaanu kuugu nimid inaad noo amarto zakooyinkaan oo uu nagasoo
gaaro waxa dadka kasoo gaaraya ee waxtar ah, markaasuu yiri (sadaqadu
umahaboona Muxamad iyo Aalu muxamad, waxkalena maahee ayadu waa
wasahkdii dadka)
4 --- kuwa quluub tooda lasoo dumayo,(mu alafatulquluub)
Qolada afraad ee zakada lasiinayo waakoox ladoonayo inlasoo
dhoweeyo quluubtooda iyo inlagusoo daro islaamka ama lagusugo
islaamka dushiisa, Islaam nimadooda oo daciifa awgeed, ama waakoox
shartooda looga difaacayo mislimiinta, fuqahadu waxay ukalaqaadeen
muslimiin iyo gaalo, Sigaarana muslimiinta waxay ukalasaareen afar
qaybood,
- -qolada kowaad waa odayaasha iyo duqeyda muslimiinta ah sida
kuwii Abuu bakar Allaha karaali nodee siiyey, waxaana kamid ahaa
cadiyi ibnu xaatim iyo zibriqaan ibnu badrin, waxayna ahaayeen
kuwo islaamkoodu fiicnaa wuxuna usiiyey booskay kajoogaan
qoladooda,
- -qolada labaad waa muslimiinta iimaankoodu daciifka yahay
duqeydooda, cidda dhexdeedana la adeecsan yahay waxsiintoodana
lagu rajeynayo inay kusugnaadaan islaamka, iimaan kooduna
xoogaysto, sida kuwii nabigu siiyey nabad gelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee siismo balaaran kasiiyey qanimooyinkii
hawaasin lagahelay, waxana kami ahaa ragii layska daayey ee reer
maka markii lafurtay kuwaasoo markii dambe islaamay, waxaana
kamid ahaa ku munaafiqa iyo ku iimaankiisu daciifyahay intoodii
badnaydna markaas kadib way kusugnaadeen islaamka,
- -qolada sadexaad waa kuwalasoo dhoweynayo ee qolo muslimiinta
furinta xuduuda magalooyinka cadowga jooga kamida, waxaana
loosiinayaa difaacooda muslimiinta ay kadifaacayaan goortay soo
weeraraan cadowgu,
- -qolada afraad ee muslimiinta katirsani waa duqey loobaahan
yahay inay zakada kasoo qaadaan dad anbixinayn amarkooda iyo
saamaayntooda la aantii, hadii ankuwaas loo adeegasan waxay
noqonaysaa indagaal iyo xoog lagu qaado markaasna waxaa dhici
kara dhibaato, saas awgeed ayaa ladoortay inlasoo dhoweeyo
odayaasha si ay ugarab istaagaan kaalmada dawladda, taasaana
labada dhib fudud,
Gaaladiina waxaa lookala qaaday laba qaybood oo kala ah sidan,
- -waxa kamida midlaga rajeynayo soodhoweyn taas iyo waxsiintaas
inuu islaamo, sidii safwaan ibnu ubayata, kaasoo nabigu nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee uu siiyey amaan (nabadgelyo)
maalintii maka lafurtay wuxuuna usugey (ukaadsadey) afar bilood
si uu amarkiisa ugafiirsado naftiisana wax udoorto wuxuuna
siiyey geel fara badan oo rimman, markaasuu yiri Allaan kudhaar
taye nabigu waa Isiiyey asagoo an dadka ugu nebcahay kamana
suulin inuu isiinayo ilaa uu Noqday kaan dadka ugujeclahay,
- -qolada labaad ee gaaladu waa kanlaga cabsanayo shartiisa
siisma diisana lagarajey naayo inuu dhibtiisa reebto,(gaabsado)
Ibnu cabaas wuxuu yiri dadku waxay ahaayeen kuwo uyimaada nabiga
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaas haduu siiyo
waxay amaani jireen islaamka waxayna oran jireen tani waadiin
wanaagsan hadii loodiidana wey caayayeen waana ceebaynayeen,
waxaana kamid ahaa ragaas abuu Sufyaan ibnu xarbi, Aqrac ibnu
xaabisin, Cuyeynata ibnu xisnin, midkastoo kamida wuxuu siiyey
nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee boqol geela.
Axmad iyo muslim waxay anas kawerinayaan inuu yiri anas,
nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, hadii
laguweydiisto islaamka shey waa bixin jirey, waxaa uyimid nin
markaasuu weydiistay markaasuu wuxuu amray inlasiiyo ari
farabadan ee daaqaya laba buurood dhexdood ee kamida xoolihii
zakada, markaasuu kulaabtay qoladiisii oo kuyiri war qoom yohow
islaamka qaata, Muxamad wuxuu bixinayaa bixin nimaan faqri
kabaqayn oo kale.
5 - Adoomaha xorayntooda, (wafiriqaabi)
waxaa lagu jamcinayaa halkaan labanooc oo adoomuhu ukala baxaan,
waxayna kalayihiin kuwo lakitaabeeyey-macnaa waxa seyidkii lahaa
kula heshiiyey haduu keeno lacagta uu kula heshiiyey inuu xornoqon
doono markuu keeno lacagtaas.
Kankalena waa mid lahaysto oo hadii lagasoo gado cida
adoonsanaysa markaasna laxoreeyo saasna uu markaas kaga boxo
adoonimadii, Labadaas qoloba waxaa lagu xorayn karaa zakada sideeda
qaybood qayb kamida, kanlagu xiray inuu keeno lacag markaasna
xoroobo waxa loogu kaalmaynayaa zakada siduu ugabixi lahaa
adoonimada,waxaa kaloo zakada lagusoo gadayaa kuwakale oo la
adoonsanayo markaasna waa laxoraynayaa.
6-kuwa deymoobey (Alqaarimuuna)
qoladan lixaad ee zakada lasiinayaa waa kuwo deymoobey, karina
waayey inay iskadhiibaan deynta, waxayna ukala qaybsamaan sidan, mid
deyngalay ama damaano qaaday deyn inuu cidkale kadhiibayo ee markaas
isaga lagarabo, siduu kubixin lahaana maalkiisii kudhameeyey,
kuwaasoodhan waxay kaqaadanayaan zakada deymohooda,
qubeysata ibnu mukhaariqin alhilaaliyi waxa lagaweriyey inuu yiri
waxaan qaaday deyn an dad dhexdood kukala xalinayo saan dhibaato
udhicin markaas ayaan waxan utegey rasuulkii Alle nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee, anigoo waxwarsanaya, markaasuu yiri
(joog ilaasadaqo nooga timaado oo markaas ankuu amarno sadaqadaas)
rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaasuu sida
laweriyey hadana yiri: (qubeysow baryadu xalaal uma aha sadex
midkood waxan ahayn, nin xamaala qaaday oo markaas ay uxalaal
noqotay baryadii ilaa uuhelo markaana uu kajoogsado)
culimadu waxay dheheen xumaaladu waa wixii qofku qaado ee
kulaasimaysa naftiisa inuu bixiyo asagoo kukala xalinaya dad is
haysta dhexdooda. Carabtu waxay ahaayeen markii dhexdooda fidno
kadhacdo qofkood ayaa isutaagi jirey suu ugahortago dhibkaas isagoo
kudhiibaya maal wuxuu helikaro, ilaa fidnadaasi kadegto, waxayna
ahaayeen kuwo markay ogaadaan in midkood qaaday deyn uu dadkukala
saarayo waxay uladegdegi jireen inay kucaawiyaan oo aysiiyaan wax
naftiisu deynta kaga baxdo, haduu ninku arinkaas dartii wax uwarsado
dadka kuma ceebaynjirin, laakiin waxay u arkayeen faan iyo raganimo,
shardina maaha qofkii galay maslaxadaas oo kale inuu maalkiisu
dhamaado laakiin isagoo heli kara hanti gaadha waxa uu galay ayuu
hadana zakada kaqaadan karaa wuxuu kukala maslaxayo dadka dhexdooda
iyo dhibaato laysku dhici lahaa daminteed.
Qore: Mohamud M. Isse (Ufayn)
ufayn@somalitalk.com
Nairobi, Kenya