SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
Daabaco Boggan | Print

Soomaalidu Nidaam Dowlad Nimo ma u Baahanyihiin Xubnaha Baarlamaan kuse ma ku talo jiraan Amuurtaas

Soomaaliya waxa ay xoriyadeda Heshay Sanadii 1960 iyadoo Soomaaliya ay Soomartay gumaysi waxaana Dalka Soomaaliya gumaysan jiray wadamada Talyaaniga, Igiriiska, Faransiiska.


musharaxiinta oo ku dhaaranaya ki taabka ilaaheey

xidhibaanada oo dooranaya Yusuf

qaabkii loo so dhaweeyay Madaxwaynaha Xiligan

qurucda_dareen la aanta wasiirada Soomaalida

gaajada dhalaankeena iyo hooyadeena soomaaliyeed

dhibaatooyinka Maleeshiyooyinka

Soomaaliya gumaysugu waxa  ayy ka dhigeen qaybo midba si gaara loo gumaysto oo shan ah iyadoo Shantaa ay labo uun noqotay Jamhuuriyadii Soomaaliya, Sadexda kale waa Jabuuti, Waqooyiga Bari ee Kenya, iyo Soomaaligalbeed oo Itoobiyaanku Gacanta ku hayaan. 

Dalka Soomaaliya Sanadkii 1991 waxaa ka bilowday Dagaalo sababay bara kac iyo baaba badan iyadoo Soomaalidu isku laysay Qabiil iyo dagaalo aan wax ujeeda ah la hayn marka laga reebo dan shaqsiyadee daciifa. 

Burburkii iyo qasaarihii iyo dhibaatadii marki ay sii korortay Soomaaliduna ay waysay wax xala waxaa aduunku ku taliyay in Soomaalida la keeno Ciidamo dhibkooda wax kaqabta laakin amuurtaasi waxa ay noqotay uun mid sii hurisa colaadii markaa taagneed.

Waxaa la aaday dhinaca dib u heshiisiinta iyadoo soomaalida loo qabtay shirar badan oo is daba jooga waxna kama aysan soo bixin shirarkaa oo kor u dhaafaya 14 Shir waxaana shirarkaa lagu qabtay wadamada Itoobiya,Kenya,Yaman Jabuuti,liibiya,Masar balse dhamaantood shirarkaa waxba kama aysan Soobixin. 

Shirki Jabuuti ee Tuulada Dahabiga ah ee Cartata waxaa ka soo baxay Doowlada u madaxwaynaha ka noqday Dr Cabdi Qaasin Salaad Xasan balse Dadka Soomaaliyeed ayaa iyagu diiday socoshada Xukumadaa iyo in guud ahaan dalka Soomaliya in nabadi ay ka hir gasho.

Marki ay socon waysay Doowladaas ayaa hadana la is tusaaleeyay in aan laga maarmi Karin in Soomaalida loo dhigo golol nabadeed. 

Waxaana salka la dhigay Sanadkii 15 Ogtobar 2002 Galbeedka Wadanka Kenya ee Eldoret iyadoo ay goobtaa xaadir ku ahaayeen dhamaan hogaamiye siyaaseedyada Soomaaliyeed iyo qaybaha kala gadisan ee Soomaalida.

27 Ogtobar waxaa soomaalidu qalinka ku duugeen heshiis Taariikh ahaa iyagoo saxiixay 6 qodob oo aad u qurux badnaa markii Soomaalidu shaaciyeen in ay raalikuwada yihiina aduunku uriyaaqay balse runtii waxba kama hirgalin.

29 Janaayo ee  Sanadkan waxaa hadana soomaalidu ku heshiiyeen Madaqxtooyada wadanka Kenya.

guud ahaan heshiisyadii Soomaalidu waxa ay ku dhamaadeen Qasaaro aan waxba ka soo bixin Aqriste eeg Muuqaalka qurxoon ee wasiirada Soomaalida iyo Xidhibaanada iyagoo ku sugan Hoteelada ugu cansan uguna qaalisan Kenya iyagoona iloowsan dhibaatada Baaxada wayn ee Haysata Muwaadiniintan Soomaaliyeed isku eeg Sawirada Xidhibaanada iyo Wasiirada iyo Baaba haysta Soomaalida. 

guud ahaan heshiisyada ay wada gaaraan Soomaalidu ayaa ah mid aysan waxba ka jirin oon dhaafsaneen Afka baarkiisa Tusaalena u soo qaado Heshiisyadii ay saxiixeen ururadani  TNG, SRRC, SRRC/Nakuru, group, PUNTLAND STATE, HIIRAAN POLITICAL AUTHORITY, JAWHAR ADMINSTRATION, SAMO SRRC NAKURU GROUP, RRA, JVA, SNF, USC, USC/SSA IYO CIVIL SOCIETY. Oo aan waxba ka soo naaso cadaan dhib iyo colaado horleh mooyee.

Hadaba 10 Ogtobar 2004 ayaa Soomaalidu waa xubnaha Xidhibaanadee waxa ay madaxwayne u doorteen Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed balse maalmo uun doorashada kadib waxa ay sheegeen in aysan ayan sidii hore markii madqaxwaynuhu soo magacaabay raysul wasaare isaguna soo dhisay golihiisii wasiirada iyadoo waliba golahaa wasiirada loo badiyay Hogaamiyaashii Siyaasada Soomalida. 

Hadaba waxaa xilkoda iska casil wasiiro ku xigeeno dhawra iyagoo ku dooday in lagu xadgudbay Cahdiga Soomaalida.

Waxaa kaloo jira xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaalida oo iyagu wada dhaqadhaqaaq ay ku doonayaan in ay kal soonida ugala laabtaan golaha wasiirada e dHawaan la magacaabay. 

Dad badani waxa ay is waydiinayaan xubnahan waa Baarlamaankee shalay miyeey wareer sanaayeen mise manta ilayn iyagaa doortay Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf kooxkalle waxa ay is waydiinayaan maadaama Baarlamaanka Soomaalida wakiil buuxda ya yahay umada Soomaaliyed maxaa u diidan in Baarlamaanku ka fakaro Muwaadiniinta Soomaaliyed ee Sidan u dhibaataysan. 

Wali Baarlamaanku waxa uu ka badin la yahay Muran dhaxdiisa ah iyadoo aad moodo in ay wakiil ka yihiin Umad aan Soomaali ayah aadna moodo in ay Eeganayaan Danahooda gaar ahaaneed. 

Hadaba waxaa la gudboon umada Soomaaliyeed in ay ka Digtoonaadaan shirqoolada ay maleegayaan shaqsiyaadka qaarkii oo laga yaabo in ay hurinkaraan Colaad Sokeeye oo horle baarlamaankuna waa in uu ka fakaraa Danta iyo maslaxada umada Soomaaliyeed Mudana/marwo Xidhibaan laguuma soodooran in aad la muranto Mudane kale balse waxaa Shacabkiini idiin soo doortay badbaadin Dalka& Dadka Soomaaliyeed. 

Hadaba dadka Soomaaliyeed ayaa iyagu soo maray sanado colaad iyo Dhibaatooyin badani la soo qaybsadeen waayahooda nololeed maantana waxa ay Soomaalidu ubaahantahay Nabad, Cadaalad, Horumar, Isudulqaadasho iyo Isku tanaasul umana baahan hurin colaadeed xiligan cidii amuurtaasi hada markalle udiyaar ihina iyadaa qaadi doonta Mas'uuliyadeeda.

Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed
Madaxweynaha Soomaaliya: Abdullahi Yuusuf Ahmed

Beesha: Daarood
Somali Prime Minister Ali Mohamed Ghedi
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya:
Prof. Ali Mohamed Ghedi
Beesha: Hawiye
Somali parliament Speaker  Sharif Hassan Sheikh Adan
Afhayeenka Baarlamaanka Som.
Sharif Hassan Sh. Adan
Beesha:
Digil-Mirifle

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya, Nairobi

YAA KA DANBEEYA KA UGAARSIGA MASAAJIDA?.
Faalladii December ee SomaliTalk... Guji

Xeer Jabjab Lagu Furdaaminayo Dhibaatadii Loo Gaystay Samsam | Warbixin | Guji

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

 



HTML CD