Halyey Kofi Annan in la casilo iyo in jail la dhigo uma qalmo
Osman Ali - Osmanabwaan
St. Cloud, Minnesota USA
osmanabwaan@yahoo.com
Dec 10, 2004
Difaaca Mudane Kofi Annan
Waxaa socda cadaadis, cambaadhayn, cagajuglayn iyo ceebayn loo gaysanayo xog-hayaha
guud ee qaramada midoobay mudane Kofi Annan. Ololaha magacdilka Kofi Annan waxaa
hodhboodaya senatoorka cusub ee reer Minnesota Coleman asagoo huwan shaatiga gudiga
daba galka senateka ee xooga badan ee dalka maraykanka. Waxaana Coleman taageersan
oo u camidhaya Bush iyo xubno congresska ka tirsan iyo qalabka warbaahinta
conservativeka xag jidha sida fox news, wall street, Washington times, Chicago
tribune, conservative talk shows iwm.
Scott Garret oo ah xubin congress kana socda New Jersey ayaaba soo jeediyey in Kofi
annan ku haboon yahay in
xabsi la dhigo. Weerarka kuma eka Kofi ee waxaa kale oo la
weedhadhay UN qudheeda iyo dhismaheedaba, xubno baarlamaan oo ka mid ah maamulka
stateka New York ee ay UNtu degan tahay ayaa muujiyey nacaybka ay u qabaan UN ayagoo
diiday in dhismaha UN ee NY la waasiciyo ama dib u habayn lagu suubiyo. Dhawaaqyo
dhahaya UN France ha u guurto ayaa ka soo yeedhaya qaar ka mid ah conservativeska.
Weedhadhka lagu qaaday Kofi Annan waxaa uu ka qaylasiiyey dunida oo dhan bal aan
qaadaa dhigo waxa lagu haysto iyo waxa meesha ka jidha.
Maxaa lagu eedeynayaa Kofi Annan?
Waxaa lagu eedeynayaa inuu ogaa ama ogolaaday ama asago oo fiirinaya dhacay musuq
maasuq weyn oo UN Iraq oil for food ku lunsatay addun gaadhaya $21.3 billion. Waxaa
weliba lagu eedeynayaa in wiilkiisa oo la yiraahdo Kojo Kofi Annan uu lug ku lahaa
oo urur ka mid ah ururada lacagta inay xadeen lagu tuhmay asagoo weliba leenka u soo
xiray. Ururkaas waxa ay siiyeen Kojo $150,000 oo doolar baa la yiri. Waxaa kale oo
lagu soo eedeeyey in Kofi Annan horistaagay baaritaanka uu Coleman wado. UN waa
hay’ad madax banaan ee Coleman uma taliyo.
UN ayada ayaa wadaa baaritaan gudaheeda ah bal inay jiraan musuq maasuq iyo in kale.
Waxaana baaritaankaas wada ninka la yiraahdo Paul A. Volcker oo hore u ahaan jiray
madaxa US Fedral Reserve Bank Board. Ninkaas ayaa diiday inuu documentiga
baaritaankiisa ku soo wareejiyo gudiga dabagalka senate-ka ee uu madaxda ka yahay
Coleman. Coleman waxay ahayd inuu sugo ilaa baaritaanka UN dhamaanayo.
Maxaa ka run ah eedeymahaas?
Weli waa socdaan baadhitaanadaas waana wax dhici kara in lacagta reer Ciraaq laga
dhacay. Laakiin oohinta orgiga ka weyn. Arrinta siyaasad kama madhna. Kofi waxaa uu
ka hor yimid si toos ah siyaasadda Bush asagoo ku tilmaamay dagaalka Ciraaq sharci
daro kana digay duulaanka Falluja in uu Qatar gelin karo haddii la qaado doorashada
Ciraq ee Jan 2005. Europe iyo UN waxaa ay ka safteen Bush una eexdeen Kerry haba u
sii darnaato usbuucii u danbeeyey doorashada oo ay UN -IAEA sheegtay in hub qatar ah
oo lagu wareejiyey xukuumadda Bush laga waayey Ciraaq. Calaa kulli xaal waa aargoosi
iyo dee maxaad iiga daba hadashay?. Haddii Coleman ay daacad ka tahay baadhitaanka
masu maasuqa maxuu u baadhi waayey Halliburton iyo qandaraas yadii shirkadaha
waaweyn ee Ciraaq ka lacagaystay.
Coleman maxaa meesha soo geliyey?
Taariikh ahaan dadkii madax ka noqon jirey gudiga daba galka senateka qaarkood waxaa
caado u ah inay caan noqdaan oo laga baqo ama ay raadsadaan kiisas ay ku soo can
baxaan oo taariikhda ku galaan sida baaritaankii Enron, US communism members iwm.
Coleman waxaa uu af u yahay Bush waxaa kale oo uu rabaa inuu can ka noqdo dunida oo
dhan. Waa nin hami weyn oo raba mustaqbalka inuu noqdo madaxweyne ama ku xigeen
marka waxaa uu isku taagga Kofi Annan u isticmaalayaa magac ku helid. Coleman ma ku
qasbi karo Kofi inuu iscasilo ama shaqada laga eryo waayo Kofi ma ahan shaqaale
Coleman sida Wardere.
Kumaa difaacaya Kofi Annan?
Addunka oo dhan baa difaacaya haba ugu horeeyaan Jacque Chirac of France, Tony
Blair, Rodriguez Zapatero of Spain, dalalka Russia, China, Germany, iyo 54ta dal ee
Africanka ah ee u soo qoray warqad taageero ah. UN Oil For Food waxaa dejiyey
Security Council repodhkana waxaa loo keenayey security council, Kofi annan waxaa uu
u shaqeeyaa Security Council ee uma shaqeeyo maraykanka. Liberalka iyo waxgaradka
maraykanka oo dhan baa la safan Kofi. Waxaa uu ku caanbaxay maamul hufnaan iyo
diplomacyad fiican. Asaga ayaaba wada in UNta dib u habayn lagu sameeyo. Bush iyo
Coleman qof qatar ah ayey isku taataabteen waxna kama qaadi kadhaan asagana kama
baqayo qaladkoodana waa u sheegayaa.
Coleman asagoo wakiil ka ah Minnesota- gobol ay African badan ku nool yihiin
staffkiisana ay ka mid yihiin shaqaale ka soo jeeda qaaradda Africa (Wardere) ma
ahayn inuu Kofi oo jaamacad uga baxay Minnesota (Macalester College) loona aqoonsan
yahay wiil reer Minesota ah inuu sidaas ula dhaqmo. Kofi Annan waa laga jecel yahay
Minnesota saaxiibo badanna waa ku leeyahay Minnesota. Coleman weerarka uu ku qaaday
Kofi waa u siyaasad xumo (political suicide). Kofi Annan waxaa uu matalaa qaaradda
Africa iyo dadka madow oo dhan waana waqtigii Africa, xaqna ma ahan in waqtiga
Africa la soo yareeyo qaaradaha kale markii ay hayeen booska lama odhan is casila
maxaa waqtiga Africa laga rabaa? Kiis iskawaalkan dunida aragtay inuusan soconayn ee
wixii loo sii wadaa waa gardaro. Ma waxaa la doonayaa in la aamusiiyo ama afka la
qabto?. Kofi Annan waa u jawaabay Coleman oo waxaa uu yiri waan joogayaa meelna uma
socdo 2 sano ee ii hartay waan dhamaysanayaa. Kofi Annan faraha ha laga qaado
Osman Ali - Osmanabwaan
St. Cloud, Minnesota USA
osmanabwaan@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa leh qoraaga ku saxiixan Faafin: SomaliTalk.com | Dec
10, 2004
»S/GALBEED:
DADKII IYO DALKII AYAANKA DARRAA| Khaliil
»Boqor
Buur Madow Meeyey !!! | Dalboon
»Samsam
waa la soo dayn rabaa !! | Ducaale
»SAMSAM
LOO GAFYEE MAXAA LOOGU AAR GUDAA? | Caynab
»SAMSAM
" AQALKA M. KU-XIKEENKA I GEE" | Samatar
»Armaa Samsam la
xabaal nololyey, war bal xabsiga eega!! | J.B.
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|