SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Meesha hashii ka durdurisay nirigtii maxaa laga sugayaa?

Sucaad Said Yamen
sucaad03@hotmail.com 

Inkastoon indhawayd ka gaabsaday, maqaaaladaan ku eegi jiray dareen kayga ku aaden dalkayga iyo dadkayga, hadana waxaa midaan ka aamusiwaayey igu noqotay xildhibaanada ceeboobay ee isku farasaarey dalkaasi Kenya.
Amnesty oo Ku Baaqday in Samsam Degdeg Loo sii daayo
Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay hay'ada xuquuqda aamadamiga u dooda ayaa sheegay in..
Guji... Dec 17, 2004

Aan ku bilaabo qormadaydee, markii mudo hada bil iyo baryo laga joogo lagu dhawaaqay in Soomaaliya dowlad federaal ah u dhalatay, ayaa soomaalida ku dhaqan dunida afarteeda gees badankoodu u riyaaqeen dowladaas. Dowladaa oo la dhihi karo waatii kali ahayd ee burburkii kadib hanatay kalsoonida bulshada inteeda badan, ayaa noqotay ” la mood noqonse wayday” kadib markii rag baarlamaanka ka ku jira ay hardan, sabaaxato, feer, laad iyo lagdan isula tageen.

Waxaa maalin dhawayd anoo kujira mid ka mida webabka soomaalida, ishaydu ku dhacday ” war deg deg ah” waa fiirshay mise waa xildhibaanadii oo is laayey. Runtii ma nixin mana farxin waxayse igu noqotay ” nabar aan filaayey naxdin mooyee naaqus maleh” waxaana waliba is iri, maxaa kuxigidoona? Mise tii xigtay waa dawladii oo laga takhalusay iyo in hada iyo hor mid lasoo dhiso. Saa waxaa igusoo dhacday oraah nin laga sheegay oo uu yiri “ walee waa yaab” Yaabkaas waa tay ka dhihidoonaan dowlada lasoo dhisidoono iyo inay sabaaxatada biisi doonaan iyo in kale.

Waxaa wax lala yaabo iyo waliba nasiib daro ah, in dadkii laga sugayey inay hagaag shicib gacantoodu dhac iyo dil baratay, baraana sida dhac la’aan iyo dil la’aan loo noolaado inayba ayagii u bilaabeen in is farasaar wax lagu qaybsado. Waxaan waydiin lahaa ragas isku rifay dalka ay koytada kuyihiin, maxaad samayn lahaydeen hadaad dalkii joogi lahaydeen? Jawaabta anaa isasiiyey waxayna noqon lahayd, baroon iyo bii’em

Waxaan anoon idin liidayn idin oronlahaa hala idiin furo koorso ka kooban.

  • • Kala danbaynta
  • • Sida wax loo maamulo
  • • Sida hadaa wax tabanayso afka looga hadlo
  • • Taariikhdu intay marayso iyo in laga ilbaxay gacan kahadalkii
  • • Micnaha wadaniyada
  • • Tanaasulka
  • • Is xurmaynta iyo is xaqdhawrka
  • • In umad iyo dal dacdaroobay idin sugayaan, kana muhiimsanyihiin wax yaabaha aad isku jiid jiidanaysaan

Waxaan dhihi karaa waxaa tihiin, umad eberkeed ah oo ay ka dhamaatay, aana is dhaamin, xishoodkiina meel soo dhigtay, dantoodana ku fushanaya siday uga badin waydo. Taas waxaa iiga markhaatiya,wararka laga soo tabinayo halkaad ku sugantihiin oo aan ahayn kuwo la jeclaystay.

Isku soo wadaduub, wali waa ladinka dhursugayaa, waxa idin sugayana waa.

  • • Agoon cayr ah
  • • Hooyo gablan ah
  • • Waayeel rafaadsan
  • • Dhalinyaro mustaqbal la’
  • • Kuwo inay gaaloobaan ama dhaqama kale qaataan qarka u saaran
  • • Dal burburay
  • • Dad barakacay
  • • Calankii oo ku dhow in la ilaawo suu u ekaaba
  • • Dalkii Soomaaliya la oran jiray oo aan waxba uga harsanayn inuu noqdo kudaafad lagu tilmaamo, waabaa dad caadiya ku noolaan jireen hadase, waxaa dagan dadqalo.

Hadaba hadaad dad naxaya oo wali wax uun laka garanaya tihiin, amaba aad ku sifoobi kartiin dad u qalma xilka loo dhiibay, intaas aan kur kusoo xusay baad garan lahaydeen kana hormarin lahaydeen danahiina gaarkaa oo ah kuwa halkaa dhigay dalkaygii dadkaygiina cadow iskaga dhigay.

Runtii idinma abhin karo oo hadaa diin xaqdhowraysaan sida xaalyahayba ma noqoteen, waxaanse si naxariisleh idiinka codsanayaa, dal la’aan baad nadhigteen oo dal aanaan lahaynbaan qaxooti kunahee dad la’aana hanoogu darina oo markaad noqotiin inta hartay bumbo iyo balaayo ha iskugu dhiibina.

Waxaan markale idinleeyahay hadaad dad naxaya tihiin oo intay doontaba ha le’ekaatee wali uun diiraysaan, sida u dhaama dadka iyo dalka mucjisaysanee la dhaygagsan dhibaatada aad idinku u horseedeen

Gabagabadii waxaan dadka soomaaliyeed usoojeedin lahaa, inaysan u danayn qabiil iyo qurun balse ayagu dantooda gartaan. Dantiida garta oo yaan maskaxdiina lagu xadin waa layna qadshay iyo cid hebelbaa rabta inay ina xukumaan. Meesha wax ka socon la’yihiin waa qaabfikirkeenoo qolo aan jixinjixin furaheeda qaadatee hooy sidaan dan inoo kuma jirto. Illaha awooda leh waxaan ka barayayaa inuu il naxariisleh ku eego dadkiisaas inkaartu iskaga dhacdee gees maray amarkii ahaa iga danbeeya dadkaygow ee aan waliba lahayn indho ay ku arkaan cadawgooda ayaguse isku cadowgaa.

Sucaad Said Yamen
sucaad03@hotmail.com
Afeef: Qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 18, 2004

LINK: http://www.somalitalk.com/samsam/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH



HTML CD