Laaluush iyo labeeb
Faarax Macallin oo ah
siyaasi ka mid ah soomaalida Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu
isbeddel weyni ku dhacay hantidiisa gaarka ah oo shakhsi ahaaneed. Sida ay
dad badani og yihiin Faarax waxaa uu xoghaye guud ka yahay urur Keenyaan ah,
waxaana isbeddelka hantidiisa sababay lacag fiican oo uu ku helay waraaq uu
u diray idaacadda BBC.
Waddanka Kenya waxaa uu ku
caanbaxay laaluush iyo musuqmaasuq, oo in uu qof madax ahi hanti uusan
shaqaysan helaa ma aha arrin uu qof Kenya yaqaani la yaabo, waxaase yaab leh
in uu laaluushkii Kenya dhexdabaashay saxaafadda iyo siyaasadda soomaalida,
oo hal waraaq oo BBC loo diray lagu helay lacag ku dhow boqol kun oo
doollarka maraykanka ah.
Dad badan oo aan anigu ka
mid ahay waxaa aannu laaluushkaas iyo waraaqda BBC loo diray sii ogaanney
dhawr maalmood ka hor habeenkii lacagta la kala qaatay, waxaase la isku
khilaafay lacagta uu Faarax qaatay tiradeeda, oo dadkii xogogaalka ahaa uu
qaarbo in ku sheegay, in kasta oo xisaabaha iskhilaafsani aysan aad u kala
fogayn oo ay 70 ilaa 90 kun oo doollarka maraykanka ah u dhexeeyeen.
Qabanqaabada lacagtaas iyo
waraaqda BBC loo dirayba waxaa dadka abaabuley oo u dhididey ka mid ahaa
tifaftiraha laanta af soomaaliga mudane Yuusuf Garaad Cumar, oo sii
ballanqaaday in uu arrinta waraaqda aad u buunbuunin doono markii uu Faarax
Macallin BBC soo gaarsiiyo.
Sidii uu Yuusuf hawshaas
weyn u ballanqaaday ayuu u fuliyey, oo markii uu waraaqdii gacanta ku dhigay
buu asaga oo neeftuuraya waxaa uu dhegaysteyaasha laantooda ka codsaday in
ay ku walaahoobaan xiisaddii ay lacagta badani kaga baxday Yuusuf iyo dad ay
isku laabxaaran yihiin, oo ka mid ah ganacsatada iyo siyaasiyiinta
soomaalida.
Inta aynaan waanada iyo
waxistusaalaynta aad u sii gudagelin ayeynu eegaynaa bal shareecadda islaamu
mowqifka ay ka taagan tahay laaluushka ama rishwada. Denbiyada xaaraanta
kuwa ugu waaweyn waxaa lagu gartaa in ay nusuustu ku darto ereyga ”lacna”,
oo ah in uusan qofkii denbi noocaas ah lagaa jannada Rabbi gelayn!
Haddaba laaluushku waxaa uu
ka mid yahay waxyaalo farokutiris ah oo uu nabigu CSW qofkii ku tillaabsada
sheegay in ay lacanadda Rabbi korka ka fuulayso. Qofka dhiiba iyo midka
qaataba waxaa loo ballanqaaday naarta Jahannama, waxaana xoolaha ay dadku
sida xaaraanta u kala qaataan ku soo degey tobaneeye aayadood oo ay mid
kastaa naar ama caro Rabbi xanbaarsan tahay.
Laaluushka waxaa xagga
diinta islaamka ka daran nooc ka mid ah beenta oo khaas ah. Beenta dadka
sheega oo dhan waxaa uu Qur’aanka kariimka ahi u adeegsadey erey ”lacna” oo
aynu hore u soo fasirnay, waxaase jirta been gaar ah oo ka mid ah denbiyada
qofkii caadaystaa uu ehelunaar yahay.
Haddii ay beentu aad u
fiddo oo ay meelo ama dalal badan dadku isla dhexmaraan waxaa qofkii
beentaas abuuray afka laga gelin doonaa toorrey naar ah oo labadiisa qawlal
lagu kala goyn doono! Isla markiiba labadiisa can waa ay biskoonayaan,
markaas ayaa degdeg billaawihii naarta ahaa afka loogu celin doonaa.
Sidaas keli ah
turufotooreyaasha ay beentoodu faafto looma naaro, ee waxaa lagu tuuraa
barkad ay biyo naar ahi ka buuxaan, oo mar kasta oo ay madaxa kor ula soo
baxaan waxaa afka lagaga dhuftaa dhagax weyn oo kulul, markaas ayuu
ehelunaarka baraagtaas cadaabka ah iyo dhagaxaas ciqaabeed madaxiisu u
dhexeeyaa!
Haddaba Faarax Macallin,
Yuusuf Garaad iyo dadkii kale oo kala qaybqaatay lacagtaas xaaraanta ah iyo
wararka madalhufinta ah waxaa u furan in ay Rabbi u toobad keenaan. Waxaa
qofka muslimka ahi markii uu toobadkeenayo ku waajib ah in uu joojiyo
xumaantii uu faraha kula jirey, in uu ka shallaayo denbigii uu ku tuntay
diinta islaamka iyo in uu go’aansado in uusan mar danbe denbi noocaas ah u
noqon.
Haddii uu qofka caasiga ahi
qabo xaq ay dad leeyihiin sida xoolo laaluush ah ama uu dad been ka sheegay
waa in uu cafi iyo masaabax ka baryaa dadkii uu xaqooda qaatay ama uu
dhibay, isla markaas haddii uu been faafiyey waa in uu dadkii ay beentu
gaartey mar labaad qaylodhaan u diraa, oo uu turufadii uu ummadda ku
dhexfidiyey dib u beeniyaa.
Haddaba walaaleheen Faarax
Macallin, Yuusuf Garaad, kuwii kale oo lacagta wax ka dhiibey iyo
wereyeyaasha xumaantaas ku shaqeeyey waxaa u furan in ay Rabbigii abuuray u
soo laabtaan. Toobadda lama aqbalo haddii ay qorraxdu meeshii ay u dhaci
jirtey ka soo baxdo iyo haddii uu qofku sii dhimanayo oo uu sakaraad yahay.
Sidaas awgeed ilaa imminka fursad bay dadkaas Rabbigood caasiyey oo ku
tuntay shareecada islaamka haystaan, oo waa in ay toobad nasuux ah, imaan
saaddiq ah iyo camal saalix ah la yimaadaan.
”Lacna” macneheedu waa in
qof laga qadiyo naxariista Rabbi, waxaana halkaa inoogu dhammaaday arrimihii
laaluushka, waxaa aynuna uga sii gudbaynaa in aynu maqaalka qabtiisa labaad
galno.
Bilihii la soo dhaafay
waxaa siyaasadda soomaalida aad uga hadlay labo nin oo aan ayaamahaan ka hor
afdheerayn. Midka kowaad waa Cali Khaliif Gallayr oo waagii uu Carta ka
tirsanaa aad u afgaabnaa. Weligiis asaga oo hadal kulul ku hadlaya lama arag
markii uu Carta ku jirey, waxaana si ihaano ah u cayriyey Cabdiqaasim,
dabadeedna Cali waxaa uu u aammusay sidii qabrigii shiikh
Cabdulqaaddir-Jiilaani oo kale.
Muddadaas waxaa uu Cali
ahaa miskiin misko la fuulo leh oo ilmirigle ah, oo dhego nugul. Ilaahay
amarkiis Cali bilihii la soo dhaafay buu waxaa uu u dillaacay geesi aan
libiqsan, oo sida rati qooqan afka ka xunbeeya, oo miciyaha lista. Waxaa la
wada og yahay in uu Cali mar Maxamed Siyaad lacag u dhiibtey si uu alaabo
ugu soo iibiyo, oo uu Cali lacagtii la dhuuntay! Lagactaas markii uu la
dhuuntay ayuuba geesi ahaa, ee Carta waxaa saarnayd habbiso uusan erey soo
celin karayn!
Soomaalidu waxaa ay ku
maahmaahdaa ”Labeeb hal mar buu niyoodaa, waana markii uu hooyadiis arko”,
waxaa aynuna uga sii gudbaynaa siyaasiga labaad oo ah Sakeriye Maxamuud
xaaji Cabdi, kaas oo ah nin aysan hadda ka hor cidina hadalkiisa maqal.
Waxaa la sheegaa in uu
Sakeriye ka mid ahaa Carta, waxaa uuna xilligaas laasimey aammus aan afkiisa
erey soo marin iyo ilmiriglenimo uu hoos eego. Afar sannadood nin uu hadalku
ku dhegganaa waxaa la islahaa ”Hal bil qadday beri kuma ay dari weydo”,
laakiin sidii Cali ayuu hal mar hagoogta iska tuuray, oo uu hadlay. Idaacad
kasta waxaa laga soo daayey asaga oo geesi ah oo gabdho iyo wiilal la
murmaya, oo aysan cidina ka hadal badnayn.
Ilaahay Carta Sakeriye waa
uu uga raayey oo codkii baa u furmay, waxyaalihii uu oggolaan jireyna maanta
ma uu oggolaan karo! Waayadii hore oo ay soomaalida duruufeheedu iska
qallafsanaayeen buu nin magaalada Hargeysa yimid gabar lacag ay qaadan
jirtey u soo taagey, markaas ayey ayada oo asaga si gaar ah u diiddan waxaa
ay ku tiri: ”Waar waa lagu sheeko xumeeyey ee iga leexo”, markaas ayuu gabay
uu tiriyey waxaa uu ku dhammeeyey:
”Ma anaan caddaankaygu
socon, uunku wada caagye”
”Caddaan” waa lacag, isla
markaas ”caagid” waxaa uu ka wadaa ”dhereg” joogto ah.
Shaafici Xassan Maxamed
Mi99mosh@chl.chalmers.se
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan Faafin:
SomaliTalk.com | Dec 25, 2004
»Fadeexaddii
2004 & Qarniga (Samsam Yarey) Cabdi
»"Digniin
ku Jeeda Samsam Axmed Ducaalle" |
C/rashid
»Riyadii
Xalay baan Rumeeysto, waan Riyaaqay | Eelay
»Arrinta
Samsam iyo Halka ay Somalitalk iska taagtay | Ibrahim
»Bilad-geesida
dagaalkii sokeeye, beeshee lasiiyaa?!! | Siyaad
»HABKA
NOLOSHA DHULKA [Mohamed A.]
»Nelson
Mandel: Madaxdii Adduunka:
Qarniyada 20aad & 21aad
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|