Fursad Dahabiyaa ina Hortaal Doqoni Waa
Mooge
Jirka banii aadamka waxa ka mid ah cad
lagu magacaabo Wadne, haduu cadkaasi caafimaad qabo inta kalena way
laqabtaa, hadduu fasahaado ama xumaadana inta kalena way la xumaataa,
sidaasi waa macnaha xadiithka saxiixa ah oo lagaa soo weriyey
Rasuulkeena(csw) lafdiga xadiithku waa: Alaa inna fil jasadi mutqah idaa
saluxat, saluxal jasadu kuluh, wa idaa fasadat, fasadal jasadu kulu,
alaa wahiya alqalbu, ow kamaa qaala.
Xadiithkaasi wuxuu ka hadlaya dhanka
dareenka, caqiidada ama iimaanka, arrimahaasana kuma koobna diinka oo
keliya ee waxaa soo galeya nacaybka qabiil oo qalbi jirran oo keliya
geli kara, jacaylka wixii wanaagsan oo dhan oo geli kara qalbi caafimaad
qaba oo keliya.
Doodaydani waxay ku wajahantahay
shaqasiyaad wax ku soo qora websityada, waxaa kaloo ay ku wajahantahay
hal website oo isagu soo daabaca dadkaas iyaga ah oo keliya qoraaladooda,
diidana inay qaataan qoraalada wanaagga iyo dib u heshiisiinta ka hadla
ee akhristoow bal car ila garo website kaas dawladnimada, dib u
hashiisiinta iyo isku duubnaanta diiday.
Anigu qof ahaan 29kii sano oo la soo
dhaafay hal Bil ayaan Soomaaliya soo joogay da, dayduna Afartaan waan
dhaafay, Kontanna ma gaarin, waxaan qorshaystay inaan Soomalia ku laabto
1992dii oon halkaas dego, ma dhicin oo waad la socotaan halkuu dalkii ku
dambeeyey, sidii baan weli u sugayaa in dadnimadii, dawladnimadii iyo
dalnimadii dib u soo laabtaan, inkastoon aad u jeclaan lahaa inaan
dalkii hooyo dib ugu laabto misna waxaa aad iiga daran hooyooyinka,
caruurta iyo gabdhaha 8,9 ama 10 jirka ah oo xeryaha qaxootiga Yemen,Kenya,
meelo kale oo badan iyo weiba dalka gudihiisa lagu fara xumeeyo, iyo
qaar badan oo baahi iyo xanuun ugu baaba,ay dawlad la,aan darteed.
Cabdullahi Yusuf wax aan daku hore uga
dheregsanayn lagama sheego ilaa iyo hadda, war yaan ogeyn inuu muddo
badan xukun doon ahaa? miyaan la ogeyn qabiilka uu ka dhashay, miyaan la
ogeyn inuu xiriir aad u dhow la leeyahay Ethiopia, miyaan la ogeyn inuu
askari macanggaga yahay, intaas oo dhan ama ka badan ayaa cabdullaahi
dadku ka yaqaanaan, war la qabaana xiiso ma leh. Maalmihii lasoo dhaafay
waxaa lasheegay in dhawr xildhibaan lagu weeraray Nairobi, waxaa aad u
la yaab leh in qoraalo kala duwan lagu sheegay in Cabdullahi Yusuf ka
dambeeyey, war Kenya dawlad ayeey leedahay, ayada ayaana ka masuul ah
sugidda nabadgelyada qeybaha kala duwan ee dawladda martida ah, awood ka
badan tan xildhibaanada la dilay kuma laha xukuumadda cusub oo
laftigeeduba maganta u ah tan Kenya ee hadii la ogyahay shaqsiyaadkii
weeraradaas ka dambeeyey, dadbaa alle idin ka dhigaye iska celiya,
sharci iyo shanba.
Waxaan ka qayb galay shirkii dabayaaqadii
93dii lagu qabtay Addis Ababa, waxaan joogay dhamaadkii shirka khudbad
uu allaha u naxariistee Gen. Maxamad Faarax Caydiid uu kula hadlayey
dadkii markaas magaaladaas joogey, waxaana ka mid ahaa hadalkiisii inuu
yiri, Annagu maantay dawlad ma lihin, waxaase noo dawlad ah tan, waxaana
noo madaxweyne ah Meles Zenawi. Bartamihii 1999kii waxaan mar kale
joogay Addis Ababa waxaana halkaas ku yimid booqasho rasmi labada mudane
oo kaka ah Dr. Cadiqaasim Salaad Xasan iyo Gen. Galaal, waxaana ay
raadinayeen siday gacan saar iyo xiriir dhow ula yeelan lahaayeen
dawladda dalkaas.
Allaha u naxariistii Madaxweyne Maxamad
Siyaad Barre waxaan ognahay inuu dan biday inuu la heshiiyo Haile
Mariamkii ku amar ku taaglaynhayey Ethiopia, waxaa kaloo xusid mudan in
ragga kale oo dawlada cusub la wadaaga Cabdullahi ay isku wada dayeen
ama la leeyihiin xiriir dhow Ethiopia, Waxaana ka mid ah:Muuse suudi, Xuseen
Caydiid oon isagu guri aan ghion Hotel ahayn yeelan sannadihii la soo
dhaafay, Maxamad Qanyare,Cali geedi, Cusmaan caato,Maxamad Dheere,
Hilowle Iimaan, Moorgan iyo Cabdullahi sh. Ismaaciil oo si rasmi uba
deggan Addis. Waxaan uga jeedaa in mid kasta oo ka mid ah hogaamiyeyaasa
aan soo shagay ay isku dayeen, la yeesheen ama la leeyihiin gacan saar
iyo xiriir soke dawladda Ethiopia, maxaa loo laba wajileynayaa oo
Cabdullaahina loogu haystaa saaxiibnimada kala dhaxaysa Meles kuwa
kalena looga aamusayaa, maadse xeer siman ku wada qaadaan hadii aydin
dawladnimada iyo dib u heshiisiinta ka horjeedin.
Dab hurinta, isku dirka iyo been abuurka
ay dadka wanaagga,nabadda iyo dib u heshiisiinta ka horjeedaa
samaynayaan ha laysaga digo, maxaa jira waxay ku sifaysanyihiin aayada
oranaysa; Yaa ayuhalladiina aamanuu in jaa,akum faasiqun binabain
fatabayanuu an tusiibuu qawman bijahaalatin fatusbixuu calaa maa
facaltum bihii naadimiin.
Waxa aan ka hadlayaa waa isu soo
dhowaanshaha iyo sidii qarankii dumay dib loogu dhisi lahaa,
dawladnimadii luntay dib loogu hanan lahaa, gacalkiyo riximkii isdilay
dib laysugu keeni lahaa, waxaana idiin xususin lahaa intiina suugaanta
wax ku fahamta tixdan aan ka soo xigtay abwaanka lagu magacaabo Abshir
Bacadle oon ka soo qaatay gabaygiisii Dib u heshiisiin.
Maatada iyo dumarka ilmaha cadawga loo
daadshey.
Nin damiir leh yaa kahanayee, doqoni waa
mooge
Damqashduba waa gobonimee dan u walaalooba
Duf ku baxa dheh kuwa diidanow dib u
heshiisiinta
Dalkoo nabada diin lagu dhaqmiyo deris
walaalooba
Oo kala dambayntiyo amniga dhidibka loo
duugo
Oo danaha qarankiyo la sugo
dawladnimadeena
Oon daadah iyo daadah nahay ul iyo
diirkeeda
iyo waxay nafluhu doonayaan dib u
heshiisiine
Fursad dahabiyaa ina hortaal doqoni waa
mooge
Tixdaas oon horey ninka tiriyey u sheegay
waaan ku gabagabeeyey, waxaana ugu talo galay inay dib u heshiisiintu
tahay lagama maarmaan, si taas loo helana inaan ogaanno dawlladnimo
ayaa loo baahan yahay ee aan siinno waqti ay dawladan cusubi isku
muujiso, mar hadaan hubno wax dawlad la,aan ka xun inaysan jirin
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|