SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


SOOMAALIDU SAXIIB MA LEEDAHAY?

Intaana u dagaandagin ubucda maqaalkan aan eegno meesha ay soomaalidu ka soo jeedaan asal ahaan inagoo raacayna soo yaalka soomaaalida ee dhaqan iyo xididba.

Waxaa hubaal ah in soomaalidu leedahay soo jireen taariikheed iyo xadaarad fac wayn sida lagu xardhay (qoray) Darbiga caanka ah ee dayr - al baxri oo ku yaal magaalada al- oqsar ee ku taal koonfurta cariga masar,aad baan u qiirooday markaan hor istaagay gidaarkaa dayr - al baxri een arkay nin masaari ah oo ah kuwa haga dadka dal xiiska ah oo kumayaal ruux oo wadamo kala duwan oo aduunka ah uga sheekaynaya xadhiidhkii ka dhaxayn jiray masaaridii hore iyo bilaadu bunt oo ah wadanka soomaaliya maanta loo yaqaan, gaar ahaan waqtigii boqoradii xatash basuut oo iyada lafteedu tagtay bilaadu bunt, waxaa kaloo tiraanyo iyo murugo dheeraada igu ahayd waqtigaa oo ahaa markii ay duntay dawladii sooomaaliya oo hada laga joogo afar iyo toban sano.

Inkastoo ay jirto arintan aan kor ku soo sheegay hadana ma jiro tariikh duug ah oo faah faahsan oo laga qoray wadankeena iyo dadkeena, iayadoo ay ugu wacan tahay inagoo aan lahayn af qornaa iyo qorayaasha aduunka oo aan ka qorin qoraalo aad u faahfaahsan oo bixinaya tilmaamo cad oo muujinaya soo yaalkii soomaaliya ,taas oo hoos iyo mugdi galisay waxa aan nahay dad iyo dalba.

Asal : soomaalida lama raaciyo dadka jinsiga ama cunsurka zinjiga loo yaqaan ee ah dadka timaha adag, lamana raaciyo dadka saamiyiinta loo yaqaan ee ay ka soo jeedaan carabta iyo dadka kale ee jiidaa ku nool, markaa cilmiga hida raacu waxa uu sheegayaa inaan nahay asal meel dhexe ah oo bah gooni ah.

Dhaqan : dhaqankeenu in kastoo uu yahay mid leh dabeecad gaar ah hadana waxaa aad ugu cad sadex arimood kuwaa oo kala ah sidan hoos ku xusan:

1- xadaarada islaamka: waxaa raad wayn ku leh ummmadda soomaaliyeed hab dhaqaneedkooda islaamka oo soo gaadhay waqti hore xitaa intaanu yatrib gaadhin(madiina) gaar ahaan sanadahaan danbe oo wax badaaan aad isaga badaleen hab dhaqameedkii ummadda inteeda badan, markaad eegto sida dumarkeenu ugu soo badanayaan qaadashada hugii la amray inaay qaataan gabdhaha islaamku.

2- inaga iyo masaaridii hore: waxaa hubaal ah in xadhiidh ka dhexeeyo hab dhaqaneedka masaridii hore iyo dad soomaalida waayo? sida rageenu go yaasha u xidho, sida hablaheenu u la bistaan, sida u ay u tidcadaan timaha, sida ay u marsadaan indha- kuusha intuba waa sida masaaridii hore, dadka aan ku arkay dhulka loo yaqaan bilaadu nuuba sida magaalada aswaan iyo nawaaxigeedu ilaa hadda dad badani waxay u labistaan sideena oo kale, ilaa aad is tidhaahdo waxaad joogtaa miyigii dalkeena. sidoo kale araga dadka nuuba jooga waa sooomaali dad aan laga aqoon.

3- inaga iyo bariga fog: waxaa inaga muuqda inaan xidhiidh la lahayn umadaha beshian -ka hindida markaad fiiriso qaabka hu qaadashada, dhismaha guryaha, wax yaalaha dumarku isku qurxiyaan, iyo wax yaalaha raashiinka lagu ud gooneeyo (Buhayraat)

Intaa ka dib markaan u soo jeesto suaasha cinwaanka u ah maqaalkan, waxaa hubaal ah in soomaalidu xadhiidh wanaagsan mara la yeelan wadamada ku xeeran iyadoo ay ugu wacan tahay dhaxal taariikheed oo uu ka tagay gumaystahii reer yurub oo ruux walba oo soomaali ah garanayo in wadamo soomaaliyeed jaarku gumaystaan, xataa yemen oo xadhiidh gaar ahi naga dhexeeyo waxay naga haysataa jaziirada gacanka cadmeed ugu wayn oo lagu magacaabo (soqtara). Soomaaalidu waxay aad ugu soo jeedeen dhanka bada iyo umadaha bariga ka xiga . waxayna dhabarka u duween qaarada afrika iyadoo ay taa ugu wacnayd asbaabo la xidhiidha dhanka dhaqanka, iyo raadkii uu ka tagay gumaystahii yurub.

wadanka soomaaliya waxaa saaxiib la ah 3 wadan, waa ku wee? culuunta siyaasadu waxay sheegaysaa in xadhiidhka nidaamiya dawladaha dhexdoodu uu ku dhisan yahay wax loogu yeedho(tabadul- masalix) wax is waydaarsi ee aanu ku dhisnayn colaad daaima ama saaxiibnimo daaima. hadana qaacidadaa waxaa ka baxsanaan kara wax yaabo ay keeneen dhaxal taariikheed,aaminaad, iyo baahi joogta ah.

TAARIIKH :Talyaaniga wadanka talyaanigu in kastoo xukuumadaha soo maray aad u cimri gaabnaayeen laga soo bilaabo dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka, marka laga reebo ta hada ka jirta ee uu madaxda ka yahay Braskooni, hadana dhamaantood waxay aad ugu soo jeedeen arimaha soomaaaliya, dhaxal taariikheed awgii. waxaan xasuustaa nin wasiir ah oo idaacada b.b.c. laanteeda carabigu waraysi la yeelatay muddo ahayd bilawgii dagaalka sokeeye ee soomaaliya, wasiirkaasi waxa uu yidhi faransiisku waxa uu afrika ka gumaystay wadamo fara badan oo ilaa hada afkiisu luuqada rasmiga ah u yahay, hadana Aljeriya waxa uu arkaa inay tahay mid ka mida jamhuuriya faransiiska, saa oo kale anagu waxaanu qabsanay liibiya iyo soomaaliya, markaa soomaaliya waxay noo tahay sida Al jeeriya farance u aragto. waxaan dib u jaleeci karnaa miisaaniyadii uu talyaanigu galin jiray soomaaliya in kasto hanti badan la lunsaday ooy lunsadeen dad soomaali iyo talyaani ahiba.

Aminaad :suuriya:wadanka suuriya waxa uu ka mid yahay wadamada dad soomaalida laga ixtiraamo iyagoo ka duulaya aaminaada mabda,a xisbigiga bacsiga ah oo ku salaysan(al- qoomiya al carabiya)wadankii loo yaqaanay shaam ama(al suuriyal kubraa ama al hilaal al- khasiib) waa meeshay ka soo if baxday qoomiyada carabtu bilawgii qarnigii aan soo dhaafnay. taas oo aakhirkii soo dadajisay rididii khilaafadii turkiga ee loo yaqaanay boqortooyadii cismaaniyiinta.

Baahi joogta ah: Masar wadanka masaarida waa wadamada aadka u daneeya la socodka arimaha soomaaliya xitaa intaan ku jirnay gumaysiga taa oo ay ugu wacan tahay xariir soo jireen ah sida kii masaaridii hore, joogi taankii masaarida ee wadankeena gaar ahaan xeebaha iyagoo wakiil ka ahaa khilaafadii islaamka ee waagaa, iyo ta ugu wayn oo ah baahi ma guurto ah taas oo ah in wadanka masarida uu leeyahay labo halbawle oo jiritaankiisu ku xidhan yahay labadaa oo ah: wabiga niilka iyo marin biyeedka suweys kanal.

Labadaaba waxaa kulaalaya itoobiya oo masaaridu aanay ku kalsoonayn waayo? suweys kanal waxaa afkiisa danbe ah marin biyeedka loo yaqaan baabu mandab, masaaridu waxay ogtahay in dawlada yemen tahay mid qabiil oo taag daran , waxay difaacaacdo daayo madaxwaynaha wadanka yemen ayaan dhulka qaarkii cagaha dhigi karin,waxaa kaloo xasuus mudan in ciidamada soomaaliya door ka cayaareen xidhitaankii marin biyeedkaa dagaalkii 73 ,ka hor intaan la oodin kanal suweys dagaakii carabta iyo yahuuda ee 73kii. Masar way rabtaa dawlad soomaaliyeed oo xoogle leh oo ay ku xuuxiso itoobiya arimaheeda amaaanka ilaaliya, waxay kaloo masar aad ula socotaa indha furana ku eegaysaa ququlida mosadka yahuudu ku hayo gayiga Geeska afrika gaar ahaan intay goday eritariya. waxaan xasuustaa sagaashameedyadii shir lagu qabtay jamacada qaahira, shirkaa oo looga hadlayay xaalada murugsan ee soomaaliya, waxaa hadal aad u dheer soo jeediyay gabadh kaaliye u ahayd wasiirka arimaha dibada ee masar camar muusa, waa xiligaase, gabadhaasi waxay tidhi waxaan aad ugu indha furan nahay uguna dadaalaynaa anaga talyaanigu wax ka qabashada dhibaatada taagan ee soomaaliya laakiin waxaa na hortaagan quwad wayn taa oo leh geeska afrika waa my zone ee iska ilaaliya oo ha soo galina. quwadaa oo ah maraykan.

gabadhaasi waxaa magaceeda la yidhaahdaa najwa abu nada, waana wasiirada wax wada qabsiga caalamiga ah ee wadanka maasirada xiligan hada aan joogno. ugu danbayn waxaa suaashasha maqaalkayga igu dhaliyay jaleecid aan jaleecay sida uurku taalada leh ee wadamada afrikaanka ah ee jaarka nahay ugu xad gudbeen dadka soomaalida ee u soo qxay, sida wadamada islaamka ah ee gacanka carbeed dadkeena u galeen, gaar ahaan sacuudiga oo dagaalkoo socda dadka raafayay, waxaan is waydiiyay waxa yemen waligeed inoogu soo qaxi jirtay hadana siday dadkeena u bahdileen ee xitaa qaar xeebta ku toogteen,? waayo wadamo reer galbeed ah oo aad inooga fogi boqolaal kun u qaadeen , wadamada muslimka ahi ee inagu xeerana inooga xidheen albaabkooda.waxaa jira somali badan oo wadamada khaliijka ku dhalatay oo dhalasho iska daayee aan loo ogolayn jaamacad iyo shaqo midna.waayo? jawaabta soomaalidaan u daayay.

ugu danbayn waxaan hadalkayga ku soo gabagabayn hadal aan tV ka daawaday oo ahaa maalin dhawayd ayaa waxaa dad indheer garad ah muxaadaro u soo jeediyay cabdiraxmaan waxiid oo aha madaxwayne hore oo indonisiya waxaana yidhi sida tan: wadamada islaamku waa meelaha ugu waa wayn ee xaquuqda insaanka meel looga dhaco. waan la qabaa hadalkaa cabdu raxmaan waxiid, waana aamin san ahay in manhajka islaamku xumaan oo dhan ka hufan yahay , ee waxa xuni waa inaga muslimiinta maanta joogta.

Rage Areele Hedi
rage4445@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2004


»Fadeexaddii 2004 & Qarniga (Samsam Yarey) Cabdi
»"Digniin ku Jeeda Samsam Axmed Ducaalle" | C/rashid
»
Riyadii Xalay baan Rumeeysto, waan Riyaaqay | Eelay
»Arrinta Samsam iyo Halka ay Somalitalk iska taagtay | Ibrahim
»Bilad-geesida dagaalkii sokeeye, beeshee lasiiyaa?!! | Siyaad
»HABKA NOLOSHA DHULKA  [Mohamed A.]
»Nelson Mandel: Madaxdii Adduunka: Qarniyada 20aad & 21aad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Abwaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD