SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Qodobka 49-laad Qaladkiisa Ma Geddi baa leh Mise C/laahi?
  • Maryan Qalanjo Nairobi.

3-dii Bishii November 2004 ayaa Ra`iisul Wasaare waxaa C/laahi Yuusuf uu usoo magacabaay Masuul anan kasoo dhex muuqan jirin masiirka siyaasadeed ee Soomaaliya 14-kii sano ee ugu dambeeyey iyo waliba intii ka horeeysay kaaga darane Baarlamaankii ayaa ansixiyey isla maalintaas in gudaha Baarlamaanka kaliya laga dhiso Xukuumadda KMG ah Maxamad Dheere oo Taageera ka heeysta qaar ka mid ah Wadamada Gobolka ayaa geesinimo muujiyey isla markaana Cali Maxamad Geddi oo ku cusbaa indhaha Saxaafadda iyo Waliba Baarlamaankaba u baneeyey kursigiisii ileen arin horay loo qorsheeyey lama qasi karee C/laahi Yuusuf maadama ay ka go`need inuu magacaabo Cali M.Geddi wuxuu markii lasoo afuray u magacaabay Xildhibaankii anan wax badan ka baran Xildhibaanada kale Ra`iisul Wasaare ma xumee waxaa la rebay inuu C/laahi wiilka goobta ku cusub sharcigii markii la dejinayey uu madaxda ka ahaa C/laahi ha qaldanaado ama ha saxnaadee inuu soo mariyo.

sidaa ma yeeline waa marin habaabiyee wuxuu yiri soo dhis golihii wasiirada waqti uu Chater-kii kusoo aqriyana ma uusan siin ileen isagu shirka hal maalin ma imaan markii C/laahi la dooranayey ankee ma ahayn dadkii u Campeyn gareenayey Asxaabta C/laahi dantooda waxaa ka mid ahayd inuu Geddi soo magacaabo Geddi dhibka heeystay wuxuu ahaa Baarlamaankii oo uu diiday inuu qaabilo !!!!!!! iyagiina waxay raadiyeen fursad yar waxay heleen qodob uu dambigiisa leeyahay C/laahi Yuusuf oo ah qodobka 49-laad maxaa yeelay qodobkaasi wuxuu leeyahay Baarlamaanku marka ay Wasiirka koowaad soo magacaabistiisa ogolaadaan ka dib wuxuu marayaa dhaarta hoos ku qoran dhaartaasi oo ah tan la doonayo inuu maro Masuul kasta oo xil qabanaya.

hadaba qodobka aysan Dadweynaha Soomaaliyeed fahmin oo loo daboolayo ayaa ah qaladka qodobkaas ma Cali M. Geddi baa iska leh mise C/laahi Yuusuf si wanaagsan marka aad maskaxdaada u dejiso raacdana sharciga sida uu yahay adiga oo markaasina daacad ah qaladka Qodobkaas waxaa iska leh C/laahi Yuusuf maxaa yeelay shaqada ah in Ra`iisul Wasaaraha la horkeeno golaha Baarlamaanka waxaa iska leh Madaxweynaha ee Ra`iisul Wasaaruhu ma laha, Golaha Baarlamaanka so ma moodid marka Akhristoow in Motion-ka ay keeneen uu ahaa mid daacadda ka fog amaba la dhihi karo haddii uu daacad u egyahayna waa mid loogu digayo C/laahi Yuusuf haddii uu Qalad ka galo Cah-diga Madaxweynuhu maxaa u diiday inuu qabto qodbka 43-xaad Mudanayaasha Baarlamaanka qaar ka mid ah ayaan weeydiiyey sababta ay qodobkaan qaladkiisa ugu qaadeen Raiisul wasaaraha jawaabohoodi oo isku wada mid ah waa kuwan.

Madaxweynaha oo la rido ma sahlana maxaa yeelay wuxu waa dib u heshiisiin laakiin waan ognahay inuu qaladka leeyahay Claahi Yuusuf.

Haddii la yiraa C/laahi ayaan Motion ka diyaarineynaa ma heleeyno tiradii sharci ahaan loo baahnaa, maxaa yeelay 184 xildhibaan ayaa la rabaa inay ansixiyaan kalsooni kala noqoshada Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaan kalsooni kala noqoneeynaa haddii aan dhahno waan ku kala jajabeeynaa marka inteenaan oo isku xiran waxaan isku helnay Ra`iisul Wasaaraha hala rido bis.

marka waxad is weeydiisaa Ra`iisul wasaaraha malaga rabaa inuu sharci ilaaliyo sida sharciga ah Ra`iisul Wasaaruhu sharciga ma ilaalinayo sharci ahaan Baarlamaanka ankee waxaa ka sareeya inuu sharciga ilaaliyo madaxeynaha.

war heedhe Miskiinka qaladka uu lahaa waxay ahayd kaliya qodobka 12-naad oo ah inuusan Beelaha si siman wax ugu qeeybin qodobkaasi oo xusaya in Pawer Sharin-ka la ilaaliyo.

hadda dib ayaa loosoo celiyey C.M.Geddi waxaa loo tashanaa sidii mar labaad loo tuuri lahaa war heedhe xageed u socotaan madaxweynihii sharci ahaan ankee waay adagtahay in la rido ayeey ku leeyihiin Ra`iisul Wasaaraha maxay ugu fududahay in sharci la`aan ankee kalsoonida loo diido, waxaagu waa shaqsi diid ee sharci difaac ma aha.

balse anigu waxaan kula dar-daarmayaa Ra`iisul wasaaraha haddii uu rabo inuu Dadkaan wax la wadaago inuu barto habka loola dhaqmo marka hore waa inuu qab-qable ahaan u dhaqmaa waa inuu u dhaqmaa jab-had ahaan ee uusna iska dhigin sidii jaamicigii iyo aduunka aqoon iyo qalinka wax lagu maamulo waa inuu danaha ay leeyihiin u oofiyaa ee uusan isku deyin inuu balamaha uga baxo haddiise laakiin uu u dhaqmayo Bulshadii Rayidkii ee uu ku dhaqan bartay qaabkoodii Contarac-tiyadaada iska wado ayaan ku dhihi lahaa ee Dadkaan ka dhex bax Soomaaliya ma joogto markii aqoon iyo Prof lagu maamuli jiree, anigu shaki ayaan ka qabaa aqoonta Ra`iisul Wasaaraha lafteeda waxaanan ka xumahay inuusan sharciga fursad uu ku aqriyo uusan helin ileen markii la qorayey, laga doodayey ma uusan joogine waloow uu sxbkiis C/laahi iyo M. Dheere ay madax ka ahaayeen gaar ahaan C/laahi Yuusuf marka bal Chater-ka sharciga lagaaga tuurayo adigu iska hubi oo dheh Baarlamaanka qodobkaan qaladkiisa anigu ma lihi kan ayaan leeyahay mise adiga ayaa diidanaa in Sxbkaa C/laahi aad qaladka siso in adiga lagu saaro miyaad ka jeclaatay?

wuxuu ka halday Idaacad ka hoowlgasha Magaala Madaxda Dalka laguna magacaabo Horn Afrik meeshii uu is difaaci lahaa oo uu dhihi lahaa anigu qaladkaas ma lihi kaas ayaan leeyahay Baarlamaanka laftiisu ha is daba qabteen wuxuu yiri Suxufiyiintu ankee farta ayeey taagayeen oo waxay ku jireen Dadka wax iga riday !!!!!!!!!!!!

adigu ma waxaa tahay galaas kursi kor saaran oo la ridayo?,koleey anigu ma ahi af-hayeenka Suxufiyiinta balse markii sharci iyo kala dambeeyn la helo oo dalku dhismo waxaan anigu noqonayaa saxafiga ugu horeeya oo arintaas maxkamad kugu soo taaga maxaa yeelay xaq ayaan u leeyahay in aan ku maxkamadeeyo haddii aad qalad iga gashay waxaan ahay Muwaadin Soomaaliyeed.

mana aha markii ugu horeeysay ee aad saxaafadda af lagaado u geeysato hadasa fasax ayaa tahay balse fasax ma ahaan doontid shuruucdu ha hir galeen codkaagii Horn afrik ayaa kugumarqaati kici doona mar uun haddii la noolyahay hadiisa aad dhimato allahakuu naxariisto!! sharcigii l agugu riday asaga oo muuqaal ah ayuu yaal ee saxafi far taagaya halaga helo waa Cajiib!!!!!!!! in Masuul Dad sugayo uu halkaa sharciga ka taagnaado waxay ila tahay habiin madoow oo Soomaalida u galay hadde wa akii aqoon ahaan la sheegayey inuu Masuuliyiinta ugu sareeyey.

inta aad halkaas difaac ka raadineeyso maad tiraahdid anigu qodobka 49-laad qaladkiisa ma lihi mise C/laahi oo aad runta ka hor qirto iyo saxafiyiinta oo aad ku been abuurato waxaa kuu sahlanaatay in aad saxafiyiinta ku been abuurato? Akhristayaasha Qiimaha leh intooda sharciga akhrisata ayaan ka sugayaa in ay jawaab ka bixiyaan ayaga oo waliba si talantaali ah ula socday hadba dhibaatadii iyo hajuumkii ay saxafiyiintu Cali maxamad Geddi kala kulmayeen war gediyoow madaxdu waa kaa horeeyeen waana la is yaqaan ee yaxaaskaan aad maalin ka hor afka usoo gashay haku dhex bood-boodine ku dhex tartiibso.

Mahadsanidiiin

By Maryan Qalanjo Nairobi.
E-Mail: Qalanjo@hiiraan.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2004


»Fadeexaddii 2004 & Qarniga (Samsam Yarey) Cabdi
»"Digniin ku Jeeda Samsam Axmed Ducaalle" | C/rashid
»
Riyadii Xalay baan Rumeeysto, waan Riyaaqay | Eelay
»Arrinta Samsam iyo Halka ay Somalitalk iska taagtay | Ibrahim
»Bilad-geesida dagaalkii sokeeye, beeshee lasiiyaa?!! | Siyaad
»HABKA NOLOSHA DHULKA  [Mohamed A.]
»Nelson Mandel: Madaxdii Adduunka: Qarniyada 20aad & 21aad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Abwaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD