SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print

WARARKII MAANTA:: Nov 25
  • KISMAAYO, SOOMAALIYA:: Cudurada duumada iyo shuban biyoodka oo fara ba'an ku haya dadwaynaha ku dhaqan gobolka jubada hoose
  • LONDON, UK: Guddiga Isku-Xidhka Somalida Britian (SCC) oo Qabtay Shirweyne 
  • MARKA, SOOMAALIYA: WARAYSI: Guddoomiyaha Ururka horumarinta haweenka
Looyaradii Difaacayey Samsam oo Xabsiga Loo Taxaabay
Afar kamid ah Looyarradii Difaacayey Samsam Oo Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Guji...
Cudurada duumada iyo shuban biyoodka oo fara ba'an ku haya dadwaynaha ku dhaqan gobolka jubada hoose

Waxaa fara ba'an ku haya dadwaynaha ku nool gobolka jubbada hoose gaar ahaan xeryaha qaxootiga ee ku yaala magaalada kismaayo cudurada duumada iyo shuban biyoodka taasoo ilaa iyo hada ay u dhimatay cudurka shuban biyoodka gabar lixsano jir ah ayadoo qaar kalana ay la ill daran yihiin cuduradaasi.

BARO CALAAMADAHA CUDURKA KOLEERAHA

Hadaba cudurka shuban biyoodka ayaa waxa uu yimadaa aalaaba xiliyada kulaylaha ayadoo uu ogasii daray roobkii dhawanahanba ka dayay magaalada kismaayo iyo tuulooyinka ku xeeran ayadoo sidoo kale uu cudurka duumada ama maleeriyada ay ayana la ildaran yihiin qaar kamid ah dadwaynaha kunool gobolka jubada hoose.

Hadaba waxaa sidoo kale qaylo dhaan midan oo kale ah oo ku saabsan cudurada duumada iyo shuban biyoodka ay ka soo yeeraysaa tuulooyinka ku dhowdhow magaalada kismaayo sida tuulada qaamqaam.yoontooy.buulo guduud iyo tuulooyin kale ayadoo aysan jirin dhaqaatiir rasmi ah oo ka howol gala amaba jooga tuulooyinkaas.

Ma jiraan cid ilaa iyo iminka u istaagtay wax ka qabashada ama dabar goyonta cuduradaas ay la il daran yihiin dadyowga tabaalaysan ee ku sugan xeryaha qaxootiga ee magaalada kismaayo aydoo aysan jirn hay ad ka howol gasha gudaha magaalada kismmayo ,

Waxaa sidoo kale liita isbitaalka guud ee magaalada kismaayo kasoo sidoo kale aysan jirin hay'ad uu hoos yimaado ama taakulaysa marka laga reebo isbahaysiga dooxada jubba oo mar mar ka caawiya dhinaca mushaaraadka shaqaalaha ka howl gala isbitaalka.

Isku soo wada duuboo sii kordhida cudurada shuban biyoodka iyo duumada taakulo la aanta haysata dadyowga qaxootiga ah liidashada isbitaalka guud ayaa waxay tahay musiibo rabaani ah oo guud taasoo ku habsatay dadyowga tabarta daran ee ku sugan gobolka jubada hoose.

Faysal xaaji siyaad muumin
Kismaayo soomaaliya
faysalsiyaad@hotmail.com   


Guddiga Isku-Xidhka Somalida Britian (SCC) oo Qabtay Shirweyne 

London - Waxaa maalintii sabtida ee taariikhdu ay aheyd 20-ka bisha November lagu qabtay magaalada London shirweyne loogu talagaley in Somalida ku nool dalka Britain ay ka qeyg-galaan siyaasada, sharci-dejinta, iyo iskaashiga ka dhexeeya shucuubta ku nool daka Britain.  

Shirweynaha ayaa waxaa soo qababqaabiyey Guddiga Isku-Xidhka Somalida Britain (Somali Cooridnating Committee) oo ah hay’ad ku dooda, kuna hawlan sidii Somalidu ay cod siyaasadeed oo xoog leh ugu yeelan lahaayeen dalka Britain. SCC waxaa ay si is daba joog ah sanadihii la soo dhaafey ula shaqeyneysay Baarlamaanka iyo Dowladda Britain. 

Shirka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeygalay madax sare oo ka tirsan dawladda Britain. Wasiirka Wasaarada Caddaalada, 2 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka (The House of Commons), Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Europe (European Parliament), Hogaamiye ku Xigeenka Dawladda Hoose ee Waqooyiga London, Madax ka socota Hay’adaha u ololeeya ka qeybgelista siyaasada wadanka Britain, Hogaamiyayaal ka socda Hay’adaha Soomaalida ah ee u adeega bulshaweynta Somaliyeed, Suxufiyiin ka socota Jara’iidka ka soo baxda Britain iyo marti sharaf kale oo Somali iyo ajnabi isugu jirta. 

Madaxda Dawladda Britain shirka uga qaybgashay oo shirka ka hadlay ayaa ku bayaamiyay xaqa bulshada Soomaaliyeed, iyagoo ah muwaadiniin British ah, ay u leeyihiin ka qeybgalka siyaasada iyo weliba saameynta go’aanadda dawladda ee wadankooda Britain.  

“Shirweynahani waxaa uu ahaa tallaabo dhaxal gal ah oo ku aadan geedi socodka ay Somalidu kaga mid noqonayaan Bahweynta Shucuubta Britain iyaga oo markii hore ahaa dad aan la qadarin,  oo aan muuqan; hadana xubno ka noqon kara Golayaasha Degaanada, Maxkamadaha, Ganacsatada, iyo Xildhibaanada Baarlamaanka” David Lammy, Wasiirka Dawladda Britain u Qaabilsan Arimaha Dastuurka.  

Md. David Lammy oo sheegay in uu aad ugu rajeyo weyn yahay in mudada dhow ee inagu soo fool leh uu sugayo in uu wejiyo Somaliyeed ku arko Westminister oo ah Aqaladda Baarlamaanka (House of Commons), iyo kan Shuyuukhda (House of Lords) ee dalka Britain.  

“Waa in ay Bulshada Somaliyeed u arkaan in Britain ay tahay wadankoodii, oo ay xaq u leeyihiin in ay doonaan ilaa iyo booska ugu sareeya ee hogaanka wadanka” ayuu yiri David Lammy, Wasiirka Cadaaladda.  

Isaga oo arintaasi sii adkeynaya ayaa waxaa uu yiri “Ha biciidsanina rajadaas, sababtoo ah anigu waalidkey waxey wadankan yimaadeen sanadihii lixdanaadkii. Hooyadey maalintii ay madaarka ka soo degtey aad loogu baarey si ka baxsan xuquuqda bani’aadannimada. Maantana aniga ayaa ah Wasiirka Cadaaladda ee Dawladda Britain oo mas’uul ka ah hirgelinta sharciyada xuquuqda aadanaha ee dalka”.   

Gudoomiyaha Guddiga Isku-Xidhka Somalida (SCC) Md. Nuradin Aden Dirie, oo halkaasi ku soo dhaweeyey madaxda dowladda ayaa ugu baaqey ummadda Somaliyeed in ay ku muujiyaan awoodooda codbixin doorashooyinka guud ee sanadka soo socoda ka dhici doonta Britain. Md. Nuradin oo ka hadlay maqaamka iyo dawrka Somalida ku nool Britain ayaa sheegey in Somalida Britain ay maanta ka mid yihiin shucuubta ugu badan ee kasbanaya xuquuqda codbixinta wadanka, iyada oo dhalashada British-nimada ah ay qaataan in ku dhaw 10 Kun oo qof sanad walba. 

Md. Nuradin waxaa uu ugu baaqey dhalinyarada Somaliyeed in ay ka qeygallaan iskana diiwaan-geliyaan xisbiyada ka dhisan wadanka si ay xaq ugu yeeshaan in ay isu soo sharaxaan Mudanayaasha loo doorto heer degmo, gobol, iyo ilaa heer qaranba. Waxaa uu Nuradin cadeeyey in doorashooyinka ka hor ay Guddiga Isku-Xidhka Somalidu (SCC) iyaga oo la shaqeyneysa Hay’adaha Somaliyeed ay soo saari doonaan Bayaan (Somali Manifesto) ay Ummadda Soomaaliyeed kula gorgortami doonto Mudanayaasha heer degmo iyo heer qaranba ee doonaya in ay kasbadaan codka Somaliyeed. 

Khudbadaha kadib, shirweynuhu waxaa uu qabtay tababaro (workshops) kala duwan oo lagu soo bandhigey hannaanka ka qeybgalka doorashooyinka ee dalka Britain, sida loo maareeyo warbaahinta iyo sida saameyn loogu yeesho go’aanada dowladda ay ka gaarto dejinta siyaasadaheedaba. 

Shirweynahan oo ah kii ugu balaadhnaa ee looga hadlo Arimaha Somalida Britain ayaa la filayaa in uu noqon doono mid tubta u jeexa kulamo kan la mid ah. 

Guddiga Isku-Xidhka Somalida Britain
Somali Coordinating Committee

kala xiriir: daljir@radiodaljir.com
 


WARAYSI: Guddoomiyaha Ururka horumarinta haweenka ee Marka.

Xaliimo Cabdi Caruush “Ururka iida waxaa la aasaasay 1991 oo ahayd xilli ay dalka ka jireen Dhibaatooyin badan,laakiin waxaa xaqiiqo ah in aan wax badan dalka ka qabanay haddii aan nahay Ururka horumarinta Haweenka ee Iida” 

Waraysi ku saabsan wax qabadka Ururka horumarinta haweenka iida ee fadhigiisu  yahay Magaallada Marka oo aan la yeelanay Guddoomiyaha Ururkaasi Xaliimo Cabdi Caruush,Halkan ka akhriso. 

Akhristayaal waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa Waraysi aan la yeelanay Guddoomiyaha Ururka horumarinta haweenka iida ee xaruntiisu tahay Magaallada Marka Xaliimo Cabdi Caruush ayaa waxaanu ka waraysanay bal waxa uu qabto ururkooda iyo caqabadaha inta badan ka hor yimid intii uu jiray ururkaasi iida,Waxaana Waraysikaasi inoo qaaday Wariyaheena Magaallada Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare” oo baryahanba socdaal ku marayay qeybo badan oo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose. 

Waraysigiina waxaa uu u bilowday qaabkan:- 

“Garyare” Xaliimo su’aasha aan ku waydiinayo waxay tahay waxaad inooga warantaa howlaha uu qabto Ururka aad madaxda ka tahay ee iida??? 

“Xaliimo C. Caruush” waxaan marka hore aan ku faraxsanahay in aad iweydiisaan waxa uu qabto ururka horumarinta haweenka iida ee xaruntisu tahay Magaallada Marka,haddii aan isku dayo bal in aan dib idiin xasuusiyo xilligii  dhidibada loo taagay ururkan iida waxaa ay ku beegneyd sanadkii 1991 oo ahayd uu dalka ka jiray dhibaatooyin badan oo ka duwan kuwa haatan ka jira guud ahaan dalka oo dhan,waxaana Ururkan iida aasaasay 18 Haween aqoon-yahano Soomaaliyeed ah,kuwaasoo rabay inay aqoontooda wax ugu qabtaan inta u baahan,waxaadna ay soomaali oo dhami ogtahay in wixii ka horeeyay 1991 uusan dhismi karin urur Haween madax banana ama mid kale haddii uu ahaan lahaaba,iyadoo ururadii xilligaasi jiray ay ahaayeen kuwo hoos taga Maamulkii rajiimgii ee waqtigaasi dalka ka talinayay,kadib markii aan aragnay dhibaatooyinkaasi oo dhan ayaan waxaa u istaagnay in aan dhisno dhismaha ururkan oo aan magaciisa ka dhignay iida oo macneheedu yahay gabar Soomaaliyeed oo maalin ciida ah dhalatay  soona  gudbineysa codgeeda,intaasi haddii aan uga gudbo ka hadalka sida uu ku soo bilowday Ururkan iida waxaan u soo laabanayaa dulucda su’aasha aad I weydiisay ee ah waxa uu ururkan qabto,waxaan wax badan u qabanay dadka dhibaatadu ku haysato Soomaaliya gaar ahaan kuwii ku jiray isbitaalada,markii danbana waxaa uu u gudbay wax ka qabashada xeryaha qaxootiga,waxana jirta xeryo qoxooti oo ku yaala Magaallada Muqdisho oo aan gacansiino,iyadoo qaxootiga kujira ay ka mid yihiin kuwo xitaa u dhashay Wadanka Itoobiya oo ku soo barakacay Dagaalkii 1977 kaasoo dhexmaray Somaliya iyo Itoobiya,intaasi kadib ayaa waxaan isku keenay dhamaan haweenka Soomaaliyeed inta uu waqtiga inoo saamacay una sheegnay inay haboon tahay in aan dhinac ka soo wada jeesano. WARAYSIGA OO DHAMAYSTIRAN HALKAN KA AKHRI;....


Looyaradii Difaacayey Samsam oo Xabsiga Loo Taxaabay
Afar kamid ah Looyarradii Difaacayey Samsam Oo Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2004

UK: Qaxootiga Soomaalida oo kamid noqday Magangalyo doonka ugu badan
iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Kulan la leh Beelaha Hawiye Guji... Nov 24

 

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
:::6-JIR XAAFIDAD AH:::
Gabadhan da'da yari waxay ka jawaabeysaa su'aal kasta oo laga weydiiyo Quraanka
Maxamed Dheere vs Xijaabka
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD