SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO::::
 
Daabaco Boggan | Print

WARARKA MAANTA

  • Wada hadal laga  dhex wado Muuse Suudi,Cismaan Caato iyo Madwaynaha Cusub Col.C/laahi Yuusuf Axmed.
  • Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed oo sheegay inay Muqdisho tahay Caasimadda,isla markaana ………..
  • Wakiilada beesha Caalamka oo u soo jeediyay Dowlada cusub inay ka degto Magaallda Muqdisho……………
  • Xiriir qadka isgaarsiinta ah oo dhex maray Col.C/laahi Yuusuf  iyo Col.Mucamar Al-Qadafi ka Liibiya.
  • Dalka Swedan oo lagu qabanayo shir looga hadlayo dib u dhiska …………..
  • Somali Land oo hogaamiyayaal Hawiye kala hadlay sidii loo fashilin lahaa Dowlada Cusub ee uu Madaxweynaha ka yahay Col,C/laahi Yuusuf Axmed  
  • Madaxweynihii TNG-da Dr,C/qaasim Salaad Xasan iyo Wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtay Maanta Magaallada Muqdisho

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden “Garyare”
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com  

Wada hadal laga  dhex wado Muuse Suudi, Cismaan Caato iyo Madwaynaha Cusub Col.C/laahi Yuusuf Axmed.

Sida ay sheegayaan wararka nagasoo gaaraya Magaallda Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya waxaa wali socda dadaalka loogu sidii mar un la isugu keeni lahaa Hogaamiyayaasha kala ah  Muuse Suudi Yalaxow,Cismaan Xasan Cali “Caato” iyo Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Somaliya Col.C/laahi Yuusuf Axmed.

Cismaan Xasan Cali “Caato”iyo Muuse Suudi Yalaxow ayaa waxaa ay horey   uga mid ahaayeen Hogaamiyayaasha ka bi’yadiidanaa inuu xillkaasi kusoo baxo  Madaxwaynaha iminka Soomaaliya ay yeelatay ee Col.C/laahi Yuusuf Axmed,iyadoo haatan la isla dhex marayo Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho waxa  uu noqon karo mowqifka ay hogaamiyayaashaasi ka qaataan Dowlda uu Madaxwaynaha ka yahay Col.C/laahi Yuusuf Axmed.

Xubnaha ka shaqeynaya kulanka labadaasi hogaamiye ay la yeelanayaan Madaxwayanaha Cusub ee Somaliya Col.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa laga soo xigtay  inay ka go’an tahay sidii meesha looga saari  lahaa khilaaf soo kala dhex gala Xubnaha Dowlada ku meel gaarka ah,iyadoo ay sidoo kale socdaan wada  xaajood kale oo ay la leeyihiin Hogaamiyayaashan qaarka mid ah Raga magaca ku dhex leh Beesha ay ka soo jeedaan ee Hawiye si loogu qanciyo natiijadii kasoo baxday Doorashadii Madaxwaynenimada Soomaaliya ee dhawaan loogu doortay Col.C/laahi Yuusuf Axmed.

Muuse Suudi iyo Cismaan Caato ayaa waqtiyadii   ugu  danbeeyay  oo lahaa Cilaaqaad gaar ah waxaa ay qorsheynayaan inay todobaadkii hore dib ugu soo laabtaan Magaallada Muqdihso,iyadoo taasi laga saaray culeys xoogan laguna qanciyay inay joogaan Magaallada Nairobi inta laga magacaabayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumada uusoo dhisayo Col,C/laahi Yuusuf,taasoo ay markii danbe aqbaleen,laakiin waxaa aysan ka soo qeyb gelin xafladdii Caleemo-saarka Madaxwaynaha,la argi doonee halka ay ku danbeyso arinta labadaasi hogaamiye ee ku wajahan Dowlada Cusub ee uu Madaxwaynaha ka yahay Col.C/laahi Yuusuf Axmed.

Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed oo sheegay inay Muqdisho tahay Caasimadda,isla markaana ………..

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Col.C/laahi Yuusuf Axmed oo u waramayay mid ka mid ah F M-yada Muqdisho ayaa sheegay inay Magaallda Muqdisho tahay Caasimada Soomaaliya oo aysan jirin cid isku dayi karta inay ka badalaan Caasimada Wadanka Jamhuuiryada Soomaaliya. 

Mar la waydiiyay Madaxwaynaha Cusub Col.C/laahi Yuusuf Axmed  waxa ka jira inay Dowlada uu madaxwaynaha ka yahay ay dagi doonto Magaalooyinka ay ka mid tahay Baydhabo waxaa uu yiri”arintaasi waa mid aysan waxba ka jirin,waxaana intaasi ku darayaa xarunta Dowlada la dajinayo inay tahay mid u taal Baarlamaanka iyo Xukuumada ee ma jirto go’aan aan aniga oo qura meel iiyaal oo aan ku dhaqaaqayo”sidaana waxaa yiri Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalak Somaliya Col.C/laahi Yuusuf Axmed. 

Dhanka kale waxa uu sheegay  Madaxwaynaha cusub inuu dhawaan ku dhawaaqi doono Ra’iisul wasaaraha,isla markaana uu iminka ku mashquulsan yahay la-tashiyada uu la leeyahay qeybaha kala duwan Soomaalida ah  oo uusan shaacin Magacyadooda,isagoo intaasi ku daray in marka hore Somalida looga baahan yahay inay is cafiyaan oo ay is cafinta ka bilaabaan isaga,waxaana uu intaasi ku daray inuuka shaqeyn  doono dib u soo celinta qarankii burburay. 

Madaxwayne Col.C/laahi Yuusuf Axmed waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday dib u habeen lagu sameeynayo Ciidamadii xooga Dalka Soomaaliyeed eek ala daatay wixii ka danbeeyay burburkii ku yimid Wadanka Soomaaliyeed bilowgii 1991 oo ahayd xilligii Wadanka laga hayaamiyay Dowladii Dhexe ee uu Madaxwaynaha ka ahaa Marxuun Gen.Maxamed Siyaad Barre,iyadoo uu taasi ku macneeyay Col.C/laahi Yuusuf inay dhabada u xaareyso nabadeeynta lagu soo dabaalayo guud ahaan Wadanka Soomaaliyeed. 

Ugu danbeeyntii Madaxwaynaha waxaa uu sheegay in Dowladiisa aqoonsadeen 9 Dal oo ka mid ah Wadamada Africa,iyadoo uu inta kale ugu baaqayt  Madaxwaynaha inay aqoonsadaan Dowlada iminka u curatay Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay mid xanbaarsan danta Umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan,isagoo si gaar ah ugu baaqay Beesha caalamka inay tixgelin  buuxda siiyaan baaqooda ah inay aqoonsadaan Dowladan Cusub ee Soomaaliya u dhan tahay.  

Wakiilada beesha Caalamka oo u soo jeediyay Dowlada cusub inay ka degto Magaallda Muqdisho…………… 

Magaallda Nairobi wararka  laga helayo ayaa waxa ay shegaan in Wakiilada Beesha Caalimka  eek u lamaansan Urur Gobaleedka IGAD iyo Ururada kale ee gacanta ka geystay sidii looga mira dhalin lahaa Shirka dib u hidhiisiinta muda dheer Soomaalida uga socday Wadanka Soomaaliya jaarka dhow la ah ee Kenya ayaa  shirkoodii ugu danbeeyay oo ay yeeshaan doorashadii Madaxwaynaha ka dib waxa ay ugu hadleen aragtidooda  ku wajahan Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya loo dhisay iyo waxa ugu horeeya ee ay qabanayso. 

Shirkii ay isugu yimaadeen wakiilada beesha caalamka oo uu shir guddoomiyay Wakiilka shirkaasi u fadhiya Wadanka Ingiriiska David Bell ayaa waxaa looga hadlay sida ay beesha caalamka isu garab taagi  karto Dowlada Cusub iyo waxa  looga fadhiyo Dowlada uu madaxwaynaha ka yahay Col.C/laahi Yuusuf Axmed,waxaana ku lankaasi ka soo baxay taageerida ay beesha caalamka u hayso Dowlada iyo sida ay ugu qanacsan yihiin sida ay u dhacday Doorashada  iyo Caleemo-saarka Madaxwaynaha Cusub ee Soomaaliya,iyadoo ay ka cod sadeen Madaxwaynaha Cusub inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhawaaqo Ra’iisu Wasaare soo dhisa Xukuumad ka howl bilowda Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. 

Ugu danbeeyntii Wakiilada Beesha Caalamka waxaa ay sheegeen inay diyaar u yihiin la shaqeynta  Dowlada Cusub iyo sidii looga garab qaban lahaa arimaha culus ee ka horeeya,waxaana ay sheegeen inay ku rajo wayn yihiin inay  meel marto Dowlada iminka loo dhisay Soomaaliya oo ay sheegeen inay Umada Soomaaliyeed u hamuuqabaan Dowlad  oo kaliya ooay maantana haystaan,Waa sida ay hadalka u dhegeene Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Magaallada Nairobi ee Caasimada u ah  Wadanka Kenya . 

Dalka Swedan oo lagu qabanayo shir looga hadlayo dib u dhiska ………….. 

Haweeneyda ah Wsiirka kaalmada xagga dibadda ee Wadanka Swedan  Carin Jamtin ayaa sheegtay  in 29 –ka bishan lagu qaban doono Caasimada Wadanka Swedan ee Istockholm shir looga hadlayo sidii mar kale dib loogu soo dhisi lahaa Wadanka Soomaaliya ee uu burburiyay Dagaalada Sokeeye. 

Shirkaa ayaa waxaa isugu imaan doono sida ay sheegayaan wararka laga helayo Dowlada Wadanka Swedan Dalalka aduunka intooda badan ,qaasatan inta badan wadamada ku jira Q/Midoobay,Midowga Afrika ,Midowga Yusub,Bankiga Aduunka,Jaamacadda Carabta  iyo Wadamada waa wayn ee deeqda  bixiya sida Markaykanka,Norway iyo Jaban  

Haweeneydan ah Wasiirada Kaalmada xagga dibadda ee Wadanka Swedan  oo u warameysay in badan oo ka mid ah Saxaafadda Wadanka Swedan gudihiisa ku sugan ayaa sheegtay inay Dowalda Swedan ka go’an tahay sidii ay Somaliya uga taageeri lahaayeen dib u dhiska Wadankaasi,waxaana ay intaasi ku dartay inay ka dhex muuqan doonaan Wadamada dadaalka ugu jira dib u dhiska Wadanka Soomaaliya,Waa sida ay hadalka u dhigtaye Wasiiradaasi. 

“Soomaaliya waa Dal iminka u baahan sidii looga taageeri lahaa dib u dhiska,waana midaasi waxa inagu qasbaya in aan u istaagno dib u soo celinta qankii Soomaaliyeed ee burburay,waxaana ku rajo waynahay in midaasi aan uga wada hadli doono shirka 29-ka bishan ka dhici doona Caasmida Wadankeena ee istockholm” ayaa ka mid ahaa hadaladii laga soo xigtay Haweeneydaasi Wasiirada ah  oo saxaafadda Wadankeeda uga warbixineysay Shirkaasi  iyo hadafaadka laga leeyahay. 

Dhinaca kale waxaa soo baxay warar kale oo sheegaya inuu shirkaasi  ka qeyb galayo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Col.C/laahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo oo Wadamada iyo Ururada Kulankaasi ka soo qeyb gala u gudbin doona baahida Dowladdiisa  ee ku wajahan sidii looga taageeri lahaa xagga Ciidamada iyo Dhaqaalaha,waxaana marka uu dhamaado shirkaasi kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa Madaxda ka soo qeyb gashay Shirkaasi. 

 Xiriir qadka isgaarsiinta ah oo dhex maray Col.C/laahi Yuusuf  iyo Col.Mucamar Al-Qadafi ka Liibiya. 

Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Jamaahiiriyada Wadanka Liibiya ayaa sheegayo in wada hadal qadka isgaarsiinta ah uu dhex maray Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Col.C/laahi Yuusuf Axmed  iyo Madaxweynaha Dalka Liibiya Col.Mucamar Al-Qadafi.

Madaxwaynaha Wadanka Liibiya Col.Mucamar Al-Qadafi ayaa ugu hambalyeeyay Col.C/laahi Yuusub Axmed doorashada loo doortay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,isla markaana waxaa uu Col.Al-Qadafi uu u ballan qaday inuu sii xoojin doono xiriirkii qotada dheeraa ee u dhexeeyay Umadaha Liibiya iyo Soomaaliya,isagoo intaasi ku daray inuu kaalin xoogan ka qaadan doono dib u dhiska Wadanka Soomaaliyeed oo uu sheegay inuu mudo dib u dhiskiisa ku haminayay,Waa sida uu hadalka u dhigaye Col, Qadaafi-ka Liibiya.

Madaxweynaha Cusub Col.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa sida ay Wakaalada wararka ee Liibya sheegayso  uu kadalbaday  dhigiisa Dalka Liibiya Col,Qadaafi sidii uu u sii amba qaadi  lahaa dib u hishiisiinta iyo dib u dhiska Wadanka Soomaaliya oo uu sheegay inuu maanta u baahan yahay gar gaar Ciidan iyo mid Dhaqaale,Waa sida uu dalbadaye Madaxweynaha Cusub Col.C/Laahi Yuusuf Axmed. 

Somali Land oo hogaamiyayaal Hawiye kala hadlay sidii loo fashilin lahaa Dowlada Cusub ee uu Madaxweynaha ka yahay Col,C/laahi Yuusuf Axmed  

Dowlada haatan labaxday jamhuuriyada  Somaliland iyo xisbiyada Mucaraddka  ee ka jira Gobolada Waqooyi galbeed ee Soomaaliya ayaa si weyn u uga carooday tartangii loogalay Madaxweynenimada Soomaaliya ee uu ku soo baxay Col.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa bilaabay sidii ay uga hortagi lahaayeen Dowlada Cusub ee Soomaaliya loo soo dhisay. 

Dowlada labaxday Somali Land  ee uu Madaxweynaha ka yahay Daahir Riyaale Kaahin ayaa qoraalo ay u kala dirtay Beesha Caalamka ugu cadeeysay go’aankooda ah inay ka gooni isaga taakeen  Soomaalida inteeda kale,waxaana sidoo kale lagu qeexay qoraalkaasi waxa ay Somali Land ka yeeleyso haddii Dowlada Cusub u soo dhaqaaqso deegaanada ay ka taliyaan ee la isku yiraahdo "Jamhuuriyadda Samali Land",taasoo lagu sheegay inay tahay Dagaal ba’an oo looga hor tagayo. 

Madax ka tirsan "Dowlada" uu Madaxda ka yahay Daahir Riyaale  iyo Xisbiga UCID ayay wararka soo baxa sheegayaan inay xiriir joogta ah la wadaan qaarka tirsan hogaamiyayaasha ka soo jeeda Beesha Hawiye  si loogu Fashiliyo Dowlada cusub ee  Col.C/laahi Yuusuf Axmed Hogaaminayo. 

Xubnaha ay "Dowlada Somali Land" iyo Xisbiga UCID la soo sameeyeen wada hadalka waxaa  ugu horeeya Cismaan Xasan Cali “Caato” Muuse Suudio Yalaxow iyo Axmed geelle “Xeef”oo ka mid ah hogaamiyayaasha ay u cuntami la dahay Madaxweynenimada Col.C/laahi Yuusuf Axmed,laakiin ma jiraan warar cad oo sheegaya waxa ay ka wada hadleyn hogaamiyayaashaasi,mida kale ma cada ilaa iyo iminka mowqifka Hogaamiyayaashaasi ee ku aadan Dowalda Cusub.la argi doonee waxa ka soo baxa xiriirka ugubka ah ee iminka ka dhex bilowday "Dowlada Somali Land", Xisbiga UCID iyo Hagaamiyayaasha ka soo jeeda Magaallda Muqdisho. 

Madaxweynihii TNG-da waqtigeedu dhamaaday Dr,C/qaasim Salaad Xasan iyo Wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtay Maanta Magaallada Muqdisho kadib markii…………

Madaxweynaha Dowladii KMG ahayd ee waqtigeedii dhamaaday Dr,C/qaasim Salaad Xasan  oo ka mid ahaa 28-kii Musharax ee tartanga ugu jirtay jagadda Madaxweynenimada Soomaaliya,hase ahaatee ku guuldareeystay inuu ku soo baxo jagadaasi ayaa maanta soo gaaray Muqdisho isaga iyo wafdi uu hogaaminayo. 

Dr,C/qaasim Salaad Xasan oo ka soo degay Madaarka Ballidoogle  ee Gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay  qaar ka mid ah TNG-da iyo Maamulka Gobolka Banaadir,iyadoo uu C/qaasim Salaad Xasan uu ahaa Hogaamiye ku soo hungoobay hamigii uu Muqdisho kala tagay. 

Madaxweynihii Dowladii TNG-da Dr,C/qaasim Salaad Xasan  ayaa Saxaafada  u sheegay inuusan maanta bixin Karin wax war ah,laakiin waxaa uu sheegay inuu Saxaafada inta joogta Muqdisho uu warka siin doono Maalinta bariya,isagoo sheegay inuu shirkaasi ku qaban doono Meesha uu ka dagan yahay Magaallada Muqdisho. 

Dr,C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu ka qeyb galay xafladii Caleemo-saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya,isagoo kamid ahaa Madaxweynayaashii ka qeyb galay Xafladaasi,isla markaasina ku wareejiyay xilkaasi Madaxweynaha cusub Col,C/laahi Yuusub Axmed ,waxaan khudbadiisii C/qaasin laga dheehan karay sida uu ugu faraxsan yahay Dowlada u dhalatay Soomaaliya,beesha Caalamkana ugu baaqay inay is garab taagaan Dowalda Cusub ee uu horkacayo Col,C/laahi Yuusuf Axmed. 

Dr,C/qaasim Salaad Xasan waxaa Tuulada Carte ee Dalka Jabuuti lagu doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sanadku markii ahaa 2000 Bishii August,laakiin Dowladiisa ma gaarin hadafaadkii loo soo dhisay oo ahayd in mudada loo qabtay  ku gaarto Soomaaliya oo dhan,taasi waxa ay badalkeedu noqday inay Dowladiisu dhaafi weydo  hoyga  uu ka dagan yahay Magaallada Muqdisho,dhanka kale waxaa iyana hubaal ah inuu Dr,C/qaasim Salaad Xasan ku dadaalay sidii uusan dalku dagaal mar kale uga qarxin. 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden “Garyare”
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2004

101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji


»DHAMBAAL KA YIMID  BEESHA RAXANWEYN:::
»DHAMBAAL KA YIMID URURKA NABADA EE PUNTLAND

Eedeyn loo jeediyey Safaaradda Soomaalida ee dalka Yaman
iyo
Ugaas Max'ed Weli oo yiri: kama hor-tagayno Madaxweynaha, mana taageereyno, balse waxaan ka.. Guji

AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji... oct 15

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD