SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
Daabaco Boggan | Print

axmeddheere65@hotmail.com  Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi Somalitalk
 
YAA XILKA SAARANYAHAY TAGEERIDA NABADA MA SHACABKAA GANACSADATA MADAXWAYNAHA CULUMADA AQOONYAHANKA QURBO JOOGA ???

 

Burburkii nidaamkii doowlad nimo ee soomaaliya Sanadihii Shagaashamaadkii waxa uu sababay dhibaatooyin faro badan oo ayan cidina ku soo koobi Karin qoraal saxaafadeed ,

 

Waxaa mar qura lumay adeegii dadwaynaha soomaaliyed waxaana xoogbatay dulmigii iyo dhibaatooyinkii qabiilka iyadoo meel walba dagaalo iyo ku xadgudub muwaadinka soomaaliyeed caadi ka noqday

 

 waxaa looga baahna shacabka soomaaliyeed in ay sidan gacmaha isku qabsadaan mar hore marse hadii ay maanta soo baraarugeen waa in ay qayb waliba gacan ku siisa horumarkooda waxbarashada dhaqaalaha caafimaadka wax barashada iyo midnimadooda

Waxaa soo ifbaxah hogaamiyo kooxeedyo Eeganaya danahooda gaar ahaaneed oo aan iyagu marna ka fakareen dhibaatada umada soomaaliyeed  shacabka soomaaliyeedna ma uusan fahmin marna qiyaanada ay wadaan shaqsiyaadkaa caadaystay buburka dalkooda iyo bara kicinta Dadkooda balse shacabka sacabada ay u tumeen una bixiyeen Mujaahid Gudoomiye Madaxwayne iyo Eraya kaloo badan oo ay ku amaanayaan ,

 

Waxaa xaqiiqo ah in shacabka soomaalidu gacan xoogan kulahaa burburka dalkooda iyadoo ay caadi aheed in ay lacag u soo diraan soomaalida ku nool dibada hogaamiyaasha beelahooda sidoo kalana soomalida ku nool gudaha soomaaliya ayaa iyaguna siin jiray taageero ay kula duubnaayeen in hadba lagu duulo qabiil lana buburiyo gaabaha caafimaadka wax barashada iyo ila u dhaxeeya bulshada soomaaliyeed

 

Hogaamiyaashii dhibka soomaaliya kawaday dhamaantood ilmahoodu waxa ay waxbarasho ujireen wadamada Yurub iyo Ameerika Carabaha iyaguna waxa ay magaalooyinka ay joogaan ka daganaayeen goobaha ugu amaanka fiican uguna qurxoon iyagoo wadanjiray wiilal Soomaaliyeed oo ay ka dhiganjireen Istaaf ama waardiye

 

Hadaba soomaaliyeey manta Afat& Toban sano ka dib waxaad dhisateen maamul doowladeed aad ku midaysantihiin dhamaantiin marka waxaa soomaalida la gudboon in ay hiil iyo hoo garab istaagaan doowlada soomaaliyeed aysana markalle gacan siin nin leh dan isaga ugaara oo aan ka naxeen Danta guud ee dhalaanka iyo hooyada soomaaliyeed iyo wadankeenii Soomaaliya

 

Doowlada waxaa lagudboon la xaajoodka hadii ay soo baxaan dad diidan utanaasul badan isku keenida bulshada soomaaliyeed iyo in ay doowladu sii wada dib u heshiisiinta  ilaa inta ay dhaboobeyso helitaan nabad waarta gobol min dagmo guud ahaan wadankeena soomaaliya

 

Hogaamiyaasha siyaasada soomaalida iyaga waxaa lagudboon in ay gacan wayn ka gaystaan dib u dhiska dalkooda soomaaliya badbaadinta dhalaankii ay badeen qaxa iyo jaahilnimada waana in ay maalkooda ku bixiyaan sidiii ay usoo saari lahaayeen bulsho hogaamin karta soomaaliya mustaqbalka soo socda ay ku badalaan Risaasti iyo madaafiicdii xanbaarsanaa dhimashada iyo qaxa dhisada Iskuulo Isbitaalo Goobaha lagu Xanaaneeyo Hooyada iyo dhalaanka lana helo nabad dadka ay ku ilaawaan dhibatadii la soo maray

 

Soomaalida ku nool wadamada dibada iyaga waxaa la gudboon in ay lacagihii ay ku taageeri jireen in soomaaliya lagu buburiyo ayna u soo diri jireen hogaamiya qabiilada manta ay ku taageeraan doowlada si loogu meel mariyo adeega dadwaynaha walaalayaal waxaad ogtihiin in aad intiina badan qayb muhiim ah ku lahaydeen buburinta wadankiina iyo barakaca maatadiina soomaaliyeed idinkoo sabab u ahaa in aad dhalaankiina badaan in maalin walba 1000 dhalaani ihi ku dhintaan goobo kala gadisan oo soomaaliya ah ayna soomaaliya noqoto Xeebtii geerida waloow ay jireen qaarkoloo badan oo qaban jiray in ay qayb ka qaataan dhismo Iskuul ama Isbitaal ama Masaajid hadana inta badan soomalidu waxaad moodaa in ay qayb muhiim ah ku lahaayeen burburinta dalka hadaba buburkii ku badala dib u dhiska dalka soomaaliya oo ah lama huraan waa cowska Jiilaal

 

Ganacsatada soomaaliyed hantidiina gaar ahaaneed u quura in aad ka dhigtaan mid u dhaxeeysa bulasha soomaaliyeed garoomada Diyaaradaha Takadaha iyo hay adaha doowladana ku wareejiya umadiina qaybna ka qaata dhisida dalkiina hooyo

 

Waxaan marar badan ku soo celinayaa shacabka gudaha waa in ay gartaan dantooda gaar ahaaneed ayna fahmaan in ninkii nabada diida hadii ay taageeraan dhibku iyaga ku soo noqonayo hadaba waxaad is waydiisaa maxaa wax faa iido ah looga waayay shirarkii hore ee soomaalida loogu soo qabtay goobo kala gadisan oo aduunka ah

 

Beesha caalamku markii ay aragtay dhibaatada hogaamiye kooxeedyada iyo damqasho la aanta shacabka soomaaliyeed ayaa soomaalida loogu baaqay dib u heshiisiin siyaasadeed waxaana shirkii ugu horeeyay lagu qabtay wadanka Jabuuti waxaana halkaa iskugu tagay Lix urur Beeleed Xiligaa Jiray laakiin shirkaas waxa ay soomaalidu ka dhaxleen bubur horleh waxna ma uusan kordhin isla Jabuuti ayaa lagu qabtay shirkaloon faa iido kordhin ,

 

Wadanka Itoobiyo ee aana Diriska Nahay ayaa lagu qabtay Dhoowr shiir isagana waxba kama aysan soobixin  Liibiyo Masar Yaman Qaahira ayaa isagana lagu qabtay Ka daroo dibi dhal ayeey Noqdeen

 

Wadanka Jabuuti Carta ayaa lagu qabtay waxaana ka soo Baxay Doowladii kumeelgaarka aheed ee lagu doortay Dr Cabdi Qaasin Salaad Xasan doowlada Soomaalidu ma aysan taageerin beesha caalamkuna ma aysan Siin gargaarkii looga baahnaa waxaa kaloo Jiray Qilaaf doowlada Dhaxdeeda samayn xoogan ku yeeshay oo cuuryaamiyay waxqabadkeedii

 

Dad badani waxa ay is way diinayaan waxa buburiya shirarkii la soo dhaafay waxaana dadka markiiba isuu baxaya waxa ay tahay waa iyada oo aan shirarklaa Soomaalidu u dhameyan oo dad gaara loo qabto.

 

15 Ogtobar ayaa waxaa soomaalida loo qabtay shirkii Eldoret waxaana shirkaasi ka soo qayb galay Hogaamiyaal badan iyadoo 27 Ogtobar Soomaalidu saxiixeen heshiis aad loogu bagay waloow aysan soomaalidu fahmin Faa idada heshiiskaas o markiiba waxaa dagaalo ka bilowmeen Gobolada Soomaaliya heshiiskas waxaa saxiixay xiligaas hogaamiyaasha ama kooxaxa kalla ah

 

TNG, SRRC, SRRC/Nakuru, group, PUNTLAND STATE, HIIRAAN POLITICAL AUTHORITY, JAWHAR ADMINSTRATION, SAMO SRRC NAKURU GROUP, RRA, JVA, SNF, USC, USC/SSA IYO CIVIL SOCIETY.

 

Yaad is leedahay waa ka maqnaayeen heshiiskan waxaad moodaa in ay goob joog ka ahaayeen dhamaan ururadii siyaasada Doowladii KMGiyo Bulshada rayitka dhamaan hadana heshiiskaa fulintiisii way adkaatay

 

 

29kii Janaayo waxaa Aqalka looga arimiyo Wadanka Kenya ee Madaxtooyada heshiis qalinka guduugay Hogaamiyaasha Soomaalida Bulshada Rayitka ah iyo Madaxwaynihi Doowlada KMG Dr Cabdi Qaasin Salaad Xasan si walba xaalku ha noqdee Soomaalidu waxa ay shirkan Kenya ku so gaba gaboobay ku doorteen xubnaha baarlamaanka oo gaaray 275 Xidhibaan iyaguu xubnahaasi doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiiq Adan iyo Gudoomiye ku xigeenkada Koowaad iyo Labaad  Por Maxamed Cumar Dalxa Iyo Mudane Cismaan Cilmi Boqore Baarlamaanku waxa uu doortay hadana Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaaliga Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyadoo ay goob joog yihiin intii soomaaliya dhibkeeda ku jirtay iskuna haysatay Mansabka Siyaasadeed ee Soomaalida iyadoo ay Xilkaa u tartameem 26 Musharax aaqirkiina Si Cadaalada oo aduunka iyo soomaaliduba joogtay lagu Doortay Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed hadaba soomaaliyeey u soo jeeso dib u dhiska Dalkaaga iyo badbaadinta umadaada ama Durbaanka utuma Ragii soomaaliya Cuuryaamiyay 14kii sanoo ina dhaaftay

 

axmeddheere65@hotmail.com  Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi Somalitalk

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2004


Baaritaan ku saabsan Faraxumaynta iyo Xabsiga loo Gaystay Samsam  iyo Dilkii loo gaystay Marxuum
»Hargeysa: faraxumayntii loo geystey Samsam Axmed Ducaale
»Mugadisho: Dilkii loo geystey Marxuum Cabaas Cabdi Cali
Dhammaan ka akhri halkan... Guji... Oct 20, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD