SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Cabdulaahi Aniga Madaxweyne  Ii Ma Aha 

Cabdulaahi Yuusuf wuxuu jid kasta oo qaldan uu u maray sidii uu ku noqon lahaa madaxweyne Soomaaliyeed. Wuxuu sirta Soomaaliyeed siin jirey cadowga deriska, wuxuuna jabhad qabiil ku soo hogaamiyey cadowga deriska. Afar iyo toban shir oo caalamku u qabtay Soomaalida ayuu diidey, isaga oo doonayey dantiisu mida ay ku jirto in loo raaco. Wuxuu jabhad hubeysan kala horyimid dowlad Soomaaliyeed, waxaana isaga ku weyn in tiisa aan lagu jabhadeyn. Wuxuu markasta ahaa ninka ka soo horjeedey in Xamar uu maamul ka dhasho, haddana doonaya inuu isagu maamul hagaagsan u sameeyo. Wuxuu ahaa ninkii dabagalay nidaam dhaqameedka qowleysatada ka jirta waqooyi ee ku dhawaaqay maamul goonida uga taagan Soomaalida, kuna tiirsan cadowga deriska. Wuxuu gobolka Bari ka raacdeeyey dad Soomaaliyeed isaga oo qiil uga dhigtay ineysan degaanka u dhalan, waxaana ninkaas ku weyn in dadkiisu degaanada kale ee Soomaalida ay degaan. Wuxuu gobolka Bari ku laayey muwaadiniin Soomaaliyeed oo degaanka u dhasahay markii ay ka soo horjeesteen dhaqankoodii, diintoodii, dadkoodii,iyo dalkoodii cadowga loo gacan geliyey. Wuxuu degenaansho la’aan ku sameeyey degaanada waqooyi oo nabad gelyada ku wada degan isagoo magacyo qabiil adeegsanaya, haddana doonaya dabkuu shiday inuu dowladnimo waqooyi ugu taliyo. Nin mabda’iisu yahay dhiig daadin, ka amar qaadashada cadowga dalka iyo u rukuucida iskaashiga danaha shisheeye ma aha nin ku haboon hogaaminta dadka u dhashay dalka Soomaaliyeed. 

Humaaga Qaldan 

Dadkii ka qaxay siyaasad xumada lagu maamulayey dalka qaar ka mida oo ay ka mid yihiin aqoon yahan cid walba u dhashay kuna daaley dibed joognimada ama sinji ahaan ahaa dadkii laga tirada badnaa ama ahaa dadkii duqnimada uga baqayey in siyaasada ay ka galaan howlgab iyo dadka aaminsan iney degaankooda ku hogaamiyaan ka qeybgelida iskaashi ku dhisan humaag qaldan oo ay ku damacsan yihiin iney ku dhacaan hantidii loogu tala galay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ayaa u arkay Cabdulaahi fursad ay ku meel marin karaan ujeedooyinka ay ku haminayaan iney gaaraan wakhti dhow.

Waxey dad badan u doorteen inuu Cabdulaahi dagaal la galo dadka degen xamar si uu u sii jiro miisaanka dadka laga tirada badan yahay ama wakiilnimada aan dhabta ahayn ee maqaar saarnimada loo siiyey dad aan runti ka wakiil noqon karin degaanada ay ka soo jeedaan. Waa arrin iska cad inaysan micno la’aan ahayn doonista Cabdulaahi uu ku doonayo ciidamo shisheeye oo Xamar u qabta. Waxaan shaki lahayn inuu cadowga deriska weydiisanayo iney ciidan sideetan kuna ay dalka si qarsoodiya ku soo geliso iyaga oo isku muujinaya ciidamo Soomaaliyeed ee ka yimid dhanka Bari. Waa wax iska cad in Ethiopia ay daneyneyso in Cabdulaahi uu u adeego danaheeda oo ku dhisan jiritaanka degaano is khilaafsan oo aan lahayn dowlad mideysan. Sababta Ethiopia ay u daneyneysay Cabdullaahi waa inuu yahay nin aan Soomaalida mideyn karin, inta uu madax yahayna sii kala fogeynaya inta isheysata. Cid walba way ka dhaadhacsan tahay in Cabdulaahi uusan awood ku maquunin karin dadka Xamar iyo Hargeysa dega. Dhinaca kale, wax kasta oo dhaca dadka degaankaas ma doonayaan maamulka Cabdulaahi si kasta oo uu isugu qariyo ama derbi uu isaga dhigo dad hanti doona oo ka soo jeeda degaanadaas.

Waxey dad badan isweydiinayaan waxa ay noqon doonto 5ta sanno ee soo socota. Waxaan qarsoodi noqon doonin in hubka dib la isugu guran doono. Waxaan meesha ka maqnaan doonin in Cabdulaahi uu magacaaban doono caasimad ku meel gaara, Baydhabo ama Boosaaso midood. Soomaaliya weli waxey ku jireysa go’doonkii ay dunida inteeda kale ay uga jirtey mar haddii uusan dalka hogaamineyn madaxweyne  dadka intiisa badan aysan ku kalsooneyn. Kaalmada lacageed ee dalka imaaneysa waxey noqoneysaa mid aad u yar, maxaa yeelay dalalka dibeda waxaa u muuqday in Cabdulaahi codadkii dorashadiisu uu ku gatay lacag uu ka soo qaatay hantida dadweynaha oo uu u adeegsaday laaluush ahaan. Waa ay adag tahay gudaha iyo dibedaba si lagu aamino nin kelitalisa oo daadiyey shacabka dhiigiisa wakhti dheer, mabda’na ay u tahay inuu dalka ku xukumo musuqmaasuq iyo qabiil. 

Dr. Saciid Ciise

Maine-USA

Saciidciise258@aol.com

QORAALKII HORE EE DR. SACIID.....

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD