SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Oktoobar waa tee waa tumaaa

A Waaberi awaaberi@yahoo.com 

Oktoobareey adaa lahaa!

  • Sodon sanaba (Afartan iyo far)Qaran baan ahayn calan u saaraaye Waa maxay sawaxankiyo hadba salowga yeeraayo
  • Sal ka kaca qabiiliyo maxaa ololka soo saaray
  • Soomaali wada ilbixi baan lahaa nacab ha suuxeeyo
  • Saldanadiina adkaysta baan lahaa yaan la saabiline
  • Sumcadooda Toosaan lahaa way isa saamixiye
  • Sareedada Barwaaqada baan lahaa ha u sinaadeene
  • Saqiir iyo kabiir baan lahaa way isa saamixiye
  • Soomaali sidaan la rabay diiday samihiiye
  • Saluugtay oo midnimadii nacday, hoog ma wada saaqay.
  • ...................... Nuux Saciid Naxar

Oktoobareey ahlan Wasahlan.

Oktoobar waa tee waa tumaa Towrada tan barakaysan, Talaabadii ay qaaday, Dadweynaha tiisa daryeeshoo, tabar iyo taagba garabkiinaan taagnahay.. Oktoobar waa daruur hilaacday oo Soomaali u daday..

Oktoobar waa teeniyo. .

Dhamaan erayadaas iyo kuwo kaloo badan waxay ka mid ahaayeen qaybo ka mid ah Suugaanta lagu soo dhawayn jiray Maalinta ku aadan maanta oo kale oo bishu tahay 21ka Oktoobar. Waa maalintii uu curtay Kacaankii Oktoobar ee dalka ka hana qaaday dabayaaqadii1969, ayna talada la wareegeen Ciidanmdii Xooga dalka Soomaaliyeed. Hadaba waxaa Mudnaan mudan in aanu dib u jaleecno Malintaas oo maanta ka soo wareegatay Shan iyo Soson sanadood. oo run ahaantii ah dhacdo aanan marna ka baa ba'ynin taariikhda casriga ah ee Soomaalioda, iyadoo wadatay Wanaag badan iyo dhaliilaba. Hadaba Akhristoow Saraakiishaas Kacaanka dhalisay Darajadooda iyo Magacyadooda waxay kala ahaayeen sidan: iyadoo ay ka nool yihiin in la eg kala bar.

1. Maj. Gen. Maxamed Siyaad Barre (Militeri)*
2. Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel (Boolis)*
3. Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Militeri)*
4. Brig. General Xuseyn Kulmiye Afrax (Boolis)*
5. Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (Militeri)*
6. Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar (Militeri)
7. Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadhil (Militeri)*
8. Col. Cali Mataan Xaashi (Militeri)*
. Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis)
10. Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis)
11. Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar (Militeri)
12. Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (Militeri)
13. Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis)
14. Lt. Col. Maxamed Cali Shire (Militeri)
15. Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (Militeri)
16. Lt. Col. Faarax Waceys Duule (Militeri)
17. Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax (Militeri)*
8. Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (Militeri))
19. Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (Militeri)*
0. Maj. Bashiir Yusuf Cilmi (Militeri))
21. Maj. Cadulqaadir Xaaji Maxamed (Militeri)*
2. Maj. Maxamed Cumar Jees (Militeri)*
3. Maj. Cusmaan Maxamed Jeele (Militeri)
24. Maj. Muuse Rabiile Good (Militeri)*
25 Maj. Cabdi Warsame Isaaq (Militeri)
 

akeste waxaan intaas ugu tala galay in aanu ogaano shaqsiyaadkii lagu sheegi jiray Golahii sare ee kacaanka. Hadaba waxaan iswaydiin leh muxuu Ina taray Kacankaas maxuuse inoo dhimay? Waa suaal aad u weyn oo an is leeyahay hadii loogu tala galo in laga jawaabo ay u baahanayso waqti badan iyo baarid qoto dheer, balse aniga waxaan is ku dayayaa Caawa bal inaan wax ka yara xuso arimaaha intii karaamkayga, Ogaadana Soomaalida waxay ku maah-mahadaa Ilaahow Eexna ha inooga tegin aqoon laaana ha inagu cadaabin. Marka qoraalkaya waxaan masdar ugu dhigaya arinkaas.

. Sideedaba Shay waxaa la ogaan karaa nafcigiisa marka uu kaa maqan yahay oo aad u baahato, oo maanta waxaanu ogaanay nafciga ay leedahay Qaranimada iyo Dowlad nimada oo waxaanu lanahay Mudo ka badan Dhowr iyo toban sannodood. Walow maanta la leeyahay wa ala yagleelay, balse aanana fara ka qodnayn

Waxaan shaki ku jirin in qof kasta oo inaga mid ahi uu maanta dareen san yahay Micnaha Dowlad nimada ay leedahay ee aanu lahaan jirnay in ka badan Afartan sanadood..Hadaba anoonan jeclayn in an u boodo meel kale aan taariikh yar xuso Waxa ka jiray Wadanka Kacaanka ka hor,

Sanadihii 1960-1969 dowladihii jiray waxaa loogu yeeri jiray Dowladaii Rayidka oo loogu jeedo in ay ka marnaayeen Ciidamada, waloow hadana Bulshad aay ugu yeeri jirtay Xiligii MUSUQ MAASUQA, oo waxay ahayeen kuwo ku dhisan in mar walba danaha qabiilka laga hormariyo tan gud ahaned midaasoo sii kala fogaysay xasiloonida iyo mid-nimada ummadda Soomaliyeed., waxaa meesha ka baxay in wax loo qabto Bulshada iyadoo ay noqotay in Maamul xumadii iyo muqus maasuqii dalka ka jiray ay keentay in maalin Cad la dilo Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr; C/rashiid Cali Sharma'arke

Wadanka dhamaantiis waa ay saamaysay maaul xumadaas, maalin kastan xumaanta iyo dhibaatada waa ay sii kordhaysay, taa oo ay dadka ku taamayeen in ay Ciidamada Qalabka sida wax ka qabtaan MUSUQ- MAASUQAAS iyo baa baaas wadanka naafeyey, iyagoo ku taamayey shacabka in mar un ay wadanka ka dhacaan is badel oo ay la wareegaan Ciidmada qalabka sida.. Dowladii Rayidka ahaa dadweynihii waa uu nacay arimaha ay ku eedeeynayeena waxaa ka mid ahaa qaarkood: Himadii iyo rajadii loo qabay oo la waayey dhibaatooyinka Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Bulshadeedba oo sii kordhay, Xaqdaradii oo noqotay wax lagu faano, iyadoo uu nin waliba waxa uu doonayo iyo sidii uu doono wax u maamulo, Sharcigii wadanka lahaa oo u muuqday wax meel la iska dhigay, maslaxadii Guud oo la laabay, loona guntaday tan gaar ahaend..Waxaa la tiriyey Suugaano badan oo ay ka mid ahaayeen:

  • Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee kala dhowraay
  • Dowladnimada Qabiil dhexgashee kala dhowraay
  • Waan is dhinac wadnaa kala dhowraay
  • .................. Cali Sugule

Akhristoow Bulshada Soomaliyeed meel kasta oo uu joogba waa uu soo dhaweeyey Kacaankaas ay hogaaminayeen Ciidamada Qalabka Sida oo uu Hormuudna u ahaa Jenraal Maxmed Siyaad Barre. Waxaa Xaqiiq ah in maamulkas ay Soomaali ka dhaxashy Maamuus iyo Magac maamulkaas Kacaanka ahaa waxa uu goaaminyey in ay xididada u siibayaan cadowyada is biirsaday ee naafeeyey ummadda Soomaliyeed oo ay ka mid ka ahaayeen Gaajada, Cudurka, Jahliga iyo Qabiilka.

Kacaankii Oktoobar ee dalka Hogaaminaye in ku dhow 21 sanadod waxa uu wadanka Soomaliya gaarsiiyey Guulo waaweyn oo la taaban karo iyadoo aysan Cidina dafiri karin Guulahaas, hadaba akhristoow waxaa guulahaas ka mid ahaa ;mashaariicda degdega ahaa ee uu kacanka Markii uu dhashay qabtay waxayka kala ahaayen: Wadada isku xirta magaalooyuinka Beldweyne ilaa iyo Burco, taasoo uu dherekeedu ahaa 1070km., warshada hilibka ee kismaayo oo qorsho loo sameeyey, warshada baakadaha ee Jamaame, Warshada Kaluunka ee Laasqoray, Dekeda Cusub ee Magaalada Muqdisho, Warshada Badarka ee Muqdisho, Degeda Cusub ee Magaalada Ber bera, Garoomada Dayuuradaha ee Caalamiga ha ee Muqdisho, hargaysa, Iyo Kaalgacyo.

Waxaa sidoo kale isla sanadahaas la abuuray ururada Iskaashatooyinka, iyo kuwa Shaqaalaha iyo kuwa dhalinyarada iyo Haeenkaba, Bangiga Horumarinta Soomaliyeeed, Wakaaladii Xooga korontada ummada Soomaliyed, Wakaalda Gaadiidka Ex FIAT, Wakaalda Daawooyinka, Ex SPIMA, Wakalada Batroolka Ummadda Soomaliyeee, Wakaalda Caymiska Soomaliyeed, Mashaariicda Faaanoole iyo Dooxada Jubba qaybihiisii Koowaad, Waxay kaloo Dhistay Kacankaas Warshado badan oo ay ka mid ahaayeen Warshdii Hargaha iyo Saamaha magaalooyinka Hargaysa, Muqdusho, Kismaayo, Warshadii Sifeynta Batroolka , warshadii Shamiintada ee Berbara, Warshadii Sigaarka iyo taraqa ee Xamar, Warshadii Saliida ee Muqdisho, warshdii Labanka iyo qudaarta ee Afgooye, warshadii Birta ee Xamar, warshadii Salabka Ciidamada ee Muqdisho, hargaysa, iyo Gaalkacyo.Degada cusub ee Kismaayo, Boosaaso, iyo kuwo kale, dhisida garoonka Cayaarah ee Muqdisho satdium, dhisidii Iskuulad waxbarshada ee tiro iyo tayaba lahayd..

Waxaa kaloo wax qabadkiisa ka maid ahaa kacankaas

  • 1- Qorista Afka Soomaaliga oo maanta laga isticmaalo 5ta Soomaaliya.(Israc)
  • 2-Dajintii dadkii Soomaaliyeed ee ku tabaaloobey Abaartii Dabadheeer. dib u dejin lagu sameeyey in ka badan 125000 oo ah kuwii abaaruhu aay Waxyeelada u Gaysteen.
  • 3-Horumarinta iyo Wacyigalinta Bulsha weynta soomaaliyeed.
  • 4-Dhiirigelintii ka bixida ma shaqeystenimada.
  • 5-Xoreyntii Soomaligalbeed. oo aaheyd gool weyn.
  • 6-Ka mid noqoshadii Jaamicadda Carrabta.
  • 7- Ka qeybgalkii Ciidamada Soomaaliyeed Xoriyo gaarsiinta dalalka Africa.
  • 8-Ololihii Iskaa wax u qabso ee dalka lagu dhisay.( Alow yaa noo soo celiya)
  • 9-Horrumarinta Arrimaha Bulshada.
  • 10 Abuurista Jaamacadda Ummadda oo yeelatay ilaa sagaal Kulliyadood oo lagu barto cilmiga Casriga ahaayna ka soo qalinjabin jireen sanadwalba Takhaatiir,Ijnineero,Dhaqaloyahanno,Jooloojiyiin,takhaatiirta xannaanada Xoolaha ,Agronomayaal iyo kuwa kale.
  • 11-Dhismaha Dugsiyo (School) farabadan, Farsamo iyo mehradoba leh
  • 12- Baahinta Waxbarshada
  • 13-La dagaalka Jahliga.
  • 14- Dhowrista Bee'ada (Envioronment)
  • 15-La dagaalanka Akhris-qorid la'aanta.
  • 16; Bacaad celintii Shalanbood

Akhristoow anigoo og inuu jiray qaladaad badan hadana waxaan indhaha laga qarsan karin heerka aanu gaarnay iyo heerka aanu maanta naalno, inay san ahayn kuwo la isla meel dhigo karo, Dhamaan Guulahaas iyo qasaarooyinkaasba Taariikhiga ahi, ma ahan kuwa ay keeneen Qabiil gooni ah,Amase loo saari karo qopf gooni ah, balse waxaa keenay Bulsho weynta Soomaaliyeed oo u adeegaeyey dalkooda iyo dadkoodaba, marka hadii ay xumaan ahayd waan wada leenahay hadii ay wanaag ahaydna waan wada leenahay, waxaana idiin soo gudbin doonaa qaybtii labaad ee ahayd WAX QALADKII KACAANKA! oo ay ka mid ahaayeen:

1, Ku tagri fal lagu tagri falay awooda, iyadoo maamulkii saxda ahaa laga leexday loona guntaday nin jeclaysi iyo qabiilaysi aan qarsoonayn taasoo bulshada rayidka ah loo sheegay in waa hore la xabaalay, balse dib boorka looga jaftay oo shati hor leh loo soo geliyey

2.xasuuqii ka dhacay Gobollaad Waqooyi ee dalka soomaliya iyadooloo adeegsaday ,madaafiicdii loogu talagalay in lagu difaaco Cadowga, Walow ay iyana waxba la harin kuwii mucaaradka ahaa oo dabada ka riixayeen Cadowga Ummadda Soomaaliyeed, kuwaasoo qasaaro weyn u gaystay shacabkja iyo Dowladaba.

3.Dilkii 1989 ka dhacay xeebta jasiira oo lagu xasuuqay dad aan waxba galabsan oo rayid ahaa, taasoo weli xanuunkeeda taagan yahay. iyo dhibatooyin kale oo badan

Siday doontaba ha ahaatee, Laga soo bilaabo 1960kii ilaaa iyo eegadan la joogo, dalka waxa uu soo maray nidaamyo kala duwan, oo aanu odhaan karno nidaamkan qaan gaarnimada ku dhow mid ka xun ma uusan jirin.General Maxamed Siyaad Barre ( Allaha u naxariistee) markii uu xukunka qabsaday waxa uu Ummadda Soomaaliyeed u sheegay in ay gunimadda iyo gaajadda uga bixi karaan Gacantooda, oo ay hilmaamaan baryada shisheeyaha, oo wax auu halqabsi ka dhigan jiray (Biyo sacabaadaada looga dhergaa) taasina waan aragnay guulihii uu gaaray Kacaankii Oktoobar.

Cali MAhadi Maalintii Xukunka Loo caleemo, isaga oo ay ku noqotay lama filaan, hadalkiisii ugu horeeyey oo uu codsado waxa uu haa Naafato iyo Badar,

Madaxweyne C/qaasim markii loo dhaarioyey Xilka Dowlada KMG ahi wax uu u guntaday Tacab iyo Lacag uruursi isagoo aduunka ka codasaday in lacag lala soo gaaro, ilaa iyo hadana lama oga meesha ay lacagtaas martay, Madaxweynha waxaa lagu xantaa inuu yahay Nin Boorsadiisa aanu buuxasamin. oo xataa ka faaa 'idaysan waayey fursadaa soo martayh oo ahayd inuu maanta soomalaiya ka bixiyo xiliga xun , oo ay u heelanaaayeen dham,aan shacbi weynaha Soomaliyeed,

Madaxwenaha Cusub ee dfkmg ah Mudane C/laahi Yuusuf, oo ahaa Ninka ugu qaybta badan Bur burka wadanka soo gaaray, isagoo cadeeyey in hadii uu shalay haaa Dumiye, Dille , Maanta inuu yahay Dhise, Nooleeye, Waxa uu codsaday waa In wadanka la keeno Ciidamio shisheeye, Hadaba Akhriste Nimankaas keebaa u dhawaa u adeega Bulshada ummadda Soomaaliyeed. Waa Su'aal ay u furan thay in ay ka jawabaan qof kasta oo maskax Fiyow leh, kana maran Nin jeclaysogas iyo u adeegida danaha shisheeye

( La soco qaybaha kale ee Guulihii iyo waxyeladii Kacaanka Oktoobar) waxaana qoraalkayga ku soo koobayaa Tixda uu tiriey Allah u naxariiste C/laahi Suldaan Tiama Cade waxuu yidhi;

Dix Dhagaxeed

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye
Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye
Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade
Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiraye
Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye
Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa
Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane
................ Cabdullahi Suldaan "Timacadde

A Waaberi Awaaberi@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Baaritaan ku saabsan Faraxumaynta iyo Xabsiga loo Gaystay Samsam  iyo Dilkii loo gaystay Marxuum
»Hargeysa: faraxumayntii loo geystey Samsam Axmed Ducaale
»Mugadisho: Dilkii loo geystey Marxuum Cabaas Cabdi Cali
Dhammaan ka akhri halkan... Guji... Oct 20, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD