SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

TALO SOO JEEDIN:::

 

DHAQANKII C/LAAHI YUUSUF OO DURBA SOO IF BAXAY

 

 

Marka Hore dhamaan waan salaamayaa Umada Soomaliyeed meel kasta oo  ay joogto, waxaan leeyahay Ramadaan Kariim.

 

Walaalayaal sida aynu wada ognahay waxa dhowaan la soo af jaray shirkii Mudada dheer ka socday Kenya, midhihii ka soo baxayna waxa uu noqday in la dhiso DFKMS oo hada ay taagan yihiin tiirarkii ugu waawaynaa intii ugu  muhiimsanayd, waxa dhisan Barlamaankii, sidoo kale waxa la doortay Madaxweynihii, waxa la sugaa waa Dhamaystirka Dowladda intii dhimanayd.

 

 

Shacabka Soomaliyed meel kasta oo ay Joogaan way u riyaaqeen wayna soo dhoweeyeen, waxaana la dareemay in dadku ay Bislaadeen oo ay diyaar u yihiin inay dalkooda dib u dhisaan.

 

Hadaba markii la doortay Madaxweynaha DFKMS , Mudane C/Laahi Yuusuf Axmed dadku waxa ay  bixiyeen aragtiyo kala duwan.

 

Dadka qaarba meel bay wax ka abaareen, qayb dadka ka mid ahi waxay yidhaahdeen, Somaliya Maanta ayay God madow gashay ilaahay ha u naxariisto.Daka  qayb waxay tidhi, war madaxweynaha wakhti hala siiyo si loo qiimeeyo waxa uu qabanayo oo markiiba yaan lagula soo Boodin mucaaaradnimo, qaar way ayideen oo waxay leeyihiin maadaama uu yahay nin askari ah oo go’aan adag,  Madax adaygna uu u weheliyo, waa loo baahan yahay.waayo Maanta Soomaali waxa xukumi kara nin Diktator ah. Waxayna ku halqabsanayaan, odhaahdi Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee ahayd “war Soomaali layn bay wax ku leedahay” iyo hadalo kale oo la macno ah “Soomaalidu kal xishooda malaha ee kal baqda ayay leedahay”.  Markaad waraysato dadka qaybta danbe ee leh waa in nin Askari ah la helaa waxay kuu cuskanayaan war dadkan nin madaxa ka garaaca ayaa la doonayaa.

 

Malahayga waxan is idhi, waxbaa ka jira dadku sida ay sheegayaan, waayo markii burburku dhacay ee lakala abaaday oo qof waliba uu jifo hoose iyo Goofkiisii u dhaadhacay, waxa la wada qaatay qori, qof walibana sida uu doono ayuu u socday dhinaca uu u arko inay maslaxadi ugu jirtana waa uu u jeensaday.

 

Waa la isla jaanqaadi waayay oo ninba meel buu madaxa saaray, waa laga wada dheregsan yahay sida maanta uu wadanku yahay, Soomaliduna malaha Xoriyadii iyo dimuqraadiyad baan u dagaalamaynaadii ay ku rideen xukuumadii Siyaad bare, waxay u  Fahmeen inay sidanba tahay, Macnuhu waxa weeye qof waliba in uu waxuu doono samayn karo cidna aanu ka baqin.

 

Taas weeye tan aniga iyo dad ila Fikir ahiba aan qabno inay tahay in maanta loo Baahan yahay nin Askari ah oo aan wax naxariis ah lagu ogayn. Oo dadkaas madaxyada faraha badan la baxay, meel kaliya u jeediya.

Reer Layberiya markii ay doorashada galayeen ayaa waxa laga sheegay gabadh ka mid ahayd dadki codka dhiibanayay inay tidhi Charles Tailor waxa uu dilay Aabahay, Ninkaygii iyo walaalkay, maantana isaga ayaan codkayga siinaya, sababtoo ah waxaan rabaa inaan ka badbaado Sharkiisa.

 

Waa wax dhaca oo iska caadi ah in umadi ay doorato nin aan jixin jix lahayn, waxaase daba yaalla taas, in aanu noqon nin kaasi la doortay mid dadka ugu abaal guda, wixii wadanka Burburiyay.

 

Hadaba Madaxweynaha la doortay arinta ugu wayn ee uu ku helay jagada ugu sarayso wadanku, waxaynu odhan karnaa waa taas. Maxaase la gudboon Madaxweynaha DFKMS, mar hadii umadii soomaaliyeed ee halkaas Isagu timid “Mbagathi” ay doorteen oo ka soo dhex xusheen 28 musharax, iyagoo ka dheregsan taariikhdiisa sooyaaleed.

 

Waxaa la gudboon Madaxweynaha in:-

 

ü      Uu ugu horayn Kasbado niyada Shacabka Soomaaliyeed ee kala irdhowday.

ü      Uu iska ilaaliyo wixii keeni kara kala fogaansho, iyo niyad jab ku yimaada shacabka u hamuun qabo Dawladnimo iyo Qaran dib loo dhiso.

ü      Aanu isku koobin dadka isaga u dhowdhow ama ay isku afkaarta yihiin kaliya, ee waa in ay hareerihiisa Buuxiyaan shakhsiyaad kala duwan.

ü      Uu ka fogaado dhamaan xubnihii ku jiray maamulkiisa Puntland oo ay ula sinaadaan umada soomaliyeed.

ü      Uu Sameeyo latashiyo Fara-Badan. Taladana qaato.

ü      Uu ka miro dhaliyo nabad  lagu soo Dabaalo Wadanka oo si dhab ah uga hirgasha

ü      Uu kaga dhabeeyo dhaartii iyo kitaabkii uu gacanta saaray ilaahay dartiis, uuna daaacad ugu adeego umada.

 

 

Maxaase Soo if baxaya maalmahan?

 

Nasiib daro, hore waxa loo yidhi “Waano Dhalan baa ka adag” waxaa muuqanaya in dadka ku hareeraysan ee la shaqaynaya Madaxweynaha, ay yihiin dadkii uu la yimid Nairobi ama Reerkisii,   waxaa ilaa shalay la maqlayay Madaxa Saxaafada Madaxweynaha DFKMS, Bari Bari(la garan mayo goor loo magacaabay inuu yahay Madaxa Saxaafadda Dawladda Cusub) iyo xubno kale oo wata magacyo ay iyagu isku boqreen.

 

Waxaan ka digayaa niyad jabka ay keenayso arintaasi iyo shakigii awalba hore loo qabay.waxan leeyahay Mudane Madaxweyne waxaad ogaataa.

ü      Cida ku dooratay ee codka ku siisay maaha reerkaaga ee waa umad Somaaliyeed.

ü      Dadka kuu soo hambalyaynaya maaha reerkaaga ee waa umad Soomaaliyeed

ü      Dadka aad xilka u sidaa maaha reerkaaga ee waa umad Soomaaliyed.

 

Waxa aan u soo jeedinaya madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee soomaaliya in uu shacabka soomaaliyeed kula dhaqmo siyaasad furfuran oo aan kala firdhin taas oo ka fog wax keeni kara burbur danbe,  looma baahna maanta in 5-ta  sanadood ee lagu doortay ay ku dhamaato dayac iyo dar xumo mar kale dib ugu soo noqota umadda, wakhti danbe oo umada dib uga lumana lama rabo.

 

Waxaan filayaa hadii waano, Talo  iyo tusaalayn, wax tar leeyihiin, umada Somaliyeed si kasta kuugu sheegtay adiguna waad og tahay.

 

 

Biyo dhaca Qoraalkayga

 

Laba  jid ayaad midkood raaci doontaa.

 

Waa jidkii MANDELA ama Jidkii TAILOR

Waxaase la dhowraa waa halkaad reerka ku furto.

 

 

Faysal Siciid Warsame

Bosaso, Puntland

Somalia

Email: - Daljir_7@hotmail.com

Hogolroob@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Baaritaan ku saabsan Faraxumaynta iyo Xabsiga loo Gaystay Samsam  iyo Dilkii loo gaystay Marxuum
»Hargeysa: faraxumayntii loo geystey Samsam Axmed Ducaale
»Mugadisho: Dilkii loo geystey Marxuum Cabaas Cabdi Cali
Dhammaan ka akhri halkan... Guji... Oct 20, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD