SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


Baqbaqaagii Dheegay Meles Zenawi

A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com   

Khamiis, Dec 28, 2006

MUDAHARAAD LOOGA SOO HORJEEDO OO KA DHICI DOONA MINNEAPOLIS MAALINTA CIIDA

Goorma, Xaggee... AKhri halkan

“Laan laan iyo waxaasi ma jiraan ee Soomaaliya waa Soomaaliya” (RW Geeddi, Wareysigii British Broadcasting Corporation, 27 Diseembar, 2006)  

Kuma ayaa runta sheegaya: Ma Meles Zenawi Itoobiya mise RW Dowladda FKM ee Soomaaliya  ee u qareema danoha dowlado shisheeye? 

Si kasta oo Soomaalida loo marinhabaabiyo, si kasta oo loo wareeriyo, in kasta oo maandooriyaha Keenya iyo Itoobiya loo daajiyo: Ma illoobi doonaan, waagii Mbegathi lagu soo doortay, sanad kudhowaad, sidii shimbir geed waayay oo kale inuu Keenya dhex duulduuli jiray, dabadeed na la keenay magaaladii Jowhar ahayd. Ma xusuusataa weydiintii uu dadweynihii reer Jowhar weydiiyay: 

          “ Magacayga ma taqaannaan?”  

          Mar qura ayay dadkii la soo wada boodeen, “Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf!” 

          “Waa beentiin!” Anaa magacayga runta ah idiin sheegahaya. “Waxa la i yiraahdaa Habaarqabe.” Intuu qoslay ayuu madaxa kilkilay. Dabadeed na ku faanay, “Waxaan ahay nin dagaal; anigaa Soomaaliya ka riday xabbaddii ugu horreysay. Dad badan ayaan dilay …”  

   Ninkaas oo kale miyaa waxa Bulshada Caalamku iyo Itoobiya ba ay ka difaacayaan shacabkii uu laan jiray? Kaas ma mudna in la geeyo Villa Somalia; bal se, waa dembiile mudan in la geeyo Gasoorkii Den Haag. Haddii kaleeto, facyaal kale ayuu bari doonaa, si ay u geystaan isla hadimooyinkii oo kale, kuwii uu shacabka Soomaaliyeed u weligii ba u soo geysan jiray. Cilmaaninimo ama caqiido diineed ee lagaga dayan karo, Cabdullaahi Yuusuf, ayaa Soomaalida u qeexa?  

   Midowga Maxaakiimta Islaamiga, intii ay jirtay colaaddii sokeeye ee koofurta Soomaaliya, waa ururkii ugu horreeyay ee abuuray cimilo nabadeed, iyo yiddidiilo qarannimo, Soomaalidii kala fogaatay na uurkoodii isu soo dumay. Gobollo iyo magaalooyin lagu kala dhababay isbaarooyin ayay isu fureen—dagaaloogeyaashii 16 sano ku jawrfalayay shacabka Soomaaliyeed na; dalka oo idil ayay ka eryeen. Taas na waxa ay ku kasbadeen kalsoonida dadweynaha Soomaaliyeed ee ku noolaa gudaha dalka iyo dibadda ba. Is-aaminkii Soomaalida ma ahayn oo keliya, ogowse, hantidii la kala dhacay ayay dib ugu soo celiyeen dadkii xaqa u lahaa. Gacan weyn ayay ka geysteen taageeridda Soomaalida saboolka ahayd ee abaaro, cudurro, gaajo, iyo daadad, iyo fidnooyin badan isu dabokaceen. Himiladoodu na waxa ay ahayd in la helo dowlad Soomaaliyeed oo u adeegta danaha shacabka Soomaaliyeed; hayeeshee, ma ayan doonayn in ay midiidin  u noqdaan ”cadowgii Ilaahay iyo kii Muslimiinta ba”. Haa oo waa aan og ahay in ay xaggooda ay ka dhaceen wax xogaa gefaf ahaa; balse gefkoodu ma aan uu gaarsiinayn: heer, sida dowladda Federaalka, la miidaamiyo qarannimadii shacabka Soomaaliyeed. Weydiintu waxa ay tahay, “Dowladdii Baydhabo, haatan, maxay Soomaaliya ku tari doontaa?”  

   Hortiiba waxa aad ku arkaysaa, meelihii xagaagii kahor ay talin jireen dagaaloogeyaashii, dagaaloogeyaal cusub oo dib u qabsaday. Durba isbaarooyinkii waa ay soo laabteen. Dhicii, boobkii, kufsigii, dilkii iyo kala xirxirnaantii—cabsidii, iyo dhibaatooyinkii hore ee colaadihii sokeeye ayaa soo noolaaday. Itoobiya waxa ay Ururka Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Qaramada Midoobay, iyo Ururka IGAD ba “labocodleyn” ugu sheegtay in ay dagaal la gelayso Ururka Midowga Maxaakiimta Islaamiga, iyo in ay “gacansiinayso dowladda tabarta daran ee fadhigeedu Baydhabo ahaa”. Gacanta bidixeed, gurtii Shaydaan, waxa ay gobolladii ay xoogga ku qabsatay haddiiba ku wareejisay dagaaloogeyaashii Soomaalida asaggood horey uga reebay; gacanteeda midig na, midig shaydaan, waxa ay ku cuuryaaminaysaa dowlad kusheegtii, markeedii hore ba, ay iyadu soo dhoobdhoobtay. Ma xildhibaanno Soomaaliyeed, Soomaali dhiig leh, ayaa Baydhabo ku harsan. Mardhow na, Meles Zenawi, dowlad kale ayuu dhisi doonaa, iyada oo ama RW Cali Maxamed Geeddi uu ku wiiqi doono ama MW Cabdullaahi Yuusuf uu ku wareemi doono: Cabaadkoodii durba waa uu na soo gaaray: Sidee wax ula qeybsan doonaan “wasiirradii” ay haatan kahor jagadoodii uga erayeen, awgeed,  in ay galeen dembiyo qaran? Yalaxow, Qanyare, Bootaan, Finish waa kuwaas yimid. Dowlad kusheegta iyo debiileyaashoodu ba, uma diri doonaan “Xaq Ilaahay”, bal se waxa ay u diri doonaan “xaq ameeriko”. In  ameerik, taliso, ifka na ay ugu awood sarreyso ayay moodayaan.  

   Midowga Maxaakiimta Islaamiga waxa ay ku yimmaaddeen rabitaanka shacabka Soomaalida. Haddii aan la ishafrayn na, bilihii yaraa ay jireen waa lagu wada naalloonayay nabadda, midnimada, iyo iskaashiga ay Soomaalida ugu baaqayeen.  

   Raggaan kala ah MW Cabdullaahi Yuusuf, RW Cali Maxamed Geeddi, iyo kuwo badan ee iyaga la halmaalo, iska daa adduunka ama qaaradda Afirka; Gobolka Geeska Afrika  waxba na uguma toorna. Labadu ba, mid na waa qarruud waayeeloobay, mid waa nin aan siyaasad loogu talogelin. Labadoodu na, haddii ay xitaa runta og yihiin, si loo sheego ma garanayaan.  Taas ayaan na u sabab ahayd in xafiisyo looga dhiso dalka dibadihiisa; si kale na caasimad magacuyaal ah Baydhabo looga sammeeyo. Ma sheegi karaan waxyaabaha ay naga og yihiin. Maxaa markeedii hore ba, waagii Jowhar, aan ay Burcadda Tigreegu u soo duulin Soomaaliya; haatan na ay duullaanka ugu timid? Labadoodu ba waa ay og yihiin waxa ay u yiraahdeen:  

          “cirka, berriga, iyo badaha Somaliland” Baydhabo ayaa laga maamulaa; ciddi aan oggolaansho ka haysan na mudankeeda ayaa la marsiin doonaa!  

   Aniga ahaan, tayda, warkaan waa mid gar ah oo si gardarri ah loo yiri; asii lagu dhawaaqay goor aan ay ku habboonayn. Sidaas ayaan na u arkaa. Tolow, mise, hadalku waa “cadkii hashii qaranka” oo inta xaf loo siiyay ciidda loogu tuuray Soomaalidii Waqooyi Galbeed—maamul goostay in uu iskiisa, lugo ugu istaago, noqda na dowlad ka tirsan dowladaha adduunka ka jira. Mar na ha naga go’do Somaliland, in dowladda FKM ay tidhaahdo; mar na ay tiraahdo, aniga ayaa xukunna, waa: “weedha iyo dibiga naasoadag maxaa kulmiyay”? Mise hadalka ayaa ah warkii MW George Bush: “Ama waad nala jirtaa ama waad naga jirtaa”? 

   Meles Zenawi, hadda kahor, waxa uu ku noolaan jiray dhididka Soomaalida oo idil. Maalmahaan waxa uu billaabay in uu cabbo dhiigga reer Koofurta Soomaaliya. Beryaha soo fool leh na, tolow, ma waxa uu cabbi doonaa dhiigga reer Waqooyiga Soomaaliya?  

Soomaalida aan dib u xusuusiyo tixhii awowe: 

          Taageeradeey labo gacmood tabar ku yeeshaane 
          Tiska waxa la qaada markay tiirisaa bidixe 
          Hadday midigtu keli taagan tahay tahar ma goyseene. 

   Ujeeddooyinka gurracan ee uu ku burburiyay noloshii Koofurta Soomaaliya, Meles Zenawi waxa uu haatan, mar kale, tii oo kale ula gol leeyahay Reer Waqooyiga Soomaaliya. Ragga Waqooyiga Soomaaliya maamula waa madax ka wanaagsan DFKM ee fadhida uun magaalada Baydhabo—caasimadda kumeelgaarka ah ee Maamulka Tigreega.  

   Meles Zenawi, waa sida uu weligii doonayay ee yuusan waxba aqoonsan Somaliland; hase yeeshee, yuusan na farogelin arrimaha siyaasadeed, iyo is-maamulka goboleed, iyo baarlamaanka, adduunku ba ka warqabo habka lagu soo doortay, iyo habka lagu soo doortay baarlamaanka dowladda FKM ee Baydhabo. Baarlamaanka Somaliland laga ma soo daabulin dibadaha. Waa mid ku dhashay rabitaanka ummadda reer Somaliland. Anigu ma raacsani, ma na aqoonsani goonni-isu-taagga Somaliland; hadda na ma oggoli in lagu duulo, la na faragashado hawlahooda iyaga u gaarka ah, sida aanan u oggoleyn in la farogeliyo is-maamulka Puntland. Mid na waa in aan la illoobin: Somaliland waxba lug ah kuma lahayn “dhagartii” dalka lagu soo hoggaamiyay cadowgii Soomaalida. Itoobiya dagaaloogeyaal ayaa u ciddirtay; iyada iyo dagaaloogeyaashu na waa in ay Soomaaliya uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan. Cabdullaahi Yuusf iyo Cali Maxamed Geeddi na waxa aan ku oran lahaa: cid aad madax u tihiin ma jirto ee Soomaaliya kala taga fidnadiinna. Taas haddii aad sammeysaan, Soomaalida wax weyn weyn ayaad ku tarteen. Arraggiinna inoo baahiya! Idinka iyo Tigreega ba, nooga baxa dalkayaga. Soomaaliya ruux sokeeye ah ayaa wax ku leh; cirbad caaraddeed na, uma oggolin in ay ku yeeshaan shisheeye, iyo shisheeye-kalkaal ba

   Labada shacab ee Itoobiya iyo Soomaaliya, ma jiraan wax colaad ah ee ka dhexeyso. Waa jawrfaleennada labada dhinac ka jiray waxa weligood ba isku colaadinayay. Jirtoo, damaca, maamulladii Itoobiya ka soo jiri jiray, iyo kan maanta ka jira ayaa rabay in ay isku ballaariyaan xeebaha dhulka Soomaaliya. In ay gumeysi ku haystaan Soomaali galbeed (Ogadeenya). Labda shacab na waxa ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan maamulka keligitashade Meles Zenawi, iyo midka maqaarsaarka ah ee uu madaxda ka yahay Cali Maxamed Geeddi. Ma na oggola, shucuubta reer Soomaaliya iyo kuwa reer Itoobiya ba, in ay madax ka noqdaan Geeska Afrika, ama ba dalalkooda, dagaaloogeyaal la mid ah Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxamed Xabeeb. 

Sidee Bulshada Caalamku ay u taabbogelin doontaa dowlad, DFKM, aan aqoonsi ka haysan ummaddii ay maamuli lahayd? Mise Itoobiya ayaa dalka ba la wareegi doonta?  

Haddii aan Soomaali nahay waa in aan Ilaahii na Abuuray talosaarannaa. Waa in aan Allaah Weyn ku shukrinnaa “shartiisa, iyo khayrkiisa ba”. Bal se waa in aynaan halmaamin in uu “abuuro wax aynaan ogayn”. Cid aan u dhalan Soomaaliya na, yaan laga oggolaan in ay iska soo gasho; Soomaalida na ku laayso. Ka dhiidiya, iska na dhacsha gumeysiga, iyo dabadhilifkiisa. Inshaa’Allaah waynu ka guulaysan doonnaa! 

A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Dec 28, 2006

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH