SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


  • Doonyo ku Degey Badda U Dhexeysa Yemen iyo Soomaliya

  • Qaadkii oo kusoo Laabtay Muqdisho

  • Maxkamadaha Islaamiga oo Iskaga Baxay Muqdisho

  • SNA oo la wareegtay xaruntii hore ee Villa Soomaaliya

  • Dekadda oo ay la wareegeen maleeshiyooyinka Xildhibaan Furux 

  • Xaruntii Maxkamadaha ee Hoteel Ramadaan oo saakay ka socoto bililiqo baahsan 


Qaadkii oo kusoo Laabtay Muqdisho

Magaalada Muqdisho oo lagu soo waramay in ay galeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladii lagu soo dhisay Nairobi ee Kumeelgaarka ah ayaa waxaa la socda qaadkii oo si caadi ah ugu soo laabtay Muqdisho. Qaadka oo ay bishii November bartameheedii mamnuuceen maxkamadaha Islaamigu ayaa u muuqda mid si caadi ah ugu soo laabtay dalka,kaas oo ay la socoto bililaqadii. Taas oo ah guushii ugu horeysey ee ay gaareen gumeystayaasha oo dhaqaalohoodu uu ku tiirsan yahay daroogada cagaaran ee ay lacagta adag kaga bedeshaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaa maanta faraxsanay beeraleyda qaadka ee Keenya iyo Itoobiya oo xaqiiqsaday in gumeystayaasha qorshohoodii qaybi ka hir gashay. Dadweyne ka caraysan qaadka la soo celiyey ayaa yiri "Dowladda Baydhabo wexey nooga keentay Qaad iyo Qabqable dagaa, waa dowladii soo celinta qaadka, waxaana cabsi ka qabnaa in shineemooyinkii Jinsiga lagu dhigi jirey ee loo yaqaaney MACMACAANKA iyo Buurkaroore soo laabtaan, taas oo noqon doonta guul ay ku faanaan xabashidu."

Toddobaadkan ayey ahayd markii uu Buubaa reer Kenya oo ka welwelsan suuqa Qaadka oo xirmay uu ku qanciyey ayaa yir "Dad badan oo ku sugan Muqdisho waxay jeclaan lahayeen in ay calashadaan Qaadka, maxkamaduhuna ay ka hor leexdaan.". Qaadku waxa uu mamnuuc ka yahay dalal badan oo caalamka ah sida Maraykanka oo looga arko darooga halis ku ah shacabka. [Akhri sida dhaqaalihii Kenya u baaba'ay , gaar ahaan beeraleyda qaadka, intii qaadku ka xirnaa Muqdisho: Nov 20 - Dec 28, 2006].

Doonyo ku Degey Badda U Dhexeysa Yemen iyo Soomaliya

Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegay in laba doonyood oo siday dad ka soo qaxay colaadda ka soo cusboonaatay Soomaaliya ay ku degeen badda u dhow xeebaha Yemen. Nin u hadlayey hay'adda qaramada midoobey ee UNHCR waxa uu sheegay in hadda la xaqiijiyey in 17 qof ay dhinteen, waxaana la la'yahay 140 qof. Waxaa karku sheegay in arrintani ay dhacday kaddib markii ciidanka Yemen ay rasaas ku soo rideen doonyaha.

MUDAHARAAD LOOGA SOO HORJEEDO OO KA DHICI DOONA MINNEAPOLIS MAALINTA CIIDA

Goorma, Xaggee... AKhri halkan

Waxaa wararka qaar sheegeen in doonyuhu ay ahaayeen ilaa afar doonyood, tirada dadka saarnaana ay ahaayeen 515 qof oo lagu sheegay in ay yihiin Soomaali iyo Itoobiyaan ka qaxay colaadda Geeska Afrika.

Hay'adda qaxootigu waxay sheegtay in dadka Soomaalida ah ee doonyahaas saarnaa ay sheegeen in ay ka qaxeen Baydhabo iyo goboladda dhexe ee Soomaaliya.

357 qof oo dadkii badbaadey ah waxaa la geeyey meesha lagu magacaabo Mayfa'a ee Yemen.

Sida ay sheegtay Yemen waxaa la qabtay 17 qof oo ka mid ah dadkii doonyahay wadey.

Maxkamadaha Islaamiga oo Iskaga Baxay Muqdisho

Khamiis, Dec 28, 2006

Maxaakiimta Islaamiga ayaa caddeeyey in ay iskaga baxeen magaalada Muqdisho.

"Waxan magaalada Muqdisho kasaarnay dhammaan hoggaankanagii iyo xubnihii ka hawl gelayey," sidaas waxaa yiri  Sh. Shariif Sh. Axmed oo telefoon kula hadlay Telefishanka Al Jazeera. Waxana uu intaas ku daray in "maxkamadaha Islaamigu ay midaysan yihiin", waxana uu ka bixidda muqdishu ku macneeyey bedelaad xeeladeed.

Waxa uu Sh. Shariif intaas ku daray in "magaalada Muqdisho ay soo aragtay 19 sano oo dagaal ah, Itoobiyana inay rabto in ay magaalada duqayso, sidaas daraadeed ayaan uga baxnay si aysan fursadaas u helin". Waxana uu intaas ku daray "Muqdisho hadda waxay ku sugan tahay xaalad qasan iyo gangistarro garab ka helaya Itoobiya iyo kooxda Baydhabo, kuwaas oo bilaabay bililiqo. Hadda magaalda kuma sugna maxaakiimtu. Waxaa is difaacaaya waa dadka Soomaaliyeed".

Sh. Shariif Sh. Axmed waxa kale oo Al Jazeera u sheegay "Haddii Allah idmo, waxaan Soomaaliya ka saari doonaa xoogga soo galay kuwaas oo raba in ay burburiyaan wixii la gaarey dhawrkii bilood ee la soo dhaafay. Waxaan noo deggan qorshe aan xoogaggaas ku saareyno."

Warar ayaa sheegaya in maxaakiimtu ay isku urursanayan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Cumar Idriss, oo ka tirsan maxkamadaha waxa uu sheegay in "haddii Itoobiya ay u malayneyso in maxkamadihii la jebiyey oo ay iska aadi doonaan Muqdisho oo faruq ah, taas wey ku gafsan yihiin". Waxana uu intaas ku daray "Waxa hadda ka soconaya Ciraaq - Xaaladda Soomaaliya aad taas ugama foga", sida ay ka soo xigatey Al Jazeera.


SNA oo la wareegtay xaruntii hore ee Villa Soomaaliya

WARARKA IYO FAALLOOYINKA CAALAMKU KA QORAY SOOMAALIYA
Kenya: Four MPs Condemn Attack On Somalia | Daily Nation

.A Dark Deja Vu in Somalia | Times


Is the Press Standing Up to the State Department's Somalia Offensive?  | huffingtonpost


There is no way out after a lie | Shabait


Isbahaysigii  hore ee SNA ee uu gudoomiyaha u yahay Eng. Xuseen Maxamed Ceydiid ahna Wasiirka Arrimaha Guddaha ee dowladda federalka ayaa maleeshiyooyin taabacsan isaga ay saakay la wareegeen xaruntii Villa Soomaaliya oo ay horey kala wareegeen ciidamada Maxaakiimta Islaamiga. 

Maleeshiyooyin aad u hubeysan oo wata qoryaha noocyadooda kala duwan ayaa lagu arkayay agagaarka iyo gudaha xarunta Villa Soomaaliya, iyadoo bililiqo loo geystay baqaaro ku keydsanaa raashiin iyo shidaal oo ay horey u geeyeen halkaasi maamulkii hore ee Maxaakiimta Islaamiga ee laga soo saaray goobihii ay horey u qabsadeen. 

Xaruntan Villa Soomaaliya ayaa meel ka fogeyn waxaa ku yaala Idaacaddda Radiyow Muqdisho oo ay maxaakiimta ula baxeen magaca ah codka Ummada Soomaaliyeed, waxaana intaba la wareegay maleeshiyooyinka Xuseen Ceydiid oo si aad ah u hubeysnaa.

Dekadda oo ay la wareegeen maleeshiyooyinka Xildhibaan Furux 

Magaalada Muqdisho oo uu ku yimid isbeddel xawli ayaa waxaa xeran illihii dhaqaalaha sida dekadda weyn ee Muqdisho, garoonka diyaaradaha iyo dhammaan goobaha ganacsiga kaddib markii ay isa soo tareen ammaan xumo baahsan. 

Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa dib ula wareegay maleeshiyooyin taabacsan Xildhibaan Furux, waxaana lagu wadaa inuu saacadaha soo socda la hadlo saxaafadda si uu caddeeyo dib ula wareegida dekadda Muqdisho oo uu isagu horey gacanta ugu heyn jiray. 

Dhinaca kale magaalada Muqdisho ayaa weli qas iyo fowdo ka taagan yihiin, waxayna dadku is weydiinayaan xilliga ay dowladdu soo gaari doonto magaalada Muqdisho iyadoo dhararsan imaanshaha dowladda.  

Xaruntii Maxkamadaha ee Hoteel Ramadaan oo saakay ka socoto bililiqo baahsan 

Xaruntii hore ee ganacsade Abuukar Cumar Caddaan ayaa saakay waa dhowaadkii la kowsatay bililiqo iyo rasaas xoog badan oo ilaa iyo iminka ka socota daafaha iyo xarunta gudaheeda. 

Qalalaasahan iyo boobka ka dhacay xaruntaas oo horey u ahayd halka keliya ee Maxkamaduhu isugu tagaan ayaa waxay wararku sheegayaan in ay ku dhinteen dad fara badan oo bililiqo doon ah, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo gebi ahaanba la qaatay wixii alaabta ee halkaas maxkamadaha u yiilay sida baabuurta, rasaas, shidaal iyo raashin intaba. 

Waxaa muuqanaya in magaalada Muqdisho ay gashay wado nabadgelyo la’aan ah, waxaana meel walba la wareegayo maleeshiyooyinkii horey u taabacsanaan jiray hoggaamiye kooxeedyadii hore, waxayna qaarkood ku doodayaan in ay hubkooda ku wareejin doonaan haddii ay Muqdisho timaado dowladda federalka KMG.

Dowladda KMG oo sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay soo galaynin gudaha Muqdisho

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay geli doonin gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida uu magaalada Addis-Ababa uga dhawaaqay safiirka Soomaaliya C/kariim Faarax Laqanyo. 

“Ciidamada Itoobiya ma geli doonaan caasimada Muqdisho, laakiin wey go’doomin doonaan” ayuu yiri Mr. Laqanyo oo sii raaciyay in markaas la sugayo inta ay isa dhiibayaan ciidamada Maxkamadaha oo hubkooda wareejinayaan. 

Warar kala duwan oo ku saabsan in ay ciidamada Itoobiya ay geli doonaan Muqdisho ayaa ka soo baxay qaar ka mid mas’uuliyiinta dowladda KMG oo sheegay in ay qaban doonaan magaalada Muqdisho. 

Ra’iisul wasaare Geeddi ayaa shaaca ka qaaday in uusan dagaal ka dhici doonin caasimada Muqdisho, laakiin ma sheegin in ay geli doonaan ciidamada iyo in kale, waxaana Muqdisho laf ahaanteeda ka socda dhaqdhaqaaqyo muujinayo amni xumo.

  • CNN: Haddii Xaaladdu ka sii darto Ciidanka Itoobiya waa gelayaan Muqdisho
    Hadalka Dowladda KMG waxaa ka duwan hadal ka soo yeeray saraakiil ku sugan magaalada Addis Ababa oo sheegay in haddii xaalada Muqdisho ay ka sii darto in xaqiiqadii ay ciidamada Itoobiya geli doonaan Magaalada Muqdisho, sida uu war bixinta ku bixiyey weriye u hadlayey CNN, oo soo xiganeyey saraakiil Itoobiyaan ah.
  • DAGAAL DIINEED:: Dhanka kale CNN oo ka war bixinayey dagaalka Soomaaliya waxa uu soo qaatay Soomaaliya oo maxkamaduhu rabeen in lagu dhaqaan shareecada Islaamka iyo Itoobiya oo ah dal Krishtan ah, waxana uu xusay dagaalkii ka dhacay Ogaden, kaddib waxa uu Telefishanku sheegay in dagaalka hadda uusan ahayn dhul balse uu yahay mid diineed.

Ra’iisul wasaaraha DKMG Geeddi oo war deg deg ah soo saaray 

War cad oo uu xalay soo saaray Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Cali Maxamed Geeddi waxa uu sheegay in dhammaan maleeshiyaadka ku sugan magaalada Muqdisho hubkooda la isugu geeyo xeryaha Hiilweyne iyo Laanta Buur, isagoo arrintaas u soo xilsaaray dhammaan odayaasha iyo waxgaradka G/Banaadir ilaa ay ka soo gaarayso dowladda waqti aanu cayumin. 

Warkan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa saxaafadda u akhriyay C/raxmaan Diinaari oo ah afhayeenka dowladda federalka, wuxuuna intaa raaciyay in Ra’iisul wasaaraya arrintaasi iyo sugida ammaanka si ay u noqoto mid xasiloon mas’uuliyadeeda inta ay dowladda ka soo gaarayso sida ugu dhaqsiyaha badan waxaa loo xilsaaray odayaasha, culumaa’udiinka, siyaasiyiinta, waxgaradka, dumarka, ururrada bulshada dhammaan inta mas’uul ah inay howsha gutaan. 

Diinaari oo mar wax laga weydiiyay waxa ay kala socdaan Muqdisho ee ka socda ayaa sheegay in ay helayaan warar kala duwan oo yiri “Waxaan helnay in dhallinyarada qaarkood ay hubkoodii la soo baxeen, qaarkood Maxaakiimtiina ay u kala baxeen qabaa’ilada kala duwan, hubkiina ay qabiil waliba reerkoodii ay la wareegeen oo si kala gooni gooni ah ay u kala baxeen” wuxuuna xusay afhayeenka markey intaas deristay in ay qaadatay go’aanka warkan si aysan u dhicin dhibaato iyo dhiig dambe oo data. 

Diinaari oo weriye ka mid ah weriyaasha Baydhabo ku sugan uu weydiiyay in warka ah in Maxaakiimta aysan ku dhawaaqin in hubka ay qabaa’ilo ku kala wareejiyeen in uu dhinac yahay ayuu ku jawaabay “Waa xaqiiqo in howshaas ay ka socoto Muqdisho, hubkii ka soo xarooday gobollada iyo hubkii horey ugu jiray caasimada ayaa la kala qeybsaday”. 

Dhinaca kale mas’uuliyiinta sar sare ee Maxaakiimta Islaamiga ayaa shir jaraa’id oo ay xalay ku qabteen xaruntooda Muqdisho waxay ku baaqeen in la ilaaliyo ammaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo ku xusay baaqoodaas in ciddii lagu helo iyadoo qas ama fowdo ka wado gudaha Muqdisho ay horkeeni doonaan sharciya isla markaana ay ku qaadi doonaan shareecada Islaamka.

mahamud ahmed hassan
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: Dec 28, 2006


WARARKII XALAY::: Hoos ka akhri

Maxkamadaha Islaamiga oo Shir Jaraa'id Ku Qabtay Muqdisho

  • Ciidamada Maxkamaduhu waxay mas'uul ka yihiin amniga iyo xasiloonida magaalada Muqdisho,

Sh. Shariif Sh. Axmed oo ayaa xalay shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho, waxana shirkaas uu ka sheegay heerarkii loo soo maray ammaanka magaalada Muqdisho, ayna hadda tahay in ammaanka magaalada Muqdisho la sugo. Shirkaas Jaraa'id waxaa kale oo ka hadlay Sh. C/raxmaan Janaqow oo akhriyey qodobo ay soo saareen maxaakiimtu, waxana uu sheegay waxyaabihii ay maxkamaduhu ummadda u qabteen. Waxana uu sheegay in dalka ay kusoo duuleen quwad shisheeyo oo isku kaashaday burburinta diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Qodobadii uu akhriyey waxay ahaayeen sidan:

1. Waxaa waajib muqaddas ah in la ilaaliyo mabaadii'da iyo jiritaanka iyo midnimadda ummadda Soomaaliyeed,

2. Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyed waxay ogol yihiin in ummadda Soomaaliyeed ay aayaheeda ka tashato, una diyaar garowdo sidii ay xilkaan ula wareegi lahaayeen,

3. Golaha Maxkamadaha Islaamiga Somaaliyeed waxay aaminsan yihiin ama ay go'aamiyeen in aan  loo ogolayn waddanka Soomaaliyeed, gaar ahaan  magaaladda caasimada ee Muqdisho wax fowdo iyo qas ah ciddi lagu helana waxaa la hor keenidoonaa sharciga iyaadoo laga qaadayo tallaabada ku haboon ee waafaqsan sharciga Islaamka,

4. Ciidamada Maxkamaduhu waxay mas'uul ka yihiin amniga iyo xasiloonida magaalada Muqdisho,

5. Waxaan ugu baaqeynaa Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay amniga magaalada gacanta ku qabtaan ayna ku diyaar garoobaan meelaha loo cayimay ee mas'uuliyiintoodu u tilmaamayaan sida saldhigyada Booliska iyo xarumaha la midka ah ee amniga laga sugo.

Shirka Jaraa'id Halkan ka dhegeyso....

Shirkaan jaraa'id ayaa la qabtay kaddib markii ay soo bexeen warar sheegayey in maxkamaduhu ay hubkoodii ku wareejiyeen beelaha Soomaaliyeed..

Wararkii Shalay hoos ka akhri:::

Maxkamadaha Islaamiga oo Shir Jaraa'id Ku Qabtay Muqdisho
.Xaaladda Muqdisho oo ku sii siqeysa fordadii hore..
.Ciidamada Itoobiya oo hubkii dib ugu celiyey beelihi hore u..
.Ururada Caalamiga ah oo ka hadlay Dagaalka Soomaaliya..
.Wararkii ugu dambeeyey dagaalka u dhexeeya....
.Maamulka Somaliland oo si aad ah uga Horyimid Hadalkii..
.Ra’isul Wasaara DFKMG Geeddi oo sheegay in aysan..
.Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dibadaha oo ka walwalsan..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Dec 28

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH