Mahad oo dhan allaah ayaa iska leh
naxariis iyo nabad galyo nabi Muxamad korkiisa allaah yeelo.waxuu
mowduucayga jawaab u yahay labo maqaal oo kala ah"Muftigii suufiyada
oo laga hayo “Wahaabiyo waa ahlusunna”.iyo "Soomaaley
wahaabiyo waa musline –taa ha la ogaado?.
marka aan si guud uga hadlo maqaalka
hore.
horta nin maqaalka qoray waxaa utun
aan waligeed ka herin ku noqotay maqaalkaygii yaa ah
ahlusunah waljamaaca?
maxaa yeelay waxay ka maraysaa allow
yay mar u biririf tiraahdaa oo inta badan wuxuu raadiyaa wax
wahaabiyo ahlsunah ku soo daray taasna waa in laga helo kitaab-ka
iyo sunada Rasuulkeenii suubanaa s.c.w ee wax kale oo daliil u noqon
kara ma jirto.
hadaan u soo gudbo maqaalka 2-aad ee "
Soomaaley
wahaabiyo waa musline –taa ha la ogaado?
wahaabiyo in ay muslim tahay iyo in kale
balwaxaa noo cadayanaysa taariikhda yaa aasaay wahaabiyo.
Qoraaga weyn ee masriga ah ee Muxamad
xusaynaynal haykal ee al-jazeera ku leh barnaamij-ka loogu magacdaray
Haykal ayaa maqaal ka qoray ku saabsan taariikhda sacudiga. haykal wuxuu
helay copy ka mid ah waxyaalihii uu qoray join flebi markii uu joogay
halkii ciidamada wahaabiyada lagu taba barayay.
hadaba flebi kumuu ahaa? flebi wuxuu ahaa
basaas ingriis ah loona xil saaray in uu dowladii islaamka ee
cuthmaaniya xidida u siibo wali gudaha wadamada islaamka ah si ay
dowlada ingriiska ugu fududaato in ay rido dowlada cusmaaniyad"waana
wixii dhacay" wuxuuna markii danbe noqday la taliyihii Cabdicaziiz aa'la
sacuud markii uu noqday boqor-ka sacuudiga.
wuxu ka cududaartay flebi in uu
warqada qalin rasaas ku qoray maxaa yeelay waxaan joogaa meel wali
aysan soo gaarin alaabaha casriga ah.
ka dib wuxu yiri flebi "marka loo eego
qur'aanka ma haboon in muslimiinta ikhaarta ah(wahaabiyiinta)iyo
masiixiyiinta dagaal dhex maro maxaa yeelay waa ahlu kitaab in ay
is cafiyaana waa jihayn xag rabi ka timid.
flebi wuxu ku daray "dagaalka
muslimiinta ikhyaarta ah (wahaabiyiinta) iyo jihaadkooda ma ahaanayo
gaalada mooyee".
wuxuu flebi sii raaciyay "gaalada
waxaa ugu horeeyay turkiya cusmaaniyada iyo ashraafta haashimiyiinta
marka la soo koobo dhaamaan umada muxamadiyada wahabiyada mooyee"
wuxu flebi sii raaciyay arin umada
islaam-ka tiiraanyo weyn ku ah illaa iyo hada oo ah "hoshayada ma
ahan in aan saxno khalad-ka mowduucan(macnaha islaam-ka gaalka lagu
sheegayo iyo wahaabiyada anaga aan la socono oo islaam isku
shegaysa)laakiin taa badalkeeda waxaa korkeena ah in aan ibnu sacuud
ku xeel dheerayno nacayb-ka uu u qabo islaam-ka aan wahaabiyada
ahayn,mar walba oo uu nacaybka ay isu qabaan wahaabiyada iyo
islaamka kale sii siyaado waxay waafaqsan tahay maslaxadayada"
marka maxaa inala gudboon dadka islaam-ka
ahow.
waxaan leeyahya wahabiyo waa islaam
hadii joan flebi islaam yahay.
waxaa kale oo saxiibkey daliil ka
dhigtay in muftigii wahaabiyada uu hadlay waxaa leeyahay saaxiibkey
wuxu la mid yahay ninka sheekadan ku jira:-
waxaa jiray qoysas oo soomaali ah oo
meel wada daganaa markaas ayaa waxaa la dilay nin qoyasaskii
dhexdooda iska dilya ninka la dilay wuxu ka tagay wiil adeeradiis
iyo reerkoodana waxay wiil ka sugayeen in uu aabihii u aaro markaas
ayuu inta reerkii aabihii dilay u tagay cirbad ka soo xaday oo
yiri"rag is dagayee ana gurayee" marka waxaa leeyahay hadii Rasuulkeenii Udgoonaa
ee Muxamad Bin Cabdillaah la aflagaadeeyay ma u dhigan taan waan
hadalnay bal haday wax tarayaa may xataa hal madfac ridaan way
haystane ma ridi karaan saa awalba meesha misiixiyiinta ayaa keenay.
wabbillaahi towfiiq
C/razaq Sh.Xusen Muse Garweyne
Ndola Zambia
inahusein@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan