Muftigii suufiyada oo laga hayo “Wahaabiyo waa
ahlusunna”.
C.M.Cabdalle
Dubai.UAE
chango_58@hotmail.com
Magaca eebe iyo saliga nebiga yaan ku bilaabey
Dr.Xirsi labagarre waa muftigii suufiyada. Wahaabiyaduna u taqaan sh.Maxamed
guuleed al-thaani.Wuxuuna leeyahey websiteka aan hoos ku sheegidoono. Meeshaasa
suufiyo ka dab qaataan oo wuxuu sheego diin ka dhigtaan hadey noqoto fatwo,
qoraalo iyo duruus.
Inkastoon dhawaan ogaadey webkan kadib markii suufiyada qaarkood iigusoo
gudbiyeen sidaan uga faa`ideysto hadana markaan akhriyeey qoraalada Dr.Xirsi uu
ku cinwaanshey “caqiidada wahaabiyada” la kulmey hadal laguu soo koobi karo in
uu aaminsanyahey in sh.Maxmamed bin c/wahaab caqiido ahaan waafaqey quraanka iyo
sunnaha isku midna ey noqdeen caqiidadii Axmed bin xanbal, Shaafici ,Ashcari iyo
sh.c/qaadir dhamaantoodna uu ku tilmammey ahlu sunna kuna darey inaan dhibaato
ku jirin lana eedeyn Karin hadii qofka muslinki raaco culumada uu ku
kalsoonyahay waxa ay dheheen iyo mad-habta ay doorteen.
Waxa laga yaaba qofka taa akhrisanaaya Dr.xirsina yaqaan inuu u qaato kaftan.
Laakin waa run waana documented mid cidi inkiri kartona maaha, waana waxaan ka
soo xigtey qoraaladiisa ku taariikheysan (Taariikh: Khamiis, December 27, 2001)
kuna jiraa baabka “caqiidada wahaabiyada”. Waanakan sedan u qorey:-
Haddii aan u soo laabanno qaybtii saddexaad ee towxiidka, sida wahhaabiyadu
rumaysantahay, waxaan arkaynaa in Ibn Taymiya iyo Ibn Cabdulwahhaab labaduba
kutubtooda sida Al-caqiidah al-waasidiyah, iyo kitaab at-tawxiid iyo rasaa'ilka
ibn Cabdulwahhaab iyo fataawaha ibn Taymiya, ay ku sharxeen arrinkan, waana in
Ilaahay loo sugo magacyada iyo sifaadka uu asigu isu sugay, kuwaas oo quraanka
iyo axaadiista qaar lagu sheegay.
Ugu horeen waa ilaah mahadii haduu qirey in sh.c/wahaab iyo ibn Teymiya sugida
kaga deydeen quraanka iyo sunnaha.Taasina waa maragii ugu horeeyey iyo inaaney
jeebkooda wax kala imaan . Tankale waxaan leeyahey maaha arinta suggida
magacyada iyo sifooyinka eebe mid ku kooban labadan shiikh uu tilmaamey ee waa
mid ey ka sinaayeen salafkii hore iyo culimada ahlu sunna waljamaaca sida imaam
Malik, Shaafici, abu-Xaniifa, ibna-Xanbal, Ashcari iyo sh.c/qaadir.Sidaasina
kama dahsoona Dr.xirsi ee waakan qoraal ku biyaanshey:-
a) Kooxda saddexaad waxay dheheen, magacyadaas iyo sifooyinkaas waxaan u
sugaynaa sida ay u soo fuleen, macnaha Ilaahay waa mutakallim oo wuu hadlaa, wuu
hadlaa baan leenahay, macnaha hadal-hadal ah, kuwa sidan yirina waxay ahaayeen
fuqahada sida Shaafici iyo Ibn Xambal iyo Ashcariyada.
b) Dhammaan sifooyinka iyo magacyada Alle, wahhaabiyadu sida ay yihiin bay u
sugayaan, waana mad-habtii Ibn Xambal.
Marka hadii sh.c/wahaab caqiidada kaga deydey imaam axmed bin xanbal miyaa lagu
tilmaami kara waa baadi? Jawaabtu wa maya hadii xaq la rabo. Laakin, si aan uga
hubsado arintaa yaan suaal ku saabsan caqiidada imaam axmed iyo c/qaadir iyo
ashcari weediiyey waana tan siduu iigu soo jawaabey:-
c) Midda kale ee aad tiri, caqiidada Axmad iyo Ashcari iyo Cabdulqaadir waa isku
mid, taasi waa sax waana la ogyahay dhammaantoodna waa ahlusunno.
Akhristow waxaa noo muuqata sida Dr.xiris shakiga uga qaadey in sh C/wahaab
arintaa caqiidada islaamka kaga deydey Axmed bin xanbal sido kalena waxaa yeeley
Ashcari iyo c/qaadir taasina waxey na tuseysaa in sh. c/wahaab iyo Ashcarii iyo
c/qaadir ey isku caqiido noqdeen taasina kutimi kadib markey kaga wada deydeen
imaam ibn-Xanbal, wuxuuna ku tilmaamey dhamaantood ahlusunno, waana sidey
tahey.Taas keliya maahee bal halkan ila arka markuu ku tilmaamey khilaafka
caqiidada fahamkeeda kadhashey mid dabiici ah oon dhib laheyn, qofka muslinkana
uu raaci karo culimada uu ku kalsoon yahey, waana kan qoraalkiisi sedan u dhigan:-
a) Kolka waxaan arrinkan ku soo gabagabayn karnaa, in muslimiintu isku
khilaafeen mas'alada magacyada iyo sifooyinka Eebbe sugiddooda ah iyo waxa ay
yihiin, ayna isku raaceen in Ilaahay leeyahay magacyo iyo sifooyin.
Khilaafkaasina waa mid dabiici ah maxaa yeelay wuxuu ka dhashay tafsiirka
erayada quraanka ama xaddiiska iyo maskaxda culumada laftooda, mana aha mid
cusub oo maanta soo baxay ee wuxuu jiray tan iyo casrigii taabiciinta.
b) Kolka qofka muslimka ah waxaa u bannaan in uu madaahibtaas midda ugu saxsan
qaato, haddii uu cilmi leeyahay inta si fiican u derso, haddii uu caamo yahay,
oo uusan garanayn mad-hab kasta iyo daliilkeeda, waa in uu raaco culumada uu ku
kalsoonyahay waxa ay dheheen iyo mad-habta ay doorteen.
Inkastoo hadalkaa danbe aanan ku waafaqsaneyn Dr.xirsi, waa mare, hadey noqoto
caqiido siduu ula jeedo waxaa loo baahnaa inuu ka digo tan khaldan, tilmaamona
tan toosan, tan kale hadii aan tiisa u raacno iyo in khilaafku dabeeci yahey,
dhibina ku jirin qofku inuu raaco culimada uu ku kalsoonyahey iyo mad-habtey
dorteen markaa maxaa lagu eedaynaya wahaabiyo oo weliba sida muuqata dooratey
tii ibn-Xanbal oo Dr.Xirsi ku sheegey inuu yahey ahlusunna? sow gardaro maaha!!.
Akhristow, halkaa waxaa ka cad in caqiidada wahaabiyadu ka toosantahey tan
suufiyo taasna waxaa u daliilah kaga dayashada wahaabiyo kaga deydeen imaam
Axmed bin-xanbal iyo imaam Shaafici sida muftigoodu ku qirey qoraaladiisa aan
kor kusoo dhaafney waayo qof loo qirey inuu salafkii kaga deydy caqiidadiisa
ciddii baadi ku sheegta waxa cad -oo caqliga eebe ina siiyey lagu gaari kara- in
isaga wax ka khaldan yihiin o tiisu aany waafaqsaneyn tii salafka.
Waxaa xusid mudan in la ogaado in qoraalada Dr.xirsi ku saleysan yihiin aqoon
iyo cilmi uu uleeyahey wahaabiyada sida aan kasoo xigtey email uu iigusoo
jawaabey markaan arrimaha wahaabiyada wax ka weydiiyey:-
Aniga wahhaabiyada iigama aqoon roonid oo waxaan ka qoray risaalo mastar ah oo
la fidshay shahaado maajisteer ahna ku qaatay buuggii oo daabacanna wuu yaallaa
iyo asiga oo loo turjumay luqadda Malayda ee internetka ka akhri.
Ugudanbeyn, soomaaley taan idin lahaa sh.Maxamed bin c/wahaab waa ladulmay waata
maanta muftigii suufiyadu marag ka noqdey.Idinkuna qoraaladiisa marag ka noqda
koobina kala hara, waana kuwan:
http://2garre.com/is/wahhabiyah5.html .
Tan iyo maalin danbe akhristow, naxariis iyo nabad eebe yaan kugu ogahey.
C.M.Cabdalle
Dubai.UAE
chango_58@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 14, 2006
»Soomaaley
wahaabiyo waa musline –taa ha la ogaado?
| C.M
»Mid
ka mid ah kutubta wahaabiyada wax ku qoran.
| Garweyne
»Somaalay
bal ila arka suufiyo? |
C.M.Cabdalle
»Mugdiga
Ina Garweene (Taarikhda Wahaabiyada) iyo Waanadi ibliis|
CM
»
MAQAALKII WALLAYS:
QARAWGA
WAHAABIYADA IYO CALAN LEYDA!! | Wallays
»
QORAALKII GARWEYNE:
Taariikhda wahaabiyada | Garweyne
»
QORAALKII FAHAD:
SUUFIYADA IYO BISHA SOONKA.
»Duq
Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye
»Gefka
loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu.. »Denmark
oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa.. »Fikirkiisa
Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!! »OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»HADDII NABIGII ALLE
LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON? |