SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

SIDAY U GEESO WEEYNTAHAY, UMA BADISO...

Mohamed-Deeq Abdimadar “Haldhaa”
Qoraa iyo saxafi Soomaaliyeed, Borlänge, Sweden.
Email: haldhaa35@hotmail.com 
__________________________
_________
____
__ 

     Waxaa wax lala yaabo noqottay markii wasiirkii gaashaan-dhigga ee Soomaaliya Gen. Cumar X. Masalle uu soo hor-kacay xabashida isagoo ku soo duulay degaankii uu ka dhashay. Mana uusan ahayn sarkaalkii ugu horreeyay ee xabashi soo hor-kaca,  waxaana uga horreeyay Col. C/llaahi Yuusuf. Waxaa kaloo iyagana soo hor-kacay Gen. Caydiid iyo Col. Axmed Jees. Laakiin  Gen Cumar wuxuu kaga duwanaa sarakiishaas kale isagoo ahaa wasiirkii gaashaan-dhigga Soomaaliya ee ugu horreeyay ee soo hoggaamiya xabashida.  

   Wali ceebtii way sii socotaayee waxayse sheekadii sii xumaatay Markii laba wasiiroo kale oo wasiiradii gaashaan-dhigga Soomaaliya ahaa ay iyaguna Xabashida u adeegaan, una diyaarsanyihiin sidii ay ugu soo hoggaamin lahaayeen dadka iyo dalka soomaaliya. Labdaas wasiirna waxay kala yihiin; Marxuum Gen. Aadan C/llaahi ”Gabyoow iyo Gen. Maxamed Siciid ”Moorgan”. Waxaan isna jidkaas xun aan ka leexaan Col. Barre Aaden Shire  ”Barre Hiirralle” oo ah wasiirka gaashaan-dhigga dowladda ku meelgaarka ah ee jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Col. Barre Hiiraalle inuu dalka iyo diinta ka difaaco xabashida wuxuu ka door biday inuu dalka iyo diinta ku soo hoggaamiyo xabashida.  

Haddaba waxay in badan is waydiisaa waxa wasiiradii Gaashaan-dhigga iyo saraakiishii sar sare ee ciidamada ay badidood ugu adeegayaan una soo hor-kacayaa gumaystaha madoow ee masiixiga ah, iyagoo darajada loo siiyay inay diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeedba difaacaan?!!. Yayse difaacayaan haddiiba ay soo hor-kaceen xabashida. Ma cadaw kalay leedahay Soomaalidu?!. 

    Maya…Maya..Maya. Cadaw kale oo aan Itoobiya ahayn Soomalidu malahan. wasiiradii Gaashaan-dhigga iyo saraakiishii ciidamada qaarkoodna inay Itoobiya u adeegaan oo una soo hor-kacaan burburinta iyo baabi’inta diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxay aniga ila tahay;- Badi saraakiisha ciidamada siiba Kornayladii hore iyo Jananadaba waxaa markoodii horaba ciidanka qoray gumaystii reer Yurub ee Soomaliya gumaysanayay. Waxa loo qortayna waxayba ahayd inay danaha gumaystaha fuliyaan, diinta, dalka iyo dadkana ku tuntaan oo baabi’iyaan, haddana tii uun bay wali wadaan.  

   Haddii ay aragtidaydu kaa daadegi waydo waxaad is waydiisaa; Maxay ku dhacday in  ragga ugu badan ee ay Itoobiya soo adeegsanayso gobolkay doonaanba ha ahaadaanee ay u noqdeen saraakiil uu kornayl ugu hooseeyo?!. Waxaad kalood iswaydiisaa dagaalkii 1977 kii lala galay Xabashida maxay jananadii iyo Kornayladii badidood ay u tooganayeen saraakiishii yar yarayd iyo askartiiba?!. Maxayse ciidamada u lugooynayeen, oo markii raashin loo baahdo, rasaas ugu dirayeen, markii daawo loo baahdana raashin ugu dirayeen?!. 

  Sidaad doonta u aragee arrintu waa taas aan anigu soo sheegay, meel kale oo loo doonayana ma jirto. Shacabka Soomalaiyeedna waxaa la gudboon inay kuwaas fiiro gaara u yeeshaan oo ka hor tagaan. Waana inaysan fiirin waynaantooda iyo darajooyinkooda ee waa inay qiimahooda eegaan. Waxayna la mid yihiin uun Sacii ninku ku yiri ” Siday u geeso wayntahay, uma badiso” Iyaguna siday u darjo waa weeynyihiin uma badiyaan umana qiimo badna. 

Mohamed-Deeq Abdimadar “Haldhaa”
Qoraa iyo saxafi Soomaaliyeed, Borlänge, Sweden.
Email: haldhaa35@hotmail.com  

FG: Maqaalkna waxaa lagu soo daabacay SomaliTalk.com shan sano ka hor, waxaanse jeclaystay in mar labaad la soo daabaco, kadib markii aan arkay Col. Barre Hiiraale oo ah wasiirka difaaca markii uu kusoo darsamay wasiiraddi difaaca ee xabashida soo hor-kacay.


MARKII  UGU  HORRAYSAY  DAWLAD ETHOIPIA   LAGU MAGACAABO 

    Markii uu Minilik qabsaday magaaladii Harar oo ayna burburtay dawladdii Islaamka ahayd ee geeska Afrika ayay reer Yurub kula taliyeen inuu dawlad ku dhawaaqo oo magacana beddelo. Magaca uu beddelayayna wuxuu ahaa ”Abassinia” Afka Soomaligana loogu dhawaaqo ”Xabashi”.  

     Waxaa ugu wacnaa in magacaas la beddela waxay ahayd, xabashida oo ahayd afar walaayo oo ay colaadi ka dhexayso, oo maamulkooduna kala duwanyahay. Waxaana afartiiba isku qabsaday Minilik, haddana wuxuu ku darsaday mid afartoodaba ka wayn oo ahayd Harar oo laga maamuli jiray dhul aad iyo aad u wayn.  

   Marka waxaa lagama maarmaana hayd in lala baxo magac kulminaya dhammaan shucuubtaas la qabsaday oo ay ku jireen shacabka Soomaalida iyo Oramada iyo Canfarta, Binshingoolka, Guraagada, Harariyiinta iyo qaar kale oo badan. Magaca kulmiyayna wuxuu noqday ”Ethiopia” oo ay reer Yurubku xabashida u bixiyee. 

     Eraygan waa Boortaqiis wuxuuna macnihiisu yahay ”Ethio= Waji” iyo ”Pio=Gubtay”. Marka la isku darana wuxuu noqonayaa ”Wajiyadii gubtay”, oo ay uga jeedaan dadkii wajiga madmadoobaa. Waxayna reer Yurubku u malaynayeen markay arkeen dadkaas madmadoow inay wajidaya ka gubteen. Sidaas ayayna ugu bixiyeen magacaas. 

    Haddaba siduu doono magacaasu ha ku baxee, waxaa uun jirta in markaas ka hor aan la maqlin dawlad ama maamul la yiraahdo Ethiopia. Arrintaasna waa mid ay ka wada marqaati kacayaan ragga taariikhda qora dhammaantood. Waxaa kaloo aad iyo aad u muujinaya dhammaan khariidahahii la qoray wixii xilligaas ka horreeyay. 

Mohamed-Deeq Abdi-madar ”Haldhaa”
Qoraa iyo saxafi
Borlänge, Sweden
Email: haldhaa35@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2006


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD