SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  CANADA

WIIL SOOMAALIEED OO KU DHIBBAN DALKA CANADA
 

Waxaan dhawaan ka qayb galay bananabax kooban oo ay dhigayeen qoys deggan Degmada Yaaqshiid ee Magaaladan Muqdisho, waxayna qoyskaas ka cabanayeen walaalkood oo ku dhibaataysan waddanka Kanada gaar ahaan Edmonton-Alberta oo kagu magacaabo Cali Maxamuud Axmed, Da'diisu tahay 32 jir waxayna siteen Boorar ay ku qornaayeen “Dawladda Kenada waa inay dib u fiirisaa dhibaatada haysata walaalkeena.” “Dawladda Kenada waxaan ka codsanaynaa in ay baarto waxa keenay dhibka haysta walaalkeena”, “Dawladda Kenada waxaan ku ogeyn Daw;ad Diimoqoraaddi ah oo dhowrta xuquuqda Aadanaha”, “Walaakeen wuxuu deggan yahay 20 Sano Dalka Kenada, wuxuuna xaq u leeyahay xuquuqda uu leeyahay qofka kale ee Kenidiyaanka ah, “Walaalkeen waa inuu helaa Dawo, sida ay u helaanba dadka kale ee Kenediyaanka ah, “Walaalkeen waa in dib loogu soo celiyaa sharcigiisii iyo ereyo kale

Sahro Cali Maxamuud Axmed waa gabar la dhalatay Cali, waxayna aad uga murugaysan tahay dhibka iyo caafi maad darida haysata walaalkeed, waxayna ka codsanaysaa Dawladda Kenada iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha in walaalkeed ay il gaar ah ku fiiriyaan ayna si xaqiiq ah u baaraan dhibaatada ku haysata waddanka Kenada, “Waxaa la ii sheegay in walaakeey uu yahay Xabsi guri, markuu ila soo hadlo aad baan u murugoodaa, isagoo I yiraahda mar baan heli doonaa xuquuqdeyda asaasiga ah ee aan xaqa u leeyahay”. Sahra oo sii hadlaysa waxay tiri “marnaba kama filayn in Booliiska Kanada dhibaato xaddigaa la eg ay u geystaan walaalkeey, sidoo kalena waxaan ka codsanayaa Dawladda Kenada si dhab ah u baarto waxa ku dhacay walaalkeey”

Sahro waxay intaas sii raacisey “Waxaan maqlay in walaalkeey la geeyay Isbitaalka Dadka Waalan, haddii uu waalan yahayna mar walba ima soo waceen, hadda xanuun ayaa haya oo aan ogahay inuu ka qaaday isbitaalkii sida qasabka ah lagu geeyay isagoo aan waalneyn, wuxuuna ka soo qaaday cuduro ay ka mid yihiin Kilyo Xanuun iyo Kaadida oo dhibaysa”, “Fadlan dawlada Kenada waxaan mar kale ka codsanayaa in walaalkeey ay u oggolaadaan waxa uu xaq ahaanta u leeyahay”.

Sahra oo ku hadlaysa Luqadda Ingiriisiga ayaa waxa ay tiri:


A SAD EPISODE IN CANADA

My brother Mr. Ali Mohamoud Ahmed is admitted to a mental hospital after he confronted with Female Canadian Police in the streets of Canada the Region of Edmonton-Alberta . The Police beat him up and took him to the mental hospital in Canada in order not trace the abuse they had inflicted upon my brother. He was released from hospital but unfortunately he is developed kidney problems which made him difficult to urinate. My brother has been living in Canada for 20 years and he deserves to receive the necessary medical attention and all other rights and benefits and to give him back his naturalization documents. Canada has been known to be famous in democracy and the preservation of human rights and we never expected such a thing would happen to my brother who is in fact a Canadian.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 17, 2006


Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo Caariyey Xeebaha Soomaaliya...

 Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta DBG Daryeel Bulsho Guud lagu soo bandhigay wax qabad ay sameeyeen tababarayaal ay Hay’addaas u tababartay ka hortagga Haamanka Sunta xanbaarsan ee ku soo caariya Xeebaha Soomaaliya., waxaana halkaa lagu daawaday shan iyo toban haamood oo ku soo caariyay xeebaha Soomaaliya, laga soo bilaabo 2004 ilaa 2006 kuwaasoo ku soo caariyay Xeebaha Kismaayo, Cigo, Warshiikh, Jamal, Faax, Xiin Dawaco, Gaan iyo Degaano kale, waxayna Hay’addu sheegtay in ay ku guuleysatay inay wax ka qabto qaar ka mid ah haamankaasi kuwa kalena waxay hay’addu sheegtay in ay u baahan yihiin hawl intaa ka sii baaxad weyn. WARKAN OO DHAN AKHRI....


Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD