SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya Garabka Badbaadinta
Xudunta Xidhiidhada Caalamiga ah
Ref.No: ONLF/RSW/PR/2006-017
Taariikh: 22 October,2006

Warsaxaafadeed Ku Saabsan Wadahalo Nabadeedka uu Kubaaqay Malez Zenaawi 19/10/2006 

Anagoo tixraacayna hadalka ka soo yeedhay Raiisul wasaaraha Gumeysiga Itoobiya Meles Zenaawi oo 19 October ku sheegay qudbad uu ujeedinayey Baarlamaankiisa inuu diyaar u yahay inuu wadahadal nabadeed la yeesho ONLF, OLF iyo mucaaradka siyaasadeed ee Itoobiya, ayaa Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya Garabka Babaadinta (JWXO-GB) oo kaashanaya khibrada uu uu leeyahay Tabaha iyo xeelada ay kaga baxsadaan ee ay isticmaalaan TPLF mark kasta oo ay culays milatari ama mid siyaasadeed dareemaan. Islamarkaasna aanu si qododheer u darisnay Baaqaas iyo danaha iyo ujeedada uu kaleeyahay Meles Zenaawi wakhtigan xaadirka ah, waxaana nooga soo baxday: 

1-Inuu Baaqa wadahadaladan Maamulka Meles Zenaawi oogu cagajuglaynayo dowlada Eretariya oo qabsatay 16 Oktoobar 2006da Qaar kamida dhulkii ay isku hayeen. Islamarkaana ay Itoobiya aragtay sii xoogaysiga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Gacanta ku dhigay inta badan koonfurta dalka Soomaaliya, inay xuukuumada Adisababa dagtay Istaraatiijiyed ah inay wadahadal Afka Baarkiisa ah iyo waanwaan been ah ku joojiso Xadaba Jabhadaha si ay awood iyo Jaanis oogu hesho Qorshaheeda Qarsoon ee Qabsashada Soomaaliya ee ay oogu magacdartay Difaaca Dowlada Fadaraalka Kumeelgaadhka ah ee Soomaaliya. Taa soo ah mid been ah oo ay ku xalaaleysanayso la dagaalanka Maxkamadaha Islaamiga ah kuna qabsanayso Qarankii Soomaaliyeed. 

2-Inayna Itoobiya wakhtigan diyaar u ahayn in wadahadal nabadeed ay kusoo afjarto Haysashadda dhulka soomaalida Ogaadeenya oo ay xorayso dadka Soomaaliyeed, Maadaama oo ay weerarayso oo ay rabto inay qabsato Qaranka Soomaaliyeed. 

3-A. Inay wadahadaladani yihiin tabihii iyo xeeladii ay xukuumada Meles Zenaawi inbadan ku soo badbaaday Iyadoo adeegsanaysa Wadahadal been-been ah oo ay lafurto Jabhadaha markii xukunkeedu Miletari ahaan iyo siyaasadahaanba ay gasho meel cidhiidhi Jiqinjiqis ah, si ay intay ka baxayaan cidhiidhigaas dagaalka ooga joojiyaan Jabhaduhu.

kadibna meeshii xalwaara lagu gaadhi lahaa wadahadaladaas ay soo kalajabiso jabhadahaas ammaba laayaan wufuuda ooga qeybgaleysa wadahadalada sida: 

B. markuu Meles Zenaawi ka baxay heshiiskii Shirkii Magaalada Qabridahar ee 1995 ku dhexmaray ONLF iyo EPRDF ee ay dhedhexaadinayeen Ugaasyada, Salaadiinta, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Soomaalida Ogaadeenya. 

C. Sidoo kale Wadahadaladii 1998 markuu dagaalka Eretariya bilowday ay Tigreegu ONLF la fureen kaa soo markay Ciidan iyo Saanad adag u diyaarsadeen dagaalkaas ay ku laayeen duleedka magaalada Qabridahare dhamaan wufuudii ONLF ooga qeybgaleysay wadahadaladaas oo uu hogaaminayey allaha u naxariistee halgame Deeq Cabdi Raasin iyo Halgame Sheekh Bashiir iyo shan Naftiihure oo la socotay. 

D. Bishii July 2005tii markay ururada mucaaradka Itoobiya kaga guuleysteen kuraastii Baarlamaanka caasimada Adis Ababa oo uu galay kursigiisa raiisul wasaarenimadu cidhiidhi ayaa si ay Doorasho ku sheegta Baarlamaanka Fadaraalka Itoobiya si nabad ah oogaga dhacdo Ogaadeenya oo uu u helo xisbiga Meles Zenaawi codka 23ka xubnood ee ka soo baxa Ogaadeenya, ayuu Maamulka Meles Zenaawi ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal nabadeed la yeesho jabhada ONLF Isagoo u xilsaaray Odayaal Dhaqameedka Soomaalida Ogaadeenya inay Fariintaas gaadhsiiyaan ONLF, Khilaaf sanad kahor ka dhexdhacay ururka ayuu markaas kala ahaa labo Garab, Nasiib wanaag labadiiba wey aqbaleen inay ka qeybgalaan wadahadaladaas, laakiin Garabkanaga Tigreegu wey u diideen ka qeybgalka wadahadaladaas, waxaa isla bilaabay Garabka kale ee ONLF iyo Xukuumada Meles Zenaawi iyo Hogaamiye dhaqameedyada Soomaalida Ogaadeenya oo u kala dabqaadahayey.

Hadaba markii si aan sharci ahayn doorashadii ay xisbiga EPRDF ee Meles oogu shubteen sidaasna loogu dhaariyey Raiisul wasaaranimada Itoobiya ayuu Odayaashii iyo ONLFba oogu jawaabay Meles Zenaawi inuu ka gaabsado oo hakiyo siduu ku qabsoomilahaan wadahadalku, Isagoo Qabri Dahare 15/11/2005tii ay Ciidamadiisu ku xasuuqeen 20 maxbuus oo rayad ahaa, lix bari kadibna ay gubeen tuulada fooljeex ee Gobolka Qoraxeey, oogu dambeysiina ciidamadiisa uu ku amray inay weeraraan Soomaalida Ogaadeenya Iyadoo ay Odayaashu u joogeen wadahadalo  Maraykanka iyo Yurub.

Hadaba Anagoo ka duulaya qodobada kor ku xusan iyo khibrada aanu u leenahay Khayaanada Taliska TPLF ee Adis Ababa, isla markaana mudnaanta koobaad siinaya Xaqa shacabka Soomaalida Ogaadeenya ay u leeyhiin inay aayahooda ka tashadaan iyo Baahida fog ee ay u qabaan Gobanimada bulshooyinka Caalamku ay ku naaloonayaan ayaa Garabka Badbaadinta JWXO wuxuu wadahadal la yeelanaynaa xukuumada Meles Zenaawi oo kaliya markii ay si rasmi ah oogu dhawaaqdo maalin go’an oo ay kusoo afjarayso Haysashada Soomaalida Ogaadeenya ayna si dhab ah ooga tanaasusho Damaacigeeda Gumaysi, Taa soo ah mida kaliye ee nabad ka dhex dhalin karta wadamada Geeska Afrika gaar ahaa Soomaalida Ogaadeenya iyo Itoobiya iyo weliba Soomaaliweyn oo dhan.

Hadaba si looga baaqsado dagaalo lagu halaagmo oo saameeyo dhamaan wadamada Geeska Afrika oo dhan, oo loo helo walaaltinimo iyo is aaminaan dhex marta wadamada Gobolka loogana Faaiidaysto Khayraadka Ogaadeenya. Garabka Badbaadinta JWXO wuxuu wadanka Maraykanka, EU, Jaamacada Carabta, Midowga Afrika, urur Goboleedka IGAD iyo Bulshada caalamka oogu baaqaynaa inay cadaadis kusaaraan Itoobiya inay Afti ka qaado shacabka Soomaalida Ogaadeenya ayna joojiso weerarka ay ku qaadayso Soomaaliya. Midaas oo wadamada Gobolka oo dhan ka dhigaysa qol baasiin lagu daadiyey oo la sudhay kibriid.

Halganka Shacabka Soomaalida Ogaadeenya wuu socon.

Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya,
Garabka Badbaadada (JWXO-GB)
Xudunta Xidhiidhada Caalamiga ah
Email: badbaadintajwxo@yahoo.ca


JWXO oo bayaan ka soo saartay hadalkii Zenawi.

Oct 24, 2006

 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa bayaan kulul ka soo saartay hadal uu dhawaan Baarlamaan ku-sheegga hortiisa ka jeediyay kaligii taliye Meles Zenawi, kaasoo uu ku sheegay inuu si wayn isugu hawlay inuu wadaxaajood la yeesho JWXO.
 
Hadalkaas ayay JWXO ku tilmaantay mid aan sal iyo raadtoona lahayn, isla markaana waxay Meles Zenawi ku edaysay inuu isagu yahay midka hortaagan in la helo wadaxaajood lagu baadigoobo is afgarad ku dhisan cadaalad iyo nabadgelyo.
 
JWXO ayaa sheegtay inay marar badan caddaysay sida ay diyaarka ugu tahay wadaxaajood nabadeed oo lagu dhammeeyo dhibaatada Ogaadeenya, iyadoo wadaxaajoodkaas lagu qabanayo waddan dhexdhexaad, daraf kale ood hexdhexeediye ahna uu goobjoog ka noqonayo, isla markaana aan wadaxaajoodka lagu xidhin shuruudo hordhac ah.
 
Hase yeeshee ay arrintaasi hirgali kari wayday, ka dib markii uu Meles Zenawi doortay inuu awood millatari ku baddalo wadaxaajoodka, isla markaana uu hawlgallo millatari oo aad u ballaadhan ka billaabay Ogaadeenya, kuwaasoo uu ku laayay dadwayne rayad ah oo kumayaal gaadhaya, qaar kale oo aad u badana ay ilaa iyo hadda ka buuxaan xabsiyada dulmiga ee gumaystada Itoobiya.
 
JWXO ayaa bayaankan ku sheegtay in hadalka Zenawi ee xilligan uu u muqdo mid hordhac u ah hawgallo kale oo millatari oo taliskiisu doonayo inuu Ogaadeenya ka hirgeliyo, hase yeeshee waxay JWXO sheegtay inay diyaar u tahay inay dadwayneheeda ka difaacdo taliska Zenawi een xilkaska ahayn iyo millatarigiisaba.   
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9450 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalinta Talaadada ah 7:00PM  8:00  waqtiga Afrikada Bari

Meles Zenawi “Saraakiisha ay sheegeen in ay qabteen Maxaakiimta Islaamiga ah waa Oromada Qaxootiga ah ee ku sugan Soomaaliya”

Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiyaan Milles Zenawi ayaa ka waramay Xaaladda Soomaalia, waxa uuna sheegay in ciidamada Maxaakiimta ee qabsaday Koonfurta Soomaaliya ay halis ku yihiin dhamaan ammaanka Wadamada Geeska AFrika, isagoo sheegay in Maxaakiimta ku jiraan rar mitidiin ah oo doonaya inay falal argagixiso ka sameeyaan gudaha Wadanka Itoobiya, isagoo sheegay in Maxaakiimta Islaamiga ah ay doonayaan inay kiciyaan dadka dadka Soomaaliyeed ee ku sugan soonka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya iyo kuwa W/Bari Kenya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya waxa uu sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin gudaha Dalka Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay tiradoodu gaareyso boqolaal Askari, waxa uuna sheegay in Ciidamadaasi ay yihiin tababarayaal doonaya inay tababar siiyaanb Ciidamada Dowladda Federaalka.

“Haddii Maxaakiimtu isku dayaan inay u soo gudbaan gudaha Dalka Itoobiya, waxaan u sheegeynaa in aan iska difaaci doono” ayuu yiri Milles oo sheegay inaysan marnaba ku deg degi doonin in ay iska hor yimaadaan iyaga iyo Maxaakiimta Islaamiga ah.

Milles Zenawi waxa uu beeniyey wararka ka soo yeeraya Maxaakiimta Islaamiga ah ee sheegaya in kumanaan kun oo Askari oo Itoobiyaan ah ay u soo gudbeen gudaha Dalka Soomaaliya, waxa uuna wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raaad toona laheyn, sidoo kale Milles Zenawi waxa uu beeniyay in labo sarkaal oo Itoobiyaan ah ay dhawan Maxaakiimtu ku qabteen Magaalada Muqdisho, waxa uuna Milles Zenawi in raggaasi yihiin Oromada Qaxootiga ah ee ku sugan Soomaaliya, waxaa kalloo beeniyay in askari Itoobiyaan ah lagu qabtay dagaalki dhex maray Maxaakiimta iyo kuwa Barre Hiiraale.

Mar uu ka hadlayey hadaladii ka soo yeeray Maxaakiimta ee ahaa in jihaad lagu qaado Dowladda Itoobiya, ayaa waxa uu yiri “Waxaa la doonayaa in lagu baneysto sidii falal argagixiso ah looga sameyn lahaa gudaha Dalka Itoobiya”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmial.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2006


Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad
Nairobi: Habeenimadii xalay ahayd ayaa culumada Soomaaliyeed ee xaafada islii ay joojiyen bandhig-faneed Guji...

Sababihii ay Ciidamada DFKMG uga Baxeen Magaalada Buurhakaba...
»
Roobab isdaba jooga oo si wayn uga curtay Garowe..
»Maxaakiimtaoo looga digay inay weeraraan Baydhabo…
»Meles Zenawi “Saraakiisha ay qabteen Maxaakiimtu waa..
»Dagaallo cadowga lagu jabiyay iyo dad la laayay...
»JWXO oo bayaan ka soo saartay hadalkii Zenawi...
Wararka oo dhan ka akhri halkan...

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Suuriya Sidee u Ciideen....



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD