SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

Soomaalida Sweden iyo Suuqa Shaqada

Abdirisaq Mohamed HusseinC/risaq Maxamed Xuseen,

Eskilstuna , Swdeden.


Email:  habdirisak@hotmail.com


Hordhac

Dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaan Iswiidhan ayaa waxaa lagu qiyaasaa inta u dhexaysa 20-25 kun oo qof. Soomaalidu guud ahaan waa dad ku cusub wadankaan Iswiidhan, waxayna badankood soo galeen waxii ka dameeyey dagaalka sokeeye ee soomaaliya. Tirada ugu badan ee soomali ahina waxa ay soo galeen sanadihii u dhexeeyey 1990-1994 tii.

Dadka soomaalida ah ee wadankan ku dhaqani waxaa ay u badan yihiin caruur iyo dhalinyaro, maxaa yeelay boqolkiiba konton iyo saddex ( 53%) ayaa ka yar 20 sano. Kolkii la eego dhinaca deegaanka, waxaa ay soomaalidu u badan yihiin saddexda magaalo ee wadankan ugu waaweyn: Stockholm, Gothenberg iyo Malmö.

Soomaalida shaqeysa ayaa ah kuwo aad u yar, walow ay sanadihii ugu dameeyey ay dad badani shaqo heleen. Kolkii laga hadlaayo dadka shaqada aan haysan ayaa waxaa inta badan tusaale loo soo qaataa soomaalida. Marar badana waxaa shaqo La aanta soomaalida bartilmaameed ka dhigta xisbiyada doonaaya in la yareeyo dadka soogalootiga ah. Waxaa marar badan soomaalida lagu tilmaamaa kuwa ugu yar ee bulshada dhex gala. Hadaba waxa aan maqaalkaan kusoo bandhigi doonaa sababaha dhaliyey shaqo la aanta ku habsatey soomaalida Iswiidhan.  Maqaalkuna waxaa uu ku saleysan yahay :

  • Warar aan ka soo ururiyey ha àda tirakoobka Iswiidhan
     
  • Wareysi aan la yeeshay Hayaan Ismaaciil oo madax ka ah hayàda howlaha shaqada waaxdeeda ku taal degmada ay soomaalidu ku badan yihiin ee Spånga-Tensta, Stockholm. Hayaan waxaa uu madax u yahay shaqaale gaaraya ilaa 45 qof, waxaa uu leeyahay laba ku xigeen si ay howlihiisa maamul ay ugu fududaadaan. Waaxda uu hayaan madaxda ka yahay waxaa ay leedahay qorshe sanadeed xaga maaliyada ah, kaas oo gaaraya ilaa sideetan milyan ee karoonka Iswiidhan. ( 80 milyan oo kroon)
     
  • Waxaan  kaloo warbxintaan ku saleeyey baaritaan aan anigu ku sameeyey ilo-wareedyo kala duwan sida joornaalada, idaacadaha iyo buugaag kala duwan.

Arimahaan soo socda ayaa dhaliyey in dadka soomaalida ah intooda badan ay ku adkaato iney shaqo helaan 

Wakhtiga soomaalidu soo galeen:

    Wakhtiga ay soomaalidu Iswiidhan soo galeen oo ahaa wakhti aad iyo aad u adag. Intii u dhexeysey 1990-1994 tii waxaa wadanka iswiidhan soo food saartay dhaqaale xumo baahsan. Dhaqaalaha guud ee wadanka ayaa aad iyo aad hoos ugu dhacay, taas oo keentay iney aad iyo aad yaraadaan shirkadaha doonaya iney shaqaale cusub qortaan. Wakhtigaas waxaa shaqo beelay dad badan oo Iswiidhish ah. Waxaa cirka isku shareeray qiimihii cuntada, guryaha iwm. Waxaa kaloo aad iyo aad u qiimo dhacay lacagta karoonka ah ee Iswiidhan laga isticmaalo. Wakhtigaas adag ee soomaalidu soo galeen Iswiidhan waxaa uu keenay iney aad iyo aad ugu adkaato soomaalida iney sooba galaan suuqa shaqada.

    Sidaas darteed waxaa la dhihi karaa soomaalidu ma aaney helin bilow fiican. 

      Xirfadlayaasha oo yar

    Waa maxay sababaha keenay in soomaali badani shaqo la´ dahay, ayaan weydiiyey Hayaan Ismaaciil oo ah madaxa hayàda shaqada ee Xaafadaha soomaalidu ku badan yihiin ee Spånga-Tensta, Stockholm. Waxaa uu Mr Hayaan ku jawaabey sidatan: 

    Arimo badan ayaa shaqo laàantaas dhaliyey balse waxaa ugu muhiimsan dadka soomaalida ah oo aan badankood lahayn wax xirfad ah, ama waxaa ay wataan xirfad kale oo aan ku habooneyn shaqada kolkaas la doonaayo in qof loo helo.Sida nidaamku yahayna waxaa ugu horeyn la eega dadka haysta xirfada ay shaqadu u baahan tahay.

    Waxaa kale oo iyana jirta in ay marar badan  qofka madowga waxooga la riixo. Taas oo macnaheedu yahay in kolkii dad kala duwani shaqada soo dalbadaan ay dhacdo in qofka madow aanu ahayn qofka marka ugu horeeya la doorto. Arintaasi waa dhacdaa walow ay jiraan sharciyo qabanaaya shaqo bixiyihii midabtakoor ku kaca” 

Xirfadle waxaa loola jeeda dadka haysta shahaado dugsi sare ama  mid ka sareysa  amase qof leh xirfad xaga farsamada ah. Dadka soomaalida ah ee xirfadaha sare leh, sida dhaqaatiirta, umulisooyinka, ingineerada, dhaqaale yahanada, macalimiinta iwm ayaa aad u yar. Maxaa yeelay waxaa aad u yar dadka soomaalida ah ee waxbarasho jaamacadeed leh. Baaritaan ay sameysay hay àda tirakoobka Iswiidhan ee la yiraa statisiska central byrå   ayaa waxaa lagu caddeeyey in dhalinyarada soomaalidu yihiin kuwa ugu yar ee u gudba waxbarasho sare. Warbixintu waxa ay isgarab dhigtay dhalinyarada dadka ajaaniibta ah ee ku dhaqan Iswiidhan. Ardayda soomaalida ayaa noqotay kuwa ugu yar ee jaamacad usii gudba kolkii la ego ardaydii la isgarab dhigay. Warbixintaas waxaadka arki kartaa ciwaankaan hoos ku qoran www.scb.se/Grupp/allmant/BE0801_2006K04_TI_02_A05ST0604.pdf 

Waa sidaan hoos ku qoran tirada ardayda ajnebi ah ee jaamacad u sii gududubta. Da`da ardaydaas la baaray waxaa ay u dhexaysaa 18-29 jir. Sidaad ku arki doontid shaxda hoos ku qoran soomaalidu waa kuwa ugu yar ee jaamacad ka bilaaba wadankan iswiidhan. Taas oo inoo caddeyneysa in xitaa mustaqbalka ay yaraan doonto soomaalida xirfadaha u leh culuumta kala duwan.Sidaan ayey u kala horeeyaan wadamada ardayda baaritaanka lagu sameeyey.

  • kuuriyyada koonfureed 19%
  • Iran 16%
  • Finland 13%
  • Norge 12 %
  • Polen 12 %
  • Bosnien 7 %
  • Chile 6%
  • Somalia 2 % 

Isha warbxinta ( source):Hay àda tirakoobka Iswiidhan 

Sida tabeelaha kore kaaga muuqata boqolkiiba laba ( 2%) ayaa dhalinyarada soomaaliyeed ee iswiidhan ku dhaqan u gudba waxbarasho heer jaamacadeed ah. Halka ardayda  reer iiraan ay boqolkiiba lix iyo toban ( 16%) ay usii gudbaan waxbarasho sare. Sababaha keenay in tacliinta soomaalidu yaraatona waxaad ka akhrisan kartaa baaritaan aan horay u sameeyey oo aad ka heli kartid ciwaankan hoose:  (http://www.somalitalk.com/2006/nov/23nov036.html)  

Xirfadaha kale ee dhinaca farsamada ah ayaa iyaguna aad ugu yar soomaalida. Xirafadahaas waxaa ka mid ah; Makaanikada, farshaxanka, ranjiilaha, alxanle iyo farsama yaqaanada kala duwan. Sanadihii ugu dameeyey waxa kordhay dadka barta wadida basaska kala duwan ee ka shaqeeya magaalooyinka kala duwan ee Iswiidhan. Haddaba si ay soomaalidu shaqo u helaan waxaa loo baahan yahay in kor loo qaado heerka xirfadaha kale duwan ee lagu shaqeysto. Suuqa shaqada ee Iswiidhan waa mid aad u horey marsan isla markaana u baahan in qofku leeyahay xirfad suuqa laga doonaayo. Waxaa kaloo jira tartan adag oo loo galo shaqooyinka yar ee soo baxa. Qofka ugu horeeya ee laga adkaanayona waa midka aan lahayn qibrad shaqo iyo aqoon xirfadeed. Mar kale isagoo ka hadlaaya arimahaan xirfadaha ayuu yiri Hayaan Ismaaciil, madaxa hayàda shaqada ee Spånga-Tensta, Stockholm:

“ Maanta waxaa gebi ahaanba dhamaaday shaqooyinkii la oran jirey “ shaqooyin aan xirfad u baahnayn”. Shaqo kastaa maanta waxaa ay u baahan tahay waxuun xirfad ah. Tusaale ahaan shaqooyinkii makhaayadaha, kuwa nadiifinta oo waagii hore ahaa kuwo aan lagu xirin wax xirfad ah ayaa maanta ah kuwo qofka laga doonaayo inuu muujiyo aqoontiisa. Wakhtigii  qofku  intuu dhamaysto dugsiga hoose/ dhexe iska shaqo tegi jirey ayaa ah mid la soo dhaafay. Shaqooyinka badankood waxaa ay u baahan yihiin xirfad gaar ah, leesanka baabuurta, shahaado dugsi sare ama mid jaamacadeed. Tartanka shaqada oo adag awgiis xitaa qofka waxaa laga yaabaa in aaney hal xirfad ku filayn balse laga doonaayo inuu haysto xirfado kala duwan ee uu kala bedesho. Maxaa yeelay suuqa shaqadu waa mid is bedel badan, xirfadaha maanta loo baahan yahay ayaa laga yaaba iney sanadka dame isbdelaan” 

Qaabdhismeedka suuqa shaqada Iswiidhan

Qaabka uu u dhisan yahay suuqa shaqada ee Iswiidhan ayaa ah mid ka duwan wadamo badan ee dunida ah. Qaab dhismeedka suuqaan ayaa ah mid u baahan in la fahmo. Waxaa jira sharciyo aad iyo aad u badan oo ilaaliya qaabka dadka loo shaqaaleeyo iyo weliba mushaharka ay qaadan lahaayeen. Waxaa aad iyo aad u xoog badan ururada shaqaalaha, kuwaas oo mar walba isha ku haya qaabka loo shaqaaleeyo dadka. Waxaa aad iyo aad u adag in qof aad shaqaaleysay is fudud shaqadii uga cayrisid. Waxaa keliya oo qofka la eryi karaa hadii uu galo danbi, hadii shaqadii dhamaato iyo haddii uu ka soo bixi waayo howshii loo diray. Haddii dacwo timaadona waa in shaqa-bixiyuhu caddeyn karaa arimaha uu qofka shaqaalaha ah ku cayriyey. Waxaa kaloo iyana aad qaali u ah ina qof la shaqaaleeyo, maxaa yeelay waa in shaqo-bixiyuhu uu dowlada siiyaa cashuuro kala duwan. Taasi waxaa ay keentay in shaqa-bixiyayaashu ay aad u taxadaraan, isla markaasna aaney shaqaaleyn qof aaney hubin. Sidaa darteed waxaa dhacda in haddii Johansson iyo maxamed ay shaqo soo wada dalbadaan, iskuna shahaado iyo khibrad yihiin in Johansson la qaado.Maadaama johansson la yaqaan halka shaqa-bixiyuhu u arko qaadashada maxamed  mid iska  khamaar ah.

Waxa jirta oraah iswiidhish ah oo leh “ shayga aan aqaan ayaan kaga kalsoonahay midka aanan aqoon” Oraahdaas oo u dhow mida soomaaliga ah ee ah” Hebel waxa uu galo iyo wax uu guddo ayaan aqaan” 

Kolka la eego qaab dhismeedka suuqa shaqada ee Iswiidhan ayaa ah mid u baahan in qofka shaqo doonka ahi yahay mid leh xiriir kala duwan ( network). Xiriirkaas uu qofku la leeyahay dadka kala duwan ayaa laga yaabaa iney u sahasho inuu shaqo helo. Qaabkan ah in shaqada lagu helo xiriirada kala duwan ee qofku leeyahay ayaa ah midda ugu badan ee qofka u suura gelisa inuu shaqo helo. Hayaan Ismaaciil oo taas ka hadlaayana waxaa uu yiri;

Shaqooyinka la helo iyadoo uu qofku adeegsanaayo xiriiradiisa kala duwan ayaa ah kuwo kena natiijo fiican. Sida ay baaritaano kala duwani muujiyeen boqolkiiba toddobaatan (70%) shaqada waxaa lagu helaa iyadoo uu qofku isticmaalaayo xiriirada kala duwan ee uu dadka kale la leeyahay

Waxaan Hayaan Ismaaciil weydiiyey maadaama uu qaab dhismeedka suuqa shaqada iswiidhan uu yahay mid iska adag, maxay soomaalidu u bilaabi waayeen shirkadu ay iyagu iska leeyihiin sida Mareykanka ama Ingiriiska oo kale?

Isagoo suàashaas ka jawaabaya waxaa uu yiri Hayaan:

“ Ma sahlana in shirkad laga bilaabo Iswiidhan. Waxaa jira sharciyo iyo wareeg badan oo qofka cabsi gelinaaya. Qaabka cashuuraha shirkadaha ayaan isna fududayn in la fahmo.

Waxaa kaloo adag in qofku fahmo qaababka kala duwan ee shirkadaha loo bilaabo. Maxay noqoneysaa shirkadu? Ma mid adiga keligaa aad leedahay mise mid wadaag ah? Waa maxay sharciyada kala duwan ee arinkaas ku wajahani?

Waxaa kaloo iyana aad u adag in qofka soomaaliga ahi uu helo hantidii uu shirkada ku howl gelin lahaa. Maxaa  yeelay waxaa aad u adag shuruudaha bangigu qofka deynta la siinaayo uu ku xiro. Arimahaas oo dhan waa kuwo xanibaad ku ah haddiiba uu qofka soomaaliga ahi sameyn lahaa shirkad uu isagu leeyahay” 

Gebagebo 

Sida ku cad baaritaanka kor ku xusan waxaa lagama maarmaan ah in dadka soomaalida ah ee Iswiidhan ku dhaqani ka fekeraan qaabkii ay u wajahi lahaayeen suuqa shaqada ee Iswiidhan.

Waxaa lagama maarmaan ah in ugu yaraan aan dhalinta ku dhiiri gelino iney xirfad la yimaadaan. Waxaa muhiim ah inaan isku baraarujino sidii aan xubin muuqata uga noqon lahayn suuqa shaqada. Waxaa loo baahan yahay inaan dhalinteena u abuuro dad ay ku daydaan. Waa inaan aaminaa in guul laga gaari karo dhinaca shaqada iyo kan waxbarashadaba. Waxaa iyana muhiim ah inaan haddii aan nahay soomaali ka fekero halkii aan degi lahayn dalkan. Ma waxaa haboon inaan degno meel dadka ajnebiga ahi aad iyo aad ugu badan yahay mise waxaa haboon inaan degno meel ay ku yar yihiin si aan u helo fursado kala duwan. Kol aan Hayaan Ismaaciil arinkaas kala sheekeystay waxaa uu ii sheegay in ay isaga ula muuqato iney wanaagsanaan lahayd in qofku kolka uu csub yahay dego meel uu ka heli karo fursad uu ku barto xirfad shaqo.Kolkii qofku helo xirfadaas, isla markaasna uu barto luqada wadanka uu degi karo hadba halka uu doono. Maxaa yeelay qofku waxaa uu markaas taagey aasaaskii loo baahnaa si uu horay ugu sii socdo ayuu yiri Hayaan.

Fikirkaas waa mid dad badan oo aan anigu ka mid ahay ay la qabaan hayaan Ismaaciil. Maxaa yeelay meelaha dadka ajaaniibta ahi ay aad iyo aad u degan yihiin waxaa markiiba xumaata sumcada meeshaas. Ka dibna saameyn ku yeelata guud ahaan arimaha qofka.

Waxyaalaha kale ee aniga iyo hayaan aan isla garanay waxaa ka mid ah doorka dadka aqoon yahanka ah iyo weliba ururada iyo jaaliyadaha kala duwan ee soomaalida. Hayaan waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in ururada iyagoo kaashanaaya aqoonyahanka ay ay abaabulaan siminaaro iyo kulamo wacyi gelin ah. Kulamadaas oo lagu falanqeynaayo waxyaalaha qof walba laga doonaayo. Waana fursad aynu ku kala faaìideysan karno, Maadaaba ay maanta jiraan dad badan oo horumar la taaban karo ka sameeyey Iswiidhan. Dadkaas qaarkood waamadax sida hayaan Ismaaciil oo kale, qaar yihiin macalimiin, qaar yihiin dhaqaatiir, injiyeero, farsamo yaqaano kala duwan iyo weliba siyaasiyiin.

Qofkii doonaaya inuu hawshaas ka qayb qaato, ama haya feker arinkan ku saabsan waa ila soo xiriiri karaa.

Mahadsanidin. 

C/isaq Maxamed Xuseen
habdirisak@hotmail.com
Eskilstuna, Sweden

Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed ee Sweden

Gabar Soomaaliyeed oo Kaalinta Koowaad ka gashay tartanka dugsiyada sare ee Sweden....

Hogaanka xisbiga shaqaalaha Iswiidhan oo ay dumarku la wareegeen Warbixintii: C/risaaq M.

Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com