SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Ciidamada Puntland oo si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada Dhahar
  • Wasiirada iyo ciidamada Somaliland ee ka soo noqday Dhahar oo soo gaadhey Ceerigaabo iyo agagaarkeeda
  • Wasiirka Gaashaandhigga ee SL oo xilka laga qaaday...

Ciidamada Puntland oo si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada Dhahar

Ciidamada dawlad goboleedka Puntland ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag kadib markii dagaallo ay ka dhaceen galabnimadii shalay ilaa iyo xalay, ciidankii ka yimid dhinaca Somaliland-na dib loo riixay.

Magaalada Dhahar iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa soo buux dhaafiyey cutubyo ka tirsan ciidanka Darwiishta iyadoo mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan dawlad goboleedka Puntland ay haatan ku sugan yihiin gudaha magaalada Dhahar.

Wasiiru dawlaha madaxtooyada Puntland, Cali Jaamac Faarax (Cali Buureed), oo haatan ku sugan magaalada Dhahar ayaa Saxaaafada u sheegay in xaaladda magaalada Dhahar ay haatan deggantahay mas'uuliyiinta iyo ciidamada daraawiishta Puntland-na ay haatan ku sugan yihiin .

Wasiiru dawlaha ayaa intaasi ku daray in ciidankii ka yimid dhinaca maamulka la baxay Somaliland ay u baxsadeen deegaanka Biyo Guduud oo 30km u jira magaalada Ceerigaabo.

Ciidanka Somaliland ayaa wasiiru dawlahuhu sheegay saddex baabuur oo nooca dagaalka ah laga gubey haatanna aanay wax cabsi iyo dhiillo colaadeed ah aanay ka jirin degmada Dhahar.

Waa siduu hadalka u dhigaye, dhanka Maamulka Soomaaliland wax war ah kama soo bixin maanta oo ku aadan dagaalkaas.

Mas'uuliyiinta ka tirsan dawlad goboleedka Puntland ee haatan ku sugan magaalada Dhahar ayaa waxaa kamid ah wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga, Cali Cabdi Awaare, wasiirka caafimaadka Puntland, Dr Cabdiraxmaan Siciid Dhegaweyne, wasiirka kalluumaysiga, dekedaha iyo khayraadka Badda Siciid Maxamed Raage iyo wasiiru dawlaha madaxtooyada Cali Jaamac Faarax (Cali Buureed) iyo qaar ka mid ah saraakiisha ugu sar-sarreeya ciidamada daraawiishta iyo booliiska Puntland.

Maxamuud Cumar Bille
mcbille@gmail.com

Faafin: SomaliTalk, Garowe | APril 15, 2007


Wasiirada iyo ciidamada Somaliland ee ka soo noqday Dhahar oo soo gaadhey Ceerigaabo iyo agagaarkeeda
Somaliland.Org — Erigabo, Somaliland — 15 April, 2007

Ceerigaabo (Somaliland.org) – In ka badan Toban Wasiir oo shalay dagaal ku qabsaday Degmada Dhahar ee Bariga Gobolka Sanaag ayaa galabta soo gaadhey magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin, marka laga reebo Wasiirka Arrimaha Dibadda, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo isagu toos ugu soo gudbey dhinaca Hargeysa iyo Wasiirka Gaashaandhigga ee xilka laga qaaday Mudane Aadan Waqaf oo isagu kaga hadhay wasiirrada fadhiisimada ciidanku dib ugu soo gurtay ee Bariga Ceerigaabo.

Wasiirrada Somaliland waxa ay ka soo ambabaxeen degmada Dhahar saaka subaxnimadii hore, iyada oo ciidamada Somaliland oo shalay duleedka magaalada Dhahar kula dagaalamay maleeshiyada Puntland-na dib loogu soo celiyey deegaankaas.

Wasiirrada ku soo laabtay ceerigaabo ma jiro wax war ah oo ay bixiyeen, waxana la sheegay in wasiirradu ay nasanayaan oo ay diideen inay cid arkaan.

Ciidanka Somaliland ee laga soo celiyey degmada Dhahar ayaa la sheegay in la dejiyey laba fadhiisin oo Bariga magaalada Ceerigaabo ah, kuwaas oo kala ah Ceel Buh iyo Shimbiraale.

Soo noqodka Ciidanka iyo Eriga Wasiirka:

Iyadoo dib u soo celinta ciidanka Somaliland ee gaadhey jiidda Dhahar oo u dhow xuduudka Somaliland iyo Soomaaliya ay dhalisay su'aalo badan, ayaa go'aankii madaxweyne Riyaale maanta xilka kaga qaaday Wasiirka Gaashaandhigguna waxa uu iftiimiyey ismaandhaaf ku saabsan hawlgalka Gobolkaas oo marka horeba ka dhex jira xukuumadda, gaar ahaan Taliska Guud ee Ciidanka iyo Wasiirka.

Wasiirka Gaashaandhigga ee xilka laga qaaday, mudane Waqaf ayaa isagu u sheegay weriye ka tirsan Telefishanka Madaxa bannaan ee Hargeysa Tv oo la socda weftiga in sababta ciidanka dib loogu soo celiyey ay tahay khatar ka soo wejihi karaysey roobabka gu'ga ee dalka ka curtay oo laga baqayo inay jaraan waddooyinka rafka ah ee isku xidha Dhahar iyo Ceerigaabo, masaafada fog ee u dhexaysa Ceerigaabo iyo Dhahar oo iyana aan suuragal ka dhigayn in ciidanku degdeg u helo saadka iyo saannada uu u baahan yahay, iyada oo degmada Dhahar ay u jirto Ceerigaabo in ka badan 200 km oo wadadeeduna ay tahay mid raf ah, halka ciidanka Puntland taliskooda Boosaaso uu u jiro wax ka yar 30 km.

Hase yeeshee, waxa jira duruufo kale oo ku kellifey wasiirka inuu qaato go'aankaas soo celinta Ciidanka.

Weriyaha la socda weftiga, Khadar Cakule ayaa sheegay in la dareemayey kala daadsanaan ciidanka dhexdiisa ah oo ay sababtay Saraakiisha hoggaanka ciidanka iyo Wasiirka xilka laga qaaday mudane Waqaf oo ay ka muuqatay in aanay isu san-bannaanayn, taas oo la sheegay inay salka ku hayso khilaaf taxan ilaa Taliska Guud ee Ciidanka.

Warka ka soo baxay Madaxtooyada galabta ee xilka qaadista Wasiirka Gaashaandhigga ayaa isaguna tibaaxay khilaafkaas, iyada oo Madaxweynuhu ku eedeeyey Wasiirka, mudane Waqaf inuu xidhiidhka isgaadhsiinta u jaray Taliska Guud iyo isaga laftiisa oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada.

Taliyaha Ciidanka Qaranka, Nuux Ismaaciil Taani ayaa isagu ku sugan magaalada Hargeysa, maantana waxa lagu arkay Madaxtooyada, isaga oo xidhan dhar shicib ah oo aan u muuqan Taliye ciidankiisu dagaal ku jiro.

Dhinaca kale, iyada oo si weyn loo rumaysan yahay in dowladda Itoobiya cadaadis ku saartay in Somaliland ciidamadeeda kala soo noqoto Dhahar, ayaa wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo oo ay hadda ku sugan yihiin wasiirrada xukuumadda waxay sheegayaan in Wasiirka xilka laga qaaday, mudane Aadan Mire Waqaf uu xalay u gudbiyey Madaxweyne Riyaale istiqaalad afka ah, kadib markii sida la sheegay isaga iyo Wasiirkuxigeenka Caddaaladda, mudane Yuusuf Ciise Tallaabo ay diideen amar Madaxweyne Riyaale ugu sheegayo in ciidamada Somaliland laga soo saaro Dhahar, amarkaas oo wasiirrada kale oo dhami ay ku raaceen.

Lama sheegin waxa Madaxweynuhu ku sababeeyey in ciidamadu ka soo baxaan deegaankaas, balse, waxa la sheegay in Wasiirka Ciyaaraha, mudane Maxamuud Siciid Maxamed oo ka soo jeeda deegaanka Dhahar laftiisu uu wasiirrada u soo bandhigay fikrad taas la mid ah oo uu ku talinayo in ciidamada dib loo celiyo, isaga oo sheegay in dadka deegaanku ay ku kacayaan weftiga. Waxa kale oo ay wararkaasi sheegayaan in wasiirrada xukuumaddu ay marka horeba ku kala qaybsanaayeen arrinta oo qaarkoodna ay isku dhaceen mudane Waqaf.

Dagaalkii Isniintii hore ka dhacay Dhahar ayaa la sheegay sidan oo kale in Wasiirka Difaaca, mudane Waqaf uu diidey in ciidamada Somaliland aanay samaynin wax dhaqaaq ah.

Dareenka kacsan:  

"Dadka reer Ceerigaabo maanta gelinkii hore waxay sacab iyo caleemo qoyan ku soo dhoweynayeen ciidan ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo ka yimi dhinaca galbeedka, laakiin, gelinkii dambe laba qof may wadahadlayn, oo niyad jab iyo madluun ayaa ka muuqdey, " sidaa waxa Somaliland.org u sheegay weriye jooga magaalada Ceerigaabo oo sharraxayey sida dadka dareenkiisu isu beddeley markii ay maqleen in ciidamadu dib uga soo noqdeen Dhahar.

Magaalada Hargeysa oo iyada labada Askari oo ay ka tageen labada Askari ee ku geeryoodey dagaalkii shalay ayaa iyana niyad xumo iyo qalbijab weyn laga dareemay.

Si kasta oo ay wax u dhaceenna, xil ka-qaadista Wasiirka Difaacu ma noqon mid dhaymo u noqota niyadxumada shacbiga Somaliland.

Guddida Madaxweynuhu u magacaabay hawlgalka Gobolada Bari ayaan iyana la qeexin waxa ay qabanayaan iyo waajibkoodu waxa uu yahay. Weftigaas oo Madaxweynuhu amray inay berrito baxaan, waxa la sheegay in ay ambabaxayaan Salaasada oo saaddameb noqonaysa.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.
Source: Somaliland.org

Xisbiga RPP ee Puntland oo Digniin u Diray Geeddi
Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka RPP ee midowga Yurub ayaa...
Akhri.... Apr 12

soolDAGAALKA, BATROOLKA IYO SOOMAALIYA
Qofkii raba in uu si dhab ah u fahmo cinwaannada wararkii ugu dambeeyey
Akhri..
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com