SALIM
LONE “Haddii Mareykanku uu ciribtirayo
argagixiso, waxay ahayd inuu gacansiiyo
Maxkamadaha Islaamiga”....
Waxaa dhawaan lagu
qabtay magaalada Leicester ee dalka UK shir
ballaaran oo ay ka soo qayb galeen wufuud
metelaysa Golaha Maxkamadaha Islaamiga,
Baarlamaanka ku meel gaarka ah iyo qurbe-joogga
Soomaalida (Somali Diaspora). Shirkan oo lagu
falanqeeyey arrimaha Soomaaliya waxaa dadkii ka
soo qayb galay ka mid ahaa Salim Lone oo ah
khabiir ku xeeldheer arrimaha wadammada
colaadaha iyo xaaladaha qallafsan ay ka jiraan,
sida Soomaaliya iyo Ciraaq. Wuxuu khabiirku
shirka ka jeediyey mawduuc cinwaankiisu ahaa
Argagixisada Caalamiga iyo Gobolka Geeska Afrika
(International Terrorism and Horn of Africa).

Salim Lone iyo Mohamed Ingiriis
Salim Lone,
wuxuu markii hore ahaan jiray journalist. Inta
badan noloshiisa wuxuu khabiirku ku noolaa
waddanka Kenya oo uu jinsiyaddiisa haysto.
Sannadkii 1982 ayuu isaga cararay Kenya, markii
dowladdu ay soo saartay maxkamad iyadoo ku
eedeynaysa inuu si adag u dhalleeceeyey. Wuxuu
markaas u cararay Mareykanka, halkaasoo
nasiib-wanaag uu shaqo ka helay Qaramada
Midoobay.
Sannadkii 1986
ayaa dowladda Kenya waxay u soo jeedisay inuu
dalkiisa dib ugu soo noqdo. Markuu ku noqday
ayaa lagu xiray Nairobi. Cadaadis ka yimid
Qaramada Midoobay ayaa kaddib lagu sii daayey,
balse dowladda Kenya waxay la noqotay
dokumentigiisii dhalashada. Muddo dheer wuxuu
ahaa nin aan dal lahayn (stateless).
Kaddib markii
xukuumad cusub ay ka dhalatay Kenya ayaa dib
loogu yeeray, waxaana loo celiyey jinsiyaddiisii,
isagoo isla markaana laga dhigay afhayeenka
dowladda. Sannadkii 2003 wuxuu ahaa afhayeenka
Qaramada Midoobay ee Ciraaq markii halkaas lagu
dilay Ergaygii Xoghayaha Guud ee Qaramada
Midoobay, Sergio Vieira de Mello. Wuxuu joogay
goobta markii uu nin isku qarxiyey dhismaha
Qaramada Midooday ee Baqdaad.
Haddaba, intii
uu socday shirkii Leicester ayaan la fariistay
Salim Lone, waxaana na dhex maray wareysigan:
Ingiriis:
Waxaa ii muuqata inaad xiiseyso arrimaha
Soomaaliya. Haddaba, goormee kugu dhalatay inaad
isha ku qabato, maxaase kugu dhaliyey?
Lone:
Markii aan yaraa waxaan ku noolaan jiray
xaafadda Eastleigh ee Nairobi. Waxaad ogtahay in
Soomaali badan ay halkaas ku nool yihiin.
Sababtaas awgeed, iyadoo Soomaaliduna ay yihiin
dad Muslim ah, xiriir fiican ayaan la leeyahay
mar walba, saaxiibo badan ayaanna ku leeyahay
Soomaalida. Xiisahayga ugu weyn wuxuu yimid
markii dad badan oo Soomaali ah lagu xasuuqay
dalka Kenya sannadihii toddobaatameeyadii iyo
siddeetamayadii. Wargeys aan qori jiray ayaa
arrimahan aad wax uga qoray xilligaas. Dabcan
waqtigan, Soomaaliya waxay noqotay dalka afraad
ee adduunka ee la haysto; Ciraaq, Afghanistan,
Palestine iyo Somalia.
Ingiriis:
Adigoo eegaya waxa hadda ka dhacaya Soomaaliya,
muxuu yahay sawirka aad ka bixin lahayd?
Lone:
Sawirka aniga iiga muuqda Soomaaliya waa inay
tahay meel gebi ahaanba fowdo ah oo qalalaase ay
daashadeen. Waxaa soo kordhay dalkii oo xoog
lagu qabsaday. Waxaa socda xoog ku haysasho,
taasoo ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobay.
Waxaa dhacaaya wax aad u xun.
Ingiriis:
Waxaa mar kasta lagu soo celceliyaa in
Soomaaliya ay xarun u noqotay argagixisada
(terrorist haven and hub). Sidee u sharrixi
lahayd arrintaas?
Lone:
Tani waa su’aal aad iyo aad u xiise badan,
sababtoo ah waa sida George W. Bush uu uga helo
taageerada dadka Mareykanka iyo bulshada
caalamka inuu argagixiso la dirirayo. Bal aan si
qeexan u caddeeyo arrintan; waxaa jiray weeraro
loo geystay safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo
Tanzania, waxaana ku dhintay dad badan. Haddaba,
runtu waxay tahay, ma jiro qof Soomaali ah oo ka
qayb galay qaraxyadii ka dhacay safaaradahaas
Mareykanka. Soomaalidu ma ahan nooc u sameysan
qaabka argagixisadu u howlgasho. Waxay taas
ahayd been-abuur lagaga soo horjeedo Soomaalida.
Sida ugu wanaagsan ee lagula dagaallami karo
argagixiso meel walba, waa in ammaanka la sugaa,
waxaana nabadgelyada Soomaaliya sugay
Maxkamadihii Islaamiga. Maxkamaduhu waxay
culeyska saareen soo celinta ammaanka iyo kala
dambeynta, taas beyna ahayd waxay ku guuleysteen.
Haddii maamulka Mareykanku ay ka dhab tahay inuu
ciribtirayo argagixiso, waxay ahayd inuu
gacansiiyo Maxkamadaha Islaamiga. Mareykanka iyo
Ethiopia waxay aqoonsan yihiin in dowladda
Cabdullaahi Yuusuf aysan awood lahayn oo aysan
maamuli karin Soomaaliya. Waxaad arkaysaa in
Mareykanka iyo Ethiopia ay toos ula hadlayaan
madaxda qabiilka Hawiyaha, waayo wey ogyihiin in
dowladda ku meel gaarku aysan waxba maamulin.
Waxaa laga hadlayaa nabadeyn iyo dib u
heshiisiin, sidaa awgeed inta ay Ethiopia joogto
Soomaaliya ma dhici karto wax dib u heshiisiin
ah.
Ingiriis:
Dowladda Ethiopia waxaa loo arkaa inay tahay
adeegihii Mareykanka ee gobolka Geeska Afrika.
Miyeysan kula ahayn inay ka faa’iideysanayso
taageerada Mareykanka?
Lone:
Waxaa jira wadammo badan oo adduunka ah oo ka
faa’iideysanaya dagaalka Bush ee looga soo
horjeedo argagixisada. Ma sameyn kartid inaad
qalalaase kale damiso adigoo abuuraya qalalaase
kale. Waddanka ugu dhow Mareykanka gobolkan
Geeska Afrika waa Ethiopia. Waxaa Ethiopia hadda
ka jira xukun keli-talis ah. Waxay marka
Ethiopia wajahaysaa hadda iska caabin iyo
weeraro ay ku hayaan jabhado ka jira gudaheeda.
Waxaa kaloo weli aan xal rasmi ah laga gaarin
arrinta xuduudda ay la wadaagto Eritrea.
Dowladda Meles Zenawi waxay sida caddaanka ah ka
faa’iideysanaysaa dhaqaalaha Mareykanka uu ku
bixinayo la dagaallanka argagixisada. Dhanka
kale, Ethiopia waxay ka welwelaysaa inay
Soomaaliya xarun ka dhigtaan kooxo iyada ka soo
horjeeda. Soomaalidu, runtii, waa inaysan
oggolaan kooxaha noocaas ah, si aanu cudurdaar
iyo qiil uga soo bixin meesha.
Ingiriis:
Dad badan oo aqoonyahanno ah ayaa waxay ku
macneeyaan waxa loogu yeero dagaalka lagaga soo
horjeedo argagixisada (War on Terror) inuu yahay
mid lagaga soo horjeedo Islaamka (War on Islam).
Ka warran doodda noocaas ah?
Lone:
Maya, ma qabo sidaas. Ma ahan dagaal lagaga soo
horjeedo Islaamka ee waa dagaal lagaga soo
horjeedo bini’aadamnimada (humanity). Dad badan
oo aan Muslim ahayn ayaa ku dhimanaya dagaalkan.
Si fudud ayaa qof kasta u rumeyn karaa in
dagaalkan la leeyahay waxaa looga soo horjeedaa
argagixisadu uu yahay mid ku wajahan Islaamka.
Inkasta oo dhammaan dalalka afarta ah ee hadda
la haysto ay yihiin Islaam, kuwa haystana ay
dhacday inay yihiin reer galbeed ama Christian,
haddana dagaalkan waa mid ku wajahan
bini’aadamka oo dhan. Mareykanku waxay leeyihiin
bartilmaameed cad oo ah ajande qarsoon oo ay ku
xukumayaan dalalka kale.
Ingiriis: Dagaallada ka socda Muqdisho waxaa
khubarada qaar ku tilmaameen xasuuq (genocide).
Ma laga
dhigi karaa Genocide?

Dr Ibraahin Xassan Caddow iyo Mohamed
Ingiriis

Ingiriis iyo
Drs Xaliima Yareey oo ka mid ahayd
ergooyinkii ka yimid Minneapolis

Maxamed
Ingiriis iyo Cilmi Daqare oo ka mid ahaa
dadkii shirka ka soo qayb galay |
Lone: Ma
hubo in laga dhigi karo Genocide. Shaki la’aan,
waxa dhacay waa dambi ka dhan ah
bini’aadamnimada (crime against humanity). Waxay
ka soo horjeedaa dhammaan shuruucda
bini’aadamnimada (all humanitarian laws).
Ingiriis:
Laakiin waxaan maqleynaa in European Union loo
gudbiyey in dagaalka ka dhacay Muqdisho ay
ciidanka Ethiopia ka geysteen Genocide.
Lone: Haa,
meelo badan ayay ka socotaa qayla-dhaanta, waana
suuragal in la dhegeysto. Waxa hadda ka dhacaya
Soomaaliya waa wax wuxuushnimo ah oo
bini’aadamnimada ka baxsan. Laakiin Genocide waa
erey xoog badan. Waxaan u maleynayaa inaysan ku
filnayn in la isticmaalo ereygaas.
Ingiriis:
Ma u maleynaysaa in mar ay noqoto la maxkamadeyn
doono qabqablayaasha dagaalka ee Soomaaliya
muddada dheer ka waday colaadda ee hadda
gashaday ‘shaarka dowladda’?
Lone:
Waa arrin adag arrintaas. Waxaan haysannaa
qabqableyaal dagaal wadammada Soomaaliya iyo
Afghanistan. Waxay ku jiraan habka dowladda,
taasoo siinaysa impunity aan lagu maxkamadeyn
karin, hase yeeshee kuwa sameeyey dambiyo dagaal
waa inaysan baxsan marna.
Ingiriis:
Laakiin ka warran tusaalaha Charles Tylor?
Lone:
Waa dhibaato iyada laftirkeeda. Haddii aad ka
soo horjeeddo Mareykanka oo aad tahay dambiile
waxaad halis u tahay in Maxkamad lagu soo taago.
Haddiise qofku uu dambiile yahay, laakiin uu
Mareykanka taageersan yahay, wey adag tahay in
la maxkamadeeyo qofkaas, wuxuuna haystaa
magangelyo sare.
Ingiriis:
Mushkiladda ka aloosan Soomaaliya awgeed, ma
kula tahay in Somaliland ay fursad u helayso
aqoonsi (recognition)?
Lone:
Waan taageeraa anigu xaqa ay dadyowga adduunku u
leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan. Tusaale,
waa macquul in Kosovo ay gaar noqoto iyo
koonfurta Suudaan. Waxaan qabaa in dadku ay xaq
u leeyihiin aayahooda. Marka dad meel ku nool ay
go’aansadaan inay go’aan, waxaan qabaa inay xaq
kasta u leeyihiin. Inkasta oo Soomaalidu ay
wadaagto af, luuqad, dhaqan iyo diin mid ah
haddana taas macnaheedu ma ahan inaysan kala
tegi karin. Waxaase jira xaqiiqo ah in
Somaliland aysan weli ka jirin referendum heer
caalami ah oo adduunku isku raacsan yahay. Illaa
iyo inta laga sameynayo afti noocan ah, ma
aqbali karno afti kale.
Ingiriis:
Adigoo muddo dheer ku noolaa Kenya, lana socda
aafada ka jirta Africa, ma u maleynaysaa in
gobolka Geeska Afrika uu sannadahan dhow ka bixi
doono colaadaha?
Lone:
Gobolkan waa gobol aad u dhibaateysan.
Suudaan haddaad eegtid,
dhibaatadeedu kuma eka oo keliya Darfur ee meelo
kale ayaa dhibaatadu ka jirtaa. Dad badan
waxay moodaan in mushkiladda Suudaan ay tahay
Darfur oo keliya. Eritrea haddaad eegtid,
lafteeda waxaa ka jira xukun keli-talis ah.
Ethiopia waxaa dowladda la dagaallamaya jabhado
badan oo ay ugu xooggan yihiin Amxaaradu. Marka
gobolkan Geeska Afrika waa meel aan degenayn oo
kacsan. Inshaa Allaah, maalin maalmaha ka mid ah
wey dhacaysaa in la helo gobolka Geeska Afrika
oo dadka ku dhaqan ay bartaan inay si nabadgelyo
ah u wada noolaan karaan.
Qore: Maxamed
Xaaji (Ingiriis)
Email:
Ingiriis@yahoo.com
Faafin:
SomaliTalk.com | April 18, 2007
LABA SALAAD: Salaad Gabeyre iyo Salaad Cali xaggee iska shabahaan? - Billowgii afgambiga..
Akhri...