QARAN-DIIDKII MUQDISHO OO WAJIGGIISII RUNTA AHHA LA
SOO BAXAY!!
MOORYAAN MAGACYO BADANAA!!
Dr.
Maxamed X. Siciid. Al-Jabarti.
al_jabarti@hotmail.com
Dhibaatada Somalia
ee 17ka sano taagan waxay ka bilaatay Muqdisho.
Muddadaas dheerna waxaa xal u heliddeeda hortaagan
Muqdisho. Xoogagga dumiyay Qarankii Soomaaliyeed
1991kii Qarankaas oo dhisnaa muddo gaaraysa 30 sano
marna kama daalin in ay fashaliyaan isku-day kasta
oo ku wajahan soo noolaynta gobonimada iyo
qaranimada dadka iyo dalka Somalia. Kooxahaas
QARAN-DUMINTA IYO QARAN-DIIDNIMADA waxay ka dhigteen
mabda' iyo Idologiyadd siyaasadeed oo laga ma
leexdaan ah. Muqdishana waxay ka dhigteen Xarun
iyaga loogu xuddun-xiray oo aaan cid kale loo
ogolayn in ay la timaaddo fikrad tooda ka duwan.
Siyaasaddaas ah oo aad mooddo in ay ka dhigteen DIIN
MUQADDAS ah way ku salaynsantahay ku daa'iminta
Dalka xaaldda Dawladd la'aanta iyo burburka.
Kooxahaasi marba
waxay qaadataan magaca iyo midabka ay u arkaan in
uu ku habboonyahay marxaladaha kala duwan ee ay
marayso qaddiyadda Somalia. Hadaad si dhab u
dhuuxdo waxaa kuu muuqanaysa in kasta oo maryaha iyo
cimaamdaha, magacyada la kala beddelo- ay haddana
ulajeedada, tabaha iyo hoggaanku uu midaysanyahay
muddadaas kur u dhaaftay 16ka sano.
Qormadaan waxay ku
soo qaadaya MARXALADAHA ay soo mareen kooxahaani si
ay dadka ugu sahlanaato fahamka arimaha waqtigaan
ka socda Muqdisho. Waana tan :
1- MARXADDII
QARAN-DUMISKA:
1990kii waxaa ka
socoday gobollada waqooyi ee dalka dagaal xooggan oo
ay SNM kula jirtay dawladdii M.Siyaad barre. Waxaa
kale oo jiray dagaallo aan xiriir ahayn oo ay wadday
SSDF oo xilligaas daciiftay. Waxaa muuqatay in M.S.
Baree ay xukunkiisii ka hartay maalmo kooban. Taas
waxay ku dhalisay rag qorba-joog ahaa oo ka tirsan
beelaha Hawiye in ay iyaguna dhistaan Jabhada
beeshooda u gaar ah si aysan uga qadin dhaxalka M.
siyaad. Jabhadda waxaa dhisay sakhsiyaad aqoonyahan
ah oo badankoodu ku noolaa dalka Talyaaniga. Waxaana
lagu asaasay magaalada Roma 1990kii Jabhadda USC oo
ay iska leedahay hal beel oo qur ah una adeegaysa
danaha beeshaas.
1992kii
billawdeedii ayay USC ku guulaysatay in ay M.Siyaad
ka saarto Muqdisho. Waxnse is-waydiinaynaa waa Tee
USCda Xamar qabsatay?
Jawaabto waxay
tahay: Waa USC ka duwan tii 1990kii Roma lagu dhisay.
Waxaan Shaki ku jirin haddii DAACADD loo hadlo in
aqoonyahannadii Ururkan bilaabay aysan maskaxdooda
sina uga marnayn ulajeedooyin dawladeed iyo qaranimo
Somali iyada oo la waafajinayo danaha Beesha.
Waxaase Jabhaddii
gacanta u gashay kooxo dhallinyaro ah oo baadiyaha
laga soo ururiyay iyo qaar suuq-joog ah oo
shaqalaawe ka ahaa magalooyinka. Xogaggaan wax-ma-garadka
u badan ee qabsaday Muqdisho waxa lagu soo
wacyi-geliyay nacayb iyo cadaawaad reer iyo nacayb
dawladeed oo loogu sawiray in uu hal cadaw yahay oo
laba magac leh. Muqdisho markay gacanta ku dhigaynba
waxay ku hawwl-geleen mabda' ah baabbi'inta
cadawgga ama LA DAGAALLANKA BEEL IYO DAWLADD.
lama inkiri karo in
ay jireen qaar badan oo USC ah oo Aaminsanaa
fikradihii odadyaashii bilaabay ururka laakiin waxaa
qaaday daadkii aqlabiyadda. Hoggaankii iyo
awooddiina waxay ku wareegtay dadkaan wax-ma-garatada
ah ee ku caan baxay magaca MOORYAANTA
Saas ayay
Qaran-duminta iyo burburrinta dalku u ahayad
siyaasadd qorshaysan oo lagu hawl-galay. Waxaa laga
bilaabay burburinta iyo bililaqada xafiisyadii iyo
dhismayaashii dawladda oo ay ugu horayso waraaqihii
iyo dukumentigii la kaydinayay in ka badan 100 sano.
Waxaa qaaday olole nidaamsan oo aan ku magacaabi
karo: XIDID-SIIBIDDA QARANKA.
Magaaladii
caasimadda ahayd waxaa loo qaybiyay xaafadaheedii
Jilibyada Beesha Hawiye. Somali-wayn tii kale waxaa
laga nadiifay magalada. Hantidii guud iyo tii gaar
ahaaneedba waa lakala buubay. Nin kasta waxii
gacantiiso gaatay ayuu magaciisa ku qortay :HEBEL
BAA XORAYSTAY.....iwm. Xooggaan Mooryaanta waxaa la
taxaalufahay ganacsato cusubb oo ka maalaysatay
bililaqadii hantida dalka iyo ganacsigii xaaraanta
ahaa ee burburka. Waxayna ku qotomiyeen
siyaasaddooda ka hor-tagga wax kasta oo keeni kara
Dawladd xataa hadday tahay Dawladd-hoose oo loo
dhiso magaalada Muqdisho ama magaalo kale oo hoos
timaada beelaha Hawiye.
2- MARXADDII KALA
JABKA:
1992-1993kii Waxaa
isu-muuqday beelihii USCda ee Muqdisho ku
kaliyaystay. Waxaa muuqtay sidii loo kala badsaday
bililqadii hantidii guud iyo gaar ee dalku la haa.
Waxaa kale dalka ku soo qulqulay gargaar caalamiah
oo loo waday dadkii ay ku habsatay macaluushii
waqtigaas saamaysay gobollada koonfurayd ee Somalia
oo dadku u dhimanaeen kumaankun maalintii.
Gurmadkaan oo u badna Raashin iyo Daawo ayaa isaguna
dhaliyay is-maan-dhaaf culus oo la xiriira qoladii
gargaarka qaybin lahayd. Waxaana halkaas ka dhashay
dagaallo sababay xiritaanka dekadda iyo airporka
magaalada. Colaadaas oo keentay kala jabkii USCda
ee labadii garabb ee ay kala hoggaaminayeen Cali
Mahdi iyo M. Faarax Caydiid.
labada garab waxaa
dhexmaray dagaalo ka fool-xun oo khasaareheeda nafta
iyo maalku tobanaan jeer ka waynyahay kii
dagaalladii M. Siyaad laga saaray Dalka.
Dagaalladaan waxay
keeneen fara-ggelintii ciidamada Maraynka si loo
gaarsiiyo gargaarka dadka gaajada ugu dhimanayay
tara-tarab. Hawl-galkaas oo loogu magac-daray:
RAJO-SOO-CELINTA. Halkaaana waxaa ka dhashay
mashruucii UNka ee ku wajahnaa sidii Somalia looga
soo dabbaali-lahaa nabadd, maalmul, sharci iyo
kala-danbayn. kaas oo loo yiqiin UNISOM.
UNISOM waxaa la
dagaallamay oo fashaliyay USC. Siyaasaddaasna waa
mid la fahami karo waxaayna ka tarjamaysa Mabda'a
beelahaas ee ahaa is-hortaagga mashruuc kasta oo
keeni kara awood-qaybsi beelaha Somala ama soo
noolayn kara waxa ay u arkayeen caddawgooda kawaad
ee ahaa DAWLADD iyo QARAN.
3- MARXALADDA
BURBURKA USC:
Dagaalladii labadii
garab ee USCda markii ay dheeraadeen laguna kala
adkaan-waayay waxaa billaabantay marxaladd cusubb oo
ah in garab kastaa uu u sii kala qaybsamo kooxo
yayr-yar oo ku salaysan jilibyo hoose. Burburkaas ku
dhacay labadii garab wuxuu abuuray dagaallo fool-xun
oo ka darran kuwii soo maray labadii garab.
Garabkii Caydiid
ayaa u kala jabay laba jilibb oo Muqdisho ay ku
dhexmartay dirir dhallaan-gawrac ah oo makii danbe
salfatay Caydiid naftiisii. Garabkii Cal Mahdi ayaa
isaguna sidaa si ka daran u burburay. oo Jilibyadii
ay u sii kala baxeen jifooyin birta iska aslay oo
dirirtoodu aysan ku ekaanin Muqdisho balse u
guddubtay baadiyiha iyo ceelasha ay dadka iyo
xooluhu ka cabbaan. Waxaa kale oo soo baxay kooxo
hubaysan oo magac iyo sumadd midna lahyn oo ka
xoogsada dilka iyo dhaca.
Muqdisho waxay
noqotay goobo-dagaal oo ay isku hardiyayaan jilibyo
iyo lifooyin kala duwan oo isku beel ah iyo JINNI
iyo JAAN aan tilmaanba lahayn oo idilkood ku
hardamaya gacan ku haynta ISBAAROOYINKA. Goob walba
waxaa ka taliya nin kaapo-mooryaan ah oo awooddii
kala wereegay siyaasiyiintii jilibkiisa. Nimaankaan
oo ku caan baxay magaca: QAB-QABLAYAASHA-DAGAALKA.
Qab-qabluha waxaa
taageeraya Mooryaanta uu madaxda u yahay oo
jilibkiisa u badan, ganacsato booli-hodan ah iyo
waliba Maxkamadd Magac Islaam la huwiyay oo u
kiraysan ganacsadaha oo lagu baqdin geliyo dadka
caadiga ah si aysan u uga hor-imaanin Qabqablaha iyo
ganasade-xaaraanka. Qofkii falkaas lgu tuhmana
Maxkamadd ku sheegga ayaa qoorta u dheeratsa ama
gacmaha looga jiraya mindi saawir ah oo lagu silciyo.
Marxaladdan oo ah
tii ugu waqti dheerayd 1994-200 cidina ma filaynin
in la soo qaado dhisme maamul-Muqdisho iyo mid
dawladiid toona.
4- MAXLADDII
DAWLADDII CARTA:
Marxaladdaan oo
qaadatay afartii sano ee dawladdii CARTA waxaan oran
karaa wax-wayn kuma soo kurdhinin xaladda Muqdisho
oo aan ka ahayn kala jajabkii beelaha oo sii
sarrifmay iyo dagaalladii isbaarooyinka oo batay.
Waxaan ku tirin karaa maxaladdan Carta in ay ahayd
tii ka horaysay oo sii luga-fidsatay. Dawladdii
Carta oo ay dhiseen ganacsato shirkadd ah oo isugu
jiraa reer Jabuuti iyo reer Muqdisho waxaa sacabka
Carta ugu garaacay xamaasadna ku taageeray dadka
qurbaha ku noolaa ee Somaaliyeed oo u oomanaa in ay
helaan qaran Soomliyeed oo ay kaga baxaan silica iyo
dulliga ku haysta qurbaha wayse ku hoggoobeen.
Dawladd shirkad ganacsato iyo jaaliyado dalka
dibaddiisa deggan dhiseen la sugaynin in ay wax ka
beddesho Xamar iyo xaaladaheeda.
Haddaan ka baxno
Muqdisho oo aan milicsanno gobollada dalka waxaan
ognahay in Dawladda Carta ay ka hurisay gobolladii
dalka ee nabadda ahaa dhibaatooyin iyo dagaallo
Sokeeye-sokeeye oo ka shidday PUNTLAND iyo BAY-
BAKOOL ama RRAda. SOMALILAND iyada waxaa la geliyay
khal-khal siyaasadeed.
Shir-waynihii Carta
waxa Cahdi-Qarameedka lagu qeexay in Magaalada
Baydhabo noqoto Casimadda KMG ah ee dalka. Waxaase
ka leexday Ganacsatadii Muqdisho oo qabay fikadda
dawladd-diidka ah. Muqdisho markii la tegay madaxdii
dawladda wixii reer USC ahaa nin kastaa wuxuu dabada
la galay mooryaantiisii. Madaxdii ka soo jeedday
beelaha ka baxan USCda kuwaas oo loogu magacaabay
beelaha aan hubaysnayn waxay MAGAN u noqdeen beelaha
iyo jilibyada USCda ee ay ku leeyihiin qaraabo,
saaxiibbo ama af-garasho.
Dr. Cabdi-qaasin
wuxuu la galay beelaha Hawiye (
Qabqablayaasha-Ganacsatada-Maxkamadaha )
wada-xaajoodyo guud oo heer Hawiye ah iyo kuwo
Gaar-gaar ah oo heer jilib iyo Jifo ah in ay
taageeraan Dawladdiisa. Dadaalladaas oo dhan wuu ku
hogoobay markii si caddaan ah loogu sheegay in aysan
DOONAYNIN DAWLADDIISA IYO MID KALA toona.
Diidmada ugu adaga
waxay kaga timid beeshiisa CAYR oo aan u kala harin
Ganacsato iyo Maxkamadd.
Sidaas ayayna
dawladdii Carta isgu hawlin in ay maamulkeeda
gaarsiiso degmo ka mid ah degmooyinka Xamar meel
kalna hadalkeed iskaba dhaaf. Waxayna ku qanacday ka
qab-gaalka shirarka dibadda iyo KHUDBADO KHAYAALI
AH oo xambaarsan xamaasadd waddaniyadeed oo uu
Madax-waynhu akhriyo munaasbadaha waddaniga ah iyo
ciidaha diiniga ah.
5- MARXALADDII
MAXKAMADAHA:
Maxkamadaha
Muqdisho Waxaa abuuray 1993dii Ganacsato ku hodmay
xaaraantii burburka Dalka. Abuurintaankoodu
ma ahayn mid raad
ku leh diinta Islaamka. Nidaamaka Islaamka Maxkamadd
waxaa dhisi kara oo kaliya Dawladd Taasina waxay
duntay billawgii 1992dii. Qasadka Ganacsataduna
waxuu ahaa in ay ku ilaashadaan maalkooda boolida
ah . Kharashka wadaaddada Maxkamadaha iyo
maaliisiyadeedaba waxaa lahaa ganacsatada.
Waxaa dhismay
maamul-shayddaan oo mucaqadd ah oo ka kooban :
Qabqablayaal-dagaal, ganacsidto iyo maxkaakimado oo
kulligood Dawladd-diid ah.
muddo toban sano ka
badan ( 1994-2004 )ayaa dagaal aan kala go' lahayn
ka dhex-socday Qabqablayaashaiyo Ganacsatada oo
kuwooda waa-wayn oo yeesheen maliisiyooyin aan ka
tabar yareen kuwa Qabqablayaasha oo iyaguna ka
qayb-qaata dagaallada aan dhamaadka aqoonin.
Dagaalladaasi waxay Aakhirkii daciifiyeen
Qabqablayaashii iyo Ganacsatadiiba.
Maxkamaduhu toban
kaa sano way sii xoogsanayeen. Waxay sameeyeen
maliisiyooyin iyaga u gaar ah. Waxay iibsadeen hub
iyo saanadd fara baddan waxaanay noqdeen QUWADDA ugu
xoog-wayn ee Muqdisho.
Markii lagu dhisay
Dawladda KMG dalka Kenyaa 2004 Maxkamaduhu waxay u
arkeen in ay tahay KHATARKA kaliya oo ku soo foolle
himiladoodii ahayd in waddanka Somalia ku dhigaan
gacanta. Waxaayna go'aansadeen in ay baabbi'yaan
DKMG ah inta aysan tabaraysanin.
QABSASHADII
MUQDISHO:
Qabqablayaashii
dawladda wax ka dhisay ee dhaarta kitaabka ku maray
Nairoobi markii ay isu rageen Mucaaridd waxaa la
taxaalifay Maxkamadii Muqdisho oo isu arkay in
hayaan quwadda ugu wayn ee dhaqaali iyo ciidan.
Waxaana u muuqatay laba arimood oo kala ah:
A- Dawladda KMG ah
oo mustabalka xoogaysanaysa. Iyada oo heli doonta
awood ciidan oo isugu jira. kuwo ajnabi ah oo
Caalamku soo diro siiba Afrika iyo kuwo Somali ah oo
gudaha dalka laga abaabulo.
B- Qabqablayaasha
iyo ganacsada Muqdusho- inkasta oo ay hadda isku
xulafo yihiin-misana Maxkamaduhu waxay Aaminayn in
ay yihiin danaystayaal is-rorogga iyo is-beddelku u
yahay xirfadd ay ku dhaqmaan. Waxaa kale oo
Maxkamadu u arkayeen xulafadooda Muqdisho in ay
yihiin kuwo aan daacadd noqon karin layskuna
hallayn karin. Waxaana la go'aamiyay in horta iyaga
laga takhalluso Maqdishana Gacanta lagu dhigo.
Waxayna Maxkamaduhu
qaadeen waqtigaan oo kale ee sannaddkii hore
Dagaalkii dhexmaray Qabqablayaasha iyo Ganacsato
dhinac ah iyo Maxkamadaha iyo Ganacsato dhinac ah.
Dagaalkaas oo ahaa kan ugu khasaare-nafeedd badnaa
oo hal mar ka dhaca Muqdisho. Waxaa ku naf-waayeen
dad lagu qiyaasay 3000 ( saddex-kun ) oo ruux iyo
dhaawac tira beelay oo markii Muqdisho looga waayay
meel la kala geeyo iyo cidd u gargaarta ay khasabb
noqotay in baaqyo loo diro Gobollada Puntland,
Somalland iyo Dunida si loo caawiyo kumaankunkii ku
dhaawaca ahaa.
MAXKAMADAHA IYO
DAWLADDNIMO :
Waxaa la oran karaa
Maxkamadu dhisma dawladeed iyo soo celin Qaran
Somaliyeed ma hayn mid qorshahooda .meelna ka soo
gasha. Sababtana waa mid la wada fahmi karo oo iyagu
waxay jirayaan inta ay burburka iyo dawladd la'aanto
jiraan. Haddii dawladd la helana in ay mesha ka
baxayaan.
lixdii bilood ee ay
Muqdisho haysteen way diideen in ay ka dhisaan wax
maamul ah. Taas oo qur ah ma aha ee waxay ka
ilaaliyeen khuddbadahooda iyo hadalladooda IRAYGA
DAWLADD la yiraaho. Waxaa kale oo aan qorshaha ugu
jirin in ay DKMG ah wax la qaybsadaan. Waxayna
dhegaha ka furaysteen talooyinkii uga imanayay dadka
Somaliyeed ee gudaha iyo dibadda dalka iyo Muslinka
kaliba oo ku booriyay in ay la heshiiyaan dawladda
iyada oo wax-wayn loo ogolaa.
Maxkamadahu waxay
ka marnaayeen aragti-siyaasadeed nooc ay ahaataba
gudaha iyo dibadda. Waxaase ka muuqatay in aysan
Somalinida Aaminsanayn iyaga oo meesha ay
qaybsadaanba saarayay CALANKA MADOOBA EE SHIICADA
lagu yiqiin . Waxaana meela dhawr ah lagu lagu
IHAANEEY CALANKA SOMALIA. Waxay madaxdooda sare
Aaminsanaayeen Afkaar aan caddayn oo muggddi ku jiro
oo hadafkeedo yahay in Somalia laga sameeyo IMAARADD
ISLAAM AH oo ay u simanyihiin muslimiinta caalamka
oo dhan. Sidaas ayay uga sii shisheeyeen xataa
mooryaanta Qaran-diid caaddiga ah oo waxay ahayeen
SOMALI-DIID.
MAXAY SOO
KURDHIYEEN MAXKAMADUHU`?.
Waxaan ku jawaabi
karaa : Waxaay soo hooyeen dhibaatooyin aan xad
lahayn oo soo gaartay dadka iyo Dalka.
Dhibaatooyinkaasi qormadaan kuma soo tirin karo
waxaana la sugayaa qormo kale-- haddii Alle idmo--
Waxaase innagu filaan in aa xuso in colaaddii ay
huriyeen ay salfatay NAFTA 10 000 ( taban kun ) oo
badankoodu yahay dhallinyaro arday ah oon tababar la
siinin. Dadkaas saddex kun lafahooda Muqdisho ayay
ku qabsadeen. Saddex kunna waxay lafhoodu haallaan
forantada waqooyi ee Baydhabo ee BUUR-HAKABA,
DAYNUUNAY IYO MOODE-MOODE. Afar kunn ee kale waxay
gobteen dabbkii ay ka shideen Forontada koonfureed
ee Baydhabo lafahoodiina waa kuwa daadsan IIDAALE,
DIIN-SOOR IYO BU'AASLE. Xaqiiqo ahaan lama haayo
tirakoob rasmi ah laakiin tani waa qiyaas ay
sameeyeen koox khubaro ah oo isku-tacalluqiayay
khasaaraha dagaalkaas.
Midda aan tan hore
ka sahlanayn ee ay sababeen Maxkamadu waa in u soo
jiideen Dalka IMAATINKA CIIDMO AJNABI OO DAGAAL ku
soo gala . Waxaan la inkiri karin in DKMG ah iyo
Bushada Caalamkuba qorsheeyeen in Dalka la geeyo
CIIDAMO NABADD-ILAALINah. Waxaana u dhexeeya farqi
wayn labada hawl-gal oo aan meella iska soo gelin.
Hawl-galka dagaal ee ciidammada Itoopia kuma jirin
qoraha DKMG ah oo ma jirin wax baahi ah oo loo qabay.
Waxaase uu ka dhashay isk-daaygii Maxkamaha ee
qabsashada BAYDHABO iyo Taahdiidkii nacasnimada ahaa
ee malin kasta ay u jeedinayeen Itoopia iyo
Caasimaddeeda Addiis-Ababa.
5- MARXLADDA
SHAARKA-HAWIYE:
Marxaddani oo ah
tii uga danbaysay oo ah ahna tan maanta lagu jiro.
Waxaa Muqdisho ka wada dagaal-qaran-diid ah kuwa
isku magacaabay BEELAHA HAWIYE. Waxaa is-waydiin leh
: Ma kooxo cusubb oo Qarandiid ah ayaa Hawiye ka soo
baxay maanta ? Mase waa haraagii Maxkamadaha? Mase
duulal kale oo cir-ka-soo-dhac ah?
Jawaabto waxay ku
jirtaa marxaladaha aan soo taxay ee ay Muqdisho ku
sugnayd 17 kii sano ee la soo may. Waa qaybtii uga
danbaysay ee dagaallada iyo coladaha Xamar ee aan
macnaha lahayn. Haddaan sii qeexo waxaa dirirta waaa
xooggagii wax-ma -garadka ahaa ee la wareegtay
awooddii USCda 1992kii kaddibna la baxay magaca
MOORYAANTA. Waa kuwii Dumiyay Qarankii Somalia
xididdana u siibay. Waa kuwii ka taajiray dhaca iyo
boobka hantiidii qaranka iyo tii dadka. Waa kuwii
fashaliyay intii isku-day la soo maray si dalka
Dawladd loogu dhiso Qaranimadii loo soo noolsa. laga
soo billaabo tii Cal Mahdi ilaa tii Cabdi-qaasim.
Kooxaas
Qaran-dumiska iyo dawladd-diidka ah Marxaladdba
waxay gashadaan shaatiga ay is-yiraahaan waad ku
qaraaban kartaan. Marba waxay qaataan magac iyo
midabb cusub. Billawwgii waxay dalka ku burburiyeen
magaca USCda ay maroorsadeen. Markii lakala
jajabyana qaarba magac u gaar ah ayuu la baxay. Qaar
waa USC-SNA. Kuwo waa USC-SSA. Kuwo waxay howadeen
USC.PM kuwa badan lama xafidi karo waxa u raaca
USCda.
Sannadkii hore
waxay la baxeen Maxkamadu Islaami ah oo Mooryaan
ayaa Cimaamado-guduudan laga simay.
Marxaladahadaas oo
dhan waxay ku hawl-galaan hal mabda' oon isbeddelin
oo ah in Dalku xaaladda burburka ku daa'imo. Haddaan
soo koobo jawaabto waxay tahay kuwa maanta Muqdisho
ka wada dagaalka Qaran-diidka ee la soo baxay
koofyadda Haiwye waa runtood oo Hawiye way yihiin
wayna yeen 17kaa sannadoodba.
laakiin ma aha
Hawiye cusubb ee waa kuwii muddadaas dheer marba
middab is-marinay. Maantana markii ay ka dhamaadeen
maryihii kale waxay la soo baxeen wajigoodii RUNTA
AHAYD OO AH IN AY YIHIIN MOORYAAN HAWIYE AH .
Haddaba waxaa la
is-waydiinaya: HAWIYE OO DHANI MA MOORYAAN
QARAN-DUMIS QARAN-DIID AH BAA??
IYO WAX-KASTABA HA
AHAADEENE MA KU GUULAANSAN KARAAN KOOXAHANI MAANTA
IN AY FASHALIYAAN DKMG AH SIDII KUWII KA HOREEYAY ?.
Su'aalahaan
jawaabtooda waxay noqon doontaa qormada danbe
haddii Alle yiri.
Waa : Dr. Maxamed
X. Siciid. Al-Jabarti.
al_jabarti@hotmail.com