SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE

GAROOWE: Markii ugu horeysay oo laga Dhisayo Masaajid Dabaq ah.

Garoowe:-Dhismaha Masaajidka AL-huda ee Garoowe ayaa si caadi ah u socda , wuxuuna uu iminka uu marayaa sida aad ka aragtaan sawirka Mitirkii 2-aad ee qaybta hoose , waxaana Insha'allaah laga dhigayaa dhisme heersare ah oo ka kooban 2 biyaano.



Masaajidka ayaa dhaqaalaha lagu dhisayo uu yahay mid ku tiirsan Muslimiinta ku nool dalka gudahiisa iyo dibadiisa waxaana qofkasta oo Islaam ah oo awooda in uu ka qayb qaato dhismaha masaajidka isaga oo danaysanaya laga filayaa in uu ka qaybqaato.

Sheikh C/qaadir Nuur oo ka mid ah Culimada waawayn ee dalka Soomaaliya , ayaa Muslimiinta ugu baaqaya in ay dhaqaalahooda iyagoo dar Ilaahay kula baxaya ay ku tabarucaan si ay ugu noqoto sadaqo jaari ah oo waarta.

Masjidul- Al-hudaa , ayaa wuxuu ku yaalaa bartamaha magaalada , waxaana la dumiyay ka dib markii uu ku filaan waayey dadka.

Hadaba cidii dhaqaale ku darsanaysa waxay ku soo diri kartaa Accoonadan hoos ku qaran , waxay kaloona la soo xiriiri kartaa magacyada wata talleefoonada.



Sh.C/qaadir Nuur Faarax(dhinaca midigta), Xaaji. Shuluco Xaaji Yuusuf (dhexda) Sh.Yaasiin Cabdullaahi(dhanka bidix).

Shiikhu wuxuu sheegay in qaybta hore ee Masaajidka ay ku baxayso lacag dhan $ 154,000 , iminkana la hayo sida Masaajidka ka muuqata ay la helay lacag dhan $ 50,000 , sidaasdarteed loo baahan yahay in ay mulimiintu ay soo dhamaystiraan inta kale ahaa 104000.

Ciddii doonaysa in dar Ilaahay ay ula baxdo sadaqo waxay ku soo diri kartaa Accoonadan

Dahabshiil : 000100
Amal : 0704041022501

Teleefaonadan la xiriir:

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax 00 2525 74 6134
Xaaji Yuusuf Jaamac Dagal (Cambe) 00 2525 79 4245
Yaasiin C/laahi Maamulaha Masjidka 00 2525 72 446

Waxaa soo tebiyey
Maxamuud Cumar Bille
mcbille@gmail.com
Cell phone:
252-5-794242

Somalitalk, Garowe-Puntland

Apr 25, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com