SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Shirka dib u hallaynta ah (Gabay)

Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com

Gabaygan waxaa tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed 2007-06-01. Wuxuu kaga hadlayaa shirka la sheegay in Xamar lagu qabanayo, oo lagu tilmaamay  ”shir dib u heshiisiin” ah. Hase ahaatee wuxuu ula muuqdaa gabyaaga shir aan hagaagsanayn oo wax lagu qarribayo. Sidaas daraaddeed ayuu ugu magacaabay ”Shirka dib u hallaynta ah”. Wuxuu gabaygu toos ula hadlayaa dadka laga yaabo in ay ku sirmaan shirkan. Wuxu yidhi:

  1. Shirka dib u hallaynta ah midkaa haatan lagu baaqay
  2. Ee cadowgu hees iyo mashxarad ku hambalyeynaayo
  3. Ee ay hormoodka u yihiin heeryo niman qaatay
  4. Ee culimadii hayn jirtiyo diinta lagu hiifay
  5. Ninkii u hanqaltaagoow adaa heeray nabaddiiye
  6. Adigaa hanuunkiyo ka baxay hilinkii toosnaaye
  7. Adow hiishay cadowgaa intaad heegan gelilayde
  8. Haddaad tahay hoggaan dhaqan haddii haybad lagu saaray
  9. Ma habboona inaad hoos tagtaa hohe shisheeyaaye 
     
  10. Shirka dib u hallaynta ah midkaa haatan lagu baaqay
  11. Ay hadal hayaan waa wax aan, horumar keenayne
  12. Qoomkii Hawaas iyo wardheer hore u sii xoogay
  13. Ee Haragarduur iyo Jigjiga looga hadhay maalin
  14. ee Harar waxay qurux lahayd geliyey hoostooda
  15. ee haatan Xamar uula tegay hub iyo duullaanka
  16. Nabad inay habeeyaan ninkaa ku hindisoonaya
  17. Dhabtii waa habaarqabe ka tegay hadiga diinteena
  18. Ama waa habow baadiyoo hagis u gaajaysan
  19. Ama waa hunguri waalanoo hadhimo doonaaya
  20. Ama waa habeen-jire-dhallaan, ka hurda taariikhda 
     
  21. Shirka dib u hallaynta ah midkaa haatan lagu baaqay
  22. Hungo weeye oo iga wallaan lagu hagaagayne
  23. Habkuu Faarax Nuur yidhi haddaan hoga tusaaleeyo (1)
  24. Isaguba halyeybuu ahaa hibo u dheerayde
  25. Huuhaada beenta ah war aan hoos u garanaayo
  26. Booraamo hadimood, mindiyo wada haliilaaya.
  27. Doqon baa halkii lagu halligi soo hawaarsada´e
  28. Hooggeeda Soomaaliyeey hoos waxuma eegto
  29. Hadmaad hees run uga qaadateen, hawl yaraa dirirtu
  30. Saw kaa Axmaar soo hangaday soo habqami maaha
  31. Saw kuwaa hubsadayee baddii haatan tegay maaha
  32. Haddii ay hubaal nabaddu tahay hororku muu laabto?
  33. Hubkan yey u soo iibsadeen lagu halaagmaayo?  
     
  34. Shirka dib u hallaynta ah midkaa haatan lagu baaqay
  35. HUBE waa ilaahaye haddaan ku hadlo maankayga
  36. Hagardaamo iyo xeelad iyo hadimo weeyaane
  37. Hooggeeda Soomaaliyeey, hoos wax uma eegto!
  38. Bal sidee hammiga loo geshaa hadhac la dooyeysto?
  39. Saw taa kitaabkii hufnaa loo handaday maaha
  40. Saw kaa hanuunshiyo wadaad, galay huluul maaha
  41. Saw kaa halaagsamay dadkii hoystay nabad maaha
  42. Saw taa hilbuhu daadsanyihiin hooskii Xamar maaha
  43. Saw taa habaas weynta´ee mayd la haray maaha
  44. Saw kuwan haweenkii goblamay hawdka wadhan maaha
  45. Saw kuwan hiqdaas uun hayee hiilka raba maaha
  46. Saw kaa hubkii sida raggii, hiirta qabay maaha
  47. Hal booliya nin haystaa hadduu haan u culanaayo
  48. Hadduu faray hankiisii inuu hore xalaalaysto
  49. Hawshaba kumuu darin malaha hooto soo maqane
  50. Waase hubanti sheekada inay heello dabataalle
  51. Hadalse wuxu ka joogaa habkaad adigu yeeshaaye 

Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com

2007-06-01 

Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: June 1, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com