SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Buuhoodle: Gogol ay u fidiyeen Reer Hagar Ergooyinkii Nabad-doonka ee ka socday Gobolada DGPL.

waxaa saaka kulan dhexmaray Ergada nabad doonka ah iyo Guud ahaan waxgaradka, Aqoonyahanka iyo dadweynaha reer Hagar oo ay dhawaantaan isku dhaceen reer kale oo isla degaankaas ka soo jeeda Buuhoodle ka furay garaad Abshir saalax oo duco dheer ka dib si hor dhac ah uga hadlay ajandaha shirka laga leeyahay iyo weliba waxtarka waxa ay u hawlgelayaan ee ah nabadda, iyadoo uu garaadku ku booriyey waxgaradka iyo dhalinyarada ka soo qayb-gashay kulankaan in loo guntado sidii looga miro dhalin lahaa nabad waarta oo mar kale ay ku noolaadaan dadweynaha walaalaha aha ee deegaanka Buuhoodle.

Wasiirka Diinta & caddaaladda ee DGSPL C/risaaq yaasiin Cabdulle Geesood ayaa isna kulankaasi waxa uu amar ku bixiyey in guud ahaanba aan hubka lagu dhex qaadan Karin gudaha magaalada laga bilaabo galabta, marka laga reebo Ciidamada qalabka Sida ee DGPL .

Dhinaca reer Hagar waxaa u hadlay qaar ka tirsan Odayaasha iyo waxgaradka ay ka mid yihiin Xaaji Maxamuud Xaaji Cumar Camey & Cismaan Baxnaan Cabdille oo labaduba si aan hakad lahayn ugu dhawaaqay in reer ahaan ay qaadanayaan wixii xumaan ah ee dhacay, ayna aqbalayaan waxii ay ergadu u soo jeedisay.sidoo kalena ay diyaar u yihiin wax kasta oo xal u noqonaya arintaasi dhacday.

Gabyaaga Jaamac Kediye Cilmi ayaa halkaasi waxa uu dadka ku maaweeliyey gabayo isugu jiray guubaabada nabadda iyo iskaashiga, iyadoo uu abwaanku si baahsan uga hadlay deegaanka buuhoodle iyo xadaradda uu manta tiigsanayo oo aan loo baahnany in dib uu u noqdo.

Maxamuud Cumar Bille
Garoowe
mcbille@gmail.com

June 5, 2007


Maamulka Somaliland oo bilaabay Ceyrinta dadka aan u dhalan Gobolada Waqooyi ee uu maamulo.

Wasiirka Amuuraha  Gudaha maamulka la magac baxay Somaliland Ismaaciil Aadan Ismaaciil ayaa soo saaray wareegto uu ugu jeedinayo dadka aan u dhalan Gobolada waqooyi oo ay ka arimiyaan inay si deg deg ah uga baxaan, waxaana uu ugu baaqay shacabka iyo milkiilayaasha hoteelada aysan ka kireyn dadkaasi iyo waliba guryahooda, dadka uu ugu yeeray soo galootiga oo uu ola jeedo dadka aan u dhalan gobolka. 

Ismaaciil Aadan Ismaaciil oo ah wasiirka amuuraha guduha waxa uu sheegay in booliiska ay baaritaano samayn doonaan, kuwaasoo lagu ogaanayo haddii wareegtadan ay u hogaansameen milkiilayaasha hoteelada waxa uuna yeeshey in hadii ay mulkiilayaashu ay dadkaasi ka kireeyaan guryahooda ay la kulmi doonaan ciqaab adag.
 
Talaabadan ay qaaday wasaarada amuuraha gudaha ee Somaliland ayaa ah mid salka ku haysa cabsi weyn oo ay ka qabaan wax ay ku sheegeen argagixiso,kasoo duushey gobolkada koonfureed ee dalka soomaaliya  ka dib dagaal xoogan oo 23-kii bishan goor habeen ah ku dhexmaray xaafad ku taala magaalada Hargeysa ciidamada amaanka iyo kooxo dabley ah oo haatan qaarkood ku jira xabsiyada magaalada Hargeysa halka kuwa kale ay ka baxsadeen.

Wasiirka amuuraha gudaha mr Ismaaciil waxa uu sheegay kooxaha hubeysan ee lagu weeraray gudaha magaalada Hargeysa in ay ahaayeen kuwa laga soo abaabulay koonfurta dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, si ay u carqaladeeyaan howlaha doorashooyinka Somaliland iyo xasiloonida ka jirta Somaliland.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa shaaca uga qaaday in kooxo argagixiso uu ugu yeeray ay soo galeen gudaha maamulka uu madaxda ka yahay, waxaana uu intaa raaciyey in ujeedadooda ay ahayd sidii ay u waxyeeleyn lahaayeen dadka ajaaniibta ah iyo xasiloonida ka jirta gobolada Waqooyi Galbeed.

Mr. Riyaale waxa uu sheegay in si naxariis ah ula dhaqmin ciidamadiisa cid kasta  oo kasoo jeeda gobolkada koonfureed isaga oo cadeeyey kooxo dabley ah oo dhawaan lagu weeraray magaalada Hargeysa ay ahaayeen kuwa laga soo abaabulay magaalada Muqdisho, kana tirsan ururo argagixiso oo xarumo ku leh hareeraha magaalada Muqdisho.
 
Isku soo wada duuboo maamulka la magac baxey somaliland ayaa dhibaato weyn ay  kala kulmaan dadka ganacsatada ah ee kasoo jeeda gobolkada koonfureed kuna dhaqan magaalada hargaysa waxa uuna dadkaasi u yaqaan iyo wixii ka yimaada koonfurta soomaaliya in ay yihiin waxa ay gaaladu ugu yeeraan Argagixiso.
 
Yusuf Maxamed Ismail (Guduudow)
Bososo.Somalia.

June 6, 2007


Daahir Riyaale oo Itoobiyaanku Ku Baareen Hargeysa intii uusan u Dhoofin Itoobiya...

Waxaa waji-gabax ku noqotay maamulka Daahir Riyaale kaddib markii diyaarada Ethiopian Airline oo magaalada Hargeysa ka qaadeysey wafti uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland lagu amray in la baaro iyaga iyo alaabtoda, arrintaas oo dhacday Sabtidii June 2, 2007 xilli uu Daahir Riyaale Kaahin ka duulayey Magaalada Hargeysa, isagoo raacayey diyaaradda Itoobiyaanku leeyihiin ee Timaada Hargeysa.

Markii arrintaasi dhacday dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in waftiga Daahir Riyaale ay arrintaas ka biyo diideen, laakiin ay saraakiishii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha Hargeysa ay u sheegeen in waftigaas iyo alaabtoodaba la baarayo, sidaasna lagu baaray.

Qaar kamid ah warbaahinta maxalliga oo arrintaas ka hadlayey waxay sheegeen in "muran iyo is maandhaaf ka dhashay baadhista Madaxweynaha iyo alaabtiisu ay xannibtey duullimaadka diyaaradda muddo Nus-saac ka badan."

Wararkaasi waxay sheegeen, waa sida ay warbaahinta maxalliga hadalka u dhigta'e: "in Madaxweyne Riyaale aanu qaadan wax tallaabo iyo go'aan ah oo uu si adag ugu muujinayo diidmadiisa – qawl iyo ficil midna, isla markaana uu si niyadjab leh uga warsugayey waanwaan, dood iyo maslaxaad ay wadeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo wasiirka Duulista Hawada, mudane Cali Maxamed Warancadde, iyada oo sida la sheegay saraakiisha Nabadsugidda Diyaaraddu ay ku adkaysteen inay amar ku haystaan baadhistaas."

Daahir Riyaale safarkiisa uu kaga ambabaxay Hargeysa waxa uu kusii jeedey Norway iyo Sweden. Waxase uu sii maray Addis Ababa, halkaas oo uu habeenimadii Axada kula kulmay Ra'iisul wasaraha xukuumada Itoobiya, Zenaw, in kasta oo aan la shaacin uu uga dacwoodey sida ay sarakiisha Itoobiya ula dhaqmeen markii uu ka soo duulayey Hargeysa, waxa keliya oo la sheegay in kulankaas albaababadu u xirnaayeen.

Warbaahinta Itoobiya waxay soo saareen sawir muujinaya Daahir Riyaale oo is-gaabinaya si uu ula sinmo Meles Zenawi uu si qummaati ah u taagan iyagoo isa salaamaya. [Eeg dhanka midig.]

Arrinta ah in Daahir Riyaale lagu baaray Hargeysa oo ay baareen saraakiisha Itoobiya ee ku sugnaa Hargeysa waxay maamulka Somaliland ku noqotay waji gabax.

June 3, 2007:

Wararkii ugu Dameeyey ee Baargaal:
oo aanu ku helayno isgaarsiinta nooca loo Taarka ayaa Akhri

Maraykanka oo u Qiil Dayaya Degitaanka Xeebaha Bariga Soomaaliya.

Qarax Xooggan oo ka Dhacay Guriga Cali Geedi
Xilli uu Cali Maxamed Geedi ku sugnaa gurigiisa oo ku yaal degmada C/Casiis ayaa waxaa lala beegsaday qarax loo malaynayo ismiidaamin oo... Akhri... Jun 3

Wafti ka kooban Odayaasha Dhaqanka, Maamulka Puntland iyo Culimada SSC/H oo gaaray Buuhoole.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com