SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Axmed Boqor Max'ud Boqor Muse (Boqortooyadu siyaasada ma ahan) Shir ka dhacay Qardho (DAAWO SAWIRO) 

 

Shir si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay kasoo qaybqaleen Nabadoono,Samadoono,aqoonyahon indheer garad iyo dhalinyarada Reer Qardho   ayaa ka dhacay Hotel Alle-Aamiin Qardho Galabnimadii  Axad Taariikhduna ahayd  11-06-2007.


Shirkaas oo ku bilawday jawi aad u dagan ayaa waxa lagu furay   aayado qur'aan ah Ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay shirka Axmed Boqor Max'ud Boqor Muuse oo halkaasi hadal dheer ka jeediyey.

 

Axmed Boqor Max'ud Boqor Musse oo  ah Curadii Boqor Max'ud Boqor Muse ayaa waxa uu yiri waxaana uu Mahad celiyey Dhammaan ka soo qeyb galayaashii shirka isaga oo sheegay in shirkaani aay u dhan yihiin Duqayda iyo waxgaradka Beelaha kala ah:

 

  1. Cismaan Max'ud
  2. Cabdiraxiin
  3. Ciise Max'ud
  4. Wabeeneeye
  5. Idig facle
  6. Carab
  7. Ugaas saleebaan
  8. Madhibaan
  9. Cabdale
  10. Ismaaciil Saleebaan
  11. Ismaaciil   Yoonis
  12. Suwaaq-roon
  13. iyo intii la degan ah oo dhan

Axmed Boqor oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri* waxaan ka hor cadeynayaa been abuur leygu sameyay oo Idaacadaha iyo Saxaafaddu faafisay Been abuurkaas oo ah in aan dhaxalkaygii saldanada ugu tanaasulay nin kale taaso aan dhicin dhicina   doonin ee layga been abuurtay , waxaan walaalayaal intiina saxaafadda maqashay leeyahay waa been abuur aan raad lahayn , Hadaan tilmaan ka bixiyo saldanada Boqortooyadda,

 

  1. Boqortooyadu siyaasada ma ahan
  2. Boqortooyadu Qabyaalad iyo awood sheegad ma ahan
  3. Boqortooyadu Dhaqaale iyo Lacag laysku faliso ma ahan

Ka dib ayaa waxaa warqada Qoraal ah halkaas ka aqriyey Afhaynka Axmed Boqor.

C/risaaq Max'ed Dooxane oo halkaas ku soo gudbiyey Qoraal dheer oo ka turjumaya Cida Leh Dhaxalka Boqortooyada

 

Axmed Boqor ayaa waxaa uu halkaa ka sheegay in Saxaafadda gaar ahaan Idaacaddaha aay marar badan ku been abuurteen isaga oo sheegay in loo bahan yahay in Sida Dhabta ah looga hadlo hadaba xaalka shacabka.

 Axmed ayaa waxaa uu sidoo kale yiri *walaayaal Boqortooyada daarood waa daladii isimada dhaqameedyada dhammaan umada ku hadasha Af-Soomaaliga oo dhan taas oo hoos imanayeen,

 

waxaa uu Axmed Boqor Max'ud yiri * Beelaha shirka ka soo qeyb galay iyo bahday Cismaan Maxamuud waxaan leeyahay bahay xaga illaah aan u hiilin illaahay haynoo hiiliyee kuligeena aan is caino isna saamaxno khaas iyo caamba al cafi wal masaabax.

 

Waxaan ku gaba gabeeynayaa dardaarankii Boqor Max'ud Boqor Musse igala dardaarmay iyo duriyadiisa ku abtirsata oo ku midaysan sidii boqorku kala dardaarmay Caleema saarida CURADDKA boqorka taasoo ay isku raacsan yihiin.

  

 

DARDAARAN

 

Waxaan u ahaa boqorka gacan yare wuxuuna boqorku igala dardaaramay daacada Illaah iyo inaan dadka u duceeyo hadii lay dulmana aan samir hiil ka dhigto wuxuu kaloo boqorku igu adkeeyay inaan umadada u xaq sooro oo aanan cidna u eexan.

 


Gabgabadii shirka ayaa dhammaan Ka soo qeyb galayaashii waxa aay isku raaceen in uu Axmed Boqor Yahay Boqorka Daarood isla markaana aay ayideen iskuna raaceen Nabadoona iyo waxgaradka shirka ka soo qeyb galay waxa aay kala ahayeen.

 

1.       Nabadoon Aadan Max'ed Muse (Aadan Ciiraale)

2.       Nabadoon C/Risaaq Max'ed Cismaan (Naar Alle Kaqadi)

3.       Nabadoon Bashiir Faarax Yare

4.       Nabadoon Cabdi Shire Max'ed

5.       Nabadoon Cali Cige Faarax

6.       Nabadoon Cali Faarax Dhagan

7.       Nabadoon Carris Siciid Caraale

8.       Nabadoon Max'ed Cali Shire

9.       Nabadoon Max'ed Max'ud

10.   Nabadoon Max'ed Yuusuf (Shinni)

11.   Xildhibaan C/Xakiin Xaaji Cismaan

12.   Suldaan C/Qaadir Max'ed

13.   Ugaas Jamaal Cabdi Ducaale

14.   Dr. Axmed Ciise Dheere

15.   Dr.Max'ed Yusuf Max'ed

16.   Eng. Faarax Muuse Siciid

17.   Xasan Cabdi Gooni

18.   Ag. Cali Cabdi Aw Muuse

19.   C/Risaaq Max'ed Dooxane

20.   Col.Xasan Max'ed Max'ud

21.   Liibaan Xirsi Ibrahim

22.   Max'ed Cismaan Ildab

23.   Max'ed Siciid Jaamac

24.   Dr.Cali Cabdi Awmuse

 

Isku soo wada duuboo waxaa la oran karaa shirkii Maantay ka dhacay Hotel Alle Aamiin ee uu soo qaban qaabiyey Axmed Boqor Max'ud Boqor Muse waxaa uu ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimaya isla markaana jawi dhagan ku soo dhamaaday. Iyada oo Boqorka uu halkaas ka duceyay.

 
C/weli xasan gooni
Qardho,Karkaar

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com