SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


  • Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas PPP" waan taageersanahay dowladdu isbedelka ay samaynayso, dhankasta.

  • Gudoomiyaha Shabakada  Nugal Child Protection Network?(Wareysi)  


Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas PPP" waan taageersanahay dowladdu isbedelka ay samaynayso, dhankasta.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ramaas PPP, Daahir C/qaadir Muuse(Daahir Ciiro).oo ka jawaabaya hadal laga sheegay in uu isticmaalay Madaxweynaha DGPL , Maxamuud Muuse Xirsi(Gen. cadde Muuse) mar uu ka hadlayey shirkii Golaha Xukuumada oo looga hadlaayey arimaha   Nabad-gelyada DGPl, ayaa yiri" Waxaan si buuxda u taageersanahay hadalka  madaxweynaha DGPL, ee uu ku sheegay in aysan jirin wax dastuur ah,laguna dhaqmin, arintaas waxaa cadaynaya in aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah oo loola noqdo marjac sharci.

 

Erayga Reer Hebel:

 

"Runtii,  waa laga soo gudbay wakhtigii Madaxweynaha dhegta wax loogu shegi jirey, cidna uma talin-karto, qabyaaladna wax laguma dabikhi karo, wuu yaqaan ninkii u qalma in uu shacabka hogaamiyo, way soo dhamaatay oday dhaqameed intuu madaxtooyada tago war-geeya isagoo ka duulaya reer hebel waa mucaarad, reer hebel waa ku neceb yihiin, reer hebel waa yaraan oo waxba kuuma qaban-karaan, reer hebel waxay u badan yiihiin taageerayaasha Maxaakiimta, reer hebel waatay hebel la socon jireen, reer hebel anagaa   degaanka uga badan, reer hebel annagaa ka aqoon-yahanno badan, IWM.

 

"Waxaan ka codsanaynaa madaxweynaha in dhamaan Reer Puntland ay xaqooda ka helan dowladda. Dowladu maa han mid ay leeyihiin Ma-jeerteen ama Maxamuud Saleebaan kaliya.Cadaaladu waxay ku jirtaa in Reer kasta uu xaqiisa helo.(Power sharing).

 

" Markale waxaan leeyahay , waxaas waa laga soo gudbay, madaxweynuhuna wuu iska cayrshay dadkii isku dirka iyo xanta tolkood kuraasta ku doonan jirey.  

 

Isku-bedelka Wasiirada.

 

"Waxaan sidoo kale aanan waxba u arag in madaxweynuhu uu isku bedelo wasiirada. Wasiirada la sheegayo awal maxay qaban jireen, bal ha loo   soo bandhigo shacabka  waxay u qabteen.

 

See wax u socdaan:

 

Daahir Ciiro ayaa mar aan weydiinay sida uu u arko waxyaalahaan soo kordhay waxaa uu  yiri" Walaal Puntland inqilaab laguma qabsan ee si dimuqraadi ah ayaa loo soo doortay, dowladuna qabiil maahan, iyaday u taal siday wax u maamuli lahayd, balse oo kaliya annagu hadaan nahay shacab waxaan xaq u leenahay in aanu aragtidayada ka dhiibano. Maxaa laga gubanayaa , waliba cid xil laga qaaday majirtee, maxaase soo kordhay awalba lama guban jirine??.

 

Daahir maxaa iska bedelay aragtidiisii.

 

Daahir Ciiro oo aan weydiiyey bal waxa iska bedelay  maadaama uu aad uga soo horjeedi jirey siyaasada maamulka Puntland ayaa yiri" Waxba iskama kay bedelin balse waxaan xaq u leeyahay in aan kala tilmaamo khaladka iyo saxa labadaba.

 

Maxaa Wasiirada dadku faraha ku fiiqayaan loo bedeli waayey .

 

Daahir ciiro ayaa ka jawaabaya" Walaal, waxba yaan Gaagaab iyo Cali Cabdi Awaare lagu habsaamin, waa   niman xilkooda sida ugu haboon u guta, waa lagu yaqaan Soomaalida xasdiga, aan loo quurin qofka horumarkiisa, hala tilmaamo kuwa iska fadhiya ee aan waxba qaban. 

 

Si kastba ha ahaatee, sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah Xildhibaanada DGPL, ayaa waxay noo sheegeen in ay soo hordhigeen madaxweynaha qodobo badan oo ku saabsan ku tumashada dastuurka, oo ay ku eedaynayaan    madaxweynuhu in uu horay ugu tuntay dastuurka 50% haddana uu afkiisa kaga hordhawaaqay shirkii Khamiislaha ee Golaha Xukuumada in uusanba jirin wax dastuur ah oo lagu dhaqmayo. Sidoo kalena

Madaxweynuhu wuxuu kaga hor  dhawaaqay golaha xukuumada in uu dib u dhigay isku shaandheyntii wasiirada.

 

Dhinaca kale, waxaa magacyada laga bedelay labo wasaaradood oo kale ah:-

 

Wasaaradii Arimaha Gudaha iyo Amniga waxaa loo bixiyey      Wasaarada Amniga DGPL

Wasaaradii D/hoose iyo H/marinta R/miyiga        waxaa loo bixiyey  Wasaarada D/hoose iyo H/marinta Gobolada.

 

Aragtida warbixintaan waxaa wax laga weydiinayaa

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ramas Puntland Political Party, Daahir Ciiro.
Tel: +252-5-747090

Maxamuud Cumar Bille
 

Garoowe

mcbille@gmail.com


Gudoomiayah Shabakada  Nugal Child Protection Network?(Wareysi)  

C/qaadir Nuur Aadan(Qasaaye) waa gudoomiyaha Shabakada ay ku bahoobeen ururada u dooda xuquuqda caruurta ee G. Nugaal, ururadaas oo kala ah:_ Kaallo, NYO, NSC, NSCA, NYF, FYF, Bushra, Guardian, Wasaaradda Haweenka DGPL, NYHO, Kalkaal, TYO, Ururka Isku xirka Deg. Eyl iyo SYS.

 

Gudoomiyaha NCP oo aan su'aalo kooban weydiiyey in uu warbixin naga siiyo horumarka ururka ayaa sidatan u dhacay: 

 

Mcbille:  Waa maxay ujeedada loo abuuray shabakadaan NCPN?

 

Qasaaye: Walaal, waxaanu wax ka qabanaa tacadiyada ka dhanka ah caruurta.

 

Mcbille: Ilaa hadda wax la taaban karo intaad xilka haysay oo aad qabateen  ma jiraan?

 

Qasaaye: Haa, waxaa ka mid ah waxaan helnay Capacity Building Programme iyo waliba qalabaynta xafiiska.

 

Mcbille: Yaa ururka taakuleeya?

 

Qasaaye: Unicef Production section iyo Hay'adda Nofic..

 

MCbille: Gudoomiye, adigu hadda ka hor waxaad ahaan jirtey gudoomiyaha ururka kulmiya dhamaan ururada G.Nugaal ee MUDAN, marka bal waxaa ii sheegtaa   wax horumar ah oo aad gaarsiisay MUDAN?

 

Qasaaye: Walaal, Boosweyn oo guri looga dhisayo ayaa nala siiyey, (Youth Club) meel ay dhalinyaradu isugu yimaadaan, qalab fiicana waan helnay.

 

Mcbille: Xilkii ma kuu dhamaaday, ma adaa isaga degey, mise waa laga qaaday?

 

Qasaaye: Wakhtigii ayaa ii dhamaaday, waxaan xilka hayey 3 sanno, oo dhowr jeer la I soo doortay.

 

MCbille: Ururkaan NCP intee ayaa mudada  xilka gudoomiyaha kuugu   egyahay ?

 

Qasaaye: waxaan haynayaa muddo 6 bilood ah.

 

Mcbille: Qasaaye, dadku waxay isla dhexmarayaan, ururada G.Nugaal  waxaa xilalka sare loo dhiibaa rag iska dhalinyaro ah, oo aan khimrad iyo aqoon midna   u lahayn waxa umadda loogu dhiibo, een isla markaasna ay markaba wax isdaba mariyaan oo musuq-maasuq iyo maamul xumo dhacdo iyo waliba is-qabqabsi, een sidoo kalena waxaa jira in ururada qaar aanba waxba kala socon waxa socda ee shaqsiyaad idin ka mid ah ay wixii seminars iyo xogeey kaloo lacag ah wixii soo baxa afka iska mariyaan, maxaad uga jawaabaysaa?

 

 

Qasaaye: walaal, waa been, waxyaalaha qaarkood, laakiin waxaa run ah lacag lunsashada oo ku timaada mushahaarka la siiyo masuuliyiinta oo aan ku filayn.

 

Mcbille: haddii loo doortay qofka masuuliyad in uu u qaado umadda oo wixii la siiyey ku filaan waayaan, ma dadkuu dhacayaa mise waxbuu xadayaa, miyuusan, si kale oo raali looga yahay wax ku qaadan Karin.

 

Qasaaye: Walaahi, waa arinta lala yaaban yahay oo qoflkastaaba uu sidaas oo kale ka qabo.

 

Mcbille: Hadda, maxaad higsanaysaan, in aad gaartaan?

 

Qasaaye: waxaan rajaynaynaa in aan helno guri mulkiiyada ururka ah iyo in aan hoos u dhigno dhibka ciyaalka ilaa 1% aan ka gaarsiinayno.

 

Ilaa hadda waxaan wax ka qabanay cudurka shuban biyoodka iwm.

 

 

Waad-Mahad Santahay

 

Gudoomiyaha NCPC

 

C/qaadir Nuur Adan(Qasaaye)

 

Maxamuud Cumar Bille

 

Garoowe.

Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com