SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


HEERYADA GUMEYSIGA IYO HALGANKA UMMADDA

A.A. WARDHERE (Ali yare)
Stockholm ,Sweden 
Cali_yare@hotmail.com


Ilowshiiyo dhowaa ma umulbaa:  

Gabyaa la oran jiray Salaan Carrabey ayaa ku maansooday dumarkuba xublaha foosha way xanaf wareeraane, balse inay xusuusdarran yihiin xaylka kale mooge.   Raggu markay carruurta dhalayaan waxay ku jiraan raaxada ugu sareysa, dumarkuna xilliga foosha waxay la kulmaan xanuunka ugu badan, xaalad nolol iyo geeri u dhaxaysa ayey ku sugan yihiin. Dhaqaatiirta haweenka umuliya ayaa waxay ka fekereen sidii ragga loo dareensiin lahaa xanuunka foosha, dhowr tijaabo kadib waxay go'aamiyeen marka haweentu foolanayso, ninkeed oo xarig siriq leh xiniinyaha looga xiray inuu dhinaca ka  fariisto, mar kastoo xanuunka fooshu qabto haweentu waa inay xariga xoog u jiidaa oo weliba jafaalisaa. Dhaqaatiirtu waxay isku waafaqeen in habkaas ragga loo dareensiin karo xumadda iyo kulaylka foosha. Gobol dalka Hindiya ku yaal ayaa laga hirgeliyey tijaabadaas waana lagu guulaystay, waxaanse jeclaan lahaa in tijaabadaas Soomaaliya laga dhaqangeliyo. Xaamilo kastoo la xanuunsata kulaylka foosha, 40 ayaamood kadib waa illowdaa xanuunkii ay soo martay, waxayna sameysaa is qurxin iyo cillaansaar iyo cadar is marin, si ay dareenka himadda saygeed u soo jiidato.

  Hab dhaqanka Soomaalida waxaa lagu meteli karaa umul afartan baxday, waa bulsho war ku nool ah {oral society} xumaan iyo samaan waxba lama diiwaangeliyo, dhibaatadii shalay dhacday degdeg baa loo illoobaa sida haweenku xanuunkii foosha u illoobaan oo kale. 1988kii dad ka qaxay Woqooyi Galbeed ayaa xeryo qaxooti looga ooday Xarshin, Harta Sheekh iyo meelo kale oo ku yaal dhulka Soomaali Galbeed ee Xabashidu gumeysato, qaxootigii ka cararay Hargeysa waxay miciinsadeen walaalaha Soomaali Galbeed, ee uma tallaabin gobollada Makale iyo Shawa. Sidoo kale 1991kii dad ka qaxay Koofurta Soomaaliya ayaa xeryo looga ooday dhulka NFD ee Keenya gumeysato, waxay miciinsadeen Soomaalida NFD ee uma tallaabin Galbeedka Nairobi iyo Harooyinka. Qaxootigii yaacay qaar baa ku sii hakaday Nairobi & Adis Ababa, markay laaluush iska bixiyeen waxaa u suurtagashay inay uga sii dhoofaan waddamada Yurub & Ameerika. Soomaalida oo taariikhyan aaminsanayd Xabashidu inay tahay dugaag dadka cuna, waxay Adis Ababa ka heleen soo dhoweyn iyo naxariis kooban balse mar kasta ka fiican arxamdarrada Carabta, taasina waxay dhalisay in Soomaalidu si fudud ku illowdo cadaawadii soo jireenka ahayd ee kala dhexaysay Xabashida. Haddaba qof  Soomaaliyeed oo qaangaar ah inuu ku andacoodo Xabashi ayaa Soomaali xabiib u ah waa mucjiso maanka fayow diidan yahay.  Cadowtooyada Xabashidu u qabto Soomaalida waa mid aad u fog, aadna u qoto dheer, muddo qarniyo ahna soo jirtay, waa cadaawad dowladihii soo maray Ethiopia weligood aysan isku khilaafin kana mideysan yihiin. Taariikhdu waa mid dhigan, dhambaaley uruurisaa, dhacdiyo mid la dhowrayoba. Muhiimaddda ugu weyn ee loo diiiwaangeliyo taariikhda, waxay tahay in la barto xumaan iyo samaan wixii dhacay sooyaalka.  Waxaa jira hab-dhaqan aadamigu ka siman yahay, kaasoo ah marka cadowgaagu jabo in lagu farxo, maahmaah caalami ahna waxay leedahay   ( cadowgaaga cadowgiisu waa saaxiibkaa )  1920kii goortii Gumeysiga Ingiriisku u itaal sheegtay kifaaxii Daraawiishta ee la jebiyey, Calidhuux oo ku farxay jabka ku dhacday Sayid Maxamed ayaa ku maansooday:     

  •      Darmaan qalay wadaadkii  wuxuu duunyo hayn jiraye,

  •      Daaduufka aw Maxamed ku dhacay waan ku diirsadaye,

  •      Waa lagu digtaa duul hadduu ku darnaan jiraye,

  •      Bal dayooy wadaadkii wakaa sii dabayshadaye 

,,Cali maxamed geedi Soo istaag ee calanka wadankeyga ITHIOPIA kaalay gacantaada ku sur madaxtooyada wadankaaga SOMALIA,, 
  Sidaas waxaa yiri LABO ALIFLE SHAWEL  oo ahaa wiil u faraxsan sidii,            adiguba  ( somali dhab ah) u farxi laheed adoo raizal wasaare XABASHI  ah amar ku siinaya Gudaha qasriga madaxtooyada ee xabashida, waaba adigiiyoo waliba ku amraya inuu ka taago wadankiisa calanka astaanta u ah jiritaanka gayigeena somalia, 
  maanta laga bilaabo waxaan rabaa inaan idiin sheego ,inaan nahay isku diin iyo isku Dhaqan  ,; sidaas-na waxaa ku sii meeyd garaacay wiil tikree ah, siyu musfin. 
  
 Cadowgaagu hadduu kufo oo sinbiriirixashada la dhul dhaco, waa lays raaciyaa oo waa la sii tarantureeyaa ee lama toosiyo oo looma shantogo. Ethiopia iyo Soomaaliya cadowtooyo ku salaysan dal iyo diin ayaa qarniyaal dhextaal, waqtiga ayaa saaciday nasiib-wanaagga Ethiopia maanta Soomaaliya waa kuftay oo  dhabarka ayey ka jabtay, sidii lagu yiqiin Ethiopia doqon ma noqon ee iyadoo ka faa’iidaystay fursadda dahabiga ah, dhaawacii Soomaaliya waa dhiibi-tirtay, waxayna sii raacisay meyd-garaac waxaashnimo oo ka baxsan xeerarka gobanimo-u-dirirka iyo derisnimada. Fekradii Soomaali ha is raacdo iyo  halgankii Soomaaliweyn xor ah loogu jiray oo maanta sida muuqata meesha ka baxay, Soomaalida kuftay si aanay mar dambe u soo kicin, Ethiopia waxay jamhuuriyaddii Soomaaliya u qeybisay wax Markii uu Qoraa Sare C/qaadir OROMO ku macneeyay  LIXDA LAND Tusaale ahaan (Lixland = Somaliland, Puntiland, Hiiraanland , Banaadirland, Bayland iyo Jubbaland),dhowr Maxmiyadood oo kala madaxbannaan oo weliba col ah, tusaale Puntland iyo Somaliland mid kasta xiriir gaar ah ayey la leedahay.  Wadar jeer waxaa laysku deyey in dib loo yagleelo dowladdii Soomaaliya ka burburtay, si qorshehaas looga miro-dhaliyo waxaa la qabtay 15 shir dib-u-heshiisiin, dadaal kasta Ethiopia ayaa fashalisa.  
 
 Dalka Ithiopia ee aanu walaalaha nahay ,saaxiibada nahay, isku dhaqanka nahay .isku diinta nahay,waxay ugu deeqeen shacbiga soomaaliyeed wax Bin,adam isa siiyo waxa ugu qiimaha badan oo ah dhiigooda, Haldalkan wuxuu Prof Geedi ka jeediyay maalintii xamar laga furay xarunta gumeysiga Ithiopia, 27/05/2007.... 

  • Dhulka miyaa dadkiisii dhintoo dhaxal la'aan jooga?
  • Dhulkaanow ma qowm kuu dhashoo ku dhagrayaa jira?
  •       *****
  • Tulud geela ayaa toban ku ruux weydaaye,
  • Dhulkaan tegay miyaan dhagaxna loo tuuraynin?

Ethiopia waxay si hawl yar ugu guulaystay inay Soomaaliya ka tirtirto kaadirka indheergartada loo yaqaan sida: aqoonyahannada haybadda leh, saraakiisha kartida leh, dhaqaatiirta taqasuuska leh, culumada diinta iyo wixii soo raaca.  Murti baa waxay leedahay bulshadii laga waayo: waayeel taliya,  wadaad duceeya iyo wiil darira, bulshadaas belaayo ayaa ku habsatay oo burbur baa u sugnaaday, waa heerka maanta Soomaalidu ku sugan tahay. Ethiopia waxay ku talo gashay markay layso oo gebi ahaanba waddanka ka suuliso kaadirka aqoonta leh inay dalka isugu haraan waxmagarato  ku dhaqanta xeerka duurjoogta ee ku salaysan sida loo kala xoog weyn yahay in laysu cuno {Survival of the fittest}, xeerkaas Ethiopia dejisay ayaa maanta Soomaaliya looga dhaqmaa oo beeluhu sida ay u kala hub badan yihiin ayey isu bililiqaystaan, waxaa la boobay oo la barakiciyey beelaha aan hubaysnayn sida, Banaadiri ama Gibilcad. Hadba dunida dad baa u kaca oo diin cusub la shir yimaada, shirqoolladii Ethiopia u dejisay burburinta Soomaaliya si fiican ayey u hirgaleen. Ethiopia burburinta Soomaaliya ku guulaysatay ayaa ku geeraartay  "halaagga Soomaali hootadaan la helay hoodo iyo nasiib wacan dheh"

 waan hubaa waxa ka socda dalkii hooyo iyo gayigii daahirka ahaa uu yahay halkii majaajiliista sare oday cabdulle markuu yaabay ka Yiri        

WIXII DHiiG LAHOOW KACA 

   somalida oo ah dad war-ku nool ah ayaa laga hayaa madax muuqda iyo midi saawir ah mid-na lagama samro , hadii shaki kugu jiray ogoow guriga calanka xabashida laga taagay inuu yahay gurigii heybada iyo jiritaanka owlaadada, baaritaan dheer oon sameeyay ka dib waxaan ogaaday, in dagitaanka xabashida ee gurigaa uu xambaarsanyahay macna heerkeedu tayey-sanyahay ,oo gurigu uu yahay gurigii lagu sameeyay heestii caanka eheed EE "Xaduuda gadaaman ee Gaalku sameeyey, inaan ka gudbayno waan garanaayee, Geyshkayagow guulaysta"

  MELEZ IYO TIKREE MID-BAAN LEEYAHAY,

  SOMALI , & CABDULLAHI YEY-NA MIDBAAN LEEYAHAY,

MELEZ  waxaan leeyahay

  • Inkaar-qabe Ato Meyle,
  • Amxaarkuu UNada geystee,
  • Na asaraaraayey,
  • Af-Soomaaliguu garanayaa,
  • Loo adeegsadaye,
  • Ajashii kolkey u timid,
  • Nalaka siib oofe,
  • Abris iyo abeesuu ka tegay,
  • Baa soo abaabulane,
  •  Allahayow Amxaarkii baqtiyey,
  • Maad iilka ugu geysid,
  • Oo ololka naareed ku tuur,
  • Idil ahaantoodba,
  • Abrahaba Kacbada Illaahey
  • Aabi ugu duuliye,
  • Intii kibirtay,
  • Abaabiil baa lagu salliday,
  • Oo eber ka siiyeene,
  • Kuwaan harayna waa aynigii,
  • Tan iyo aamanuu jiraye,
  • Allahayow Islaam baan nahaye,
  • Oo diinta aaminaye,
  • Amxaariyo intii raacsanba,
  • Eber ka sii manta
  • Ehelka Shaydaanka ..Aamiin.

SOMALI-NA Mid baan leeyahay

  • Itoobiya waxay soo galeen gulufya duulaane
  • Guutooyin beysoo dirtiyo gaasas fara wayne
  • Gacantey si dhaba ugu dhigeen goboladeeniiye
  • Awalbey soomalida galbeed gumac ku haysteene
  • Annageyse noo soo gudbeen galinka maantaahe
  • Awal bey gumaadeen ninkii goob dagaal wacane
  • Waana ayka bada guuxayaan gala raacyadiye
  • Geesigiyo wadani geeni bey gawrac ku hayaane
  • Go'an koodu waa dunida oy nagu gumeystaane  
     U guntada dagaal oo jahaad galiya laabtiina
  • Geeridana aqbala eebeheey waydin gacansiine
  • Hubka garabka laga tuuro iyo gumac ku maansheeya
  • Ku garaaca meeshey galaan waran ka gaarsiiya
  • Gunta xabadka hootada ku jara gooya kadabkooda
  • Guba oo dabiyo holac ku shida gorofka maydkooda
  • Miinadoo wadada loo galshiyo gaadmo ku idleeya
  • La gabiya gadoonteey koraan gowracna u raacsha
  • Uga dhiga habeen geeriyeed gudaha ciideena
  • Ku gabooda goobteey tagaan gaashin iyo weerar
  • Ayagiyo wixii daba guclaba gamaska leefsiiya
  • Gilgil iyo banbaanooyin iyo booba ku  asqeeya
  • Guud kooda holac iyo ku shuba garangar qiiqeeysa
  • Go'an koodu waa dunida oy nagu gumeystaane
  • Gudcurkaba ma joogeen hadaad garan lahaydeene
  • U guntada dagaal oo jahaad galiya laabtiina
  • Geeridana aqbala eebeheey waydin gacansiine

CABDULAAHI YEY-na Mid baan leeyahay, 

  • Naaleeye habacsane .
  • Yaa horseede kaa dhigay ?
  • Ma adigaa hogaanshe ah ?
  • Gobannimo hawadin kara ?
  • Haaneedka qaban kara ?
  • Higsan kara asaagaa ?
  • Qarannimo hitiqin kara?
  • Isku duubni hanan kara ?
  • Dad sabool ah hagi kara ?
  •  Himilada xil furan kara ?
  • Taarikh la hari kara ?
  • Hal-abuurka sharafka leh ?
  • Murtidooda helin kara ?
  • Hoodaale noqon kara ? 
     
          ******

  A.A. WARDHERE    (Ali yare)
  Gudoomiyaha Gudiga Qurbajooga Soomaaliyeed 
     Stockholm ,Sweden 
Cali_yare@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com