SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Jawaab qoraalkii "Jinni-Boqor oo Jaantarogtay!"

  • Waxaan la yaabay ninka xiiqsan ee ingriis ladheho..

Qore: yusuf essa
yusufessa@gmail.com

Waxaan la yaabay ninka xiiqsan ee ingriis ladheho war jini boqor raga Adan cade shukaanta lahayey uuna sheegayo waa isla Jini boqor beeshiisa, waxuu ka sheekeyey na waxey aheyd Tariikh uu goobjoog ka ahaa, marka bal waxaad sheegtaa sida aad unaqdiyeyso ma qabiil ahaan baa oo waxaad leedahay sidee Jini boqor madaama uu yahay beel ahaan ahayn tan Adan cade wax uga sheegaa? Mise qodobada iyo tariikhda uu sheegay baa qaldan? mise Magaciisa iyo inuu Adan cade wax ka sheegay baa kuu muuqatay oo maba fahmin waxuu ka hadlay?

Kawaran hadduu dhehi lahaa Dawladii Siyaad bare wey fiicneyd amase tan hada Jirta waa ku saxsantahay iney Ethiobia wadanka keento? mise xiligii dawlada Adan cade baad ku jirtey ama ahayd qof masuula oo mowqifkiisa baad si cad uu ku dhisan facts and finds ku beenineysaa?

war ninyahow dhaqtarka cilimi nafsiga u tag waayo cudurkaaga qabiilka waa la isqaadsiinkaraa bal iney umadu biskooto mid cusub ha ugudbin, fadlan haddii aadan si fiican u akhrin warbixintii Jini boqor markale adigoo meel degan aan buuq laheyn fadhiya u fiirso,aniga waxa keliya aan meesha qalad kasoo saari karo waxaan u arkay maaha xiligii loo baahnaa in lasoo bandhigo tariikhdan, waxaan kaloo dhehi karaa Jini boqor ma jeclayn Adan cade waayo xiligan masoo bandhigeen tariikhdan! waxaanse shaki iiga jirin tariikhda Somaliya iney qalad ku bilaabatay!!

yusuf essa
yusufessa@gmail.com

Xil. Jinni Boqor: MAAMULKII AADAN CADDE AMAAN MA ISTAAHIL?!!!

Baydhabo, Khamiis, June 14, 2007 | Isha: Simba Radio

Waxaa Qorey:- AVV Xildhibaan Cabdi C/lle Saciid (Jinni Boqor)


Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid Jinni Boqor

Qoraal uu idacada Simba soo gaarsiiyay Siyaasiga AVV Xildhibaan Cabadi C/lle Saciid (Jinni Boqor) cinwaana ugu dhigay Maamulkii Adan Cadde Amaan Ma Istaahilaa?!!! waxa uuna ku bilaabay sida tan:-

"Marka hore waxaan tacsi u diraynaa aniga iyo asxaabtayda iyo familkaygaba qoyskii iyo qaraabadii uu ka geerayooday Marxuum Aadan C/lle Cusmaan Madaxweynahii ugu horeeyay ee Soomaaliya 1960-67 waxaan Ilaah uga baryayaa inuu ka waraabiyo jannadii Fardowsa eheladii uu ka tagayna iyo Ummadda soomaaliyeed dhamaan samir iyo iimaan ka siiyo.

Shaki kuma jiro in Aadan C/lle Cusmaan ahaa halgame soomaaliyeed ahaana qof wanaagsan, taariikhda been lagama sheegi karo lamana marin habaabin karo shakina kuma jiro in maamulkii Aadan C/lle Cusmaan xilligii xoriyo qaadadka 1/ julay 1960-kii ilaa jullay 1967-dii uu dalka soomaaliyeed uu madaxweynaha ka ahaa aanu helin maamul sax ah oo haboon wuxuuna dalka uga tagay arrimo badan oo istaahila in lagu xasuusto sida uu u maareeyay arimaha dalka uguna kaxeeyay wado aan sax ahayn hadduu tagay xilkiina laga qaaday dadweynaha soomaaliyeed waxaynan marna ilaawi Karin maamulkiisii ku dhisnaa cadaalad darada, qaraabaysiga iyo daciifnimada ku dhisnaa kaasoo dalka u keenay maamulo kale oo ka dhashay qaladkii ay galeen nimankii uu dalka u hibeeyay taas oo keentay in dalka ciidamo qabsadaan dastuurkii iyo sharcigiina la tuuro iyadoo sabab looga dhigaayo qaladaadkii maamul xumadii iyo musuqmaasuqii ay ku caan baxeen dowladahii uu ka sameeyay intuu talada dalka hayay ee uu madaxweynaha ahaa.

Ugu horeyn waxaa lama ilaawaan ah oo lagu xasuustaa maamuladaas sharciyadii dalka oo uu ugu horeeyo Xeerka oo lagu dhaqmi waayay meel la isaga tuuray markii muwaadiniinta soomaaliyeed oo inay wax doortaan waxna diidaan dastuurka u ogolaanaayay loo diiday inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah inay wax doortaan markaas oo la qaatay nidaamkii ku shubashada warqadaha beenta ah oo kumanyaalka ah laga buuxiyay sanaadiiqdii cod bixinta iyadoo aan dad ku codayn taas oo dalka u horseeday in la kala aamin baxo tusaale ahaan, dastuurkii u horeeyay ee dalka.

1-markii aftida loo qaaday ee dadweynaha la weydiiyay HAA & MAYA dowladii xilligaas ka jirtay dalka waxay ku shubatay warqado been ah waxayna ku xaalaalaysay dastuurkii waxayna been ka sheegtay tiradii dadka codeeyay waxayna ku xadgudubtay nidaamkii cod bixinta, tusaale ahaan magaalada wanla weyn oo uu xiligaas gudoomiye ka ahaa nin la oran jiray Ibraahim Jeneraale waxa uu ku dhawaaqay in magaalada Wanla weyn ay ku codaysay HAA 100kun qof diidan ma leh xiligaas waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa una xil saarnaa Aftida iyo amaanka dalka Mudane C/risaaq Xaaji Xuseen, taliyaha Ciidamada Booliiska oo nabad gelyada qaabilsana waxa uu ahaa Jen. Max'ed Abshir Muuse.

2-Mar kasta oo doorasho timaato xisbigii dalka xukumay ee SYL ee Aadan Madaxda u ahaa wuxuu xalaalaystay waxa la yiraahdo (LIST UNICO) oo micnaheedu yahay kursaatoo dhan waxaa helay SYL 121Korsi iyagoo aan lala tartamin taas oo lagu hogaaminaayay xoog dadkana la xirxiraayay taasina waxay keentay in xisbigii SYL uu wadadii ka leexdo lagana aamin baxo.

Xaaji Max'ed Xuseen oo ka mid ahaa aasaasayaashii 13 SYL ahaan jirayna Gudoomiyahii SYL oo laga soo doortay deegaanka Marka 1964-tii isla markaana ahaa Xildhibaanka kaliya oo aan qabiil lagu soo dooran isagoo ahaa gudoomiyaha xisbiga SDU ee mucaaradka Madaxweyne Aadan C/lle Cusmaan waxa uu isku dayay inuu ka hor istaago gelida baarlamaanka isagoo aqlabiyad balaaran lagu soo doortay wuxuuna isku dayay inuu korsigaas ku soo galo baarlamaanka Xaaji Faarax Cali Cumar oo ahaan jiray wasiirka arrimaha debada ee Soomaaliya, nasiib wanaag soomaalidu way u gurmadeen wayna garab istaageen Xaaji Max'ed Xuseen.

Waxaa kaloo isoo gurmaday oo garyaqaano caalami ah usoo diray dowlada Taliyaaniga maxkamdiina waxay u xukuntay korsigaas Xaaji Max'ed Xuseen taasi waxay ahayd arin aan ku fiicnayn Dimuqraadiyada iyo dastuurka soomaaliyeed waxayna meel ku dhac ku ahayd xuquuqda soomaaliga.

Dowladii 1960-1967-dii waxaa loo yiqiin Abaaro, Cawaro, Dameeraalay iyo (GOVERNO INVACANSA) oo micnaheedu yahay dowladii aan shaqeynayn ama dowladii fasaxa ku maqnayd, kalimadahaas waxay ka soo burqanayeen caradii iyo naceybkii dadweynahu u qabay maamuladii dowladahii xiligaas uu Madaxda u ahaa ALLAH u naxariistee Aadan C/lle Cusmaan

3- Madaxweyne Aadan markii uu 1964-tii magacaabayay Ra'isu wasaarahii labaad Mudane C/risaaq Xaaji Xuseen oo baarlamaanku kalsoonadii u diiday madaxweynahu mar labaad ku celiyay C/risaaq oo lagula taliyay inuu bedelo joojiyana magacaabistaas waxa uu yiri "ISKA DAA C/RISAAQOO HABAR IISHO HADAAN MAGACAABO WAY SOCONAYSAA" habar iisho waxay ahayd Islaan maskiimad ah maskaxda ka jiran kuna noolayd oo deganyd darbiga baarlamaanka.

4-Madaxweynuhu mar uu damcay inuu socdaal ku tago Jarmalka galbeed oo uu dadweynahii xamar degenaa ay ka hor yimaadeen safarkaas oo ku can baxay "NO BONN" taasoo macnaheedu tahay Bonn ha aadin wuu ka dhega adeygay qodobadaas aan kor ku soo sheegay waa qodobadii sababay in la rido oo la dooran waayo mar labaad.

5- Dhinaca horumarka dhaqaalaha maamulkii Aadan C/lle Cusmaan ma qaadin talaabooyin wax ku ool ah oo dalka u keeni kara hormar dhaqaale iyo ilbaxnimo marnana isku fikrad ma noqon Madaxweynaha iyo Ra'isu wasaarihiisii Dr. C/rashiid Cali Sharma'arke oo u liicay dhinaca Sofit Union-ka ama shuuciyada si uu uga fushudo ilo dhaqaale iyo awood ciidan taasoo lidkeeda Madaxweynahu diidanaa oo uu ku xirnaa Taliyaaniga oo kaliya in wax lala qabsado waa tii keentay in la ceriyo Dr. Rashiid lana bajiriyay mashruucii beeraha ee la magac baxay Faanoole oo ay ku baxday 300 oo malyan oo dollarka Mareykanka ah.

6- Qorshaha kuma aanay darin dowladu maamul wanaagsan iyo ilbaxnimo soo korodha (GOOD GOVERNANCE & CIVILASATION).

7-Dastuurkii soomaaliya ee 1960-kii waxa uu qoraayay in dalka uu yahay dal dimuqraadi ah dadkuna xuquuqdooda ay u helaan si waafaqsan dimuqraadiyada dastuurka lagu qorey taasoo aan dhicin marna.

8-Usku darkii labada qeybood dalku ka koobnaa ee koonfur iyo waqooyi lama adkeyn lamana cilmiyayn oo durbadiiba 1961-kii waxaa bilowday buuq iyo kala aamin bixid labadii qeybood ee midowday taasoo keentay in saraakiisii waqooyi isku dayaan inqilaab si ay u goostaan Somali land isku soo duuboo halaaga soomaaliya ku dhacay iyo qabsashadii ciidamadu la wareegeen xukunkii dastuurkiina tureen.

Tusaale ahaan caradii Siyaasiyiinta uu hogaaminayeen Max'ed Xaaji Ibraahim Cigaal, Xaaji Cali Ismaaciil (Weyaanay) iyo Xaaji Cali Jimcaale Barraale waxay keentay in ay furtaan xisbi loo yiqiin SNC xisbigaas oo la isugu geeyay xoogag IRIRIST ah dhamaan waxyaalahaas oo dhan waxay muujinayeen sida aan Maamulka Aadan Cadde dadku uga raali ahayn, taasoo keentay in dalku ku jiro xukun maliteri oo aan ku socon qorshe dowladeed oo isu dheeli tiran iyo maamul wanaag sharci ku dhisan waxaa ka dhashay burburka soomaaliya ku jirto 17sano dhamaan qaladaadkaas dhacay iyo maamul xumidaas dhacday mudada ka badan 47sano uu dalku ku jiro maamul xumo sharci la'aan iyo burbur guud waxaa gundhig u ah qaldaadkii ay galeen maamuladii uu hogaanka ka ahaa ALLAH u naxriistee Madaxweynahii hore Aadan C/lle Cusmaan Ra'isu waasaarayaashii maamulkii Aadan C/lle Cusmaan ALLAH u naxriistee Mudane C/rashiid Cali Shar ma'arke iyo C/risaaq Xaaji Xuseen oo imanka nool waxaynu xusuusaynaa ooraahda ah (ALIF XUMAADAY AL- BAQRA KAMA HAAGAAGO) waxaa kaloo mudan inaan xusuusano ooraahda ah ( AYAX TAG ELNA REEB) gababadii Marxuum Aadan C/lle Cusmaan waxa uu ahaa shaqsiyan qof wanaagsan sidii uu Alle u abuuray laakiin maamulkiisu waxa uu ahaa maamul aan wanaagsanayn wixii uu wax u dhiibayna wax wanaagsan ma samayn.

9-Arinta soomaaliya waxay u qeybinaynaa 3-Xilli (three Periods) xiliga hore oo ka bilowda xoriyada lana kowsaday qaladaadkii 1-dii Jully 1960-kii- 1-dii Jully 1967 (First Period).

Xilliga 2-aad (Second Period) waxaynu u qaadanaynaa xilligii ay Askartu dalka la wareegeen21- Okotobar 1969 - 1990-kii.

Xilliga 3-aad( Third Period) waa xilligii ka danbeeyay 1990-ka oo ka bilowday burburkii oo haatana dalka ciidamo shesheeye iyo cadow sukeeye dalka qabsadeen.

Run ahaantii sedexda xilli mid walba waxa uu leeyahay waxyaalo u gaar ah oo lagu garto:-

Kan kowda ah waa xilligii Mudane Aadan C/lle Cusmaan Madaxweynaha ahaa waana xilligii la magac baxay Musuq maasuqa, Eexda, Qabiilka iyo Boobka doorashooyinka oo lagu shubto warqado been ah oo qofka dadku rabeen laga xoogo codkii loona duwo qof aan dad haysan laakiin ku xiran maamulka Aadan Cadde si kastaba ha ugu xirnaadee.

Arintaasu waxay sababtay in la Dilo Madaxweynahii dalka Mudane C/rashiid Cali Sharma'arke xoogagii maliterigu qabsadaan awoodii dalka taasoo keentay tuurista dastuurkii iyo xuquuqda Aadanaha oo meel looga dhacay gababadiina ku soo biyo shubatay dhibaatada soomaaliya ee bur burka iyo dowlada la'aanta u keentay.

Haddii aynu tusaale u soo qaadano qodobadii ka mid ahaa dastuurkii 1960-kii ee lagu tuntay waxay u dhawaaqayeen sida tan:-

FUNDAMENTAL RIGHTS AND DUTIES OF THE CITIZEN:

Art-8-RIGHT TO VOTE

=The Vote Shall be Personal, Equal, Free and Secret

Art-3- EQUALITY OF THE CITIZEN

=Shall have Equal Rights and Duties before the Law

Art-5- SUPERMACY OF THE LAW

The Ornization of the State and the Relationships of the State and other Person Puplic or Privat shall be Governed by Law.

Akhriste intaas waxay cadaynayaan qaladaadkii Jamhuuriyada 1-aad ee Soomaaliya gashay waxayna sabab u noqotay qaladaadkaas dhacay burburka iyo Qaran jabka Soomaaliya noqdayna mool aan guntiisa la aqoonn.

Haddaba waxaa is weydiin mudan Maamulkii ALLAH u Naxariistee Aadan C/lle Cusmaan Amaan ma Istaahilaa?!!!

FG:- Qoraalkan loola ma jeedo in Marxuumka iyo Eheladiisa wax loogu dhimo waxaase loola jeedaa in taariikhda run laga sheego jiilalka cusubna la xusuusiyo wadadii dalku soo maray laga soo bilaabo 1960- kii ilaa wixii ka danbeeyay.".

Waxaa Qorey:- AVV Xildhibaan Cabdi C/lle Saciid (Jinni Boqor)

Isha: Simba Radio


BARLAMAANKU MA SHARCIYEYN-DOONAA GELISTA ITOOBIYA EE SOMAALIYA?

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com