SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAMAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Saddex wiil oo walaalo ah oo ay Muqdisho ku dileen Ciidamada Itoobiya..... Akhri


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


 Hayadda NCF oo qabatey Dood ku saabsan waxbarashada

Maalintii shalay ahayd ayaa dood ku saabsan Waxbarashada waxaa lagu qabtay Hotel Saxafi Two, waxaana ka qaybgalay Macallimiin, Aqoonyahano Arday iyo dad ehel u ahaa waxbarashadii Soomaaliya oo mudo ku soo dhex jiray, waxaana soo qabanqaabiyey Hay’ad wadani oo lagu magacaabo National Civic Forum, waxaana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay Axmed C/lllaahi Ibraahim oo ah ka mid ah saraakiisha sarsare ee Hay’adaasi oo sheegay in doodaani ku saabsan waxbarashada aysan ahayen doodii ugu horeysay oo ay qabto hay’addooda, isagoo sheegay in doodaha noocaan ah ay ka soo bixin karaan sidii waxbarashada Soomaaliya loo horumarin lahaa.



Qodobadii sida aadka ah looga dooday, waxaa ka mid ahaa, Maxay tahay Waxbarashadu?, yaase ah aqoonayahan?, Maraxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay waxbarashada Soomaaliya iyo qaybaheeda, in qiimeyn lagu sameeyo waxbarashadii sanadkii 1990-kii ka hor iyo kadib, kaalinta waxbarashada iyo Dalladaha, mideynta manhajka iyo kala duwanaasha Manahijta iyo saameynta ay ku yeelan karto waxbarashada ardayda, maxaa sabab u ah isku dheelitir la’aanta waxbarashada Wiilasha iyo Gabadha?, xiriirka Macallinka iyo Aradyga iyo waalidka, tayeynta waxbarashada iyo caqabadaha jira iyo talooyin guud.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi lagu daawaday Filim ku saabsanaa waxbarashada Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen Aqoonayahano Soomaaliyeed oo ku xeel dheer waxbarashada wadanka, kuwaas oo ka hadlay heerarkii ay soo martay waxbarashadsa Soomaaliya.

Xubnihii ka qaybgalay doodadda ee halkaasi hadlay, waxaa ka mid ahaa Muxiyadiin Nuur Hilowle oo ka socday Jaamacadda Muqdisho oo isagu ku dheeraaday heerarkii ay waxbarashada Soomaaliya soo martay iyo sida lagu tayeyn karo waxbarashada wadanka, sidoo kale waxaa ka hadlay Cali Max’ed Cosoble oo isna ka socday Jaamacadda Banaadir, waxa uuna soo jeediyey in ardayda la baro wax la yiraahdo wadaniyada, isagoo sheegay in Carruurta Soomaaliyeed aysan waxba ka aqoon, waana midda keentay burburka maanta ka taagan Soomaaliya, waxaa kaloo ka hadlay Max’ed Sheekh C/salaan oo wax ka barta Jaamacadda Islaamka ee Muqdisho, waxa uuna isna sheegay ama lafaguray sida lagu hormarin karo waxbarashada Soomaaliya, waxaa kaloo ka hadlay C/risaaq Yuusuf oo ka socday Jaamacadda Banaadir oo isna sheegay in Manaahijta kala duwan ay ugu wacan tahay horumar la’aanta waxbarashada wadanka Soomaaliya, waxa uuna soo jeediyey in la sameeyo manhaj mideysan.

Shamso Axmed Max’ed oo ka socotay Hay’adda SSWC ayaa iyana sheegtay in Manhajka Soomaaliya uu dhibaato ku yahay carruurta Soomaaliya, waxayna ku boorisay in Luuqad gaar ah waxbrashada lagu jiheeyo.

Faarax Shuceyb ayaa isna sheegay in loo baahan yahay in carruurta Soomaaliyeed loo helo dad aqoonayahano ah oo ka soo dhisa hoos si ay waxbarashadu u noqoto mid tayeysan.

Sagal C/risaaq ayaa iyana waxay sheegtay in waxbarashada Soomaaliya lagu daro Tiknoolajiyadda Casriga ah si ay wax ula qaybsadaan wadamada horumaray.

Macallin Aadan oo inta badan wax ka soo dhigi jiray Jaamacaddii Lafoole ayaa isna waxa uu yiri “Manhaj dad kale leeyahay haddii aan qaadato waa adigoo qof kale soo saaray, waxaana soo jeedi lahaa in laga haro manaahijta shisheeyaha ah”, waxayna doodaasi ku dhamaatay sidii loogu talagalay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com



Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com