SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoMar 24, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (83), Muqdisho (87), Beledweyne (90), Baydhabo (98),  Galkacyo (119),
Sarbeebtii Diinaari
Daabaco Boggan | Print
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


WARARKII: March 24, 2007

Warar dheeraad ah oo ku saabsan Diyaarad Xamuul ah oo lagu soo riday duleedka Magaalada..

Diyaarad kuwa Xamuulka ah oo laga lahaa wadanka Belarusia kana duushay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa ku burburtay inta u dhexeysa Ceel-Cadde iyo Gubadley, waxaana la sheegay in diyaaraddaasi Garoonka Muqdisho ay keentay qalab dayactir ah oo ay u waday diyaarad kale oo ay horey u lahayd Dowladda Belarusia, balse Dowladda Belarusia ayaa sheegtay in diyaaraddaasi lala helay Gantaal, inkastoo Afhayeenka ciidamada Uganda uu sheegay in loo saaray guddi soo baara waxa qabsaday Diyaaraddaasi.

Diyaaradda ku burburtay duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in ay ku geeryoodeen 11 qofood oo la sheegay in ay ahaayeen shaqaalihii  Diyaaradda, waxaana qaybo ka mid ah diyaaraddaasi ku dhaceen Badda, basle lama xaqiijin karo wax ku dhacay diyaaraddaasi in ay ahaayeen Gantaal lala helay iyo in iskeeda uu dab uga kacay.

Goobtii ay ku dhacday Diyaaraddaasi ayaa waxaa isugu tagay dadweyne Soomaaliyeed oo doonayey in ay wax ka ogaadaan diyaaradda halkaasi ku dhacday. Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa xalay oo dhan kulan ka lahaa waxa ku dhacay diyaaraddaasi, waxaana la filayaa in uu Ururka Midowga Afrika ka soo saaro war rasmi ah oo ku saabsan Diyaaraddaasi. Diyaaraddaan ayaa joog hoose ku duuleysay, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in Diyaaraddaasi ay soo martay goob halis ah. 

Warbixin ku saabsan dagaalkii shalay Kuliyadddii hore ee Jaale Siyaad…

Shalay subax ayaa waxaa goobihii doraad uu ka dhacay dagaalku, gaar ahaan dhinaca wasaaradda Gaashaandhiga iyo Kuliyaddii Jaale Siyaad waxaa ka bilowday dagaalo goos goos ah oo la isku adeegsanayey hubka fudfudud.

Waxaa heshiis xabad joojin ah wada yeeshay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Waxgarad ka tirsan Beelaha Hawiye, waxaana dhacday in dhaqangalka Heshiiskaasi inta uusan bilaaban ciidamo la sheegay in laga soo diray dhinaca madaxtoonyada oo uu hogaaminayo Inna Dhiig-Sogkeeye ay weerareen kooxihii wax iska caabinta ee ku dhawaan Kulliyaddii hore ee Jaale Siyaad, waxaana halkaasi ka dhacay khasaarooyin naf iyo maalba ah, iyadoo Gaari Cabdi Bile ah oo uu ku xirnaa qoriga dhashiikaha laga gubay ciidamada Dowladda, waxayna waxgarad ka tirsan Beelaha Hawiye sheegeen in C/llaahi uu ka dambeeyey dagaalkii ka dhacay Kulliyaddi Jaale Siyaad, waxaana markii dambe dhaqangalay heshiiska xabadjoojinta.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele ayaa waxa uu sheegay in dagaalka ka socda Muqdisho ay wadaan wax uu ugu yeeray kooxaha Argagixisada ah, isagoo sheegay in ururka Al-Qaacida uu u xilsaaray dagaalka Aadan Xaashi Cayrow, waxa uuna sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay saacadaha soo socda soo afjari doonto dagaalka.

Dadkii ugu badnaa oo ka qaxay Muqdisho

Markaad istaagto dariiqyada Magaalada Muqdisho, waxaad arkeysaa gawaari fara badan oo ay saaran yihiin alaabo u badan Joodiriyaal, kuwaas oo ka cararaya dagaalkii saddex maalmood ee ugu dambeeyey ka socday Magaalada Muqdisho.

Nin walba wuxuu ku qaxi karay ayuu la soo baxay, mid ku qaxa Gaari Xamuul ah, kuwo ku qaxa Gawaari yar yar, kuwo ku qaxa Gawaari Dameero, kuwo iyana ku qaxayey Gaari Gacmeedyo iyo waliba kuwo Duudkooda isticmaalayey oo lug ku tagayey goobaha ku dhow Magaalada Muqdisho sida Ceelasha Biyaha iyo Lafoole.

Dadka ayaa nolo xumo kala kulmay Goobihii ay u qaxeen waxaana carruurta qaarkood ku dhacay cudurka Shuban Biyoodka, iyadoo qaxa laga dareemay gobalada ku dhow dhow Magaalada Muqdisho oo dadku isugu tageen. Madaxa gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dad gaaraya ilaa iyo 6-kun oo qof ay ka qaxeen Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in Dowladdu sabab u tahay kadib markii ay amartay in dhul baaxad ay dadkaasi ka baxaan, iyadoo aan u hayn goobo ay dejiso.

       

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

March 24, 2007

::: Maxaad ka Taqaan Taariikhdii Jeneraalkii Islaamka, Khaalid Bin Waliid


Uganda: Ciidamada Uganda Lama Geyn Doono Meel Ka Baxsan Magaalada Muqdisho
.Magacyadda Maxaabiista la hayo oo ay soo badhigeen...
.Dagaal Xooggan oo ka Dhacay Magaalada Cadaado...
.Ciidamadama Uganda oo ka walaacsan Joogitaanka Itobiyan.
.C/llaahi Sheekh Xasan “Waxaan Awoodnaa in aan weerarno
.Warbixin: dagaalada dib uga soo cusboonaaday Muqdisho
.Puntland oo Beenisey in Ciidamo Ka Joogaan Muqdisho
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Mar 23


Soomaali
Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.

Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa... Akhri....


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com