SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoMar 25, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (84), Muqdisho (88), Beledweyne (91), Baydhabo (99),  Galkacyo (120),
Sarbeebtii Diinaari
Daabaco Boggan | Print
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


WARARKII: March 25, 2007
  • Shirkii Saraakiisha Itoobiya iyo Odoyaasha Beelaha Hawiye oo ku dhamaadey…
  • Dowladda Belarusia oo sheegay in Diyaaradoodii lagu dhuftey Gantaal…
  • Shirka Islaamka oo looga hadlayo arrimaha Murugsan ee ka taagan soomaaliya…
  • Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo walaac ka muujisey Dagaalada Abaabulan…
  • Wafti Reer Minnesota ah oo la kulmey

  • The Plan -- according to U.S. General Wesley Clark (Ret.) | Youtube...

Shirkii Saraakiisha Itoobiya iyo Odoyaasha Beelaha Hawiye oo Burburay…

Waxaa maalintii shalay (Sabti Maarso 24) ahayd kulan isugu yimid Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo ku sugan Magaalada Muqdisho iyo Odoyaasha Beelaha, waxa uuna kulankaani daba joogay kulan horey u dhex maray labada dhinac kaasoo lagu joojiyey dagaalkii ka socday Magaalada Muqdisho, kadib markii Saarkiisha Itoobiya iyo Odoyaasha Beelaha Hawiye ay hore u wada gaareen xabad joojin, waxaana kulankii shalay la iskula soo qaaday xaaladda ka taagan Magaalada Muqdisho, waxaana labada dhinac dhex maray dood aad u kululyed.

Nabadoon Axmed Diiriye oo ah Afhayeenka Beelaha Hawiye ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in gebi ahaanba uu burburay shirkaasi, kadib markii Saraakiisha Itoobiya ay soo jeediyeen in ay doonayaan in ay guri guri u baaraan Magaalada Muqdisho, taas oo u cuntami weysay Odoyaashii Beelaha Hawiye waxa uuna nabadoon Axmed Diiriye uu sheegay in Dowladda Itoobiya ay dooneyso inay u gacan qabato C/llalahi Yuusuf iyo kooxdiisa. Nabadoon Axmed waxaa kaloo uu sheegay in beelaha Hawiye ay diyaar u yihiin in ay sii wadaan heshiiska xabad joojinta, isagoo sheegay in Dowladda Itoobiya looga baahan yahay in ay dhex dhexaad ka noqoto arrimaha ka taagan Soomaaliya.

Burburka ku yimid shirka ayaa waxaa aad walwal uga muujiyey Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho oo iyagu si aad ah uga dhowrayey heshiiskaasi, waxaana shacabku ay dareemeen cabsi aan aad u weyn oo la xiriirta in uu dib u bilowdo Dagaalka u dhexeeya labada dhinac. Dadweyne aad u fara badan ayaa ka qaxay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo haatan ku dhibaateysan deegaanada ku dhow dhow Magaalada Muqdisho iyo Gobalada kale, kaddib markii ay la kulmeen hoy la’aan, cunto la’aan iyo cuduro..

Dowladda Belarusia oo sheegay in Diyaaradoodii lagu dhuftey Gantaal…

Afhayeen u hadlay Dowladda Belarusia ayaa waxa uu sheegay in diyaaradoodii ku dhacday duleedka Magaalada Muqdisho lala helay Gantaal la sheegay in laga soo ganay dhinaca dhulka, waxa uuna afhayeenku sheegay in diyaaradaasi ay saarnaayeen labo shaqaale ah iyo afar Injineer oo mudo u tagay in ay soo eegaan diyaarad ay horey u lahayd Dowladda Belarusia oo iyana dhawaan uu dab ku qabsaday garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.


Sawirka Burburka diyaarada: Russian News


Ciidamada Uganda oo dhexmaraya Muqdisho

Dowladda Belarusia waxay sheegtay in gebi ahaanba ay joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay dalka Soomaaliya arimo la xiriira dhinaca ammaanka awgood, hase yeeshee wasiirka arimaha gudaha Max’ed Maxamuud (Gacma Dheere) ayaa sheegay in hawlihii garoonka ay si aad ah u socdaan, isla markaana diyaaradda ku dhacday duleedka Magaalada Muqdisho sababo la xiriira cilad ku timid. Wasiirku waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay baaritaan ku sameyn doonto diyaaraddaasi oo uu sheegay in ay Muqdisho u timid arimo la xiriira diyaaraddii horey dabku ugu qabsaday Garoonka Muqdisho oo ay u waday qalab dayactir.

Shirka Islaamka oo looga hadlayo arrimaha Murugsan ee ka taagan soomaaliya…

Waxaa la filayaa in maalinta Isniinta ah dalka Sucuudiga gaar ahaan Caasimaddisa Riyaad uu ka furmo shirkii Hogaamiyaasha wadamada Islaamka oo la filayo inay ka qaybgalaan 53 dowladood oo Islaam ah.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaan arrimo la xiriira xaaladda Soomaaliya oo iyadu waayadan ka sii dareysay kaddib markii dagaalo ku dhex mareen magaalada Muqdisho ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya iyo kooxo ka soo horejeda.

Dowladaha Islaamka ayaa la filayaa in ay shirkaasi deeq ugu uruuriyaan dadka Soomaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay dagaaladii mudooyinkaan ka dhacayey dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa Soomaaliya uga qaybgalaya Ra’isul Wasaaraha dowladda Federaalka ah Cali Max’ed Geeddi oo shalay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, waxaana shirkaan lagu waday in uu ka qaybgalo Madaxweynaha Dowladda Ku meel gaarka ah C/llaahi Yuusuf oo isagu u baaqday arimo la xiriira xaladda Soomaaliya.

Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo walaac ka muujisey Dagaalada Abaabulan…

Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee Xaquuqda Aadanaha oo inta badan uruurisa Tacadiyadda ka dhaca dalka ayaa waxay walaac ka muujisay dagaalada abaabulan ee 21-kii bishaan Maarso ka bilowday Magaalada ee u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka ah oo taageero ka helaya Ciidamada Itoobiya iyo kooxo ka soo horjeeda.

Dagaalkaas ayaa Hay’addu sheegtay in uu gaystay khasaarooyin isugu jira Dhimaasho, Dhaawac, Barakac baahsan oo gaaray dadka rayidka ah, waxayna Hay’addu ka tilmaantay dagaaladaasi kuwo ka baxsan Shareecadda Islaamka, xeerarka so jireenka ee dhaqanka Soomaalida, axdiga Dowladd Federaalka ah, iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda Aadanaha qodobkii 3-aad ee leh (Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nabad iyo xoriyo”, waxayna Hay’addu ka codsatay labada dhinac in ay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka, khilaafka u dhexeeyana ay ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad, sidoo kale waxay ka codsaneysaa Q/Midoobey, Midowga Yurub, Hay’addu waxay sidoo kale cambaareysay xarigii loo gaystay weriyaasha Idaacadda Shabelle Max’ed Bashiir Sheekh C/raxmaan iyo Cusmaan Qoryooley, kuna tilmaantay in uu yahay xadgudub.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Garowe: Booliska Garowe oo gacanta ku dhigay 138 qof oo tahriibayaal ah.

Booliska Puntland qaybtiisa Garowe ayaa gacanta ku dhigay 138 qof oo sida la shegay laga soo dajiyay laba gari oo ah kuwa loo yaqaano waaraadada kuwaasi oo ku sii jeeday Bosaso Xarunta Gobalka Bari.

Dadkan la qabtay ayaa sheegay in ay ahaayeen dad tahriibayaal ah oo aan u socon in ay dhib ka gaystaan puntland sida algu eedeeyay.

Taliyaha saldhiga Garowe Cabdi gaani ayaa sheegay in ay dadakni yihiin dhalinyaro u socotay in ay khal khal ka abuuraan Magaalada Bosaso sidoo kale taliyuhu waxa uu sheegay in kooxahan oo wada dhalinyaro ah in laga soo abaabulay koonfurta Somalia si uga abuuraan falal amaan daro ah puntland sidaa darteedna ay baaritaan ku samynayaan ayna horgayndoonaan sharciga marka uu u dhamaado baaritaanku islamarkaana lagu qaadi doono qofwalba danbigiisa kii lagu waayana la sii dayndoono.

Sikastaba ha ahaatee, dadkan ayaa sheegay in ay yihiin dad ka sootagay koonfurta somalia oo iyagu u soo raadsaday Puntland in ay ka helaan shaqo iyo nolal ka fiican tay ku jireen markii hore waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dadkan oo wlai ku jira xabsiga ayaa isugu jira dumar iyo rag kuwasi oo dhamaan wada ah dhalinyaro.

A/rizak koronto
Garowe Puntland

March 25, 2007


Wafti Reer Minnesota ah oo la kulmey

R/Wasaari Ali M. Geedi

Wafti ka socda gobolka Minnesota ayaa waxa ku qaabiley gurigiisa R/Wasaare Ali M Geedi oo ku yaala magaalada Nairobi, Kenya. Waftigaas ayaa waxa ay uga warbixiyeen R/Wasaaraha sida dowlada looga taageersan yahay gobolka Minnesota iyo ujeedada socdaalkooda.



Waftigas oo ka koobnaa shan qof oo kal ah Abdimalik Askar, Abdi Aar Abdi, Adan Dhagax, Amina Deeble, iyo Zakaria Aden (xayow). Intii ay la fadhiyeen R/Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa warbixin kooban siiyey Wasiir ku xigeen ka Wasaarada Gaashaan dhiga, Salaad A Jeelle iyo gudoomiyaha gudiga siyaasada gobolka Shabeelada Dhexe, Maxamed Dheere. Sidoo kale waxa fadhigaaas ku sugnaa Safiirka u fadhiya Soomaaliya wadanka Kenya Mudane Maxamed Ali Nuur (Ali America) iyo madax kale oo ka tirsan dowlada iyo baarlamaanka.

R/Wasaaare mudane Geedi, ayaa u mahad celiyey dhamaan waftigii ka yimid gobalka Minnesota iyo dhamaan dadweynaha degan gobolaka Minnesota. Waxa uu si gaar ah carabka ugu dhuftey in jaaliyada reer Minnesota ay yihiin dad aad u jecel dowladnimada iyo in wadanka Soomaliya lagu soo dabaalo nabadgalyo waarta. Sidoo kale waxa halkaa ka hadley wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhiga mudane Jeele, isagoo waftiga siiyey warbixin kooban oo ku saabsan xaalada hada ay ku sugan tahay magaalada Mugdishu, wuxuuna ka hadley shilkii dayuuradeed ee ka dhacey shaley magaalada Mugdishu, isagoo oo ku timlaamey in shilku uu ahaa cilad farsamo oo ku timid diyaarada. Iyagoo halkaa ay tageen ciidamada gurmadka degdega ah ee dowlada meeshii ay ku dhacdey diyaarada kuna arkeen nin kamid ah dadkii diyaarada la socdey oo dhaawac ah, ayna u soo qaadeen dhaawiciisii cusbitaalka ka dibna uu halkaas ku geeriyoodey. Waxana uu waftiga u sheegey in uu ku howlan yahay sidii magaalada Mugdishu nabad loogu soo celin lahaa kahor inta aan shirka laqaban bisha dambe lix iyo toban keeda hadii allaha awooda leh ogolaado. Mudane, Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere) mar uu la kaftamayey waftiga ayaa waxa uu ku yiri waxa ay diideen tagsiileyda Minesota in ay qaadaan Khamriga iyo eyda ee nooga warama sida ay u dhacdey arintaas, waftiga ayaana uga warbixiyey sida arintaas u dhacdey.

Shirkaas ayaa waxa soo gunaanadey Safiirka Soomaaliya u jooga wadanka Kenya mudane Maxamed Ali Nuur ( Ali America) asagoo u mahad celiyey waftigii ka socdey Minnesota.

Abdimalik Askar, Somali Media somalimedia@gmail.com

March 24, 2007


Dadkii ugu badnaa oo ka qaxay Muqdisho

Markaad istaagto dariiqyada Magaalada Muqdisho, waxaad arkeysaa gawaari fara badan oo ay saaran yihiin alaabo u badan Joodiriyaal, kuwaas oo ka cararaya dagaalkii saddex maalmood ee ugu dambeeyey ka socday Magaalada Muqdisho.

Nin walba wuxuu ku qaxi karay ayuu la soo baxay, mid ku qaxa Gaari Xamuul ah, kuwo ku qaxa Gawaari yar yar, kuwo ku qaxa Gawaari Dameero, kuwo iyana ku qaxayey Gaari Gacmeedyo iyo waliba kuwo Duudkooda isticmaalayey oo lug ku tagayey goobaha ku dhow Magaalada Muqdisho sida Ceelasha Biyaha iyo Lafoole.

Dadka ayaa nolo xumo kala kulmay Goobihii ay u qaxeen waxaana carruurta qaarkood ku dhacay cudurka Shuban Biyoodka, iyadoo qaxa laga dareemay gobalada ku dhow dhow Magaalada Muqdisho oo dadku isugu tageen. Madaxa gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dad gaaraya ilaa iyo 6-kun oo qof ay ka qaxeen Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in Dowladdu sabab u tahay kadib markii ay amartay in dhul baaxad ay dadkaasi ka baxaan, iyadoo aan u hayn goobo ay dejiso.

       

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

March 24, 2007

::: Maxaad ka Taqaan Taariikhdii Jeneraalkii Islaamka, Khaalid Bin Waliid


Uganda: Ciidamada Uganda Lama Geyn Doono Meel Ka Baxsan Magaalada Muqdisho
.Magacyadda Maxaabiista la hayo oo ay soo badhigeen...
.Dagaal Xooggan oo ka Dhacay Magaalada Cadaado...
.Ciidamadama Uganda oo ka walaacsan Joogitaanka Itobiyan.
.C/llaahi Sheekh Xasan “Waxaan Awoodnaa in aan weerarno
.Warbixin: dagaalada dib uga soo cusboonaaday Muqdisho
.Puntland oo Beenisey in Ciidamo Ka Joogaan Muqdisho
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Mar 23


Soomaali
Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.

Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa... Akhri....


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com