SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoMar 27, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (86), Muqdisho (90), Beledweyne (93), Baydhabo (101),  Galkacyo (122),
Sarbeebtii Diinaari
Daabaco Boggan | Print
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


WARARKII: March 27, 2007
  • Kun Qori oo lagu kala iibsaday Cirtoogtaha Bakaaraha oo..
  • Xeradii Xoosh oo ay ku jireen Ciidamada Dowladda Federaalka oo halkaas isaga Baxay…
  • Gabdho Soomaaliyeed oo ku Nool wadanka Ingiriiska oo Deeq Lacageed soo gaarsiiyey ..
  • Odayaasha Beelaha Hawiye oo ku wareejiyey Beelahoodii Maxaabiistii Dhawaan ..
  • Dowladda Mareykanka oo dooneysa ay la kulanto Odayaasha Beelaha Hawiye ..
  • Qarax ka dhacay Xero ay degenaayeen Ciidamada Itoobiya ee Deegaanka ..

  • VOICE: Interview with Ken Menkhaus .....   audio clip VOA
  • The Plan -- according to U.S. General Wesley Clark (Ret.) | Youtube...

Kun Qori oo lagu kala iibsaday Cirtoogtaha Bakaaraha oo..

Mar aan booqanay Suuqa lagu kala iibsado hubka ee Cirtoogte ee Bakaaraha ayaan u kuurgalnay qaabka loo kala iibsanayo Hubka iyo waliba kuwa soo galaya suuqaasi.

Qiimaha hubka ayaa cirka iska shareeray kaas oo lagu macneeyey dagaalada ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho ayaa mid ka mid ah ragga ka ganacsada suuqaasi oo lagu magacaabo Max’ed Abshir uu noo sheegay in qoriga K47 uu marayo $350 Doolar, sidoo kale qoriga Dabamiishaarka ama Dabajeexa ayaa isna maraya $6,000 oo Doolar oo ah qorey si baas ah u dhaca, isla markaana rasaastiisu ay jirto silsisad intii aan doonto aad isticmaali kartid.

Max’ed Abshir waxaan weydiinay in hub uu soo galay suuqaasi, waxa uuna ku jawaabay "Wallaahi haddii aan runta kuu sheego labadii maalmood ee ugu dambeeyey suuqaan waxaa lagu kala iibsaday ilaa iyo kun Qori oo K47 iyo Lixdan qoriga Dabamiishaarka ah", waxaan sidoo kale weydiinay halka uu habkaasi ka soo galay, waxa uuna noogu jawaabay "Waxaan qoryahan ka gadanay Ciidamada Dowladda oo qoryahooda la soo baxsaday, kuwaas oo doonaya in ay ka dhigtaan jiscin si ay ugu gaaraan gobaladii ay ka yimaadeen".

Max’ed Abshir waxa uu sheegay in maalmaha soo socda uu suuqaasi soo galo hubkii ugu badnaa, isagoo sheegay in ay soo gaareen fariimo fara badan oo la xiriira in suuqa uu u soo socdo hub tiro badan, hase yeeshee Salaad Cali Jeele oo ah Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ayaa waxaa laga soo xigtey in uu sheegay in aysan jirin qoryo lagala baxsaday Dowaldda Federaalka.

Xeradii Xoosh oo ay ku jireen Ciidamada Dowladda Federaalka oo halkaas isaga Baxay…

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xoosh waxay sheegayaan in Ciidamadii Dowladda Federaalka ee ku jiray Xerada Xoosh ay gebi ahaanba halkaasi isaga baxeen kaddib markii ay dhawaan dagaalo ka dhaceen Magaalada Muqdisho.

Mukhtaar Sayid oo ka mid ah dadka Deegaanka Xoosh ayaa waxa uu noo sheegay in ciidamadaasi dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey ay halkaasi ka baxsanayeen, waxa uuna sheegay in halkaasi ay ku jireen ila iyo 2000 oo ciidamo oo ay Dowladda Federaalka ah ugu talagashay inay ku sugaan ammaanka Magaalada Muqdisho, sidoo kale Ciidamadii ku xareysnaa Deegaanka Xerada Darmooley ayaa waxaa la sheegay in ay isku kala saareen Qabiil-Qabiil, waxayna wararku sheegayaan in qaar ka mid ah ciidamadaasi ay u soo baxsadeen dhinaca Magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamadii laga keenay deegaanka Puntland ay halkaasi ku sugan yihiin.

Tan iyo markii ay dhaceen dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ciidamadii Dowladda ee tababarku ugu soo dhamaaday Garoonka Balidoogle la sheegay inay intooda badan dib ugu laabteen deegaanadii ay ka yimaadeen

Gabdho Soomaaliyeed oo ku Nool wadanka Ingiriiska oo Deeq Lacageed soo gaarsiiyey ..

Xaalad Murugo oo ka jirta Isbitaalka Banaadir

Gabdho Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Ingiriiska ayaa Deeq lacageed soo gaarsiiyay Bukaanada ku jira Isbitaalka Banaadir waxaana Deeqdaasi loogu soo hogaajiyey Qoraaga C/nuur Shiikh Max’ed.



Deeqdaan oo ka koobnayd 500 oo Doolar ayaa waxaa Gudoomay Agaasimaha Isbitaalka Dr. C/laahi Xaashi Kadiye oo isga u mahadcaliyey Gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Ingiriiska waxa uuna sheegay in Gabdhahaasi ay yihiin kuwa ku dayasho mudan.



C/nuur Shiikh Max’ed waxa uu sheegay in Gabdhaha Soo dhiibay Deeqdaasi uusan garanaynin balse ay isku barteen dhinaca Inter-net-ka isagoo sheegay in Gabdhahaasi ay yihiin kuwa og dhibaatada haysata Shacabka Soomaaliyeed.



C/nuur oo mid mid lacagtaasi ugu qaybiyiy Caruurta la ‘il daran Cudurka Shuban Biyoodka kuna jira Isbitaalka ayaa waxa uu sheegay in Gabdhaha Soomaaliyeed ay si aad uga horeeyeen dhinaca wax bixinta Ragga Soomaaliyeed ee ku nool Dibadaha waxa uuna u mahadcaliyey Gabdhihii soo dhiibay Deeqdaasi Dadkii la gudoonsiiyey Deeqdaasi ayaa u mahadcaliyey Gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Ingiriiska waxayna ku booriyeen in halkaasi ay ka sii wadaan u gar-gaarida Umadda Soomaaliyeed

Odayaasha Beelaha Hawiye oo ku wareejiyey Beelahoodii Maxaabiistii Dhawaan ..

Maalintii shalay ahayd ayaa Odayaalka ka tirsan Beeelaha Hawiye waxay Beelahoodii ku wareejiyeen 18-Maxbuus oo dhawaan lagu qabtay Dagaalkii ka dhacay Agagaarka Wasaaradii hore ee Gaashaandhiga

Odayaashii ka qaybgalay wareejinta Maxaabiistaasi waxay sheegeen in ay waayeen Dowlad ay ku wareejiyaan Maxaabiista balse ay isku afgarteen in lagu wareejiyo Beelahoodi Maxaabiistaasi C/laahi Shiikh Xasan oo ka mid ah Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye ayaa waxa uu sheegay in Maxaabiistaasi ay u sii daayeen si Islaanimo iyo Soomaalinimo ah Qaar ka mid ah Maxaabiistii lagu qabtay Dagaalkaasi oo iyagana ka hadlay halkaasi ayaa waxa ay u mahadcaliyeen intii ka shaqaysay inay badbaadiyaan waxa kaloo sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay intii la hayey

Dowladda Mareykanka oo dooneysa ay la kulanto Odayaasha Beelaha Hawiye ..


Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP

Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Dad ka qaxayey Muqdisho, Mar 25, 2007. Sawirka: AFP

Warar aanu ka helanay Magaalada Nairobi ayaa waxay sheegayaan in Safiirka Maraykanka u fadhiya Wadanka Kenya la sheegay in uu qorshaynayo in uu kulamo la yeesho Odayaasha Beelaha Hawiye waxaana la sheegay in kulankaasi lagu wado in uu ka dhaco Magaalada Nairobi.

Dowladda Maraykanka ayaa la sheegay in ay danaynayso in ay gacan ka geysato sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa Dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdihso oo waayadan ahayd mid ay ka taagan yihiin Xiisado Colaadeed.

Dowladda Maraykanka ayaa la sheegay inay si aad ah uga wal-walsan tahay Wajiga Cusub ee ku yimid Siyaasadda Soomaaliya ka dib markii Dowladda lagu soo dhisay Magaalada Nairobi ay ka hor yimaadeen Beelaha Hawiye inkastoo ay xilal ka hayaan

Dhinaca kale warar ayaa waxa sheegayaan in Saacadaha soo socda ay Muqdisho soo gaaraan Wafdi ka socda Dowladda Itoobiya si ay ula kulmaan Odayaasha Beelaha Hawiye

Qarax ka dhacay Xero ay degenaayeen Ciidamada Itoobiya ee Deegaanka ..

Maalintii shaley shayd ayaa Xerada ay degan yihiin ciidamada Itoobiya ee deegaanka Darmoolay ee degmada Balcad ayaa waxaa ka dhacay Qarax aad u wayn kaasoo si aad loogu maqlay Deegaanada ku dhow-dhow Xeradaasi Qaraxaan ayey sheegeen Dadka Deegaanka in uu geystay Khasaaro Baaxad wayn iyadoo markuu dhacay ka dib ay Ciidamdada itoobiya ay Rasaas ku fureen Gaari Taksi ah oo marayey Wadada Balcad waxaana halkaasi ku geeriyooday Darawalkii Gaariga

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qaraxaasi Qaar waxay sheegayaan in uu ahaa Miino, warar kale waxay sheegayaan in uu ahaa Qarax dhexdooda ka kacay warar kale ayaa iyana waxay sheegayaan in uu Qaraxaasi uu mid meel fog laga soo tuuray isku soo duubo ilaa haatan Ciidamada itoobiya wax Tafaasiil ah kama bixin Qaraxaasi

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

March 27, 2007

::: Maxaad ka Taqaan Taariikhdii Jeneraalkii Islaamka, Khaalid Bin Waliid


Warar GooGoos ah: Maarso 26
.Qodobo ka soo baxay kulankii Odayaasha Hawiye…
.Mucaaradka Itoobiya oo uga digay in Ciidamada in ay..
.Ban-Ki Moon oo u soo jeediyey kooxaha ku dagaalamaya
.C/lahi Yuusuf oo markii ugu horeysay ka soo baxay xarunta
.Geeddi oo kulan gaar ah la qaatay Abuukar Caddaan…
.Gacma Dheere "Waa idinka la kulmay Itoobiyee ka xaab...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Mar 26

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com