MAXAAD KA TAQAAN AXDIYADII GENEVA (GENEVA CONVENTIONS)
Waa qoraal taxano noqon doona.
MOHAMED
ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
Muddo Nus qarni ku dhaw ayaa dadka Soomaalida ee ku dhaqan Mandaqadda
Geeska Africa waxay ku hoos noolayeen cahdiyo aad u adag, kuwaasi oo sabab u
noqday xasuuqyo, jidh-dil, kufsi, iyo caga juglayn farabadan oo ay kala
kulmeen shakhsiyaad,dawlado, ururo iyo kooxo isku bahaystay sharaf dillidda
ama hoos u dhigga karaamada qofka Bini-aadmiga ah.
Hadaba akhristow Dulucdan oo noqon doonta taxane ku soo baxda badanaba
Saxaafadda Somaliland iyo Soomaalida Madax Banaan waxaan doonaya inaan
halkani ku soo bandhigo taariikhdii Axdiyadii lagu kala saxeexday Xarunta
dalka Swizerland ee Geneva, kuwaasi oo badanka aan dadka africa Maamula
aqoon u lahayn.
MAXAA DHALIYEY AXDIYADII GENEVA
Isku dayo farabadan oo la doonaayey in xal bini-aadminimo loo helo
dhaqanka goobaha dagaalka ayaa hadheeyey inta la hayo taariikh colaadeedka
soo wajahay dunida aynu maanta ku noolahay, waxaana in badan xooga la saaray
in loo helo qaraaro meel dhexe la iskugu keenaayo oo lagu xakamaynaayo
falalka xun ee lagula kaco dadka lagu kala qabsado goobaha dagaalka.
Qarnigii Lixaad Nebi Ciise (C.S) ka dib ayaa dagaal-yahan Chinese ahi oo
la odhan jiray Sun Tzu wuxuu soo jeediyey in xadidaad lagu sameeyo Siyaabaha
loo dagaal galo.
200 Nebi Ciise dabadii (C.S) ayaa waxaa lagu dhex arkay Xeerar ay
samaysteen dadka aaminsan diinta Hunduuska qodobo qeexaayey danbiyada
dagaalka, xeerkaasi oo la odhan jiray "code of Manu"
qaraarkii Manu.
1305 tii ayaa geesigii dagaalyahanka ahaa ee u dhashay Scotland oo la
odhan jiray Sir William Wallace wuxuu soo jeediyey in la hindiso qaraaro
lagu xakamaynaayo dadka gala danbiyada dagaalka.
Hugo Grotius oo ahaa caalim ku talax tagay cilmiga
edabiga una dhashay waddanka Spain ayaa sannadkii 1625 wuxuu soo jeediyey
qaraaro qeexaayey Adeeg bini-aadminimo oo la siiyo dadka shacabka ah ee ka
qaxa ama ka haajira goobaha dagaalka.
1825-kii ayaa waxaa dil toogasho ah lagu xukumay askari ka tirsana
Xulafadii galbeedka Europe ee fransiisku hor kacaayey oo la odhan jiray
Henry Wirz, isaga oo lagu soo eedeeyey inuu si anshaxa ka
baxsan u dilay Maxbuus ku xidhna xabsi ay maamulayeen Xulafada galbeedka oo
la odhan jiray Andersonvilla kuna yaallay magaalada Lyon ee
dalka fransiiska.
Hadaba iyada oo qarniba qarniga ka danbayey la arkaayey xadidaado
(limitations) farabadan oo la saarayey danbiyada laga galo goobaha dagaalka
(War Zones) , ayey taasi waxay guul horleh u noqotay in meel dhexe la
iskugu keeno cududadahii Ciidameed (the powerfull military forces) ee jiray
qarnigii 19-naad laguna qanciyo in si dhex dhexaad (neutral agreement) ah
axdi ay u wada saxeexdaan.
Akhristow waxaa markii ugu horaysay qallinka lagu duugay Axdiga Geneva
Sannadkii 1864-kii iyada oo axdigu keliya qeexaayey sidii loogu gar gaari
lahaa,loona ilaalin lahaa,loona xaq dhawri lahaa,dadka ku dhaawacma goobaha
dagaalka; dadka ku xanuusada goobaha dagaalka, axdigaasi oo uu sameeyey ama
ictiriraaqay Geesiga lagu xasuusto Heshiisyada axdigani Geneva oo la odhan
jiray Henri Dunant, Henri Dunant wuxuu
markii danbe noqday maskaxdii ka danbaysay samaynta ururka Laan-qayrta cas
ee aduunka (World Red Cross Organization), wakhtigaasi laga bilaabana
waxa ururka Laan qayrta cas iyo ururka kale ee ay bahwadaagta yahiin ee
Bisha Cas ka ahaayeen heshiisyadaasi Geneva udub dhexaad.
Sannadkii 1899-kii ayaa waxaa lagu soo biiriyey Axdiga Geneva qaraaro
kale ama axdiyo kale oo qeexaayey Gaasta sunta ka samaysan, iyo maadooyinka
laga tuuro dhuumaha ee loo yaqaano (asphyxiating) taasi oo khatar ku ah
jiritaanka nolosha aadamaha dhalin kartana cuduro halis ah oo ay ka mid
yahiin cudurada Kansarka, iyo cudurada dubka sare ku dhaca, xiiqda I.W.M.
1907 ilaa 1913 kii waxaa lagu soo biiriyey axdiyo kale oo lagu saxeexay
magaalada Geneva kuwaasi oo la dhamaystiray sannadkii 1925-kii laguna
xarantimeeyey adeegsiga Gas-ta wadata sunta iyo Bakteeriyada (poisoned gas
and bacteria)
1929-kii ayaa waxaa ku soo biiray axdiga Geneva Qaraaro cusub oo
qeexaayey sida loola dhaqmayo dadka ku dhaawacma dagaalada laba dhinac
iskaga soo horjeedaan iyo weliba Maydka labada dhinac ku dhinta, isla
sannadkaasi waxaa kale oo la saxeexay in dadka ku qar qarma bedda dhexdeeda
loogu adeego si bini-aadminimo ah xitaa hadday yahiin cadawga dhinaca kale.
Xabaalaha Malko Dur Duro
Magaalada Hague ayaa waxaa lagu kala saxeexday laba axdi oo kale oo lagu
daray axdiyadii Geneva oo qeexaayey Ilaalinta goobaha dhaqanka iyo
waxyaabaha dhaqanka bulsho ka soo jeeda, sida dhaqamada bulshada, dhaqamada
diimaha, dhaqamada qaranimada, dhaqamada dawliga ah I.W.M.
Haddaba akhristow bilawgii saxeexa Axdiga keliya ee dunnida u adeega
sidii loo baajin lahaa fool xumooyin bini-aadminimo oo dunida asiiba ayaa
maanta waxaa ururka Axdiga Geneva oo ah urur ka madax banaan qaramada
Midoobay Xaruntiisuna tahay magaalada Geneva wuxuu ka doodaya sidii loo
xaaranti mayn lahaa hubka khatarta ah ee loo yaqaano (WMD) iyo weliba
miinooyinka dhulka hoostiisa lagu xabaalo oo gaysata khasaarooyin
bini-aadminimo oo naf iyo maal dad aan waxba galabsan leh.
qormooyinkani oo si taxana ah ugu soo bixi doona warbaahinta ayaa waxaa
todobaadka soo socda aan bilaabi doona qodobada qaraarka Geneva aniga oo
todobaadkasta ka hadli doona dhawr qodob, iyo sida dawladaha Afrikaanka ahi
iyo weliba kuwa isku sheega inay horumareen sida dalka maraykanka ugu xad
gudbaan axdiyadaasi.
Insha allahu waa inoo todobaadka danbe.
LA SOCO............
Qoraalkii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
diridhaba2001@hotmail.com
Karachi, Pakistan.