SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TAARIIKH
Daabaco Boggan | Print
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..


TAARIIKHDA ISLAAMKA

  • KHAALID BIN WALIID (r.c.)


Khaalid Bin Waliid: oo noolaa intii u dhexeysey (592-642), waxa uu ahaa Jeneraaladii ugu qiimaha badnaa ee adduunka soomara, waxana uu ahaa dadkii ugu geesinasaa ee weligood soo mara Muslimiinta. Waxa uu hoggaamiyey ciidamada Muslimiinta xilligii uu Noolaa Rasuulku NNKH, iyo xilligii Khulafaa'u Raashidiintii: AbuuBakar Sidiiq iyo Cumar Bin Khaddaab.

"Waa addoonkii Allah oo aad u wanaagsan: Khaalid Bin Al-Waliid, oo ah mid ka mid ah Seefaha Allah, ayaa xooggiisii ooda kaga qaaday kuwo aan Allah rumaysnayn" Waxaa hadal sidaas u dhigma laga weriyey Nebi Muxamed [NNKH], oo ay weriyeen Tirmidhi iyo Axmad ayna ka weriyeen Abu Hurayrah, kuna sugan Saxiix Al-Jaamic Al-Saqiir No. 6776.

Khaalid Bin Waliid, SEEFTII ALLAH:

Dagaalkii Mu'ta ayaa waxaa la diley saddex ka mid ah saraakiishii hoggaaminayey Muslimiinta, Markaas ayaa Khaalid (r.c.) waxa uu qabtay hoggaaminta ciidankii dagaalamayey. Khalid (r.c.) waxa uu wadey dagaalkii xataa iyadoo xaaladu aad u sii xumaaneysey. Waxa uu u dagaalamay si geesinimo dhaaf ah, waxaana jabay sagaal seefood oo uu ku dagaalamayey. Laakiin wuxuu ogaa haddii uu dagaalkaasi sii socdo in la laynayo dhammaan ciidankiisa, markaas ayuu ciidankii uu watey dib uga saaray goobtii dagaalka. Waxana uu ku celiyey Madiina. Markaas ayaa dadkii waxay ku eedeeyey in uu baqdin darteed uu Khaalid dagaalka uga soo cararay. Laakiin Rasuulku (NNKH) waxa uu dadkii u sheegay in uu Khaalid sidii saxda ahayd sameeyey. Waxana uu Rasuulku (NNKH) yiri Khaalid iyo ciidankiisu waxa mar kale u dagaalami doonaan magaca Allah (s.w.t). Waxana uu Rasuulku (NNKH) Khaalid bin Waliid (r.c.) siiyey cinwaanka Seeftii Allah (Sayfullah). Waxaana hadalkii Rasuulkii Allah la arkay markii uu Khaalid wacdaraha ka soo hooyey dagaaladii dambe ee uu galay, sida kii Yarmuk.

Yarmuk:

Dagaalkii Yarmuuk [ee dhex maray Muslimiinta iyo Ruumaankii] waxa uu ka dhacay dalka Suuriya (Syria) markey taariikhdu ahayd August 636, waxana uu dagaalkaasi socdey lix maalmood. Boqorkii Byzantine, oo magaciisa la oran jirey Heraclius, waxa uu isu keenay ciidan isugu jirey Greek, Syrian, Mesopotamian iyo Armenian oo tiradoodu ahayd 200,000. Safka hore ayuu keenay ciidamo uu isugu xirxiray silsilado si aysan uga cararin seefta Muslimiinta. Askarta tiradaas le'eg waxa ay ka hor tegayeen Musliinta oo tiraduudu dhamayd 24,000. Waxaana Guushi Allah siiyey Muslimiinta, waxaana taariikhyanadu sheegaan in goobta Al-Yarmuk oo ah Webi lagu diley 70,000 oo ah ciidankii Giriiga iyo xulufadoodii ee boqor Heraclius, Muslimiintiina halkaas ay ku raacday guushii ugu weyney, guushaas oo sabab u noqotay in Suuriya ay kusoo wareegto gacanta Muslimiinta.

Si dadka loo tuso in guushu ay ka timid xagga Allah (swt) oo keliya, ayaa xilligii Khaliifada Cumar (r.c) waxa uu Khaalid (r.c) u sheegay in uu iska dhiibo hoggaaminta Ciidamidii Muslimiinta ee ku sugnaa Suuriya. Khaalid (r.c) waa aqbalay arrintaas ay go'aansatay Khaliifada, laakiin waxa uu sii wadey in uu dagaalka ku jiro isagoo Askari caadi ah.

Khalid bin Waliid (r.c.) sannadkii 642 ayuu u dhintay xanuun. Wixii uu haysteyna waxa uu ku wareejiyey Khaliifadii Cumar (r.c.) - Waxaan ahay halyey dagaal yahan ah; Waxaan ahay Seeftii Allah, Khaalid Bin Waliid!.

Isha: Wikipedea...

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 27, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH