Warar:
Dec 19, 2006
- Cadde Muuse oo C/llaahi
Yuusuf u soo jeediyey in.
- Cali Cabdala Saalax
oo wada dadaalkii ugu dambeeyey oo lagu baajinayo..
- Nin ka tirsan
Ciidamada Maxaakiimta oo dil ka geystey ..
- Cali Max’ed Geeddi
oo shalay warbixin siiyey Golaha Baarlamaanka...
- Casho Sharafkii Garaadka iyo
Soomaalida Minnesota
- Bosaso: Mid ka mid ah
Shaqaalaha Shirkada Isgaariista ee Golis oo
lagu diley Magaalada Boosaaso.
- Warbixin Dheerad
ah: Bannaanbixii Soomaalida Denmark
-
Garowe: Mudaharaad looga
soo horjeedo Gabood fal loo gaystay dad rakaab ah oo ka
soconaya Garowe.
Dec 19: Saaka hiirtii waabari ayay ku waa bariistay
magaalada Garowe dhacdo layaab leh oo ka dhacday bartamaha
magaalada garowe taasi oo ka caraysiisay dadka ku dhaqan
magaalada garowe sababsiisayna in ay ka mudaharaadaan.
Gaari rakaab ah oo sida la sheegay ku safrayay bartamaha
magaalada ayaa xalay abaare 8 habeenimo burcad hubaysani u
gaysteen dhac iyo baarasho islamarkaana ay kufsadeen gabdho
ka mid ahaa rakaabka gaariga saarnaa.
Gaarigan la dhacay ayaa ahaa nooca loo yaqaano Baska caasiga
ah waxaana la xaqiijinayaa in uu hada ku jiro saldhiga
booliska ee bartamaha magaalada garowe.
Gaarigan xalay la dhacay ayaan goobta lagu dhacay aysan
waxba ka fogayn saldhiga wayn ee magaalada garowe
islamarkaan ku dhaw taliska ciidanka qaybta garowe ilaa iyo
hadana ma jirto cid wax ka qabatay dhacdadan loo gaystay
gaarigan ku safrayay wadada.
Dhinaca kalena Dadka deegan ayaa markii boolisku wax ka
qaban waayay sameeyay saaka Dibadbax lagu gooynayo
wadooyinka iyada ay hada (markii aan warkaan saakay qoreyney)
go'antahay wadooyin badan oo dhexmara bartamaha magalada,
sidoo kalena waxaa baabuur badan oo u badan nooca looyaqaano
Mark2 lagu gooyay albaabka hore ee saldhiga oo ay ku
waabariisteen shacbakan ka caraysan dhacdadii xalay loogu
gaystay dhaca gaariga iyo kufsiga..
Ilaa iyo hadda ma jirto mas'uul ka hadlay ama wax ka yiri
dhacdadaan waxaana dadbadani is waydiinayaan sababta ay
boolisku u soo qaqaban la' yihiin burcada.
A/rizak koronto
Garowe Puntland
Garoowe: Hadal kasoo baxay
Xisbiga Ramaas:::
Puntland state of Somalia
Ramaas Political Party
RPP/171/06 Garowe: 19/12/06
Ku: saxaafada madaxabanaan ee Somalia
Ku: shacabwaynaha Puntland iyo kan somaliyeedba
Ogaysin: Golaha xukuumada DGPL
Ogaysiin: Golaha wakiilada DGPL
Ujeedo: Damiir laawayaasha Puntland
Mudanayaa iyo murwooyin waxaan idin kusalaamaynaa salaanta
islaamka salaan kadib waxaan idiin ka mahadcelinaynaa sida
aad noosoo ajiibteeen oo aad nagala soo qaybgasheen
warsaxaafadeedkan.
Walaalayaal sida aad la socotaan waxaa faraha ka baxay
amnigii dalka iyo kala danbayntii waxaa burcadii ka
bilaamatay magaalooyinkii waawaynaa ee puntland dhexdooda
sdia aad la socotaan waxaa shalay lagu dilay magaalada
Bosaso nin dhalinyaro ah cid soo qabatay gacankudhiiglihiina
ilaa iminka lama hayo mana jirto, sidoo kale magaalada
Galkacyo waxaa shalay lagu dilay nin suxufi ah isagana cid
gacanku dhiiglihii falkaa gaystay soo qabatay majirto, sidoo
kale ayaa waxaa amgaalda garowe xalay ka dhacday fal laga
argagaxay oo Hotel dawada hortiisa ah islamrkaana saldhiga
Boolisku u jiro wax kayar 100 talaabo ayaa burcad baarbuur
ku baaratay.
walaalayaal sida aad la socotaan waxaa gacanta ka baxay
dhaqaalihii dalka oo shaqaalihii danyarta ahaa waxay
la'yihiin mushahaarkoodii lacagtiina waxay gacantooda ku
dhacdaa shakhsiyaad danaystayaal ah.
Walaalayaal sida aad la socotaan waxaa sii dhamaanaya
wadadii laamiga ahayd oo meelo badan ka burbursan meelana
boholo ku yeelatay oo ay khatar ugu jiraan in ay ku hoobtaan
baabuurtu.
Walaalayaal sida aad wada ogtihiinba waxaa meeshaba ka baxay
dhamaan arimihii bulshada oo aysan jirin cid wax ka qabata
ama isku taxaluujinaysa ama ka hadashaba haday tahay xaga
maamulka,tusaale ahaan caafimaadka, waxbarashada, nadaafada,
nabadgalyada, iyo dhamaan hormarka dalka iyo dadka.
Walaalayaal sida aad la socotaan puntland waa Dal aad u
balaaran oo hodan ah aaway dalka inta laamiga ah maahane
intii kale ma waysan u baahnayn daryeel guud.
Walaalayaal sida aad la socotaan markii puntland la dhisayay
waxaa loo dhisay sida gole oo ka madaxbanaan gole kamid ah
sideedii sano waxaa madaxa kagataagnaa labada gole oo kale
oo ah golaha xukuumada iyo golaha wakiilada, golahaas madaxa
lagaga taaganyahayna waa golaha garsoorka oo la diidayo ama
laga cararyo marna in cadaaladi shaqayso hade hadii
cadaalada la waayana meesha waxba mayaalaan waa eber iyo
kala googo.
walaalayaal kooxdaas ku fashilantay hogaankii dalka suurta
gal matahay in aynu ka dhagaysano waxaanu soosaaraynaa
shidaal ama khayraadka dhulka hoostiisa ku jira iyaga oo
laga waayay hantidii muuqatay beekhaaminteedii.
Walaalayaal in kasta oo aan idiin sheegayno waxaad ogtihiin
ilaah baan idin ku dhaariyee miyaan lagu sheegi karin golaha
xukuumada iyo golaha wakiilada damiir laawayaal isku
bahaystay boobka dalka.
Walaalayaal sdia aad la socotaan waxay ku dhaqmaan wax lagu
sheego tastuur, tastuurna ma shaqeeyo hadii aanshacabka cod
looga qaadin mana jirto meel cod loogu waydiiyay shacabka
iyo cid ka hadashay iyo cid kale toona xaqna maahan
tastuurka caynkaas ah in dalka lagu hogaamiyo oo lagu baarto.
Walaalayaal waxaa la dajiyay 1998 xeer ku meel gaar ah wax
dalka lagu dhaqi karana isaga ayaa jira inkasta oo aysan
waxba ka noolayn oo ay kuwada tunteen kuwii hore iyo kuwan
danbeba labaduba.
Walaalayaal waxaanu ku baaqaynaa ka xisbiga Ramaas ahaan in
xeerkii ku meelgaarka ahaa ee hore lagu dhaqmo doorasho
dagdag ahna la qabto maadaama ay damiir laawayaashu labasano
iyo bar ay dalka haystaan waxaan codsanaynaa si dalka iyo
dadku u badbaadaan loogana baxsado dagaal sokeeye in sida
ugu dhakhsaha badan uu isu casilo madaxwaynaha iyo
madaxwayne ku xigeenku shacabkuna ay badashaan damiir
laawayaasha sheegta golaha wakiilada.
Gudoomiyaha xisbiga Ramaas Politcal Party
Daahir c/qaadir muuse Email: daahirciiro@hotmail.com
Tell : 002525747090 Garowe puntland
Cadde Muuse oo C/llaahi
Yuusuf u soo jeediyey in.
Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland Jeneral Cadde
Muse oo haatan kusugan Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu
kulan gaar ah la yeeshay C/llaahi Yuusuf, waxaana
kulankaasi la iskula soo qaaday sidii looga hortagi
lahaa Maxaakiimta Islaamiga ah oo haatan ku soo
dhawaanaya xarunta Dowladda Federaalka ee Baydhabo.
Gen. Cadde Muuse ayaa
waxa uu sheegay in Maxaakiimtu ay yihiin xoogag awood ah
isla markaana ay ka go’an tahay inay gacanta ku dhigaan
Magaalada Baydhabo, waxa uuna C/llaahi Yuusuf u soo
jeediyey in Dowladdu ay ku sii shaqeyso Magaalada
Gaalkacyo ee Gobalka Mudug, isagoo sheegay in Dowladda
loo diyaariyey xarumihii wasaaradaha iyo goobihii ay ku
shiri lahaayeen, hase yeeshee warar ayaa waxay
sheegayaan in C/llaahi Yuusuf uu arrintaasi ka goos
adeegay sheegeyna in Maxaakiimta Islaamiga ah ay ka
saari doonaan gebi ahaanba dalka, basle ma cadeeynin
waxa uu adeegsan doono, waxaase loo badiyey in C/llaahi
Yuusuf uu adeegsan doono Ciidamada Itoobiya ee maalmahan
ku soo qulqulaya dalka Soomaaliya.
“Reer Puntland maxaa
keligood u xilsaaray inay Dowladda difaacaan, maadaama
ay Dowladdu tahay mid ka wada dhexeysa Shacabka
Soomaaliyeed” ayuu yiri Caddee Muuse oo sheegay in
xoogga Dowladda Dowladda ee ku sugan Baydhabo sida ugu
dhaqsiyaha badan loogu raro Magaalada Gaalkacyo si hal
waji looga hortago Maxaakiimta Islaamig a ah. Ciidamada
Puntland ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa ilaa afar
bilood aan qaadan wax mushaar ah, waxaana laga cabsi
qabaa in ay gadoodaan oo ay ku biiraan Maxaakiimta
Islaamiga ah, haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan
ciidamadaasi dhaqaale loogu helin, warar kale ayaa waxay
sheegayaan in C/llaahi Yuusuf uu sida ugu dhaqsiyaha
badan uu wada hadal ula galo Maxaakiimta Islaamiga
maadaama ay inta badan gacanta ku hayaan dalka.
Cali Cabdala Saalax
oo wada dadaalkii ugu dambeeyey oo lagu baajinayo..
Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdala Saalax oo ay si
aad ah isugu dhow yihiin Ra’isul Wasaaraha Dalka
Itoobiya, isla markaana ay ku wada jiraan isbahaysiga
Sanca ayaa haatan wada dadaalkii ugu dambeeyay oo uu ku
baajinayo in uu dagaal dhex maro Maxaakiimta Islaamiga
ah iyo Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha Yemen Cali Cabdala Saalax ayaa horey ula
kulmay guddoomiyaha Guddiga fulinta Maxaakiimta
Islaamiga ah sheikh Shariif Sheekh Axmed, waxayna isla
soo qaadeen sidii loo qaboojin lahaa xasarada u dhexeysa
Itoobiya iyo Maxaakiimta, waxaana la sheegay in Sheekh
Shariif uu arrintaasi aqbalay.
Cali Cabdala Saalax ayaa markiiba waxa uu xiriir la
sameeyay Ra’isul Wasaaraha dlaka Itoobiya, waxa uun ka
codsaday in si ka fool ka fool ah ay isku hor fariistaan
Maxaakiimta iyo Itoobiya, waxaana la filayaa in dhawaan
uu magaalada Sanca soo gaaro ergay ka socda Dowladda
Itoobiya, sidoo kale waxaa dadaalkaan wada Dowladda
Suudaan oo iyana dooneysa in ay qaboojiso xaaladda
Maxaakiimta iyo Itoobiya.
Nin ka tirsan
Ciidamada Maxaakiimta oo dil ka geystey ..
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee
Ex-Control ee Afgooye waxay sheegayaan in Askari ka
tirsan Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah uu toogasho ku
dilay nin ka tirsnaa dadka deegaanka.
Dilkaan ayaa waxaa si weyn uga carooday dadweynaha ku
nool deegaankaasi oo markiiba abaabulay banaanbax ay
kaga soo horjeedaan dilkaasi, waxayna qaarkood ku
dhawaaqayeen in sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta loogu
soo dhigo ninka gaystay dilkaasi.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa
markiiba gaaray deegaankaasi oo ku guuleystay inay
xiisadda qaboojiyaan, waxayna ballanqaadeen in sida ugu
dhaqsiyaha badan maxkamad loo soo taagi doono
Askarigaasi oo lagu fulin doono waxay shareecado ka
qabto, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in
dilkaasi uu ahaa dil aan loo qasdin, basle ilaa iyo wax
xaqiijiyey ma jiraan sababihii ka dambeysay dilkaasi.
Cali Max’ed Geeddi
oo shalay warbixin siiyey Golaha Baarlamaanka...
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cali Max’ed
Geeddi ayaa shalay hor yimid Golaha Baarlamaanka, waxa
uuna warbixin ka siiyey wax qabadkii Dowladda ee
saddexdii bilood ay Xukuumaddu kalsoonida ka heshay
Baarlamaanka, waxa uuna sheegay Cali Max’ed Geeddi in
Dowladdu ay dib u abaabushay qaybihii kala duwaan ee
ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu
sheegay in Dowladdu ay sameysay Baasaboor cusub oo uu
sheegay in uu dhaqangeli doono Bartamaha sanadka cusub.
Waxa kale oo uu sheegay in uu jiro hindise ku saabsan
sharciga batroolka dalka kaas oo hadda horyaal Golaha
Xukuumadda DFKMG.
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo ay soo gaarayeen
su’aalo fara badan oo kaga imaanayey xubnaha
Baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in Dowladdu ay geed
gaaban iyo mid dheerba u kortay sidii loo dhameyn lahaa
khilaafka u dhexeeya Dowladda iyo Maxaakiimta Islaamiga
ah, hase yeeshee waxa uu sheegay in dadaalkaasi ay
caqabad ku noqdeen Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaa kaloo
uu sheegay in Dowladdu ay ku guuleysatay inay Beesha
Caalamka ka hesho taageero balaaran, gaar ahaan sidii
wax loogala qaban lahaa arrimaha ammaanka.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Abdimalik Askar
Somali Media
somalimedia@gmail.com
Mid ka mid ah
Shaqaalaha Shirkada Isgaariista ee Golis oo
lagu diley Magaalada Boosaaso.
Dec 18: Eebe Ha u Naxariistee Waxaa xalay fiidkii
lagu dilay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka
Bari Marxuum C/nuur Aw-cali oo ka mid ahaa
shaqaalaha Shirkada Isgaarsinta ee Golis xili uu
markaasi joogey Meel gurigoosa u dhow.
Ninkan ayaa sida la sheegey waxaa diley labo nin oo
Madaxa soo duubtay oo aan haybtooda lagaranayn, waxa
uuna u geeriyooday hal xabo oo madaxa ka haleeshey,
walina lama garanayo cidda disahay Marxuumka.
Ninkan maydkiisii ayaa wali wuxuu yaalaa Isbataalka
Guud ee Magaalada Boosaaso waxayna eheladiisu ay
diideen in la aaso ilaa la helo cida dilkan ka
dambaysay ama gaysatey.
Sidoo kale Batamaha Magaalada Boosaaso Waxaa shalay
lagu diley nin kale oo aan wali la garanayn sababaha
loo diley, hase ahaatee waxaa la sheegayaa in
ninkaasi loo diley Aano Qabiil.
Isku soo wada duuboo Amaanka Magaalada Boosaaso ee
xarunta gobolka bari ayaa baryihii ugu danbeeyay
ahaa mid sii xumaanaya oo ay dilalka dadku kusoo
badanayaan.
Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)
E-mail yusufgaduudow@hotmail.com
Bososo.Somalia.
Warbixin Dheerad
ah: Bannaanbixii Soomaalida Denmark Mudaharaad ballaaran oo ay kasoo qayb galeen dadweyne fara badan oo
Soomaaliyeed oo ka kala yimid magaalooyinka dalka Denmarka ayaa ka dhacay
shalayto 17/12/2006 magaalada Kobenhaegan ee caasimadda dalka Denmark.
Dadweynahaas isugu soo baxay goobtaas ayaa waxaa ay siteen boorar ama
tabeelayaal ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku diidan yihiin, kagana soo
horjeedaan Go'aankii UN-ta ee qaadista xayiraddii hubka Soomaaliya
saarnayd. Waxayna ku tilmaameen mid fasax la isugu siinayo Soomaalidu in ay
is layso.

Waxay dadweynahaas sidoo kale siteen boorar ay ku qornaayeen sida ay u
diidan yihii joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka ee Dalkeenna.
Isu soo baxan oo si habsami ah loo soo agaasimay ayaa waxaa dadkii ka hadlay
waxaa ay xoogga saareen in xalku uu ka iman karo oo kaliya Soomaalida.
Itoobiyana haddii ay Soomaaliya khayr u hayso waxaa laga arki lahaa dadka
iyo dalka Soomaaliyeed ee ay gumeysato.
Waxaa kasoo wada shaqeeyey isu soo baxan ururo ay ka mid yihiin ururuka
Kobenhavn Internationl Klub (KIK), Ururka Dhaqanka iyo Dhallin-yarada
Soomaaliyeed (SUKF) iyo Golaha Wadatashiga iyo Iskaashiga Soomaaliyeed Ee
Denmark (GW&IS).
Ugu dambayntiina waxaa talooyin halkaas looga soo jeediyey Dawladda
Federalka Kumeelk gaarka ah in ay ka waantowdo in ay dalka u soo hor kacdo
cadowgii soo jireenka ahaa iyo difaacisttisaba halka ay waajibkooda ahayd in
ay difaacaan dalka iyo dada ay dowladda u yihiin.
Abdulkarim H. Salad
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 19, 2006
Soomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka
badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri...
Maxaa ka soo baxay kulankii C/llaahi, Geedi iyo Cadde Muuse..
.Mudahadaraad ka dhacay Denmark
.Ma dhabbaa in Miles Zenawi uu yimid Magaalada Baydhabo..
.Xerada Manaas oo u muuqata mid ay sii faaruqinyaa..
.Sheekh Shariif oo gaaray wadanka Imaaraadka Carabta..
.Qiimaha sarifka doolarka puntland oo hoos u dhac ku yimid.
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Dec 18
Ciidamada
Itoobiya oo khamri fara badan soo geliyey Magaalada Baydhabo
.Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo oo dil iyo...
.3-kun oo Loor oo Bur ah oo shalay lagu gubay…
.Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka oo uu..
.Dowladda Canada oo walaac ka muujisay..
.Aqoonyahano soomaali-yeed oo Dowladda..
.Abwaan Abshir Bacadle oo loo doortey Gudoomiyaha..
.Dufcaddii 38-aad oo ka qalinjabisay Machadka Al-Cimra..
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
Dec 17


|