-
Maamulka
Somaliland oo Ogolaaday in Xabsiga Lagu Booqdo Sh. Maxamed Ismaaciil oo
Muddo Hal Sano ah ku xirnaa Xabsiga Hargeysa..
-
Sheekh/Ganacsade
Udhashay Gobolada Puntland oo saaka lagu
xidhay xabsiga Hargaysa...
Maamulka Somaliland
oo Ogolaaday in Xabsiga Lagu Booqdo Sh. Maxamed Ismaaciil oo Muddo Hal Sano ah
ku xirnaa Xabsiga Hargeysa...
Maamulka Somaliland
ayaa waxaa ay u golaadey in la booqan karo wadaadka ku xiran xabsiga magaalada
Hargeysa, sheikh Max’ed Ismaaciil, oo dhawaan aysoo baxeen warar ku saabsan in
wadaadku la jirdiley.
Wararka ka
imaanaaya magaalada Hargeysa ee Maamulka la baxey Somaliland ayaa sheegay in
markii ugu horeysay ogolaatay in ay xabsiga ku booqdaan ehelada Sheekh Max'ed
Ismaciil.
Wararku waxaa ay
sheegayaan in taliyaha cidamada Asluubta Col. Max'ed Cabdi Gureey uu ka
danbeeyey amarka ah in ay ehalada wadaadka ay booqan karaan.
Sheikh Max’ed
Ismaaciil oo ilaa iyo sanaddii 2005ta markii la xirey isaga ayaan loo ogoleyn in
xabsiga lagu booqdo waxaana ay noqoneysaa haddiiba lagu booqdo xabsiga markii
ugu horeysyey ee dhacda in wadaadka xabsiga lagu booqdo,sida ay ku waramayan
dadka laqaraabo ah Sheekh Max’ed Ismacil.
Sheekh/Ganacsade Udhashay Gobolada Puntland oo
saaka lagu
xidhay xabsiga Hargaysa...
Warar ka naga soo gaaraya xarunta maamulka
lamagac baxay Somaliland ee hargaysa ayaa sheegaya in Khamiistii halkaasi lagu xiray
nin wadaad ah, ahna ganacsade oo u dhashay gobolada puntland gaar ahaan gobolka Sool....
Ciidamada CID da ee Hargaysa ayaa la sheegay
inay Khamiistii aroortii hore kala baxeen hotel uu daganaa wadaad lagu magacaabo
Sheekh Abshir Adan Maxamuud oo ka soo jeeda magaalada laascaanood ..
Ciidamada CID da ayaa la sheegay inay ka shakiyeen
wadaadka/ganacsadaha isla markaana ay su'aalo waydiinayaan ,
Abshir Aadan Maxamuud ayaa had ku
xiran saldhiga dhexe ee bartamaha magaalada hargaysa , dad eheladiisa ah oo ku
booqday xabsiga ayaa taliyaha saldhigu usheegay in aan la arki karin ilaa
ciidamada CID du ay howshooda ka dhamaysanayaan ...
Lama oga sababta dhabta ah ee ay ciidamada
Maamulka riyaale u xireen Abshir Aadan balse waxaa indhowaaleba ka socotay
magaalada hargaysa howlo lagula dagaalamayo culimada cilmiga u leh diinta
islaamka iyo sunaha nebigeenii (SCW) Iyadoo ay culimada ku xiran xabsiga
hargaysa ay dhamaantood kasoo wada jeedaan soomaalida kale ee aan ahayn reer Hargaysa ,taasoo lagu qancinayo qabshadooda iyo jir dilkoodaba dowlaha reer
galbeedka ah siday Somaliland u hesho aqoonsi calami ah.
Maaha markii ugu horaysay ee ay ciidamada
Somaliland gaar ahaa ciidanka ay CID ee ay soo tababarto
Ethoipiya ay xadgudubyo ugaystaan wadaadada Somalida ah , dhowaan ayay ahayd
markii la shaaciyey cajaladii fadeexada wayn keentay ee ay ciidanka CID da
Hargaysa ay sida arxan darada ah ay u garaacayeen sh maxamed sh,ismaaciil ,
dhibaatada jirdilka ee loo gaysanayo culima,udiinka soomeeliyeed ayaa dadka
qaarkiis ku macneeyeen inay tahay tababar gaar ah oo la siiyey ciidanka CID
Somaliland oo ka dhan ah muslinka ayaa keenaysa arxan darada lagu jir dilo
culimada ,halka dadka qaar sheegayaan inay tahay sirdoonka Ethoipiya oo
saldhigyo milatari ku leh magaalada Hargaysa.
Muuse Maxammud Jiisow
Musejisow@hotmail.com
Muqdisho somaliya
002521576666/002521653623
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2006
»GABAY:::
HURGUMO: tiriyey Mursal Siciid Cali Waraabe
»Daahir Riyaale oo loogu Baaqay Siidaynta Culimada
»GABAY::
Gumaad iyo Gedood | C/naasir
»KULMIYE
Iyo Jawaanow Intaa Waa La Idiinka Han Weynaa
»Siyaad
Barre iyo Somaliland ha loo Garsooro!!
»Xildhibaan
Maxamed Jaamac oo Eedeeyey Wasiirka Daakhliga
SL
»DULMIGA
MAAMULKA SOMALILAND | Faysal
»Warsaxafadeed
Wasaaradda Arrimaha Debeda ee Somaliland
»GABAY:::
Ceelkii Hargaysaad | Dhagaafe
»Gabay:
Sheikh lagu silac-dilyeeynayo Xabsiga Hargeysa |Dailaaf
.Warsaxafadeed: Wasaaradda Arrimaha Debedda ee SL

|