SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA  - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

SAMSAM::: 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |



Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

Tacadiyada xabsiga Hargaysa ... daawo sawiro naxdinleh oo laga soo qaaday jeelka hargaysa -

Sept 21, 2006


Sawirka: Shiikh Maxamed Shiikh Ismaaciil)

Documentigan  ayaa ka xogwaramaya xaalada jeelka hargaysa iyo dadkii lagu eedeeyey in ay argagixiso yihiin waa sida uu maamulka lamagac baxay Somaliland ku tilmaamay.

Documentigan ayaa waxa ka muuqda wadaado ku xidhan jeelka hargaysa oo sixun loo garaacayo, jidhdil foolxun ayaa lagula kacayaa wadaadan, Qoorta iyo Macdanta ayaa koronto lagag hayaa sida filimkan ka muuqata . 

Waxaa ka mid ah wadaadadan la jidh diloyo sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil oo ah wadaad hargaysa u dhashay .

Shiikh Maxamed Ismaaciil waxa uu ku dhushay magaaalada Hargaysa sanadku markii uu ahaa 1959 kii , waxbarashadiisii quraanka, dugsiga hoose, kandhexe iyo ka sareba waxa uu wadaadku ku qaatay magaalada Hargaysa . 

1986 waxa uu ka baxay oo uu dhamaystay Jaamacadda Muqdisho kuliyadda Xnaanada Xoolaha.

Markii dawladii Soomaaliyeed burburtay waxa uu shiikhu kamid ahaa dadwaynihii Soomaaliyeed ee barakacay, waxana uu shiikhu bilaabay in uu shiikhu dadka baro culuumta shareecada islaamka .

Sanaddii 1995 teer iyo 1998 waxa uu shiikhu macalin ka ahaa Macadkii Islaamiga ahaa ee Ceerigaabo.

Sheekhu waxa uu ku soo bartay cilmiga loo yaqaan (saykoolajiyadda) .

Wakhtiyadii u danbaysayna shiikhi waxa uu ku caanbaxay soomaaliduna ay ku taqaanay in uu dadka ku daaweeyo Dibiga Islaamika dhirta daawada leh, oo waxa uu shiikhu hargaysa ka yagleelay xarun cilaaj oo balaadhan .

Hadaba jidhdilid xoogan ayaa sheeka iyo asxaabtiisaba loogu gaystaa jeelka hargaysa . 

Muuqaaladan ku lifaaqan warkan waxay muujinayaa sida ay askartu u jidhdilayso wadaadka . 

Waxaa kamid ah culimada kaleeto ee jeelkaa ku xidhan ee ciqaabta loogu gaysto.

  • Maxamed Maxamuud Nuur .

  • Daa’uud Saalax Iidle Cilmi

  • Jaamac Kuutiye

  • E.G Axmed Cilmi

  • Indhacadde - Oo isku dayey in uu jeelkaa ka baxsado, laakiin ay isuuroobi wayday-

  • Muuse Cali Yuusuf oo isga naafo culisi ay gacmaha ka soo gaadhay cadibka lagu hayey awgood.

Isku soo wada duub oo Shiikh Maxamed Shiikh Ismaaciil iyo ragiisa in la ciqaabo oo jidhdil loo gaysto waxaa Somaliland kaga danbaysa Itoobiya, hadaba toloow aayaha danbe ee ragani muxuu ku danbayn doonaa? Ma xabashi baa loo dhiibi doonaa, kadibna maraykan oo hoygoodu waxa uu noqon doonaa jeelka naxariista daran ee Gontanaaba bey?

Mise dheehdoow, ragan ahlu diinka ah xukuumada Hargaysa wadadooday u banayn doonaan ?

Shacabka reer Somaliland iyagu ma raali bay ka yihiin waxyaabahan foosha xun ee lagula kacayo culimadooda ?

mise shacabku way ka diirilahaayeen oo waa shacab muslin ah, ee maba dhaadana xaqiiqda dhabta ah ?

dheehde bal dhab u fiirso sawirada oo dhimiradaada la kaasho !!!!!!!!!!!!!!!!

Waxaa nasoo gaarsiiyey:
Tawakal | uaabdm@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD