XABSIGA HARGAYSA MA WAXA UU NOQDAY GONTANAABABEYGA
SOOMAALIYA ?
Ale ayaa mahad leh nebigeeniina amaan iyo nabad
gelyo korkiisa ha ahaato.
Intaa kadib walaalahayga islaamka ahow meel
kasta ooaad joogtaanba waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka
Assalamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu..
Akhyaarta sharafta leh saan cinwaanba uga dhigay
qoraalkaygan ,maalin dhawayd aniga oo iska daalacanaya webabka soomaalida ayaa
waxa iga soo horbaxay dhacdo fool xun oo intaan aduunkan saarnaa khaasatan
wadankeena aan isoo marin taasoo igu reebtay wel wel iyo walbahaar, waan
aragnaa waxa lagu hayo ciraaq falastiin iyo meelo kale oo caalamu isalaama oo
jirdila kufsi xasuuq laakiin taas waxaad odhanaysaa waa gaalo dholkoodii xoog
kuqabsaday gaalna cadaawadiisa alaa inoo sheegay wax qarsoona maaha , laakiin in
dhulkaagii dad weliba islaam sheganayaa ay saas kuugu ciqaabaan welibana gaal
maxaad wax uga sheegtay laguu garaacaa waa shay aad looga naxo taariikhduna
qori doonto ,dhacdada aan arkay waxa weeyaan sheikh caanka ah soomaaliya gaar
ahaan gobalada s/l ayaa igu soobaxay cajal filima oo lagaraacayo oo lagu
garaacayo itoobiya iyo maraykan maxaad wax uga sheegtaa iyo su'aalo dhawra aan
kayaabay sida lo su'aalayo su'aalaha noocaasa sheekhaas waa sh/.max.ed sh
ismaaciil oo ah ninkaas aan idhiwaacaan welibana soomaalidu kutaqaan dawaynta
jinka iyo weliba acshaabta ama dibi nabawiga taas oo alle inbadan oo soomaaliya
ku anfacay aduunyada dacaladiisana looga yimaado Shiikh Maxamed Ismaaciil waxa
uu ku dhushay magaaalada Hargaysa sanadku markii uu ahaa 1959 kii ,
waxbarashadiisii quraanka, dugsiga hoose, kandhexe iyo ka sareba waxa uu
wadaadku ku qaatay magaalada Hargaysa .
1986 waxa uu ka baxay oo uu dhamaystay Jaamacadda
Muqdisho kuliyadda Xanaanada Xoolaha.
Markii dawladii Soomaaliyeed burburtay waxa uu
shiikhu kamid ahaa dadwaynihii Soomaaliyeed ee barakacay, waxana uu shiikhu
bilaabay in uu shiikhu dadka baro culuumta shareecada islaamka .
Sanaddii 1995 teer iyo 1998 waxa uu shiikhu
macalin ka ahaa Macadkii Islaamiga ahaa ee Ceerigaabo.
Sheekhu waxa uu ku soo bartay cilmiga loo yaqaan
(saykoolajiyadda)
Wakhtiyadii u danbaysayna shiikhi waxa uu ku
caanbaxay soomaaliduna ay ku taqaanay in uu dadka ku daaweeyo Dibiga Islaamika
dhirta daawada leh, oo waxa uu shiikhu hargaysa ka yagleelay xarun cilaaj oo
balaadhan .
Sheekhu waa aabe leh ilaa sadex xaas iyo caruur
maasha alaah ah ale hau barakeeyee .
Hadaba taariikhdaa yar kadib akhristayaaloow
muxuu yahay denbiga jirdilka intaa le'eg sida aad filimka ka arki kartaan
loogu gaystay sheekha sababku maraali gelin gaalo baa mase inoo ogyihiin
gaaladu cadaabka awliyada ilaahay .
Miyayna ogayn ragaas culimada cadaabayaa in
ilaahay agtiisa ay maqaam sare kajoogaan oo ale kitaabkiisa inoogu sheegin in
awliyadiisa aysan cabsi korkooda ahaanin aysana murugoonayn . ilaahayna dagaal
lagalayo qofkii awaliyadiisa dhiba sida nebigeenu scw inoogu sheegay sunada
, ilaahay dagaalkiisa ma hor istaagi karnaa .. waa maya hadaba ogow nin walba
oo dhiba ale awliyadiisa iyo dadka diintiisa wada in dagaal kaas ku sugayo
berina lagaaga baahnyahay saad uga bixilahayd waxan waa aduunyo ayaamaa
lajoogayaa waxaana fiican qofku inuu ciso iyo sharaf uga tago ee uusan katagin
isagoo ale caasiyey gaalona raali gelinaya.
Gaalo waxay tahay allaa inoo sheegay wax
qarsoona maaha .maahana haalku dhegyada gaaladu samaysatay eedhalanteedka ah ee
qof walba oo diintiisa faafinteeda u kaca layiraahdowaa arga agagixiso inaan
iska raacno indha la'aan islaam baan nahay inaan umada diinta gaadhsiinaa la
ina faray kuna taageerno cidii wada, maaha inaan gaalo kusoo hogaamino oo
dhibaataynta culimada gaalo sharaf kaga doono umada islaamkana maaha shay lagu
yaqaan arinkaas .
Hadaba waxaan baaq udirayaa dhamaan umada
soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan reer hargaysa saladiinteeda,
cuqaasheeda, culimadeeda, waxgaradkeeda, mutacalimiinteeda, haweenkeeda
,dhalinyaardeeda iyodhamaan cidwalba oo leh damiir islaamnimo insaaninimo inay
arinkan ukacaan oo wax kaqabtaan walaahay aakhiro waa la iswaydiinayaa inaan
eegano waxyaabahaas oo kale hadana iska daawano oo xitaa aynaan ka hadlin
iyadoo siyaabo badan arinkan looga hadlikaro ama loocaawin karo sheekhaas
iyodhamaan dadka kale eedulmiga u xidhan , aan bishan kacmo oo aamuska kabaxno
waayo inagana inaan caruurteena dhabta kuhaysano mafiicna isaga iyo intala mid
ahna laga xarimo inay caruurtooda lasoomaan oo laciidaan , hadana loogu daro
jirdil iyo garaac .subxaanalaah alaahul mustacaan , qofwalba oo damiir leh
oo insaaniyad ku jirto wax uu eegan karo maaha bal cajalkana ila eega ,,
weliba dadka qalbigoodu aad u jilicsnayahay taxadar muujiya aan uducayno in ale
kasiidaayo hadiiba ay naf ku jirto kolay cajalka isagoo dhacay baa udanbaysay
.. ilaahay islaamka iyo ehelkiisa ha xifdiyo daalimiintana ha ka qabto meel
kasta oo ay joogaan ,,,,
Waana idin wada salaamayaa dhamaantiin |
Video-ga ka daawo halkan...
Waxaa soo tebiyey
ustaad | shaafici1976@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Sept 27, 2006

